Magaalada Qardho oo Koboc balaaran ka sameysay Arrimaha Bulshada [Maqaal+Sawiro]

May 31, 2012   //   Faallooyin, Warar Somaali

Magaalada Qardho waxay ka mid tahay magaalooyinka qadiimiga ah ee dalka Soomaaliya,waa magaalo ku taal dooxo,waxaana hareeraha ka xiga dooxooyin ku haboon dhul daaqsimeedka isla markaana bilic ahaan aad kuu soo jiidanaya.

Sideed sano ka dib markii ugu horaysay oo aan hawlo shaqo u tagay magaalada Qardho waxaa si wayn ii soo jiitay habsami u socodka waxbarasho,caafimaadka,ganacsi iyo dhismayaal oo hormar mug wayn ka samaysay.

Dulucda maqaalka aan u daa dago oo aan si kooban ugu eegi doono waxbarashadda,caafimaadka,ganacsiga,biyaha,barakacayaasha iyo korontadda.

Waxbarashadda

Magaalada waxaa ku yaala 24 dugsi oo isugu jira hoose,dhexe iyo sare,kuwaas oo ay wax ka bartaan arday fara badan oo isugu jira wiilal iyo gabdho.

Sidoo kale dhowaan waxaa magaalada laga hirgaliyay jaamacad lagu magacaabo Bariga Soomaaliya,waxayna noqotay jaamacadii ugu horaysay oo Qardho laga aas aaso.

Maamulka waxbarashadda degmadda Qardho ayaa ii sheegay in qiyaastii arday gaaraysa 10,000 ay wax ka bartaan magaalada,waxaana qaar ka  mid ah ardaydii ka qalin jabiyay dugsiyadda sare ee Qardho oo soo dhamaystay jaamacado ku yaala dalka dibadiisa iyo macalimiin aqoona durugsan leh ay barayaal ka yihiin magaalada.

Marka diiradda la saaro dugsiyadda,jaamacadaha iyo tiradda ardayda wax ka barata Qardho waxaa hubaal ah in magaaladu ay koboc mug wayn ka samasyay dhinaca waxbarashadda.

Caafimaadka iyo Ganacsiga

Qardho waxaa ku yaala cisbitaal wayn oo la aasaasay sanadkii 1960-kii iyo goobo kale oo caafimaad,kuwaas oo dadwaynaha ku nool Qardho iyo nawaaxigeeda u fidiya adeegyo caafimaad.

Inkasta oo goobaha caafimaad ee ku yaala ay dabooleen baahida qaar ka mid ah baahiyaha caafimaad,hadana hubaal in ay jirto baahiyo caafimaad oo dadweynuhu ay qabaan.

Dhinaca kale waxaa ku yaala magaalada suuq wayn iyo goobo kale oo ganacsi oo isugu jira meherado iyo carwooyin,kuwaas oo ay ka shaqeeyaan haween iyo dhalinyaro kala soo baxa nolol maalmeedka qoyskooda.

Inta badan dadka ka ganacsada Qardho waxay u badan yihiin haween ay ku tiirsan yihiin qoysas kala duwan,kuwaas oo soo saara adeega nololeed ee qoysaska ay u shaqeeyaan.

Waxaa la dhihi karaa magaalada Qardho koboc wayn ayay ka samaysay dhinaca ganacsiga marka loo eego halka ay joogtay sideed sano ka hor.

Magaalada ayaa u muuqanaysa mid u baahan malgalin ganacsi si shaqo abuur loogu sameeyo dhalinyaro fara badan oo ka baxay dugsiyo sare oo aan helin shaqo ay ku maareeyaan noloshooda.

Biyaha iyo Korontadda

Biyaha iyo korontadu waxay ka mid yihin adeegyadda bulsho ee aan gaarin heerkii loo baahnaa magaalada Qardho,laakiinse koboc aan miisaan waynayn ayay sameeyeen sideed sano ka dib.

Waxaa magaalada ku yaala laba ceel oo lagu kala magacaabo qubalagad iyo Qaawane,labadaasi ceel oo aan si rasmi ah u daboolin baahida biyo ee magaaladu ay qabto,waxaana magaalada mararka qaar ka dhaca biyo yari ka dib marka ay ciladi soo foodsaarto matooratadda ay ku shaqeeyaan ceelashaasi.

