Maqaal-Madaxwayne Xassanoow Halkeedi haku hayn (Idiris dooxa Joog)

September 12, 2012   //   Warar Somaali

Madaxwayne Gabadha Soomaaliyeed ee Yaman ama Kenya ilmaheeda dusha ku sidata ee ku tuugsanaysa ee ah sawirka damqashada badan , Ilmaha Soomaaliyeed ee madaafiicdu ku dhacayaan , hooyadda hooy iyo cunto aan iyadda iyo ubadkeedu haysan ee Soomaaliyeed waa kuwo sugaayaa madaxaaga maskaxda ku dhex jirtaa siday u fakarto ,

Rajadoodu waa adiga hab fakarkaaga laba midood ayay noqon mid Gabadhaas Soomaaliyeed ee Tuugsanaysa ka soo kaxaysa dalka shisheeye ee ay ku dayacan tahay iyo in ay noqoto halkeedi oo ah in aad fashilanto …………………

 

 

AIlaah [SW] baa mahad leh Ammaan iyo nabadgelyo ha ahaato Nabi Muxamed korkiisa , Waxaan u hambalyaynayaa Madaxwaynaha Cusub ee Jamhuuriyada Islaamka Soomaaliya ee shalayto lagu doortay Magalaada Muqdisho .

Qormadayndaan aan ugu magac daray Madaxwayne Xassanoow Halkeedi haku hayn Waxaan sawirtay Sidaad ka dheehan doontaan Qormayda oo noqon doonta Tallo ku socota Madaxwaynaha Cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud , Waxaan soo maray muddo 12 Sanno ah Dawalado kala dambeeyay oo loo soo dhiso dalka Soomaaliya dhamaantood horay uma qaadin talaabo wax ku ool ah oo la taaban karo waxayna noqdeen madaxdi isagga dambaysay kuwo midba midka kale u siyaasad ekaaday xumaanta iyo dhibtana aan horay u maquuray.

 

Aan kala qaado waxyabaha aan dhibka u arko iyo xalkooda balse aan ka Horaysiiyo hogaamiye siyaasadeed sidee ayuu u wajahaa caqabadaha hortaagan in la dhiso Bulsho yeelata midnimo iyo tabcasho horayna usii qaada maalinba malainta ka dambaysa horumar ka gaarida Baahi bini aadameedka ku xeeran bulshada dagan dal.

 

Hogaamiye Siyaasadeed

Hogaamiye siyaasadeedku Ma raaco dareenka dadka ee isagga ayaa u sameeya shacabka dareen ay ku noolaadaan , waa sababta loo yiraahdo maxaad ka filaysaa dawladaan uu hebel hogaamiyo taasu waa cadaynta in shacabka jahayntoodu ay ka imaanayso garashada Hogaamiye siyaasadeedka go,aan gaarraha ah ee haddana Gollihiisa wada shaqayneed ay wada tashadaan, Hogaamiye Siyaasadeed waa shakhsi u bareera qatar wax ay shacabku u arkaan , Hogaamiye Siyaasadeed haddi uu ku shaqeeyo dareenka dadka iyo aragtiyada shacabka ee kala duwan ma noqonayso Siyaasadiisu mid meel mar ah , sababta oo ah shacabku waa kuwo kala aragti duwan , Hogaamiye siyaasadeedku waa mid arka in xalinta dhibaatooyinka ku hareeraysan Bulsho dal dagan ay ka saari karto iyadda oo la diyaariyo Mustaqbalka Bulsho Midaysan , Siyaasada uu aminsan yahay waa in ay ahaataa mid dadka dareenka ay la nool yihiin noqota lagana dheehan karo hab fakarkiisu in uu ka shaqaynaayo bulshadaas uu hogaayo markaas yoolkiisa iyo himilooyinkiisu waxay noqonayaan kuwo si taabagal ah u dhaca waxaana gufaysmaaya daldalooladi dhibaatooyinku dugsanayeen .

