Falanqayn Siyaasadda Puntland: Dimuqraaddiyaynta & Doonidda isku duubnida kee horeeya ?
September 27, 2012 // Opinion, Warar SomaaliMaamul Goboleedka Puntland ee ka curtay Soomaaliya 1998-di Waxaa ku bahoobay Bulshada dagan Shan Gobol & Dagmadda Buuhoodle , Muddadi uu Maamulkaasu ka ariminaayay deegaanadaas waxaay ahaayeen kuwo nabdoon marka loo eego Koonfurta sii durugsan ee Soomaaliya , Haddaba xiligaan iyo xaaladda Puntland ayaan ku eegayaa qormadaan aan ugu magac daray Dimuqraaddiyaynta & Doonidda isku duubnida kee horeeya ?
Hordhac:
Puntland waxaa soo maray Madax kala dambeeyay oo ay soo doorteen Baarlamaanka Puntland ee ku yimaada qaabka Qabyaalad ku qaybsashada , Waxay Soo martay marxaladdo kala duwan Puntland muddadi ay jirtay , Xiligi uu hogaanka u hayay Cabdulaahi Yusuf AUN waxa ay ahayd Puntland mid horay u socota marka laga eego dhanka isku duubnida iyo ku qanacsanaanta Bulshada Puntland ee ay danaynayaan Jiritaanka Puntland, himad aad u saraysa ayay Bulshada Puntland u haysay Maamul Goboleedkooda xiligaas uu Madaxwyanaha ka ahaa Cabdulaahi Yusuf Aun , Waxaase xiligaas aad u hooseeyay wax qabadka Maamulka Puntland ee dhanka arimaha Buslahada ,Dadka reer Puntland ma ahayn arin ay iswaydiinayeen wax qabad la,aantaasu .
Maxamed Cabdi Xaashi ayaa xilka kala wareegay Cabdulaahi Yusuf Maamulki Maxamed Cabdi Xaashi Muddo yar ayuu joogay oo wakhtiga ayaa ka dhamaaday Waxaa la qabtay doorasho waxaana ku soo baxay Cadde Muuse , Cadde Muuse Waxa uu keenay isbadal dhanka Waxqabadka ah waxa uuna hirgaliyay mashaariicyo kala duwan oo Buslahada wax loogu qabanaayo , Sida dhisida Garoomadda , Wadooyinka , Maxjaro Iwm .
2007 Puntland waxaa lagala wareegay gacan ku haynta Magaalo madaxda Gobolka Sool ee Laasacaanood oo ay la wareegeen Maamulka Somaliland iyadda oo ka maqan gacanta Puntland ayaa waxaa dhacday doorashadi Puntland waxaana xilka ku ku guulaystay Madaxwayne Cabdiraxmaan Faroole .
Madaxwyane Cabdiraxmaan Faroole oo isaggu haatan taladda haya ayaa waxaa la soo gudboonaaday Maamulkiisa kala yaacid ku timaadda Puntland Waxaa lagu dhawaaqay Maamulo kala duwan oo lagaga dhawaaqay deegaano ka tirsan Puntland , Arintaan ah Maamulo kale oo ka hoos dhasha Puntland ayaa ah arin aan jirin ka hor Xiligi uu tallada qabsaday Madaxwyane Faroole .
Xiliga & Puntland
Maamulka Madaxwyane Cabdiraxmaan u hogaamiyo ayaa arintaan Bilaabay dabayaaqadi dhamaadka wakhtigiisa ,waxa uu keenay in la ansixiyo dastuur ay yeelato Puntland , Dastuurka waxa lagu xusay in xiliga dawladdu noqonaayo shan sanno halka uu horay u ahaa afar sanno , isla mar ahaantaana dawladda haatan taladda u haysa Puntland-ti 98-di magac u yaalka ka ah balse deegaanadda qaybtood ay joogaan Maamulo kale ay noqonayso mid iyaddu shan sanno leh dastuurka ay iyaddu samaysayna ee ka dambeeyay doorashadeedi uu ugu daraayo sanad dheeraad ah Iswaydiintu waxay noqotay ma midda dambe ayaa shanta sanno leh mise mida dastuur ansixinta ka horaysay ayaa ku dhaqmi karta ?Jawaabtu waxay noqotay wixi ka dambeeya ayaa leh aragtidayda , balse Maamulku Dimuqraadiyaynta yaan la carqaladayn ayuu ugu jwaabaay dadka doorashadu xiligeeda ha dhaco qaba .