Sanadihii ugu dambeeyay waxaa biyo galin xoogan ka sameeyay magaalada hay’ada Hodman,arintaas oo nafis galisay dadweynaa ku nool magaalada qardho,waxaana la dhihi karaa hodman waxay timi xili baahi wayn loo qabay.

Adeega korontadu wuxuu ka mid yahay baahiyaha aas aasiga ah ee bulshadu ay u baahan tahay.

Magaalada waxaa ku yaala shirkad lagu magacaabo EENEEYE,taas oo dadweynaha siisa adeeg koronto.

Adeega korontadda ee ay bixiso shirkadda eeneeye ayaan hubanti ka dhigin baahida dadweynuhu ay u qabaan adeeg koronto oo dhamaystiran.

Bilicda

Dhismayaal deegaan iyo ganacsi ayaa si habsami leh uga soconaya magaalada Qardho,xilli maamulka degmadda qardho ay wadaan hawlo ay ku banaynayan wadooyinka muhiimka ah ee magaalada.

Waxaa gudaha iyo nawaaxiga magaalada ku yaala dhul doog badan oo indhaha qof kasta oo arka si wayn u soo jiidanaya,sidoo kale magaalada waxaa laga hirgaliyay beero waawayn oo loogu talagalay in kor loogu qaado bilicda magaalada Qardho.

Xilliyadda ay da’aan roobabku waxaa magaaldu ay marti u noqotaa biyo daad ah oo fara badan oo hakad galiya isu socodka gaadiidka,ganacsiga iyo dadweyna,sababtoo ah magaalada oo ku taal dooxo ayaan lahayn goobo muhiim u ah marinka biyaha qulqulata oo dhibaato ku ah bilicda degmada.

Waxaa xusid mudan in maamulka degmadu ay ii sheegen in ay ka go’aan tahay in ay sameeyaan goobo ay maraan biyuhu isla markaana ay ka faa’iidaysan doonaan mustaqbalka biyaha roobka oo aan si rasmi ah looga faa’iidaysan waqtigan.

Mustaqbalka dhow Qardho waxay heli doontaa jeel wayn oo lagu xiro eedaysanyaasha,sababtoo ah waxaa magaalada ka soconaya dhismaha jeel wayn oo qalabaysan.

Amaanka

Dhinaca amaanka magaalada Qardho waxa lagu tilmaami karaa mid ka mid ah magaalooyinka ugu amniga badan qaaradda Afrika,waxaana inta aan ku sugnaa magaalada si wayn ii soo jiitay amaanka magaalada oo kuu suura galinaya in xilliga aad doonto aad dhex socoto daafaha magaalada.

Amaanka magaalada waxaa si wada jir ah uga shaqeeyay dowladda,hogaamiye dhaqameedka iyo dadweyanaha oo ay ka mid yihiin qurba joog Qardho dib ugu soo laabtay.

Amaanka ka jira qardho ayaa horseeday in ay ku soo qulqulaan boqolaal dadweyne ah oo ka soo xagaa baxay kulaylka ka jira magaalo xeebeedka Bosaaso.

Dhinaca kale waxaa xusid mudan in magaalada ay ku nool yihiin boqolaal barakacayaal ah iyo ajnabi kale oo ka yimi dalal ku yaala Bariga Afrika oo ka helay nolal dhaanta midii ay horay ugu noolaayeen.

Gunaanad

Si kastaba magaaada Qardho haddii ay hesho wadooyin muhiim u ah biyaha roobka,maal galin ganacsi,kor u qaadida adeegyada kale ee  bulshadda,waxaa hubaal ah in Qardho shan sano ka dib ay gaarayso heer ay ku soo hirtaan guud ahaan dadweynaha Soomaaliyeed.

 

W/Diyaariyey: C/qani C/laahi Cabdi (Qalabad)

COMMENTS

RSSComments (31)

Leave a Reply | Trackback URL

  1. moh wellman says:

    sxbayaal marka koowaad waxaan leeyahay hambalyo shacabka reer qardhood iyo hormarka ay hada kawadaan magaalada taasna waa mid muqadis ah loogana baahan yahay cidkasta oo reer qardhood ah
    magaaladani waa magaalada ugu cimilada wanaagsan puntland iyo soomaaliya ba waa magaalo ku haboon xaga nolosha waaa magaalo shacabkeedu aad ugu sareeyo xaga waxbarashada waxaana dhihi karaa waa hooyada waxbarshada puntland.