 

Hogaamiye Siyaasadeed dal Muslim ah dadkiisa hogaaminaaya waa in uu ahaadaa mid dabaqa Shareecada Islaamka bulshada isu qabadsiiya dawaldnimada iyo Islaamnimada , Hogaamiye Siyaasadeed Dal Muslim ahi waa in uu diyaariyaa Bulsho ay ka muuqato Sawir Islaamnimo oo dhab ah sida Habka labiska Gabdhaha Muslimaadka ah, u xakuntamida Shareecada Islaamka oo dambiilaha ay diintu ku ridayso xakun ee ay Bini aadamka u damqadaan qofkaaskaas sida Gacan goyta oo kale uu meel mariyo aysana noqon mid uu ku tixgaliyo aragti Mufakar aan isaggu diin haysan oo yiri waa mid argagax ku smaaynaysa Bini aadamka Xuquuqda Aaadamahana ka soo horjeeda .

 

Lama soo Koobi karo qormadana Hogaamiye kagama hadlay ee aan intaas ku daayo waa arin lagu kala duwan yahay Hogaamiye waa sidee waa bini aadam iyo kala aragti duwanaantiis balse sidaan Hogaamiye u arko waa sida Sare iyo arimo kale balse mowduuca oo aan ahayn Hogaamiye sidaan u arko aan intaas ku soo koobo.

 

Al Shabaab iyo Caqadaba dawladnimada dhibka ku ah

 

 

 

Al Shabaab: ´Mabaadiidooda qayb qaadasho mudan iyo qayb in meesha laga saaro mudan

 

Waa urur diineed u taagan isku xakunka Shareecada Islaamka iyo in Bulshada Soomaaliyeed ay yeeshaan dawlad Islaamnimo ku astaysan oo aan dhinacna uga baxayn islaamnimada isku xakunkeeda, kana hortagaan aragtiyada Cilmaaniyiinta Reer galbeedka ee duulaanka ku ah Diinta Islaamka rabana in ay barbaarsadaan bulsho joogta dalal dhulkooda ka fog iyagga oo u marinaaya Warbaahinta iyo Deeq wax ay ku sheegeen oo ay damiirka qofka ku badalaan uuna ugu hogaansamo aragtidooda ah awooda dadka ayaa leh Allena warkiis daa.

 

Xarakatul Shabaab Almujaahidiin , In ay Mujaahidiin yihiin annigu ma diidi karo sidaas ayaan magacooda ugu yeerayaa Waa Mabaadii Siyaasadeed dad Soomaaliyeed oo Isku xakumid islaamnimo la doonaaya dalka Soomaaliya , Fikirka ay aminsan yihiin ma mudna in lagu dillo waliba ay ku dilaan dad ajnabi ah oo duulaanku yahay mid ay wakiil uga yihiin reer galbeedka .

 

Shacabka Soomaaliyeed badankoodu waxay qabaan in ay yihiin Caqabad ayna tahay in la ciribtiro dadkaas Soomaaliyeed ee Al shabaabta ah , Shakhsiga Soomaaliga ah ee sidaas qaba waxaan u arkaa waa mid Garashadiisa laga jaheeyo Aqalka Cad ee maraykanka loona soo mariyay Tv-yadda iyo Radio-yowyada taas oo ah in Qof Soomaali ah la dillo madaama uu Caqlaawiyada ka soo horjeedo la innoguna sheego barwaaqdiinu qofkaas Soomaaliga ah ee annaga fikirkayaga hortaagan ayay ku jirtaa ,ma qabo in Qof Soomaali ahoo dhibtay dhibkeenu ku dhamaanaayo .

 

Al Shabaab Mabaadiidooda leh dhinacyo badan oo wanaagsan ma qabo in ay Meel mar noqon karto marka ay ku ekeeyeen qoriga afkiisa hore oo ay ka weeciyeen in aragtidooda isku xakunka shareecada Islaamku ay ku meel mari karto caqliga oo laga shaqaysiiyo waxkasna looga fakaro laba dhinac .

