Maqaal: Puntland iyo weerarka Af-ka ah ee lagu hayo {Farah Warsame}
January 1, 2012 // Opinion, Warar SomaaliSida taariikhdu xusto magaca Puntland wuxuu baxay waqti aad u fog, waxaase waqtigan xaadirka ah Puntland loo yaqaan gobolo isu tagay oo dhulka soomaaliyeed ka mid ah, kaas oo la magacaabay muddo hadda laga joogo 13 sano ka hor. Dhulka Puntland waxaa lagu qiyaasaa 212,510 km2, waxaana ku nool dad ka badan 3,900,000 oo qof (qiyaas la sameeyay 2006-dii).
dhismaha maamulkan la magac baxay Puntland waxaa ku baxay waqti badan, naf iyo maalna waa loo huray. Waxaase sidaad qoraaladeydii hore ka dhadhansateen waayadan dambe si xowli ah isu soo tarayay xumaan lala doonayo maamulka Puntland, kuwaas oo ka soo gaarayay meelo kala duwan.
Maamulkan Puntland ee gudaha iyo dibeddeba dhibtu kaga socoto, waxaa dhinaca woqooyi xuduud kala leh maamulka la magac baxay Somali-land waqtiyadii dambena labadaa maamul waxaa ka dhaxeeyay muran xagga dhulka ah iyo siyaasado iska soo horjeeda oo mararka qaar gacan ka hadal isu badalayay, dhinacaa haddaad ka eegto Puntland kama daggana.
Xagga koonfureed waxay deris ka yihiin Galmudug sidoo kale cadaawad ayay Puntland dhinacaa ka tabeysaa. Gudaha marka loo soo gudbo qof walba waa la socdaa waxa ka socda: dilal qorsheysan, qaraxyo iyo dhibaatooyin kale oo kuwii ugu dambeeyay lagu dilay aqoonyahanno magac & maamuusba ku lahaa bulshada dhexdeeda. Dhinaca federaalka inkastoo waxoogaa isu soo dhawaansho ah beryihii dambe la dareemayay haddana kala shaki ayaa weli jira.
iyadoo intaa oo xaaladood oo kaladuwan maamulka hadda jira la tacaalayo, iyadoo tabarta maamul gudaha soomaaliya ka jiraa qof walba ogsoon yahay inta uu le’ekaan karo! Ka waran shakhsiga Puntland dhalasho ahaan ka soo jeeda oo bidhaantaa yar ee ummaddaa u soo baxday sii baabi’inaya!
Maxaa puntland lagu heystaa? waa su’aal aan jawaabteeda weli helin laakiin isleeyahay iyadaa waqtigeeda iska iman doonta.
qoraalkan waxaan ku soo qaadi doonaa mid ka mid ah dagaalada kuwooda ugu halisan, waana kan loo yaqaan warbaahinta “Media”.
Maamulka hadda ka jira Puntland iyo kuwii ka horreeyayba waxay marar kala duwan irdaha isugu dhufteen idaacado & Tv-yo Soomaaliyeed. Si aan u ogaado waxa Puntland dhibsatay, Barnaamijyadaas ayaan sii daba galay oo mar labaad iyo mar saddexaad dhageystay ama daawaday, mar walbana waxaa ii soo baxayay wixii aan filayay oo ah in Puntland weerar lagu hayo.
Tusaale kii ugu dambeeyay wuxuu ahaa barnaamij la baxay Puntland iyo Maanta oo Tv-ga Somali Channel ka soo gala isbuuc walba. Waana tan igu kalliftay in aan maqaalkan soo qoro.
Cinwaanka barnaamijkaas waxaad ka garan kartaa in uu khaas ku yahay Puntland. Waxaan markaa is-weydiiyay maxaa kallifi kara in barnaamij khaas ah keligeed loo sameeyo? Meeday soomaalidii kale? Puntland ma dowlad gooni ah baa? Ma jaceyl looqabo ayaa sidaa loo yeelayaa? Ma soomaalidii baa iyada ka hartay? Ma iyada keliyaa maamul Soomaaliya ka jira? Waxaas oo dhan maahee wax kalaa jira.
horudhaca barnaamijkan & kuwa kale ee aan qoonsaday waa kuwo ku soo jiidanaya, wax yar dabadeed intaan bartamaha barnaamijkaba la gaarin waxaad maqleysaa su’aalo aan isku xirneyn oo aad mooddo in hore loo soo diyaarshay! dhammaantood mid mid heysataa kuma jirto.