    qardho hanoolaato hana hormarto

    markaana waxaan ka jawaabaya maqaal yar uu halkaan kaga hadlay inan walaalkay ah oo maangaab ah waxaana leeyahay sxb caqligaadu waa maskiin waana hooseeya ee misaaan iyo degenaansho dib us kugu calei faaladuna hamoodin cay iyo afxumo inay tahay

    TAN UGU MUHIIMSANAYA QARDHO IYADAA ISKA XAAL MARINAYSAAAAAA HADAL KASTOO MAANGAAB KU FAALOODO

    MAHADSANID

  2. caadi says:

    asc dhmaan waxan mahad balaaran u jeedinaya bahda waxbarashada karkaar waxan ku talin laha reer qardhood inay ka gudbaan qabiil iyo bah hebel ay qofka noqonaya masuulka la firiyo kartidisa iyo wax qabadkisa taasna lagu tixgaliyo lalana shaqeeyo hadi aan lawada shaqeeyn qof kali ah wax ma qabto taasu haday dhacdo waxa la gaaraya hori mar balaaran

  3. BOQOR CUMAR says:

    TO= WAACIYE BOY .
    WAXAAN HUBAA INAADAN UDHALAN WAACIYE OO RERKA DEGA WAACIYE CIDII DAJISEY OO UGU DEEQDAY DHULKAAS WA LAYAQAAN WAXAYNA UHAYAAN SHARAF HADANA WACIYE LABADA DHINACBA REERKAASAA KADEGEN TAASNA MAHILMAANTAY BOOWE WAA KUQARAABATAA WAACIYE REER WAACIYE MAAHIDE SHEEGO AMA QORO MEESHAAD UDHALATAY ,,,, HADII KALE MAGACAAGA SOO QORO BAL SIFA LAGUU GALO ADOO KALE WAXAA RABTAA IN LASOO CELIYO WIXII HORE,,,,,,,, BOQRKAAGA DIID AMA YEEL

  4. saraaxi says:

    quruxda qardhood habeenaan

  5. Taariikhda says:

    SC
    Akhyaarta caafimaadka iyo kuwa xanuunsan labadaba, maan jeclayn in aan sheego laakiin Waaciye Boy ayaa igu kalifay,waxaan leeyahay Waaciye,Xidda, Dalweyn iyo Juurile waa dhul aad Maal ku deggan tihiin hadii aad ixtiraam iyo Tolnimo,deegaanimo iyo Somaalinimo ku joogi waydaan waa la idinkala noqon oo buruc iyo bacaad ayaan ku laaban kulayl iyo Qushaashadow kugu dili, tankale taariikhda dib u raac xidaa ugu dambeysa meel la idin dejiyo iyadana warankii labada bilood ka taagnaa oo la yiri ninkii ka saaraa la arkin ma ilowday mise waad yar tahay oo laguuma sheegin.

    waxaan leeyahay dadku waa isku dad wada dhashay isdhalay, laakiin hadii la is qodqodo ogow dacar baa la Listaaye.

    History will never Lie.

    Salaama

  6. xaydar says:

    sc waxaa mahad leh ilaah kadibnah wabsitkaan iyo wariyag qardo wan jecenahay waxaa leeyahay Dadka wax bartay haku laabteen qardo iyo dadka maalka hastah markaas ban hormaraynaa

  7. Puntlander says:

    NINkA WATA MAGACA CIRSANKAYEER WALAAL SIFIICAN AYAAD U HADASHAY WAX FIICAN AYAANA NOO TILMAANTAY ILAAHAY HA KAA AJARSIYO WAARUNTAA OO WAXAA LAGA YAABAA IN UU NINKANI MAGACA KU BEEN ABUURANAYO XATAA HADAY JIRTO OO UU MAGACA UU WATO UU YAHAY WAA MID SHAQSIYAN ISAGA U GAAR AH MA AHA IN DAD DHAN OO SHIIKH IYO SHARIIF LEH IN NINKAAS XANUUNSAN LOO QABTO ANIGA SHAQSIYAN HADALO AYAA IGA TAGAY MARKA WAA IN RAALI LAYGA NOQDO ILAAHAYNA IN UU DANBIGAAS IGA CAFIYO AYAAN WAYDISANAYAA MAXAA YEELAY ILAAHAY WAXA UU YIRI UMADAYDA ANIGA AYAA ABUURTAY EE INABADGALIYA RUUNTIINA WAA MARKII IIGU HORAYSAY OO COMMENT KHALAD AH IYO EREEYO AAN ANSHAXA KU HABOONEEN AAN QORO BINI AADAM AYAANA AHY OO ILAAHAY AYAA KHALDAMIN WALAALAYAAL WAANA IN LAYS CAFIYO AN SHAXA QORAALKAN LA DHOOWRO DADKUNA MEEEL MAKALA JIRAAN OO WAA DAD WALAALO AH WAAD MAHADSANTIHIIN

