Magaalada Qardho oo lagu soo gebagabeeyey Nadwadii Sagaalaad iyo bayaan laga soo saaray {Sawiro}

July 4, 2012   //   Warar Somaali

Magaalada Qardho ayaa lagu soo gabagabeeyey Nadwadii Sagaalaad, gunaanadkiina waxaa laga soo saaray bayaan.


Nadwadaani oo lex habeen ka soctay magalada Qardho ayaa waxaa laga soo jeediyey Muxaadarooyin kala duwan kuwaasi oo ku saleysan wacyiga ka jira somaliya,kadib dhamaadkii nadwadaani ka socotay masjidka Cumar Binkhadaab Qardho ayaa waxaa laga soo saaray bayaan ku aadan nadwadii Qardho.
Halkaan ka akhriso bayaankii Nadwadii oo dhan.
Bayaanka Gunaanadka Nadwada 9-aad ee ka Dhacday Magaalada Qardho 02/07/2012.
Ilaah baa mahad leh, nabadgelyo iyo Naxariis Nabigeennii Muxammad ahaa, eheladiisii, asxaabtiisii, atbaacdoodii iyo intii wanaag ku raacday tan iyo qiyaamaha dushooda ha ahaato. Intaa ka dib waxaan Ummadda ugu baaqaynaa arimaha soo socda:-

1. Dastuurka Ummadda

A) Waxaan ummadda ugu baaqaynaa in Dastuurkoodu yahay Kitaabka alle iyo Sunnada nebiga wixii khilaafa labadaas asalna uu dastuur Baadil ah yahay.

B) Waxaan Ummadda ugu baaqaynaa inay ka fogaadaan ku dhaqanka wax kasta oo diintooda ka hor imanaya kana yeelan Dastuur dhaqan.

C) Waxaan umadda ugu baaqaynaa inay diidaan dastuur kasta oo khilaafsan Dastuurka ummadda Muslimiinta ah oo aan waxba ka tegin lagana digtoonaado Dastuurada caqliga baniaadamku fekeray oo jaahwareerinta badani ku jirto.
2.Dacwadu Waa Mas,uuliyada qof walba oo muslim ah laga rabo
A) Waxaan usoo jeedineynaa dadka ku abtirsada dacwada salafiga ah inay ka run sheegaan qaadashada kitaabka iyo sunnada, kuna dhaqmaan manhajka Salafka caqiido ahaan, cibaado ahaan, dacwa ahaan iyo akhlaaq ahaan intaba.

B) Waxaan ugu baaqaynaa dulaabta barata cilmiga sharciga ah inay uga faa,idayaan cilmigooda ummada xilna iska saaran gudbinta dacwada salafiga ah.

C). Waxaan usoo jeedinaynaa dhamaan dadka muslimiinta inay iska kaashadaan kor u qaadista diinta Islaamka iyagoo adeegsanaya Maskaxdooda & maalkooda labadaba.

D)Waxaan ugu baaqeynaa culimada iyo ducaadda inay xoojiyaan faafinta manhajka salafka Dhinaca dacwada, ka fogaanshaha gaalaysiinta muslimiinta iyo xoojinta inay dhalintu ku xirnaato culimada.

E)-Waxaan caddaynaynaa in gaalaysiinta muslimiinta iyo bannaysiga dhiiggoodu uusan waafaqsanayn waddadii nabi Muxamed (scw), taas oo ah mid uu ummaddiisa uga sii digay, isla markaana aan waafqasanayn dhaqankii salafka iyo culumada muslimiinta. Shacabka Soomaaliyeedna waxaan uga digeynaa inay ku dagmaan afkaartaas khatarta ah.

F)-Waxaan ugu baaqeynaa dadka ku hawlan faafinta dacwada inay xoojiyaan walaalnimadooda, iskaashigooda iyo midaynta mawaaqiftooda, isla markaana ay si gaara isaga kaashadaan xal u helista mashaakilka ummadda haysta.

3. La dirirka Dhaqamada xun xun ee Ummadda kusoo badanaya.

A) Waxaan Umadda ugu baaqaynaa inay ka fogaadaan dhaqamada xun xun ee Sharcigu xaarimeeyey ku dhaqankooda sida sinada, Khamriga, Qaadka , Burcad badeednimada iwm.

B) Waxaan umadda u cadaynaynaa ku dhaqanka dhaqamada xun xun inay yihiin halaaga ummada lagana dhaxlayo caaqibxumo ummadaasi ku dambayso.

C) waxaa ummada u sheegaynaa inay waxyaalahaas shareecadu xarimtay cid kasta oo samaysana la kulmayso ciqaab rabbi.