Shacabka Puntland :
Shacabka Puntland waa kuwo hadda la kala nool dareemo kala duwan qaybtood waxay qaateen Maamulo cusub oo laga yagleelay deegaano horay Puntland uga tirsanaa balse aysan hadda gaarin gacanta Maamulka haatan tallada hayaa , Shacabka oo ah kuwo loo sameeyo dareen siyaasadeed lagu himagaliyo ayaan oran karaa Bulshadda Puntland ee haatan Puntlander-nimadda Aminsani waxay u arkaan cadoow bulshada kale ee iyagga lagu jaheeyay dareemadda kale ee ah maamuladda cusub ee loo sameeyay in ay leeyihiin.
Waxaan wax ka waydiiyay dad badan oo shacabki Puntland-ti 98-di ah dareenkooda ku aadan Puntlader-nimadda ,”Qaybta haatan lanool Puntlander-nimaddu waxay leeyihiin waa cadoow kuwa qaatay Maamuladda kale , Halka ay kuwa kale leeyihiin waana ka soo gudubnay halkaas dib ugu laabashaduna ma ahan mid aan danaynayno dalka Soomaaliyana dawlad rasmiya ayuu yeeshay”
Waxaa cad in dareemadaan kala durugsanaanta iyo cadoow isu arkida Bulshaddi Puntland-ti hore ay sabab u tahay Siyaasadda Mamaulka haatan tallada haya , Waxaan ka baran karaa in qofka shacabka ah ee Puntland aminsan carada uu u caraysan yahay kan yiri waan ka baxnay Puntland ee ah arin si dhaba u muuqata [Khaatumo Iwm] ay muujinayso in kan Puntlander-nimadda haystaa uu jecel yahay midnimadda Puntland balse u caroontiisa kan kale ma ahan xalka midnimada
Dimuqraaddiyaynta:
In dadku ay doortaan qofka ay rabaan haddi sidaas wanaag iyo mid meelmari karta loo arko waa arin wanaagsan balse haddi ay noqoto mid la dhaho deeganaada Puntland ayaan dadka dagan Dimuqraaddiyaynayaa , waxaana loo baahan yahay madaama aan arintaas wadno in aan hello wakhti aan ahayn inti aan haysanay , Iswaydiintu waxay noqonaysaa Maamul &Madax kale oo Puntland yimaada doorashaddana xiligeeda la qabtaa ma Dimuqraaddiyaynta ayay gees maraysaa?
Dimuqraaddiyayntu ma ahan arin uu meel marin karo oo kaliya maamulka haatan tallada hayaa balse waa arin ay wadi karaan koox kasta oo hogaanka Puntland qabataa iyadda oo la eegaayo sida ugu dhow ee lagu meel marin karo , Waxaa cad in xiligaan Dimquqraadiyaynta Mamaulka haatan tallada hayaa uu wado aysan ahayn arin mustaqbal xaqiiqa leh umana meel mari karto sida Maamulku u sheegaayo waxaana taas xaqiijinaayaa .
1:Maamulka haatan tallada Puntland haya waxay dadka reer Puntland iyo Soomaalida kaleba u arkaan mid u dhaqmaaya hab aan u muuqan sida uu sheegaayo ee ah Dimuqraaddiyaynta ayaan jecelahay , Dimuqraaddiyaynta ma waxaa loo maraa caburin iyo siyaasada adag oo ku dhisan iska dhicin oo salkeedu yahay in lagu fashilmo isku haynta dhulka aad maamusho sidaan aragnay , Arintaas oo u ekaanaysa kali garashonimo ayaa ah mid aan shacabka badankiisu ku qancayn.