  8. dangarad says:

    nasiiib daro wxaa ah in qof aan dulka iyo sida loo kaladago aan aqoon uu comment ku bixiyo in qardho jifi dagto , adr qrdho waa magalada kliya oo kudhawaad 20 qbiil oo kladuwan daganthy ee adr hdaadan wx kala granyna abaha hduu nool yahy soo waydii magaraty ama qofkii waaya arg ah oo aad is leedahy wax ayuu kayaqaanaa dhulka iyo sida lookla dago

  9. caadi says:

    asc dhanka kale masha alaah guusha uso hoyatay magaalada qardho guuleesta walaayaal siina wada wax qabadkina wanaagsan waana wax laydinku xasuusan doono taariikhi ah iyo dhamaan gobolka karkaar guul iyo walaalnimo cirsankayeer sidu sheegay waxa jirah dad magaca magaaloyinka sheegta si ay isugu diraan walaala wada yaal oo wiil iyo abtigi ah

  10. caadi says:

    asc dhamaan walaalaha walaayaal reer waaciye iyo reer qardhood waa mid waa dad walalo ah oo is dhalay ilahay ka cabsada dadka magacyada sita waxan u malaynaya ineeyan aheen reer waaciye ama reer qardho waana dad iska horkeenaya dadka walaalaha ah waxan idin leeyahay ka wantooba isku dirka dadka wada dhashay wabilaahi towfiiq

  11. yusuf says:

    qardho weligeed magaala ma noqoneyso, waa qoryacad iyo xorgoble waana magaalo hal qoys ala yaa qariib u daran

  12. cirsankayeer says:

    warcaayda reer waciye iska joojiya dad raba in lacaayo reerka dega ayaa qaadanaya magaca soo ma ogid in aad waxaa rabto magac ahaan qaadan kartid bal hadaan qaato magaca isku shuban,bayla ama sheerbi oo caayo qardho ka warama intaba reerku dego soo dhexdiina ka qarximeeyso marka nin wata magac beel ama mid magaalo yaan loo jawaabin .

  13. boosaaso says:

    inan ku meed isqarinaaya oo caloosha nabar nacayb kaka jirto
    lalama hadlo waaciyana ha sheegan dad sharaf leh baa degan waxaa tahay sheego mise waad ka xi shoon in lakula yaabo ayaad ka cabsan

  14. xida says:

    waaciye iyo qardho dad baa wada lehwaxaa hadlaayaa muxuu yahay ninka waaciye sheeganaayaa waa nin isqarinaayaa nacayb badana ku jiro ala yaa caafi

  15. Ciyaalkan mesh ka niic leh war qardho iyo waaciye maxay idinku kala sokeeyaan wuxuba sow dhulka uduga ma ahan aderayal naga xishoda kalana xishoda mesha umad badan baa so boqonayse waa ceeb jaqjaqduye

  16. Masha allah .allaha u siyaadiyo. Pnews24. Thanks ila aderayal. Hal kaas kawada o umada u so gudbiya wararka ka hadlaya horumarka iyo bilicda dalkeena o dhiiri galinaya dal jacaylka iyo wadaninimada. Hal kaad ka soo dayn lahayden warar dhiilo iyo kicin xanbaarsan

  17. ismahaan says:

    asc,walaal waxaa ilbaxnimo xumo ah in qof cabiray ra’yigiisa lagu goobto,waxaan la yaabanahay dadkan ku goobtay ninka wata magaca waaciye, fikiirkiisu wuuu qaldanaankaraa, lakin la iskugu tago maaha mida kale dhamaantiin waxaad ku qaldantihin waa is wada aflagaadaynaysaan oo is wada caayaysaan saas looma doodo loomana cabbiro ra’yiga,waa la is khilaafi karaa.lakin maaha in qaabkaas liita loo dooodo,waxaan u malaynaya ninkaas inuu ini kaa raayay maadaama idnka wada hadliyay,nin raga ah dheh,kkkkkkkkkk

  18. DEEQO says:

    war waaciye yaan lagu danbaabine iska dhaaf e qardho wxay tahay cidna looga jawabi mayo mida kale thnks for puntlandnews24.com wxn kaloo leeyahy thks GABAR SOMALLIALAND wxnu ka qadny slndta wnuna kuslamin.