 

Ciidamada Ajnabiga ah :Caqadabaha dawladnimada dhibka ku ah

 

Ciidamada Ajnabiga ah ee Soomaaliya jooga waa kuwo u jooga danahooda marna annigu sidaan qabbo ma aminsani in ay u joogaan dan Soomaaliyeed danahooda oo kala gadisan waa in Soomaaliya aysan yeelan dawlad awood leh iyo kuwo qaba in aysanba dawlad yeelan sababo la xiriira iyagga oo ku xiran Sooyaalka taariikhda geeska Afrika, kuwo wakiil uga ah reer Galbeedka meel marinta caqlaawiyadooda ah in bulshada Soomaaliyeed laga jaheeyo dhul ka durugsan halkaan dunida kaga dhaqanahay ee Soomaaliya.

 

Waa caqabad ciidamada Ajnabiga ahi aad u sii diciifinaysa damiirka dadka Soomalaiyeed ee badankooda qabyaaladdu dagtay ee ay ka dhigtay mid diciifa oo cadoowgoodana wanaag ka dhowra waxaa dhaci karta in aad tiraahdo cadoowgan ninkaanu arko waa maxay , Caqiidadaada qofka diidan in aad ku noolaato waa cadoowgaaga koowaad , badalida dareenka Islaamnimo ee aad la nooshahay oo la diciifiyo looguna yeero ilbaxnimo waa cadownimo tan ugu saraysa .

 

Somaliland:Caqadabaha dawladnimada dhibka ku ah

 

Somaliland waa dareen Qabyaaladeed ka dhashay cadalaad daro ay tirsadeen dad ka mid ah Bulshada Jamhuuriyada Soomaaliya arintaas oo dhacday kana soo bilaabatay awood qaybsigi hogaaminta dal ee 1960 marki ay bilatay dawlad Soomaaliyeed , guuxaas qabyaaladeed waxa guushiisi la gaaray 1991 marki laga qaaday taladi dalka XKHS burbur iyo jaahwareerna aynu galay .

 

Somaliland 21 Sanno waxay la nool yihiin dadkeeda aminsan Dareenkaas in halkaas lagu hayo iyadda oo aysan jirin marka aragtidayda aan u noqdo wax naawilaad ah oo ay qabi karaan dadka Somaliland ku dhaqan ee aan ka ahayn riyadaas aan dhamaadka lahayn .

 

Federalism:Caqadabaha dawladnimada dhibka ku ah

 

Federalism waa nadaam ay ku dhaqmaan dawlado caalamka ka mid ah Soomaalida Waxaa loo keenay 2004 waxaa markaas isku milmay Federalism iyo dareenki dadka Soomaaliyeed la noolaayeen ee qabyaaladda Waxaana ka soo baxay Federal-ka qabyaaladaysan xaafad walbi calankeeda ha taagato, Waa caqabad ka mid ah Caqabadaha Soomaaliya xiligaan ka hortaagan xalisooni ku soo dabaalida .

 

Federal-ka Soomaaaliya waa mid raacaaya dareenka qabyaaladda waxaynuna ka dheehan karaa waaqiciga imisa State Hebel baad taqaan iswaydii maxay Soomaaliya 2006-di ka hor u lahaan wayday State iyo madaxwaynayaal haddi la tiriyo aad qayb hilmaamayso .

 

4.5 innoogu qaybiya : Caqadabaha dawladnimada dhibka ku ah

 

Awood qaybsiga xaaranta ah ee kala saaraaya dadka Soomaaliyeed qaybna dhinaasho ku sheegaaya qaybna dhamays waa caqabad hor taagan in dawladnimadu noqoto mid leh mabaadii iyo in ay yimaadaan madax isku mabda ah oo ka shaqaysa barbaarinta Bulsho Soomaaliyeed oo mustaqbalka yeelata midnimo iyo horumar ay ka gaarto arimaha bulshada ee xiligaan dhibku ka jiro..