2: Deegaano Dastuuri u ah Puntland oo haddana aan gacanteeda ku jirin waxay muujinaysaa in aysan Dimuqraaddiyaynta Puntland ee xiligaan Mamaulku wado aysan taaba gal noqon karin .
3: Siyaasiyiinta saluugsan sida maamulku wax u wado iyo shacabka ka niyad jabsan kala yaacida Puntland saamaynta Dimuqraaddiyaynta la sheegayaa waxay noqonaysaa arin aan ku duxin sidaan haddaba aragnay oo dad badani ay diidsan yihiin kuna sifaynayaan in ay tahay isjeclaysiin sii joogitaanka Madaxtinimadda Puntland , Ku caqansanaan la,aantaas ayaa keenaysa in aysan macquul u ekaanayn Dimuqraaddiyaynta xiligaan Puntland in ay dhamaad leedahay.
4: Waxaa iswaydiin Dimuqraaddiyaynta Puntland ee xiligaan diidaysaa tahay Maamulka haatan tallada hayaa waxa uu leeyahay Sooyaal siyaasadeed ku astaysan xalin la,aan dhibaatooyin ay ugu horeeyaan minimadda oo maalinba maalinta ka dambaysa sii wiiqmaysa ,Sooyaalkaasu waxa uu meesha ka saarayaa in sida Mamaulku u dhigaayo ay meel marto .
Doonidda isku duubnida :
Dadka la nool haatan dareenka Puntlander-nimadu isku duubni la,aanta haatan taagan ee la taaban karo waxay u arkaan mid dhibaato joogta ah ku haysa , xukuumaddaa haatan Puntland ka jirta waxaa cad inaysan usoo wad raadinta midnimaddaas ay doonayaan.
Midnimadda Deegaanaddi Puntland waa mid looga baahnaa in ay ilaaliso inti maqnaydna raadiso Xukuumadda haatan tallada haysaa balse waa ku fashilantay arintaas iska daa deegaan maqan oo ay hayso e waxay sababta in ay dhumiso kuwo cusub oo imaanshaheedi ka hor Puntland hoos imaanaayay , arintaasu midnimaddawaxay dhalisay dhibaatooyin la soo darsa shacabka Puntland .
Dhibaatadda ka dhalan karta :
Haddii Maamulka haatan tallada hayaa uu ku adkaysto sida uu u dhigaayo ee ah Dimuqraaddiyaynta door waa in la siyaa waxay keeni kataa :
1:Maddama aan lagu qanacsanayn dadka Puntland intooda badani Dimuqraaddiyaynta dawladdu doonayso .. Marka aan intooda badan leeyahay qiimayntu waa in badanka dadku yihiin kuwo ka xun midnimo la,aanta , midnimo la,aantaas eedeeda waxaa leh Mamaulka haatan jooga , taas ayaa noqonaysa qiimayntayda madaama dadku u arkeen in Midnimo la,aantu xun tahay cidda howshaas gabtay waa ku eedaysanayaal … Waxay keeni kartaa in Maamuladda cusubi sii bataan oo aan maqalo kuwo kaleeto oo ka dhasha deeganaada Puntland .
2:Waxay arintaanu keenaysaa in Federal-ka ay hadda aminsan yihiin dadka reer Puntland ee ay daneeyaan ay iska ilaawaan doonitaan-kooduna noqdo dawlad midaysan , Waxaa arintaas Tusaale u ah marka la magacaabo Maamulo kale [Bayla-land ..Jariiban-land ] ma ahan Maamuladaanu kuwo buuxin kara Federal-ka markaas siyaasiga hogaaminaayaa waxa uu ku qasban yahay in uu dawladda dhexe ee Soomaaliya ula shaqeeyo hab gudoomiye Dagmo .