Mowduucii hore intuusan dhammaan ayaa mid hor leh oo xanaftiisa wata la galaa. 3-da su’aalood ee ugu horreeya ayaa kaaga filan ujeedada barnaamij walba illeyn waa kuwo ujeeddo laga leeyahaye, umana sii baahnid in aad sii dhameysato haddaadan ka mid aheyn kuwa ku faraxsan in Soomaali la dhibaateeyo.
inta badan barnaamijkaa iyo kuwo kaloo la mid ah oo aan waqtiyo kala duwan daawaday, waxaa lagu sheegaa in wax lagu taxliilinayo si Puntland u xasisho! Waxaase is-weydiin karnaa yaa dadkan u wakiishay in ay xalka Puntland iyo maamul wanaaggeeda raadiyaan?.
Xalka ay ka hadlayaan ma in dibedda inta Tv-yda lasoo fariisto wax laga dacaayadeeyaa? Puntland xumaan & samaan-ba wey leedahaye maxaa xumaanta oo keliya ku koobay? In la is dhaliilo ma xumee, maxaa maalin walba ka dhigay? Maxaan wanaagga innaba intey doonto ha le’ekaatee wax uun looga xusi waayay? Haddii wax la saxayo maxaa dadkan u diiday in ay gudaha waddanka yimaadaan oo dhaliisha halkaa ka sheegaan? Xaggee lagu arkay maamul dhinac walba ka xun haddana waa jiraa oo waa shaqeynayaa la leeyahay? Waa waxyaabaha iga yaabiyay!!
Ka waran kuwa inta madaxweyne isu soo sharaxay markii uu doorashada ku guuleysan waayay meeshii uu ka yimid ee qurbaha inta ku noqda af-lagaado bilaaba? Ka waran kuwa shirka Garoowe ammaanaya maamulkii qabanqaabiyayna eedeeynaya? Haddii Faroole la qoonsaday, maa la iska sugo berriba wuu tagiye. Aawayse xaqqii ay Puntland kugu laheyd ka muwaadin ahaan, taas oo ah in aad nabadeeda ka shaqeyso, qaranimadeedana difaacdo.
Su’aalahaa iyo boqolaal kale oo ka duwan ma is weydiisaa markaad aragto dadkan mucaaradnimada & wax burburinta siyaasadda u yaqaan ee meel walba dibindaabyada kaga wada Puntland.
Ma la socotaan in dadku fahmi karaan waxa looga dan leeyahay barnaamijyada noocan oo kale ah. Mise wixiinu waxaa weeye kelmadihii soomaaliya baabi’isay ee siyaasiga soomaaliga ee aheyd ANAA IRI, dhibaato hadday keentana shaqo kuma lihi.
Haddiise dagaal loo soo tafaxeytay, almeeno magaca barnaamijka maad qurxisaan sida Soomaaliya iyo Maanta, si ujeedadu u qarsoonto oo markaa cidda loo dan leeyay halkaa looga miiso? Mise aqoon-darada saxaafadda naga heysataa ayaa waxaas oo dhan u sabab ah? waxaase wax walba nooga daran masabidaada ay ku sheegeen in wax-garadkii Puntland ay la dhacsan yihiin barnaamijkan. Waa cajiib!!
marka aad weydiiso dadka howshan ku jira ama sababta ay sidaa u yeelayaan waxay ku leeyihiin waxbaan saxaynaa oo dimuqraadiyadda ayaa sidan qabta.
Dimuqraadiyad noocee ah?? ka waran kan reer baadiyaha ah ee aan dimuqraadi wax la yiraahdo abidkii maqal oo kelmad aad adigu dimuqraadi u taqaan marka uu kaa maqlo qorigiisa soo cabbeysta hadhowna wax ku dhibaateeya? Soomaaliya’se maxaa halkaa dhigay? sow dimuqraadi aysan aqoon u laheyn oo dusha laga saaray maaha? Haddaadse dimuqraadi jeceshahay & xorriyatul-qowl maad Soomaaliya tagto oo dadka barto? Soomaaliya dimuqraadi lagama yaqaanee armay habboonaan laheyd in aad wax badan xeerisaan, hadaladiinana koontarooshaan?
haddaanse tiina idiin raaco oo dimuqraadiyada aad afka uun ka sheegtaan idinkala hadlo marna ma is-weydiiseen waxa labadii murashax ee iska soo horjeeday madaxtinimadii Mareykanka ul iyo diirkiis ka dhigay? Adigana markaad jagadii ku guul dareysatay jaalle mucaarad kaa dhigay? mise dimuqraadiyadda waxaad u taqaan sida aad adigu jeceshahay.