    VIVA QARDHO AND ALL PUNTLAND.

  19. karkaar boy says:

    NINKA LABAXAY PUNTLANDER IYO GABADHA IYADUNA TIRI GABADH SOMALILANDER AH IYO KUWA KALE EE LA FIKIRKA AH WAXAAN IDIN LEEYAHAY WALAALAYAAL

    ISKA DAAYA WAXA AAD KUDHAQMEYSAAN OO AH ERAYADA XUN XUN EE AAD DADKA WALAALADIIN KU SHEEGEYSAAN SIDA INAN GUMEED WAR INAN GUMEED WAXAA AH NINKII JANADA LAGA WAAYO EE ADUUN IYO AAQIRABA QASSAARAY IYO ERAYGA KALE EE SIDA XAQIRAADA AH LAANGAAB WAXAAN UAQAAN QOFKII DALKIISA IYO DADKIISA DAYACA OO DADKIISA CADOWSADA AMA LIIDA ISAGUNA ISUHAYSTO IN UU WAX YAHAY OO SHANTA QAARADOOD EE ADUUNKA KU BAHDILAN OO LOOMA OOYAAN LOOGA BIXIYAY SOUTH AFRICA MARKA GOBANIMO WAXAY KUJIRTAA AMA XALKU WAA INAGOO KU DHAQANA ISLANIMDA OO WALAALADEENA KALENA AANU SOO DHAWEYSANO AANAN AFLAGAADADA CADAAWADA DHALINEYSO LAGA FOOJIG NAADO INTAA WAA IGA TALO.

    WALAAHI INAN GUMEED IYO LAANGAAB SOOMAALI KUWEENA ISKU HAYSTA IN AANU NAHAY LAAN DHEER AYAA UGU LIITA OO SHANTA QAARADOOD EE ADUUNKA KU BAHDILAN TAASINA WAA CUQUBADA LAGA GALAY WALAALDEEN ALLE WAA CAADIL

  20. Jeejniya says:

    Waciyow adiga hadalba kuma banaana maxa yelay wxaad wadata tulu yar oo cariishyo u badan kkkkkkkkkkk mirkasaad qardho wax ka shegaysa dufow dufow dufow

  21. talo sojedin says:

    asc waxan aad idin xasusin laha in layska ilasho magista magaloyinka qardho iyo waciye wa laba magalo oo dad islehi degan yihin tii hormartana wana farxad gelinaysa lakin cadifada hala yareyo ilahayna halaga cabsado wsc

  22. Baashane says:

    Waciye dishiishe yaan looqaban wuuna kaftamayaa marka kaftanka yaan laga xanaaqin tol iyo ehel waxwalbaa laysku yahay doon beynu wada saranahay viva Qardho xido waaciye Bosaso sheerbi all of them

  23. QARDHOO QUMAN BAAN KAQALINAYE MAHADAAN GALAY QAMU QOOYSEN RER QARDHOD WAAN IDIN SALAAMAY QARDHADI HORE WAXAAY AHAAYEN DAD ILBAX AH DAD KANA KA DHEX MUQDA EE QARDHADA DANBAY ISMUUJI BOQORTOOYADU HANOLATO WAR LANGAABKOW KUDABA FAAYLA BOQORADIINA MANSHA ALAAH QARDHO