Arintaan ka bixitaanka Dareenka Federalism doonku in uu ka baxo dareenka Siyaasadeed ee dadka Puntland oo ah mid ay taahan la nool yihiin badankoodu waxaa eedeeda yeelanaaya Mamaulka haatan taladda , waxaa Xaqiijinaaya isbadal dadeedka dareemadooda dhacdooyina aad ka dheehan karto Sooyaalka Soomaaliya , dareen kasta oo bulsho la nool yihiin haddii midnimadda dhaawac ku yimaado waxa meesha ka baxa aminaadyo hore oo dadku aminsanayaanee sida hab dawladeed [Federalism ] Iwm , Maamulka haatan jiraa waa ku soo celceliyaa Federal diid ayaan la dagaalamaynaa balse waxaa cad in cadoowga Federalism doonida Reer Puntland ee koowaad yahay Maamulka haatan haya , Madaama isu adkaynta kursigu kala guuritaan keenayso markaas Federal baan rabnaadu meesha waa ka baxaysaa .
Dhamaad
Dimuqraaddiyaynta & Doonidda isku duubnida kee horeeya ? Hanaan maamul oo ka arimiya deegaano dadkoodu ku midoobeen Maamulkaas waxaa u soo kormaraaya tallada haya ilaalinta midnimada , Waa haddi cida tallada haysaa tahay mid siyaasadeedu leeyahay mustaqbal dhamaad leh , Haddi lagu fashilmo midnimadda isku day kaleeto oo dawladeed oo kala duwani waxay noqonayaan kuwo aan meel mar noqon .
Xiligaan Puntland waxay u egtahay Mid ku jihaysan sii kala yaacid, dagaal in uu ka dhaco ma ahan mid saadaashayda ku jirta sababta oo ah waxaa furan oo horay u biloowday kaaga tagnay , Dhanka maamulka sida muuqata uma eka mid dib uga laabanaaya go,aankiisa uu qaatay .
Waxaa jira in Isimadda oo la sheego in ay qayb ka qaateen dhisitaanki Puntland balse anaan annigu qabin , Siyaasiyiinta qyabtood ugu yeerayaan in ay badbaadiyaan Puntland Burburtay, Isimaddu ma ahan kuwo wax ka qaban kara xaaladdaan sababta oo ah Maamulka haatan jira iyo Isimaddu ma ahan kuwo isu dhow , way dhici kartaa in ay dal banaanka ka ah Soomaaliya ku qabtaan shir iyadda oo ay soo agaasimaan Siyaasiyiin isbadalka doonaaya.
FG -Falanqayn Siyaasadda ma ahan mabaadiida qofku aminsan yahay waa ka madax banaan tahay waa ka sheekaynta dhacdooyinka oo lagu xoojiyo saadaalinta &iyo sawirashada Mustaqbalka , sida loo dhigo ma ahan in ay u dhacdo , Waxaa reeban in aad sheegto dhacdo aan xaqiiq ahayn si aad ugu xoojiso falanqayntaada iyo odoroskaaga.