D) Waxaan Umadda usoo jeedinaynaa in meel looga soo wada jeesto suulinta Dhilaysiga oo keentay Dhibaatooyin fara badan iyo weliba cuduro aad u faafaya sida cudurka AIDSka oo goboladan tiro badan lagu sheegay, Burcad badeedka iyo waxyaalaha caqliga Dooriya sida Xashiishada , Khamriga iyo Qaadka oo deegaanka aad u Saameyey keenayna fasaad badan sida dilalka iyo fowdada.
4. Ka hortegista leexashada dhinaca Caqiidada.
A) Waxaa ummadda ugu baaqaynaa inay bartaan kuna dhaqmaan caqiidada AhluSummah wala jamaaca ee Saxiixa kana fogaanaadaan Bidacda iyo khuraafaadka aan diinta islaamka meelna kasoo gelin.
B) Waxaan ummadda ugu baaqaynaa inay ka fogaadaan xadgudubka diiniga sida gaalaysiinta ummadda Islaamka, xadgudubka xafladaha loo sameeyo nebiga Iwm.
C)Waxaan ummadda ugu baaqaynaa ku xirnaanta culimada Xambaarsan caqiidada saxa ah iyo ka fogaanshaha hawo raacnimada.
5. Ilaalinta Deegaanka iyo masaalixda Caamka ah.
A) Waxaan ummadda ugu baaqaynaa ilaalinta deegaanka sida ka fogaanshaha gubida Dhirta, Seeraysiga iyo Xirida wadooyinka.
B) Waxaan ummadda ugu baaqaynaa in meel looga soo wada jeensado dadka yar ee dhibta ku haya deegaanka sida gubida Dhuxusha, Jarida cawska Iwm.
C) Waxaan Ummada ugu baaqaynaa in la ilaaliyo Bilicda magaalooyinka oo ay ugu horeyso in laga ilaaliyo wasakhda meel walba la dhigayo iyo wadooyinka la degayo ama lagu xirayo Dhagxaanta iyo ciida aana lahayn meel la maro.
D) Waxaan Ummada ugu baaqaynaa in laga fogaado ugaarsiga Duurjoogta sida Gorayada, Juglayda , Sagaarada iwm iyadoo aan baahi loo qabin.
6. Amnigu waa nolosha Bulshada:
A) Waxaan ugu baaqaynaa Maamulka iyo Dhamaan dadweynaha reer qardhood inay meel uga soo wada jeestaan cid walba oo lid ku ah amaanka deegaanka.
B) Waxaan u cadaynaynaa ummada in amnigu yahay tiirka nolosha Bulshada una baahan yahay in Ummada oo dhami hagaajintiisa iska kaashadaan.
Gabagabo:
Gabagabadii waxaan Ilaahay ka baryaynaa in uu diinta inaku sugo, ummadda Soomaaliyeedna ka dulqaado dhibaatooyinka muddada dheer ku habsaday, uuna waafajiyo danahooda adduun iyo aakhiro. Allow amiin… Aamiin Culimada Ka qaybgashay Nadwada:
1. Sh. Xasan Maxamed Muuse (Xasan Bookh)
2.Sh. Maxamuud Sh. Axmed Xasan
3.Sh. Axmed-Daahir Xasan Xuseen
4.Sh. Maxamed Macalin Axmed
5.Sh. C/naasir Xaaji Axmed
6.Sh. C/qaadir Nuur Faarax
7. Sh. Cali Maxamed Cali
8. Sh. Axmed Yuusuf Daad
9. Sh. C/qaadir Yaasiin Maxamed
10.Sh. Maxamed Ismaaciil Foodcade

Puntlandnews24 Qardho

COMMENTS

RSSComments (7)

Leave a Reply | Trackback URL

  1. cabdallah says:

    rabbi ayaa mahad leh inoo fududeeyey nadwadan wxaaana rajaynayaa in allah umadda ku anfaco.intaa kadib ogaada qardho waa cabanaysaa waxaana kamuuqda welwel iyo walbahaar waxaan weydiiyey qardhoy maxaad gocotay oo galangal kuu qaaday waxay tiri cabdiyow magaalooyinkii aan hogaamin jirey oo idhaafay ayaan arkay hadaan wax eegay waxaan ogaaday in meesha laygu dhaafay ay tahay dadkaygii dibadaha aaday oo aan dib ii xasuusan,waxaan leeyahay dhankaad iga xigteen baa xagaa iiga soo dhacay,ogaada waxaan ahay hooyo aan la ilaawi karin,war hoy tashada oo isku xirma dibad iyo gudaba war yaan cid laygaga guurin waxaan idinka sugayaa war dhaqsoleh,

  2. ABDIRAHMAN says:

    mashallah inshallah qardho waxaan u rajaynayaa hormar dhan kasta leh dhan dacwo iyo dhankastaba aamin

  3. mahad abdi says:

    allaah ha inaku anfaco wacdiga iyo khayrka
    waanadu waxay anfacdaa muuminiinta
    tankale walaal c/khaaliq naftaada ayaa lagu
    raaciyey nina wax haka sheegin maxaa yeelay adigu ma tihid raqiib iyo catiid ee waxaan
    kuugu nasteexaynayaa qofkasta allaah ayaa xisaabinaaya ee adigu naftaada xisaabi allaahna kabaq insha allaah

  4. Maansha ALLAAH, Marka hore waxaan ILAAHEEY Kabbaryayaa INUU Ka dhigo Middii Wax lagu qaadto Culimada qaarkeedna Ajar aan la soo koobi karin ka siiyo, maxaa yeelay Cabdulqaaddir Yaasiin Maxammad isagaaba cunah agoonta xaqeeda marka yuu wax u sheegayaa? Horta isagu ha isa soo nadiifiyo hana iska daayo bidcanimada, xaaraanta iyo isku dirka dadka cafisna ha weeyddiisto ILAAH iyo aadanaha uu dulmiyey. Nabadgelyo.

  5. Cajaaib says:

    Maasha Alah!!!!

  6. bosaso city says:

    maansha allah rag waaweyn oo caana baa jira aqoon diimeyd na allah ku ugu deeqay sida sh.c/qaadir nuur farax illaahay ha noo xiftiyo culimada kuwii wanaagoda qatana ha naga dhigo

  7. daljire says:

    maashaa alaahu culumada nadwada kaqaybqaatay iyo soo qabanqaabiyaashaba allaha ka abaalmariyo

Leave a Reply