 

Qabyaaladda :

 

Qabyaaladdu waa xanuun aaffo wayn u gaysta dhimirka qofka waa qofka la nool dareenkaase, Waxa ay qofka ka dhigtaa mid aan xor ahayn waxana meesha ka baxa in uu ahaado qofkaasu mid si habsami ah u fakara , Dadka Soomaaliyeed waxaa halkaas dhigay waa arintaas salka ku haysa iyadda oo si qaldan loo fahmo qabiilka oo laga dhigo shay macnihiisu yahay hadafka qofku u nool yahay .

 

Halkeedi haku hayn :

 

Halkeedu waa qaab aan wada naqaan waa ,Maleeshiyo labba beelood oo goob beblaayo dagaal khasaaro dhaliyay fooda isku daray ,dhowr qof baa dhintay miino qaraxday , laba State baa isku duulay , Al shabaab ayaa magaalo hebel qabsatay , Amisom ayaa ka durugsaday Al shabaab Deegaan Hebel , Madaafiic Kenya tuurtay bay dad Caruur u badani ku dhinteen dhaawucuna waa ka badan yahay dhimashada , dad badan ayaa ka barakacay deegaan hebel , Deeq raashina oo barakacayaal loo qaybiyay , Madaxda Dowlada ayaa is-haysata, Madaxwyanaha oo u hambalyeeyay Guusha Amisom = Madaxwaynaha ayaa u hambalyeeyay Dhimashada Dad Soomaaliyeed , Amiirka Al shabaab oo Bulshada ugu Baaqay Jihaadka inay ku soo biiraan , Maamul Hebel oo wada shaqaynta u jaray Dawaladda , Somaliland oo u dabaal dagtay sanadguuradeeda dib ula soo laabasho dalnimadeeda , State Hebel oo lagu dhawaaqay . Askar boobtay deeq raashin ah oo dad tabaalaysan loo waday , Baarlamaanka oo kuraas isku garaacay Iwm .

 

Waxaan ognahay in aan horay wax wanaagsan loo qaban oo ah dareen Siyaasadeed dadka ku duxi kara mudadi dawladihi hore ee Soomaaliya loo soo dhisay Doorashada Muqdisho ka dhacday waa mid Amisom waardiye ka ahayd kama duwana tii Kenya iyo Jabuuti ka dhacday Sida Sawirku yahay Waa Caasumadi Soomaaliya Ilaalada Goobtu waa Ugandes sidaan qabbo ima hima-galin waxaana is barbar dhigay tii Mbagathi iyo tan Muqdisho balse muhiimadu waa doorasho wajihida dhibkuna waa hogaanka iyo hab fakarkiisa.

 

Dhib ka saarida oo la wajaho Sidaas Qabbo:

 

 

Alshabaab iyo Ciidama Ajnabiga ah

 

Madxwayne Xassanoow Sidaan qabbo Waxaa wajihid ku dhiirasho leh u baahan ka saaritaanka Ciidmada Ajnabiga ah ee dalka Soomaaliya jooga ee duqaymaha u gaysanaaya caruurta Soomaaliyeed , niyad jabka aadka u xooga wayna ku haya dad aan annigu ka mid ahay ee aminsan in qof Soomaaliyeed ee dhintaa aysan dhibka innaga Saari karin oo waliba ay dilaan Ajnabi cadoow ku ah dalkeena Diinteena iyo dadkeena , Ku dhawaaqida Madaxwaynaha Soomaaliya uu ku dhawaaqo in Ciidamada Ajnabiga ahi ka baxaan dalkeena waxay noqonaysaa aragtidayda arin muujinaysa ifafaalo iyo isku kalsoonaan aad u baaxad wayn kuna sifaysan Hogaamiye dhab ah dhibkana dheef ku dabali kara .