W/Q Idiris Suldaan Axmed Dooxa-Joog
E-Mail: Dooxajog5@hotmail.com
Facebook: Halkaan Riix




mado nayno wixii illah naga koriyey iyo dagal aan so dhaf nay inaan dib ugal no waxan kuhad laya afka dhalinta puntlan kursiga puntland waxa somaray rag ka adag nin ka hadahaya oo uqal mey inay iska yeeshan ba lakin waxa bedeley cada lada iyo radinta nabada puntlan nina loma dhalin kur siga inuu sudono kayelo ee umadu kadhexeya hadu farole is kudayo waxa udonayo horan ugu dulqadanay in badan hada waxan diyar unahay si walba oo uu xilka ubanayn dono dalmida iyo dad mida loo dhibey mantana magalo an garanayno hadan rer puntlannahay iyo beel gara buu haya mana donayno wakala dilaha pelaha puntland hadu waxa ku adan garan wayo na abal kisan marinaynaa hadan nahay dhalinta reer puntlan
aniga waxaan aamin sanahay midnimada puntland waa muqadis hadii uu xun yahay madaxweynaha waxaan lee yahay haloogu daro hal sano madaxweynaha because siyaasada koonfurta intey dhinac oo ga dhaceyso madaxweyne faroole waa inuu xukunka hayo halsano waa in loogu daro kabacdi doorasho ayaa dhaceyso hadii laga adkaado markaad ha iska baxo ogaada puntland cadow badan ayey leedahay waa inaan kuwaas ka taxadirnaa marka ugu horeyso anaga dhaxdeena waa in si nabad lagu dhameeyo hadii labaan odey heshiin waayeen waa in puntland loo dhiibo nin dhalin yaro o bhd heysto mutacalin puntland maanta nabad ayaa taalo waa in la dhooro nabad gelyada aniga waxaan dhihi lahaa haloogu daro faroole hal sano
@Muunimo naa maxuu faroole qabtay bal noo sheeg mise gabadhiisa ayaad tahay , Puntland waa kala firdhiyay faroole firdhiye , waa magac u yaal maamulada kale waa adiga lehe maxaad runta u qaribaysaa adiga iyo faroole ayaa ah cadoowga puntland qoraaguna waa shakhsi wanaaga inoo sheegay
waxaan kugula talinayaa in aad iska deyso umada aad isku direyso oo in aad u dhexeysaa 2dhan ee aaadan hal meel uxaglin waxaaga iyo ciladaha 2baduba waa in aad ka hadashaa .
WAAD ISKA HADASHAY LAAKINSE KUUMATAALO TALADA PUNTLAND FAROOLANA WAAN UGU DARAYNAA SANADKA SI UU UDHAMAYS TIRO HAWLAHA QABYADA AH WAX DHIBAATA AHNA INSHA ALAAH MADHACAYSO MARKA HAYSDAALIN WIILKA PUNTLAND WAANOO IYO WAR BIXIN KAAGAMA BAAHNA PUNTLANDERNA MATIHID WAAN KU GARANAYNAA WARKA AAD WADO WAA ISKU DIR IYO XUMAAN IYO XAASIDNIMO WAXAAD JECLAAN LAHAY IN DHIBAATO IYO DAGAAL KADHEX ABUURTO SHACABKA REER PUNTLAN LAAKINSE INSHA ALAA MADHACAYSO
´WAXAAN KUSHEEGAYAA HORTA ADIGU WAX AQOON AH UMALIHID MASUULIYIINTII SOOKALA MARAY PUNTLAND LAAKINSE WAXAAN KUU SHEEGAYAA NIN KAWAX QABADBADANI PUNTLAND MASOMARIN FAROOLE MAAMULADA AAD SHEEGAYSO OO PUNTLAND KAGO AYNA WAA UN AFKA MAHEE MIN DADKIISA KAMAARMA MAJJIRO MIDA KALE WAXAAN KUSHEEGAYAA MARKA AAD PUNTLAND KAHADLAYSO MAXAAD KAWADAA MA ISKU DIRDIRKINII MIYAA MASE WAX KALE BAAD NOO HAYSAA PUNTLAND ISKU FILAAN BAY GAADHAY IYADAANA KAA TAQAANA WAXA DANTU UGU JIDHO SIDA AAD LAJECESHIHIINA INSHA ALAAH MANOQON DOONTO MARKA MEELKALE SHAQO KARAADSO
War faroole runtaa loosheegayaa haduu Khaldanyahay lakiin isku duubnida puntland hala dhowro midnimo halaga shaqeeyo
Bal ninkaan nooga sheekaynayaa waxa dhici doona ka warama war ninyohoow qoraalo horena waan kaa aragnay ee dirariaalaynta maad iska dayso , annaga khaatumo seeg ha noo buunbuunin puntland waa puntland canaasiirtana waala buufinayaa ,madaxwayne faroole waa wiil hoog wax badan qabtay sanad iska daaye sanado badan ayuu mudan yahay.
viva Puntland viva Madaxwyane Faroole
Cadoowgeedu ha dhaco