Ka waran Cawke oo ah weriyihii ugu caansanaa ee Soomaaliya soo mara haduu shaqadiisii dhammeyd ku waayay 3 erey oo uu Jabuuti ka sheegay. Sidee qiil loogu helayaa malaayiin qof meel ay ku nooshahay, in maalin walba kelmado dab ummadda ku dhex abuuraya laga sheegsheego?
Gabagabadii, markaan arrimahaas oo dhan dhinac walbana ka eegto waxaa kuu soo baxaya in Puntland ay ku saxsaneyd kuna saxan tahay sida ay ula dagaalameyso wixii dhibaatetnaya. Waxaase dadkan cambaareyntooda loo qaateen noqon kari laheyd marka la arko iyagoo wanaageeda wax uun ka sheegaya haba mucaaradeene.
Waxaan ku soo gabagabeynayaa haddaan shacabka reer Puntland nahay waan kala naqaan kan wax na taraya haba na caayee iyo kan na neceb haba na amaanee.
F.G. Maqaaladeyda dambe ayaan ku soo qaadan doonaa Magacan Puntland iyo waxa uu qabto.
Wabillaahi Towfiiq
Farah Warsame
Melbourne Australia
Bile1971@hotmail.com



salaanta islaanka ugu horeen ,waayo taas ayaa ka hartay wax la isugu dhawaado ugu horeentii.
kkkkkkkkkkkkkkkkkkk,waxa aan la yaabanahay dadka qaarkii oo qor halagaa sheegee oo kale ah ,wax kasta oo uu ka hadlay barnaamijka ma ogyahay qoraagu in uu asaga qudhiisa sheegay ,waa la sheegi wixi waa lasheegi ninki xun waana la caaridi ,mana la yaqaan maskaxdeenana na iin mayso in aanu ku hadalo waxyaalo aan maskaxdu qaadaneen ,sida uu u yiri qoraagu khaladaad waa jiriraan laakiin halaga indha qabsado oo sanad baa u haraye ha hala sugo inta uu ka dhamaysanayo oo dad iyo dalba baabi inayo .
waanu fahmaynaa nuxurka maqaalku xanbaarsanyahay hor baa waxaa loo yiri
(dhariga karka maxaa ka keenay? waa su aale
hadaba aan kuu jawaabee bowe waa kuleelka.
looma baahna beerlaxaawsi aanan jirin adoo og xaqiiqada waxa ay tahay hadana indhaha istiraya waa wax kugu kooban adiga iyo inta taageeraysa fikirkaaga laakin ogsoonoo intaa iyo in ka badanba waa ay kaa duwan yihiin fikir ahaan .
puntland cadaw ma laha ee nimanka horbooda ayaa cadawku ah sameeyana cadawga shiraka caalimiga ah geeya oo ka soo diiwaan galiya waadna ogtahay hadana waxaad leedahay cadaw baa jira akhas fikirkaas aan qiimaha laheen ee la iska soo qoray nagana gadan maysid
umadi deegaanka oo idila la yiri cidii hadashaa waa afsalax ku dheg gaba gabadi niwalow taagtaa niwalow tabartaa ,cid baa la sheegay tiri hada ka hor aadane kawaynaanaye alayare manoqonaa taariikhdi arinkaa kubaxay hadii ay soo noqotay waanu arki alihi waxaas oo idil sameeyana waa uu inoo jeedaa been abuurkana ma fiicna
aayad quraana ayaa waxay leedahay sidatan kii ku cibraqaadanaya.