 

Arinta ah in Ciidmaada Shisheeyoow dalkayaga ka baxa waxaa dhinac soconaaya in Maamulayaasha Al Shabaab aad wada hadal la furto ,aragtiyo badan oo ay qabaana aad isla qaadataan sida in qofki Soomaali ah ee galla dambi xakunkiisu yahay dil ama gacan ka goyn la mariyo waajibaadkaas Alle dul yeelay , Aad isla qaadataan in meesha laga saaro magaca Al shabaab dawladana ay ka qayb noqdaan hogaamiyayaashaas Al shabaab, Arinkaan Al shabaab-ku madaxwayne ma ahan mid mudan in qofka Soomaaliga ah Mabaadiida uu aminsan yahay lagu dillo sidaas darteed waa in aadan ka seexan arintaas xal ga gaarideeda iyo heshiis la qaadashada Al shabaab balse waxaa ka horeeya in Ciidmadaa Ajnabiga ahi ay dalka ka baxaan Al shabaab lama hadli karto adiga oo Ugandes taangi ugu jira , anniga iyo inta ka damqata in Madaxwayne Soomaaliyeed Taangiga ajnabiga luqunta ka soo taagona waa noo dareemid niyad jab baaxad wayn iyo in aan kugu sifayno mid aan hal abuur hogaamined lahayn.

 

Waxaan dheehday Sawir ahMadaxwayne Xassan oo la fadhiya caruur Soomaaliyeed oo yar yar madaxana u salaaxaaya waa inta uusan noqon Madaxwaynaha ,Haddaba Madaxwayne Caruurtaas aad ku booqatay goobtooda waxbarasho iyo kuwa Kenya, Ethiopia, Amisom ay madaafiicda la dhacayaan maanta dhamaan adiga ayaa madaxwayne u ah mustaqbalkooda oo wanaagsanaada iyo in ay noqdaan dadka Waayaha soo socda dalkooda wax u qabta waxay ku xiran tahay sidaad u wajahdo caqabadaha Soomaaliya ka jira ee mudada dheer hortaagnaa helida hanaan dawladeed oo lagu hirtona Soomaalidu adigay kuu hoos fadhidaa maanta .

Madaxwayne Al shabaab waa dad Soomaaliyeed oo mabaadii aminsan mabaadiidu ma dhintaan wax ka badalid ayaa lagu sameeyaa iyadda oo qaybo ka mid ah mabaadiida dhanka kale wax laga qaadanaayo waxkasta oo mabda salka ku hayana xalkoodu waa in dhinaca kale ee mabaadiida kale aminsan uu ka fakaro sidi loo midayn lahaa labadaas aragtiyood ee kala durugsan iyadda oo la isla meel dhigaayo maxaa xiligaan hana qaad noqon kara sideese u wajihi karnaa mustaqbalka , Tusaale ka doodida adiga iyo hogaamiyaasha Al shabaab in aad ka wada doodaan kana wada hadashaan in Caalamal islaam uu yeesho hal dawlad waxaan qabaa in ay dhankaaga noqonayso oo ah in Alshabaab aysan ku gaari karin yoolkaas siday hadda wax u wadaan balse 100-sanno ka dib arin timaada laga fakaro loona dhaqaaqo in horta dadka Soomaaliyeed la barbaariyo , In aad ka wada hadshaan dalkeena dadkiisa aan ku barbaarino Islaamnimada waxaan qabaa in aad isuggu Soo dhowanaaysaan.

 

Aqriste Arinta ah Caalamal Islaam oo dawalad mid ah yeesha waa qayb ka mid ah mabaadiida Al shabaab waa arinta ay ula midoobeen Alcaaqida marka hoos ha eegin oo ha oran halkee na gaysay wax aynaan ahayn ayaad innaga dhigay saw innagakan dhibaataysan.

 

Federalism

 

