Magaalada Qardho oo lagu soo gabagabeeyey Tartankii Xiftinta Qur’aan Aqriska (Sawiro)
August 8, 2012 // Warar SomaaliMunaasabad si heersare loo soo agaasimaya oo ay ka soo qeybgaleen intabadan macalimiinta Dugsi qur’aanada Magalada Qardho,waalidiin,Culama’udiin ayaa lagu qabtay Masjidka Cumar Binkhadaab ee Magalada Qardho,waxaana maanta abaalmarino la siiyey ardaydii kaalmaha ka gashay Tartankii Qur’aan akhriska ee muddo todobaad ah ka socday Magaalada Qardho.

Tartankaan oo ka mid ah tartamada sanadwalbo loo qabto ardayda wax ka barata Dugsiyada Qur’aanka ku yaalo magalada Qardho ayaa sanadkaan si weyn ugu badalnaa sanadkii Hore Maxaa yeelay ardaydii ka soo qeybgashay Tartankaani ayaa inta badan si wanaagsan u akhriyey ayaayadihii la weydiiyey,waxa ayna gudiga Tartanka ku tilmaameen in sanadkaani tartamayaasha Qur’aan akhriska ay la soo baxeen Fir fircooni aad u heersareyso taas oo yareeysay in ay ay gafaan ayaadihii qur’aanka oo la weydiiyey,waxaana arintaani siweyn loogu mahadceliyey Macalimiinta ku dadaashay in ay soo saaraan Ubad xifdisan Qur’aanka kariimka.

Ardaydaani ayaa waxa ay ku tartameen 30Jus 20Jus iyo 10ka jus waxaana kaalmaha koowaad ka galay saddax arday oo kala ah Maxamed C/llaahi bashiir,Cumar C/laahi Maxamuud iyo C/raxman Siciid Aadan waxa ayna saddaxdaan arday aadi doonaan magalada Garoowe halkaasi oo ay ugu qeybgalidoonaa Tartanka weyn ee Qur’aan akhriska oo sanad walbo lagu qabtay Garoowe,waxaana ka soo qeybgala Degmooyinka ku yaalo Puntland.

Munaasabadaani ayaa waxaa ka hadalay Cali Maxamed Cali oo sheegay in sanadkaani si weyn ay ugu faraxsanyihiin sida ay ardayda Qur’aanka ka barata Qardho ay u xifdiyeen Qur’aanka waxa uuna dardaaran u jeediyey Walidiinta in ay si weyn u sharfaan Macalimiinta Dugsi Qur’aanada Maadaama ay soo saareen Arday Xifdisay Qur’aanka oo lagu faani karo.

Maxamed Macalin Foodcadde oo ah gudoomiyaha Dacwada oo ka hadalay munaasabadanai ayaa xusay in Ujeedada loo qabtay Tartankaani uu ahaa in la ogaado heerka xifdinta Qur’aanka ardayda wax ka barda Dugsi qur’aanada ku yaalo magalada Qardho,waxa uu sheegay in ardaydii ku guuleysatay Tartankaani la siiyey abaalmarino kala duwan kuwaasi oo loogu talagalay in kor loogu soo qaado Niyadda Ardayda,waxa uu tilmaamay in sanadkaani ay rajeenayaan in kaalin weyn ay ka qaataan tartanka Qur’aan akhriska ee ka dhicidoono Magalada Gaoowe kaas oo loobalansanyaay in dhawaan oo ka furmo halkaasi.

Shiikh Xasan Bookh oo ka mid ah Culumada ku nool Qardho ayaa ka hadalay Faa’iidada ay leedahay in la xifdiyo Qur’aanka kariimka,waxa uu soojeediyey in xitaa tartamo Xifdinta Qur’aanka loo qabto Odayaasha si dadka oo dhan ay u noqdaan kuwo xifdisan Qur’aanka.

Munaasabadii lagu soo xiraayey Tartankaani ayaa waxaa ka hadalay Gudoomiyaha Degmada Qardho Maxamed Siciid ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay ardaydaani xifdisay Qur’aanka Kariimka.
Ugu danbeyntii Munaasabadaani ayaa waxaa abaalmarino iyo Kitaabo Qur’aanka Kariimka la siiyey dhammaan ardaydii ka qeybgalay tartankaan waxaana la rajeenayaa in saddaxda arday ee la filaayo in ay ka qeybgalaan Tartanka weyn ee Qur’aan akhriska ka dhacaya Garoowe in ay Natiijo wanaagsan ka soo hoyaan maadaama sanadkii tagay uu kalainta koowaad ka galay Tartankii Xifdinta Qur’an akhriska arday ka soday magalada Qardho.





























Allaahu akber
ilaahay khayr badan hadinku bedelo dhamaan dadka soo qaban qaabiyey iyo kuwa akhriyey
waxaan dhihi karaa masar qur’anka way akhrisay somaliyana way xaafiday siiba qardho maashaa.allah sii wada eebe waynayn tiisa iyo raali gelintiisa!
maasha alaaaaaaah halagu dadaalo ilmaha mustaq balka waa wax ku dayasho mudan reer qardho maasha alaaaaaaah ilaah ha idin ka ajar siiyo
asc masha alaah waa wax lagu farxo waxan ku baaqaya qurba jogta inay xil iska saraan gobolka karkaar wax barashada maadi iyo diiniba qof walba waa inu xil iska saara waa dadkagi waa dalkaagi masha alaah mar labaad
Maansha allaah ilaaheey kheyr badan idinka baryey waalidiinta ilmaha dhalay aaamiin.aaamlln