Magaalada Kismaayo oo ay gudaha u galeen ciidamada huwanta

October 1, 2012   //   Warar Somaali

Ciidamada Kenya kuwa Dowlada Soomaaliya ,iyo Raaskanbooni ayaa goordhaw si buuxda gudaha ugu galay qeybo badan oo kamid ah Xaafadaha Magaalada Kismaayo sida xaafadaha Calanley iyo farjanno. 

Askartan oo aad u tiro badan ayaa maalmihii ugu dambeeyay waxa ay ku sugnaayeen Hareeraha Magaaladaasi ,goordhaw ayeyna Si toos ah Ciidamadan gudaha ugu galeen Magaalada sida goobjoogayaal PN24 la hadashay ay u xaqiijiyeen.

Halbowlaha magaalada iyo goobo mucayin ah ayey ciidamadan isku ballaariyeen sida Warshada hilibka ,Xarunta Maamulka iyo sidoo kale Saldhiga Booliiska ee Kismaayo.

Ciidamadan ayaa sidoo kale la wareegay Garoonka Magaalada Kismaayo ,Dakada Magaaalada iyo Madaxtooyada Kismaayo sida uu goordhaw Warbaahinta u sheegay Maxamed Daahir Faarax oo kamid ah Saraakiisha Ciidanka Huwanta ee kusugan Kismaayo.

Ciidamada ayaana si feejignaan ah u baaraya goobaha ay hada galeen waxa ayna ka baarayaan walxaha qarxa hadii Shabaab uga tageen iyo hub sidoo kale ,waxa ayna Durbo bilaabeen in fariisimo durbo kasameestaan goobahaasi.

Xoogagii isaga baxay magaalada ee ALshabaab ayaa ku goodinaya inay dagaalo kharaar oo kudho oo ka dhaqaaq ah dhowaan ka bilaabi doonaan Kismaayo, iyagoo ku adkeysanaya inay xeelad dagaal uga baxeen magaalada oo ay ka talinayeen 5-sanadood.

COMMENTS

RSSComments (0)

Leave a Reply