(yaa ayuha aladiina aamanuu in jaa ukum faasiqun binaba fatabayanuu an tusiibuu qooman bijahaalatin fatusbixuu calaamaa facaltum naadimiin.) sadaqaalaahul cadiim.
abdalla.
allaah ayaa mahad iska leh horta pn 24 iyo qaraaguba waa mahadsanyiin waxaana ku dhiiri gelinayaa qoraaga inuu badiyo qoraaladan baraa rujinta ah ee shacabka puntland cadoowgiisu doonayo inaay uga fa iidaystaan reer faroole oo beri tegaya puntland ma tegeyso balse odaygaan iyo wiilashiisu waqtigooda ayeey sugayaan
illahay maamul wanaagsan oo dalka iyo dadka horumar gaarsiiya ha inoogu bedelo reerkan fowdada ah
faroole waxyaabah uu siku darsday waa isagoo magaaldii uu u dhashay iyo madaxweyne nimo isku helay ka dibna magaalooyinkii kale ee puntlandiska illaaway garoowe waaa magaaladayadi waan ku faanayna horumarkeda balse magaalooyinka kale soo puntland maaha
tan kale anigu aad ula yaabo waa ciyaalkiisa oo makhaayad ka dhigtay madaxtooyadii
intaas hadaan ku daayo reer faroole
somali channel waa arkaan wxaa ka socda dhulka somalidu degto wqooyi iyo koonfur maamulada kale iyo maanta maxaa u diiday p\lmaanta ku kalifay markaan arko cadawad ay u hayaan puntland candhuuftaydaan dib u liqaa anigoo isku qanciya dawlad xumi dawlad la aan bay dhaanta cadoowgaan jaanis yaanu u helin kala qaaybinta shacabka qaaliga ah ee reer puntland guul iyo barwaaqo puntland cadowguna ma guulaysanyo
Barnaamijka ka socda somali chanel waa loo baahan yahay sababta oo ah Puntland shalay nabad la harsado ayay lahayd laakin waqtigan xaadirka ah Oday & caruurii uu dhalay ayaa majara habaabiyey amaankii Puntland qabaa’iladdii degeganaa madaxa isugu dhuftay hayska gurteen doolarkaa u darane, dawdaray ku noqon dulmmigay aruursadeene.
waa in toosh lagu ifiyaa tuugada & calooshooda u shaqaystayaasha sarcen.
Sixid: Farax Jamac shaqsi ahaan kuuma aqaan ayaan ka waday:
Gabdhaha reer Puntland oo fakradda ka dhiibtay arikalka way mahadsan tihiin warkiina waan u bogay, I am proud of you.
In maamulka jira qaladkiisa la saxo oo wixii xun lagu dhaleeceeyo waa sax, anigu shaqsi ahaan waxaan qabaa inaan Farole loogu darin.
Lakiin aan kala saarno waxa uu ka hadlayo Farax iyo sida ragga qaarki u fahmeen in la difaacayo Faroole.
Fiiro gaar ah: Waxaa isa soo bahaystay dad cadow u ah Puntland oo Media isticmaalaya u jeedada laga leeyahayna ay tahay in lagu burburo Puntland.
Tusaale weli ma aragteen wax Puntland ku amaanaya sida ay uga goán tahay midnimada Somalia iyo sida Puntland Somali oo dhaan loogu soo dhaweeyey.
Waxaan ka fekeray maxay tahay waxa Puntland loo xumaynayo waxaa is iri malaha Puntland qalad ay gashay ayaa loo necebyahay! Waxaa ii soo baxay inaan habayaraatee inaan Puntland eed Somaliyeed gelin ee ay sababtu tahay laba qodob keliya
1: Daarood nacayb lafaha uga jirta Isaaq iyo hawiye, waxay aamin sanyihiin haddi Puntland dunto awood Daarood oo kale ma jirayso.
2. Masayr: aan horumar laguu ogolayn, Somaliland iyo koonfurtu waa kala ujeedo
Somaliland waxay u aragtaa aqoonsigooda waxaa caqabad ku ah Puntland.
Hawiye qaar ka mid ah gaar ahaan Habargidir waxay, leeyihiin anaba waa kala qaybsanahe see ayagu umidoobaan oo awood u noqdaan xoog leh.
Labadu waxay ilaaween Somalinimo in hadii Puntland dhisanto ay yahay dhul Somaliyeed oo cidna ka xigin. Oil meesha waa ka buuuxaa.