Madaxwayne Federalism-ku Soomaaliya waxa uu u sameeyay waad ogtahay waa magaalo kasta oo calan laga taago wiiqidiisa ama soo diciifintiisu waxay u baahan tahay fidinta dawlad midaysan qaabka loo fidinaayo sidaan qabbo waa in aad heshaa dad badan oo fikirkaan dawlad midaysan aminsan markaasna aad gayso ciidamo soomalaiyeed haba yaraadeen deegaano ka baxsan koonfura Soomaliya oo aadna awoodo in aad gayn karto xiligaan ciidamo dawaldaada ka socda oo Soomaali ah Sida Magaalada Buuhoodle , Taleex iyo deegaano kale oo fursadaasu ka banaan tahay waa deegaano aay aad uga banaan tahay fursadda ah diciifinta Federalka Qabyaaladaysan, Siyaasiga aminsan Federal iyo dadka Dareenkaas la noolba waxaa diciifin kara in aad ku abuurto badanka Bulshada Soomaaliyeed nadaam dawlad midaysan , Federal-ku ma ahan wax Soomaaliyi isku raacday mana ahan wax aan dooranay dhibkiisana waan aragnaa sidaan qabbo annigu waxyeelo badan ayuu keenay haddi uu sii jirona waxa uu noqonayaa mid dhiig iyo dhibaato keena madaama dadka Soomaaliyeed la nool yihiin dareen qabyaaladeed ma wajihi karaan Nadaam dawlad Federal ah .

 

Madaxwayne Federalku ma noqon karo arin go,aan adag laga qaadan karo Sida ciidamada Shisheeye balse waa mid hab siyaasadeed loo wajihi karo siyaasiga aminsana looga hortagi karo dadka ayaa leh doorashada , waxaan ognahay in dastuurku ku dhisan yahay Federal balse ma ahan waaqiciga mid ka turjumay mana ahan aragti dan Soomaaliyeed ka fakaraysaa mid ay curisay dabcan tannu waa mid Siyaasad u baahan iyo ka fakarid badan .

 

Somaliland :

Somaliland waxaa wadahadalo la furay DKMG ahayd ee 20-08-2012 waqtigeedu dhamaatay , wadahadalaas madaxwayne halkoodi in laga sii ambo qaado ayay mudan yihiin intaas kuma eekaanayso gaynta ciidmaada dawalada aad hogaaminayso ka socda ee la geeyo Buuhoolde iyo Taleex waa fursan kale oo diciifinaysa dareenkaas Somaliland-nimadda dadka aminsan marka uu niyad jab ku yimaado dad dareen aminsan oo ay sababto in ay dhacaan waxyaabo dareenkooda yoolkiisa diciifinaaya waxay dadkaasu isu dhiibaan dhanka kaleeto marba marka ka dambeeya waxaa soo badanaaya dadka Somaliland ee Fikirkaaga u hogaansamaaya waa bulshadee siyaasigi dareenkaas ku hagaayayna ka soo jeesanaaya , waxaan qabaa Taleex oo ah magaalo taariikheed laga dheehdo halgan Soomaaliyeed in ay maanta yeelanayso sumcad Kale oo ah in ay noqoto deegaanka leh Fursada isku kabida Soomalida iyo Soo celinta dawaladnimada dalka Soomaaliya .

 

Dhibaatooyinka dadka Somaliland dareenkeeda qabaa tirsanayaan waa in hab siyaasi ah looga wada hadlo lana qanciyo dadkaas inti macquul ah ee markaas iyadda oo xalka la eegaayo la isla qaadan karo si dhibaatada ina haysataa meesha uga baxdo .

 

4.5 innoogu qaybiya:

 

Madaxwayne Baarlamaanka shalayto ku doortay waa kuwo ku yimi 4.5 -ta runti annigu waxaan u arkaa in aysan ahayn wax wanaagsan dawaldnimadana ay ku tahay caqabad wayn meeshana ay ka saarayso mabaadii in ay jirto ,haddaba waa wax taagan oo xiligaan jira in aan ku qeexo wax aan mabaadii ahayn kaliya kama saarayso meesha , Xumaanta oo aad ogaataa ma ahan in ay meesha ka baxday balse waa in meesha laga saaraa , waxaan qabaa in Madaxwayne Xassan oo isaggu lahaa Urur Siyaasadeed in uu 4-ta sanno ee Soo socota diyaarin karo hab awood qaybsi siyaasadeed ku dhisan nadaam Axsaabeed Goolaha shacabkana laga soo doorto deegaan , waxaa dhici karta in dadka qaybi dhahaan dad ayaa wax waayaaya lakiin hadafku waa in iskala saarida meesha laga saaro goor ay ahaatoba waa sidaan horay u iriye dareenka dadku la nool yihiin Hogaamiyuhu kuma dhex noolaado ee isagga aragtidiisa ayaa shacabku ku dhaqaaqaan.

