Maleeshiyaad Al-Shabaab horay uga mid ahaa oo Bosaso lagu soo bandhigay[Sawiro]
September 6, 2012 // Warar SomaaliWasaarada Amniga dawladda Puntland ayaa soo bandhigtay laba dhalinyaro oo ay sheegtay inay kasoo goosteen kooxda Al-shabaab ee ciidamada amaanka Puntland kula dagaalameen degaanka GalGala ee Gobolka Bari.
Dhalinyarada Wasaarada Amnigu soo bandhigtay ayaa lagu kala Magacaabaa Siciid Cumar Yuusuf iyo Sharma’arke Cabdi Xasan waxaana ay mudo 1 Sano ah labadooduba ku sugnaayeen buuralayda GalGala oo ay ku dhuumalaystaan dagaalyahano katirsan Kooxda Al-shabab.
Wasiirka kuxigeenka Amniga dawladda Puntland Cabdijamal Cismaan Max’ed oo shir jara’id ku qabtay xafiiskiisa magaalada Bosaaso ayaa sheegay dhalinyaran kasoo baxay Al-shabaab in markoodii hore ka hor ku biirista kooxda inay ahaayeen arday, waxaana uu sheegay inay afkaar qaldan ku shubeen rag katirsanaa Al-shabaab.
Sharma’arke Cabdi Maxamed oo ka mid ahaa dhalinta Al-shabaab ee lasoo bandhigay ayaa sheegay, kahor inta uusan ka mid noqon maleeshiyada Al-Shabaab ee ku dhuumalaysanaya buuralayda Golis inuu ahaa arday wax ka barta mid ka mid ah goobaha waxbarsho ee deegaanada Puntland, balse markii dambe ay fikir ku shubeen kooxda Al-shabaab xubno ka mid ah, waxaa uu sheegay markii uu garowsaday qaladka uu galay inay danta biday sidii uu dowlada Puntland uu isugu soo dhiibi lahaa.
Dowladda Puntland oo dagaal kula jirta ururka Al-shabaab ee fariisimaha ku leh deegaanka Galgala oo 30km koonfur galbeeg uga beegan magaalada Bosaso ayaa horay sidaan oo kalle usoo bandhigay xubno muhiim ah oo ka tirsanaa Al-Shabaab.
Xafiiska Puntland-news24
Bosaso.







Ninka website kan qora waad ka sheekeyn malin an fogayn waxaad shegayso!
Ardayda shacabka ah inti la so qaqabto ha dhahan alshabaab aya soqabanay oo adunka lacak haoga cunan madax ku shega. Puntland
Masaakintaan al shaydaan wax kama oga, wadanka dhexdisana p/l power kuma laha al shaydan marka hawshan wa in la baara waba arin cajiib ah
Kkk c/jamaal Ina hindiyo tumaxun hadba baalashlayaal soo ururso waa soogoosteen haday dhabtahay aminga boosaaso ibwax laga qabanaayo aabaha saadka alshbaab yuusuf caalin hala qabto hadiikale mashruucu weligii waa siconayaa waa talo