Allow shartooda naga du, laakin kalsooni ayan ku qabaa inay dadka reer Puntland ay is difaaci karaan.
asc waxaa xaqiiq ah in puntland cadaw badan
leedahay dhaqanka somaliduna uu noqday xasidnimo iyo burburin,marka waxaa la gudbon
umada reer puntland in ay amnigooda iyo horumarkooda ilashadaan,maamulka waa in lagawada shaqeeyo sidii hogaan wanaagsan loo helilahaa laakiin hadii ninwalba yiraahdo tuugeygaaga fiican hada taasi xal ma aha
shalay waxay ahayd qardho maantana waa garowe.
Farax warsame
Shaqsi ahaan ku aqaan, lakiin runtii waxaad tahay shaqsi reer Puntland ku faani karaan, gartayna weerarka xagga media ah oo Puntland lagu soo qaaday.
Waxaa qofkii wax garad ah tusaale ugu filan
inaad aqriso intaan TV;ya la gaarin”opinion- fikrado” Hiiraan online dabacday ama AMIN AMIR oo ah media Beec ah oo qofkii lacag siiya wixii uu ka codsado daabaca, suaashu waxay tahay; maxay dadkaasu lacag ugu bixinayaa qaska Puntland? waa NACAYB QABIIL.
Waxaase ka naxdin badan dadka ka soo jeeda dhulkaas oo ayaga loo isticmaalayo burburinta gurigiisii, isagoo dhuuni raacnimo uga soo horjeeda maamulka jira.
Duulaan baa la idinku yahaye meesha ka kaca oo mudooba.
HADDAAN DIIN LA DHIGAN OON MIDNIMO DAABKA LA ADKAYSAN WALLE DULI BAA LAGU SOCDAA LABADA DAAROOD (aduun iyo aaqiraba)
Qof sidii uu dililahaa plaminaya inaad la shaqayso sow doqonimo maaha.
Waxan ka xumahay qofka qormada kor ku qoran soo qoray in aanu kawarhayn dhipaatada iyo maamulxumada kajirtah puntland huduuyan ogayn waa dhib waxaase ka xunn in uuu ogyahay oo is ka indhatirayo taas baa ceebta siiweyn ah maamulka xiligakan ka jirah puntland wuxuu urursaday xumaan oodhan oo lama orankaro wax uun buu ku fiicAN YAHAY
waaa wada boog soconaysah waa walama arag iyo ma maqal waa hal nin iyo dhoor caruur uudhalay oo boob iyo suuq madow raadinayah
walal waad mahadsantay waxaana sheegtay wax xaqiiqo ah ,waa in aan ka shaqeenaa wixii danteena ah oo amnigeena ku ilaashan karno tusaale ani waxaa jogaa xaafuun ee karkaar waa i saamaysanaysaa dhibta meel kasta ee puntland ah ka dhacda, somliyeey 21 sano ayaa rafaad ku jirnaye ee aan horay u socono ,nin neceebka aan iska deeno oo aan danta guud ka wada shaqeeno.
Yaaba aaminsan waxa aad ugu yeedhay somaliland waa kugu keli bro adiga wax kuu gooni ah weeye mana aaminsanin mana aamini doono afkayaga,na laga maqli maayo SNM waxaanan ahayn Xoog baana soomaali uga dhigayaa anigu cid jecel iyo cid kaleba waan ka xumahay laakiin dhulkaan waxa loo soo marey maaha waxa ka taagan
waxaa iska cad in puntland laga maseer sanyahay sida madaxdeeda aqoonta iyo waaya aragnimada leh wax umaamulaan laakiin waxaan reer puntland xasuusinayaa in la idinka maseero waa wax idinka idiin roon maxaa yeelay dadka maseersan ee wax qabsan karin ilaahay uguma talogalin in laga dhigo dad wax qabsan kara aqoontooda iyo cilmiga aay barteen hormar ku gaara maxaa yeelay ilaahay waxuu daalacanayaa quluubtooda aan daahirka aheyn ee wasaqdu buux dhaafisay sidaa darteed waxaa laga dhigat 1000, is diidan 1000,ciilan 1000,niyad jabay iyo 1000, curyaan ah maxaa yeelay sidaas ayuu noqday waajib koodii reer puntland rabi ayaa idin xafiday kumadiya markasta alaahu akbar
Waar inankaan halayaabibina waxaa xooga u diray dareewal taxi faroole!