 

Waan rajaynayaa Madaxwayne Xassan Sheekh Maxamuud oo Golle Shacab oo dadku soo doorteen ay mar kale u codeeyaan waxay ila tahay laba muuqaal ayay kala yelan doonaan haddi dunidu jiro doorashadi 10-09-2012 Xassan ku soo baxay iyo midda dambe samaanteedana waxaa qaadanaaya Maqdaxwayne Xassan Sheekh Maxamuud , Waase haddi la galiyo juhdi badan iyo diyaari hab mabaadii,eed dawaldnimo ku soo dhisanta oo inti isku aragti ah ee leh hanka hogaaminta dalku ay meel ku midoobaan .

 

Qabyaaladda :

 

Qabyaaladdu waa xanuun dadka waxyeeleeya dhimirkana dhibaato u gaysta madaxwayne waxaa looga gudbi karaa aragtidayda iyadda oo aysan 4-sanno ku baxayn balse muddo qaadanayso barbaarin Bulsheed ku dhisan Mabaadii Islaamnimo ku astaysan , waa dareen dadku la nool yihiin madaxwayne waa in dhinacaaga ay ka ahaataa wax fool xun balse haddi hogaamiyuhu aminsan yahay waxay noqonaysaa hogaamiyaha iyo dadku makala duwana ee madaxwayne-nimada uun magaca ah ayuu kaga duwan yahay .

 

Qabyaaaladdu waa tan dalkeena burburisay , waa arin aan dhamaanteen isla qirayno in qabyaaladdu wax xun tahay madaxwayne qirashadaasu in aysan meesha ka saarayn waan ognahay balse hab fakar mabaadii ku jaan go,an waa in aan dareenaa oo aad hirgalisaa awoodaada dhisida goobo wacyi galineed , daawashada dadku ay daawanayaan dawladda ee la leeyahay maxay kuwaasu heleen iyo kuweer maxaa la siiyay ma noqonayso caqabad marka aad dadka ugu yeerayso in ay si habsami leh u fakaraan qabyaalad ku noolaanshana iska fogeeyaan , is walaalsadaan , isuna kaalmeeyaan .

 

Waxaan qabaa mustaqbalka in la diyaarin karo Bulsho ka maran dateenkaan qabyaladda Soomalaiduna ay noqon karto dad la noolaada dareen bini aadam caadi ah oo aan qabin xanuun maskaxeedka dhibaatooyinka daran inna gaarsiiyay .

 

Dhamayn:

 

Waxaan ku soo dhamayn madaxwayne dariiqi hore ee isbadal la,aantu waanna dhibayaa ee isbadal aan aragno na hima galiya oo aan u riyaaqno waxaad gashaa taariikhaha ay kala leeyihiin hoggaamiye guulaystay oo dadkiisa ku hagay dariiq horumarineed ama mid dib dhacay oo mabaadiidiisi laga adkaadayTusaale ,Konstantin Chernenko iyo Mikhail Gorbachev waa hogaamiyayaashi ugu dambeeyay USSR waa ragga ay ku quur baxday mabaadiidi Hantiwadaagu waxaa dagaal la galay Jimmy Carter iyo Ronald Reagan, oo iyagguna xiliyadaas madaxwaynayaal ka ahaa dalka Maraykanka Ragga hore waa kuwo guuldaraystay kuwa dambe waa kuwo guulaystay marka la xusaayo taariikha Maraynkanku maanta waxa uu marayaa in uu saamayn ku yeesho qofka Russia hogaaminaaya xilli ay USSR oo awood lahaydna waa jiray ii caalanka mabaadiidaas ka iibiso balse hogaamiye dadkiisa looga dheereeyay oo looga gacan haatiyay dal kale dheh.