  24. Puntlander says:

    KAN WAACIYE SHEEGANAYA OO INA GUMEEDKA AH OO AAN ISTAAHILIN IN LOO JAWAABO MAALIN WALBANA CEEYDA REER KAMUDAN SHAQADA KA DHIGTAY ADEER AMA JIFI HA DAGTO AMA QABAA IL KALA DUWAN ADAGEEN ADIGU SOO MA OGID IN AAD TAHAY INA GUMEED ANIGA IGU HOOS NOOL MASE OGTAHAY OO AWOOWAYAASHAA MA KUU SHEEGEEN MARKII SANAAG LAGAA SOO ERYAY SIDII AAD KU SOO DAGTAY XAAFADA KA MIDA BOOSAASO IYO LABADA TUULO EE XIDA IYO WAACIYE EE UU BOQORKII DHULKAN QAA IBKA KA AHAA UU YIRI WAA NIMAN TOLE HA INALA DAGEEN MARKA SOO MAHABOONA IN AAD WAX ISKULA HARTID OO AAD XISHOOTO KOLBA CUQDADAN IYO XANUUNAKAN GOD AYAA LA GALEETSAAYA MASA OGTAHAY REERKA AAD SHEEGANAYSO INTA U ILBAXSAN IN AY QARDHO DAGAAN MIDA KALE REERKA AAD KA DHALATAY WAXA AY AHAAYEEN DAD MASAAKIIN AH DADKA AY LA DAGAAN IXTIRAAMA EDEB LEH LAAKIIN HADA TII WAA ISBADASHAY OO ADOO KALE OO AKHLAAQ XUMO LAGU SOO KORIYAY AYAA BADALAY MARKA ADEER WAXAAN KUU SHEEGAYA MAAH MAAH AYAA AHEEYD DAMEER AAN FUSHANAHAY MAXAY DHUUSADIISU IYEELIN MANA MUDNID IN AAN INTAAS OO WAKHTI AH KUGU LUMIYO MARKA ADEER WAA IGA WAANO EE BAL INTAAD XISAAB TANTO DANAHAAGA CAADIGA AH KARAACO OO KA WAANTOOW CAYDO QABAAILKA AMA SHAQSIGA AH EE AAD CAMALKA KA DHIGATAY MAXAA YEELAY COMMENTIGA OO KUGU ARKABA DAD KAA MUDAN AYAAD DACALKA HAYSATAA HALEEYGA RAALI NOQDO HADDII AAN DANBAABAY ILAAHAYNA CAFIS AYAA WAYDIISANAYAA WAAD MAHADSANTIHIIN

  25. waciye@hotmail.com says:

    waryaa kaagan wata magaca MASHAA LAAH jaahih ba tahey mahada kentey in aad ku qarabato magaca Ilaahey adigo qabilo cayay in ey dintu idin karin waliba dadka ad udodeyso gaar ahaan halkaas a cadey u ah jahil wadad galeideda lagu so koriyey ba tahe ibun xarana dhig magaca alleku khaniiska wata magaca alle ku qarabnaya anigu qo qadi mayo adeer yaad saran tahey so ma tihid ninki ku cabdayey rer waciye duqa bosaso lama siinkaro afki ba jabqada igaleyna laga dhigey maxad sarantahey adigeey hadu kula tagtey dhuliyhoow oo hadba odey walan meel uwada ooleh madax bu iyahey dhameer lasaran yahey ba afka kaga dhegtey kawaran hadad wax isu aragto lkn bisad okale dadka adan uga duwaneyn midedad kale in aad jaahil tahey an ilaah iyo rasuul midna aqoon magaca

  26. QARDHAAWI says:

    Aad ayaa ugu mahad san tihiin warbixinta quruxda badan macaan ee aad naga siisen magaallada qardh hadaa tihiin bahda pl24 aad ayaana idiinku bogadineynaa ! Mida kale waxaan idinka codsanayaa in aad noo soo galisaan sawiro qurux badan oo aad soo qadeen-

    Kubo iyo ceelmur oo doog ah. Waa codso fadlan.

  27. xaydar says:

    dishiishe waagay maxmud saleban bosaaso kasaareen cali saleebaan baa vkafiil ka noqday hadana waa faanayaan kkkkkkkkkk

  28. wiil qardhood ah says:

    masha allaah waan soo dhowaynnaa horu marka ka socda malaada qardho waxaan leeyahay wada horu marka i love qardho aad iyo aad baan u jeclahay si gaar ah u xeeseeyaa qaryadac xingaad

  29. kaka says:

    waciye adeer cuqdad iska saara haday feeraha baad ka jiran tahaye

  30. masha allah says:

    waciye adigu xageed leedahay? qardho iyo dadkeedaba waad kuwaaalatay, laakiin dameer lasaaranyahay ayaad tahay.

  31. waciye@hotmail.com says:

    kkkkkkkkkk qardho bu ku leyhey meel jifo degto weyeen hadey hor mar ledahey hal hayad lagama wayeeeen dadkuna habenk inta ey toshashkoda qatan gortey qoraxdu dhacdo lamaiga ma galeeeeeenkkkkkkkkkkkkk
    aderayaalow nagadaya saxdafada

Leave a Reply