Puntland in dicaayado raqiisa lagu hayo waa wax xaqiiqa ah, ayna ku hayaan kuwo u dhashay oo danaystayaal ah iyo kuwo isir ahaan u neceb. Kuwa u dhashay waa kuwo dibedaha ka soo dhawaaqa aanana kala garanayn cawaaqib xumaday keeni doonto burbur ku yimaada dhulkii uduga waa puntlandne, waxay carruurtoodii geysteen dibadaha oo jaamacado ka dhigataan kuwa aanan awoodina oo wadankii maanta waxbarasho, caafimaad iyo nolol xumo ku haysato aanan inaba laga yaabin inat wax taraan.
Ceel uma qodaan, iskool uma dhisaan, ma maal gashadaan, haday wax bartaan wakhtigooda ma siiyaan , ma soo booqdaan, ma u naxaan oo wax ma taraan dalkii iyo dadkay ka yimaadeen, maalinba Tv ayaa la fadhiyaa oo dicaayado loo soo dhiibay la soo fariistaan sida kan cali khaliif galeyr ee Somali channel kuna gatay lacagtii uu ka xaday wershadii sonkorta ee mareerey ee malaayinta gaareysey welina ay sidii ugu maqan tahay dadka soomaliyeedna ka sugayo inuu u soo celiyo. Waxay wareystaan Sekeriye oo leelkase ah oo xumaan qabyaaladi googaysay ahna aalad laga soo hago muqdisho aduunkana ku wareerey oo aan afkiisa iyo dhegiiisu is maqal. Waxan markhaanti ka ahaa aflagaadadii aanan loo meel deyin ee uu sekeriye u geystay alla ha u naxariistii odayadii puntland taariikhda iyo maamuuska ku lahaa sida xaaji muuse boqor iyo xaaji muuse samatar, iyo cabdirashiid cali sharmaarke. sekeriye wuxuu markaa ka khudbeynayey xaflad ay so ababuleen mooryaanta muqdisho laguna qabtay Toronto. xiligii uu aflgaadada waday waxa dhinacyadiisa fadhiyey mooryaantiii muqdisho oo aanan cidiba ka harin sacabkuna is qabsaday Intuu aflagaadada waday. Waxa cadaatay ina ayan puntland u dhutinayn dicaaaydaha lagu hayo oo ay puntland dhaqaaqday cid celin kartaana aysan jirin. Dicaayad raqiisa oo dibedaha lala fadhiyaana aaney waxba ka tareyn puntland. Maxaase loo baahan yahay?
In puntland furato idaacad iyo tv afkeeda ku hadla aadna uga casrisan kan galeyr, iyo kuwa mooryaanta muqdisho.
In puntland ay af iyo adinba kula dagaalanto cidii daandaansata.
In puntland ayan dhegeysan dicaaydaha raqiiska ah mashquulna ku noqoto horumarkeeda.
In dadka puntland muujiyaan dad jeceyl iyo dhul jacayl ayna difaacaan dhulkooda duulaanka lagu yahay.
tvga somalichannel barnaamijka uu ugu magac daray puntland shalay iyo maanta ee loogu tala galay in lagu burbursho puntland la iskagana horkeeno shacabka reer puntland si fowda u dhacdo waa mid ay ka dheragsan yihiin markaan reer puntland yar iyo weynba culimo iyo caamo halkkii ay is lahaayen dadka is horkeena ayagii ayaa dadkii horyimi waayo waxa ay sameeynayan waa wax aad u rasan oo aan geed loogu soo gaban laakiin waxaas oo dhan waxbaa ka daran somalichanneltv barnaamijka ay wax ku burburinayan waxay soo fariisin rag reer puntland ah oo hadana odayal ah si sawirkooda meesha looga arko markaasa waxaa arkaysaa iyaga oo kursiga fadhiya oo kudul luloonaya waa wax aad ninkii mustaqbal rabaa uu ka xishoodo fikar in la cabiro iyo in wax la burbursha waabwax aad u kala weyn
Puntland iney fashilantay leskuma hayo , ee ma ladaboqabankaraa ey jogtaa.Waxaan xasustaa dad badan oo siddetamadkii markuu Siyad Barre waddanka burburinayay ku hayay waa noo wanagsanyahay.Ninka difacaya maamulka Faroole kuwaas uu la midyahay.Isaga bal yaa geyay Australia aan isweydinee Somaliwenna yaa ku firdhiyay Addunka dacaladisa.Waa mamulkii qalafsanaa ee Siyaad Barre,Shacabka Puntland xaq bey u leyihiin iney ka hadlaan kana shiraan dhibatada uu Faroole ku soo wado.