 

Mahathir Mohamed-ki Malaysia ee dalkiisa horumarka u horseeday waa mid taariikhdu xusto .Meet The Boss Tv waraysi uu siiyay Mahathir Mohamed Waxa ka mid ahaa hadaldiisi mar la waydiiyay aragtiyadiisu ku meel mareen… Dadku waa in ay ku shaqeeyaan waxa aad maskadxa ku hayso oo ay fahmeen ……….. si dadku isu badalaan…., iyo Sidoo kale hogaamiyayaal badan oo caalamka kuwona dalalkooda dib u rideen kuwona horumar gaarsiiyeen ,Nimankaan Hogaamiyay dalal kala duwan waxa aan tusaalaha ugu soo qaatay mid guulaystay iyo mid guuldaraystay Madaxwayne Rabitaankayga ayaa ah in aan arko madaxwayne Soomaaliyeed oo leh hogaamin aad loola dhaco waxqabadkiisa iyo siyaasadiisa ku wajahanto caqabad xalinta .

 

Madaxwayne Xassanoow Taariikhdu haku xusto dadka Soomaaliyeed ee dawlad la,aanta la ildaran kuna dhibaataysan caalamka daafihiisa midki barwaaqo u horseeda ayaan kaa filaynaa balse filashadayada xaalku iskuma badalaayo adigga ayaa isbadalku ku agyaal waa sidaad u jibaaxdo caqabadaha kala duwan ee aan xusay sidda aragtidaydu tahay oo aad xal ugu raadiso.

 

Madaxwayne Gabadha Soomaaliyeed ee Yaman ama Kenya ilmaheeda dusha ku sidata ee ku tuugsanaysa ee ah sawirka damqashada badan , Ilmaha Soomaaliyeed ee madaafiicdu ku dhacayaan , hooyadda hooy iyo cunto aan iyadda iyo ubadkeedu haysan ee Soomaaliyeed waa kuwo sugaayaa madaxaaga maskaxda ku dhex jirtaa siday u fakarto , Rajadoodu waa adiga hab fakarkaaga laba midood ayay noqon mid Gabadhaas Soomaaliyeed ee Tuugsanaysa ka soo kaxaysa dalka shisheeye ee ay ku dayacan tahay iyo in ay noqoto halkeedi oo ah in aad fashilanto , Marka aan leeyahay Madaxwayne wax qabta ma ahan in aad dhamaan hadda wada qabayso Bilow wanaagsan ayaan naawilaynaa iyo in aad dhabaha dhamaadka dhibta na saarto.

 

Maadxwayne Rajjo Yididiilo hel ee aan ka dhigano dareen aan ku noolaano noo muuji , na hima gali aan firfircoonaan iyo xornimo dareeno anniga iyo dadka inta ila qabtaa ma qabno in aan xornahay aad ayaan ugu damqadaa marka aan maqlo ilma Soomaaliyeed ayaa Ethiopian dileen waxaan sawirtaa xilli aanan jirin ee la i yiri Ciidamo Soomaaliyeed ayaa Herer ka dhex baxay , dad baa u dhintay xaqiijinta himilada ah Soomaaliwayn , Haddana wakhtiga ayaan eegaa mise Baladwayne ayaa 100 qof oo Soomaaliyeed Ciidamo Ethiopian ahi qol ku gureen , Guul daradu Foolxumo iyo dhamqasho badanaa Guusha iyo Horumar Samaynti Dareen wanaagsan oo nayaayiro lahaa , Madaxwayne Hab fakarkayaga Saamayn waa in aad ku yeelataa waa in aragtidaadu na hagtaa .

 

 

Waxaan Alle ka baryayaa in uu kula garab gallo Hogaamintaas aad hogaaminayso Bulshadsa Soomaaliyeed ee 22-Sanno dawlad la,aanta noolayd dhibaatooyinka badanina soo gaareen ee ay ugu horayso dhuminti aan dhuminay in aan dunida korkeeda maamuus ku lahaano.

 

W/Q Idiris Suldaan Axmed Dooxa-Joog

E-Mail: Dooxajog5@hotmail.com

Facebook: Halkaan Riix

 

COMMENTS

RSSComments (0)

Leave a Reply