anigo waxan qabaa in maamulka iyo shacbka puntland laga wadnisan yahay , sabab too ah shacbku ma ilashadaan nabda iyo wanaagay haystaan maamulkuna waxaa ka muuqataa habcsnaan iyo karti daro , maanta sidaan ognahay caamka waxaa ka shaqysaa mediya hadii lagaga horeyana waa lago baabinayaa oo aan xaq isku difcin oo aand wax qabdkaga iyo dhlishaada soo bandhigin , kuwa kugu been aburanyaa iskaga dhicin , waa in dhalinyaro reer puntland ah oo ku firfircoon xagaa warbhiinta iyo sawir qadkaa la helaa , dagnadaa puntland waa in laysogu xiraa warbhintaa oo codka shacbka puntland lawda garsiiya iyo somli inta kale, maanta dagaalko wa warbaahin puntlandna way ka gaabisay
Walaal markaan dib u mililicsado maqaalkaaga waxba kagama duwana kuwo rag Faroole daafacayaa qoreen.Haddii aad xoogaa ka taaban lahayd qaladka weyn ee dowladdu ku socoto iyo wayaalaha aan horey loogu aqoon maamulladii horey usoo maray P/Land xoogaa waa tixgelin lahaa qormadaada.Waddanku gole baarlamaan buu leeyahay,waadna la socotaa marka keliya oo xildhibaan si xushmad badani ku jirto madaxweynaha su’aalo u weydiiyey jawaabtiisii waxa ey noqotey u oo Faroole oo idaacadaha caalamka laga dhegeysanayo ku hadlay oo weliba aboolojigii xitaa diiday in uu bixiyo,marka arrintu ma guulwadow Siyaad kale baa? Waxa dad badani leeyihiin halla daayo Faroole ha dhameysto wakhtiga u haraye/waxaase isweydiin leh maku tala galay in uu xukunka siidaayo? Cadde Muse markuu saddex sano dhameystey waxa uu ku celcelin jirey MAALIN KU DARSAN MAAYO MARKA AAN DHAMEYSTO TEERAMKEYGA,maxaa looga maqli waayey Faroole hadal kaas oo kale, mase sida qof walba aaminsayahay wax uu rabaa ergo si qaldan looga soo uruuriyey gobolada in ey xoogaa ugu daraan markey u ansixiyaan dastuurka oo weliba usuurta geliyaan in uu teeram kale nagu soo noqdo dabadeedna halkaas ey ku dhamaato wixii P/Land la oran jirey.MR Faarax waxa kale oo aadan ka hadlin maamulka ku dhisan Odayga iyo carruurtiisa oo fowdada badan lagu talaabsanayo oo ah wax ku ugub dalkeenna.Anigu shakhsiyan wax colaad ah uma hayo maamulka hadda jira oo aan jeclaan lahaa in uu si nabad ah ku dhameystaan teeramka la doortay,laakiin maadaama halis badani soo socoto haddii sidaan wax ku socdaan,waxan leeyahay reer P/Land meel ha ugasoo wada jeesteen in uusan Faroole soo noqon ama sida uu damacsanyahay laga hor istaago si uusan ugu darsan.Saaxiib saddex sano ayaa qof walba isaga oo qaladaad badan arkaa iska aamusnaa oo waa maamulka keliya aan waba laga sheegin muddadaas marka la barba dhigo kuwii ka horreeyey,laakiin arrintii faraha ayey ka baxday oo xitaa ninka dalka xukumaa maba aha isaga ee waa Maxamed Faroole oo wareegtooyinka inta soo qorto ka saxiixa aabihiis oo aad adiguba ogtahay in uusan NO ku oran karin wiilkiisa.Haddaba ma iska daawanaa ha burburtii mise waa hadallaa oo wax qaldan baan sheegnaa? jawaabta adigaa lagaa rabaa Mr Warsame.
NInka wada Somalichannel waa nin buka, una buka inuu caan naqdo. Waa nin sidoo kale u buka inuu Puntland burburiyo isagoo ku xiran Hawiye oo weliba wax ku leh Taleefishinka si loo fishilayo Puntland
Reer Puntland waa inay meel uga soo wada jeestaan ninkaas jirin.
Waxaa la ogaaday inuu xataa mentally uusan daganeyn, ma aha marka in lagu daydo
To: Farah Warsame
ASCW- Marka labaad waxaad tahay akhyaar akhyaar dhalay oo fahamay waxa lala damacsan yahay PUNTLAND.
Su,aashaa ah Maxaa laga rabaa PUNTLAND, waxaan kaa siinayaa jawaab gaaban, laakiin laga yaabeen in aysan waafi ka dhigi karayn in ay qanciso marka uu maqlo nin aan jeclayn dadka iyo degaanka PUNTLAN!!!
Markii dadka soomaalidu dagaal ahliya galeen waa tii reer walba meeshii uu ka soo jeeday nafta kula cararay. Haddii ay dowlad samaysteen, ammaan iyo kala dambayn la yimaadeen, nina uma quurayo wanaagaa faraha badan ee ilaahay ku manaystey, waana tan keentay in soomaalidii kale oo dhan ay kunacaan PUNTLAND, welibana ay ugu horeeyaan ku u dhashay oo ilaahay balaayo ku ibtileey, kalana garan la, danta guud iyo tan gaar ahaaneed.
Waxaan ku soo gabagabaynayaa Soomalichannal, UniversalTv,BBC-da iyo kuwo kale oo faro badan waa cadowga PUNTLAND, dadka PUNTLAND waxaa loogu soo gabadaa SAXAAFADDA XORTA AH.Waana tan la doonayo in lagu bur-buriyo.
Waxaan ilaahay ka rajaynayaa in uu taas garnsiiyo.
Masciideed- Sweden-Stockholm.
HA NOOLAATO PUNTLAND
CADOWGEEDU HA JABO.
waxan aad iyo aad u taagersanahay barnaamiska ka soo baxa TV somaili channal. waayo waxan ahay muwaadin reer puntland ah oo xaq u leh inaan ficirkayga ka dhiibto wixii ay dowladaydu ku saxan tahay iyo wixii ay khaladayba.Damaan dadka ka hadlo baraamiskan waa dad reer puntland ah waliba qaybtood waa dadkii xoog iyo xoolo u huray in la helo wax lagu magacaabo puntland oo ah tan aan mantay harsanayno, kuna faanayno una malayn maayo nin jecel wixii uu ku soo tabcay inuu burburiyo.Ninka maqaalkan qoray wax ayaa isaga khadan, walaal ninkii dowlada dhaliila maaha inuu faroole neceb yahay ee iska daa nin jeclaysiga. Tankale waadiga leh yaa dadka u wakiishay inay puntland ka hadlaan, qofkasto reer Puntland ah xaq ayuu u leeyahay inuu sheegto waxa uu tabanayo isagoon cidna idan waydiisan.Adigu waadigan ka hadlayo arimaha Puntland ka waran hadaan ku iraahdo yaa ku wakiishay? Walaal hadaad ka mid tahay kuwa odaygu xoogaaga kharasha siiyo ama Australia ka soo ururshay siday shaqo uga helaan Puntland, iyadoo dhalintii wadankaba derbiyada shaqo la,aan u fadhiyaan, waxan ku dhihi lahaa qunyar soco talaabada intaan qodaxdu kumudin.
jazaakumulahu khayral jazaa.Farah Warsame.
Mudane, aad iyo aad ayaad ugu mahadsantahay maqaalkaagan qiimaha iyo quruxda leh, ee ku dheehantahay wax garadnimada iyo wadani’nimada.
waxaan aron lahaa kuwa mucaaradnimada puntland shaqada ka dhigtey iney ka waan toobaan ilahayna dhinac ha naga mariyo qoriga dabka leh ee ay la wareegayaan.
mar 2aad thankz bro ilahay haku xafido.
waxaan kaa codsanayaa inaad badiso qoraallada noocaan oo kale ah…. Viva Puntland. Cadowgeedana ha jabo