Maqaal: Qaladka ugu wayne ee Dastuurku Waa Federalism!

May 4, 2012   //   Opinion

Soomaaliya waa dal mudo 21 Sano ah aan Dowlad dhexe lahayn ,Dalku waxa
uu mudadaas ku jiray burbur dadkuna waxay ahaayeen kuwo la il daran
Dowlad la,aan oo dhibaatooyin badani ay hareeyeen Meel kasta Soomaliya
haka joogeene .

Burburka Dalka Waxaa loo aaneeyaa Jabhaddihi Qabyaaladaysanaa ee aan
Mabaadiida Ku dhisnayn inay Burburiyeen iyaga oo markaas ku
andocoonaayay inay la dagaalamayaan Nadaamki Kalitaliska ahaa ee XKHS
, Badalkiisana ay samaynayaan Nadaam Talowadaag ah oo la is doorto ,
Balse taas waxaa meesha ka saaray 1991-ki marki ay meesha ka baxday
Dowladdi XKHS uu hogaaminaayay oo ay taladi la wareegeen Jahbaddihi
hubaysnaa oo iyagu markaas dhowr ahaa isla markaana aan isla Socon ee
Jabhaddiba dhinac dalka ka soo gashay .

Wixi intaas ka dambeeyay waan ka wada dharagsanahay siday wax u
dhaceen oo dagaal sokeeye ayuu dalku galay waxaana la isu laayay Koox
odayeed ama Qabyaalad oo koox kasti ay dilayso dadka kooxda odayeedka
(Qabiil) kale ka tirsan .

Intaas ka dib ma dhicin indheergarad Soomaaliyeed oo isu yimi oo iyagu
ka wada hadlay siddi ay xal uga gaari lahaayeen Dhibaatada dalka iyo
in waxyaabihi horay u dhacay ku noolaanshahooda meesha laga saaro,
dabcan indheergarad marka aan leeyahay waa Shakhsiyaad la yimaada
aragdi dib u soo noolayn Qaranimo oo aan iyagu ku fakarayn wax ka
hooseeya Qaranimo Soomaaliyeed ,

Waxaa dalka Dibbadiisa lagu qabtay shirar badan oo ay ajandaha iyo
waxyaabaha lagu soo dhisaayoba ay wadaan ama ay iyagga ka soo maaxatay
dad ajnabi ah ayna ka qayb galeen qaybaha kala duwan ee Bulshada, Lama
oran karo shirarkaas Indheergarad Soomaaliyeed waa ka maraayeen balse
ma ahayn Taladu mid Soomaalidu leedahay ee waxay ahayd mid ajnabi
yeerinaayaan ,Indheergaradkaas joogay iyagu ee u arkaayay in aan
waxaas la wadaa Soomaali dhaqin waxay ahaayeen kuwo laga bato Tusaale
waxaan waydiiyay Siyaasi joogay shirki Carta oo aan inagu u arkaayay
Shakhsi Soomaaliyaysan, Maxaad u doorateen 4.5 ? Waxa uu iigu jawaabay
waa la inoo dooray inyar oo aan kaga soo horjeednayna waxaa nalagu
shaabadeeyay kuwo diidan Dowladnimo, waxaana naga batay kuwo Kursi
doon ah ,Shakhsiyaadka hanka Siyaasadeed leh ee iyagu si kasta ku
doonaaya inay xil qabtaan waxay ahaayeen kuwo u kala ordaaya Ajnabiga
..

Aan u soo noqdo Sababta aan Maqaalkaan u qoray ee an Qaladka ugu wayn
ee Dastuurku Waa Federalism waxaan mudooyinkaan maqlaynaa Dastuur ayaa
Soomaaliya loo sameeyay oo dhowaan la ansixinayaa , Haddaba waxaa iska
soo daba dhacaaya Dhaliilo iyo ka soo horjeesi laga soo horjeesanaayo
dastuurkaan Cusub ee la inoo soo qoray ! Haddaba maxay tahay sababta
looga soo horjeedo ?

2004 Waxaa Dalka Kenya lagu soo dhisay Dowlad ku Meel gaar ah oo loogu
magac daray waa Dawlad ah Nadaamka Federalism-ka , Nadaamkan
Federalism-ka ah ayaan ahayn mid dad Soomaaliyeed u garteen inuu yahay
Xalka Soomaaliya Balse waa Nadaam ay dabada ka wadaan Dowladaha Reer
Galbeedku oo iyagu la dagaalama Nadaamka Centralism-ka oo ay u arkaan
inuu yahay Phlosoph-ed Marxism and Lenninsm ah ,oo ah aragti Reer Bari
ama wadamadi USSR-gi burburay lagu dhaqi jiray.

Haddaba qaladka ugu wayn ee Dastuurkaanu leeyahay ayaa ah waa mid ku
dhisan Nadaamka Federalism-ka oo ah wax aan Soomaaliya xalkeeda ahayn
sababta oo ah dadka Soomaaliyeed waxay isku laayeen Qabyaalad … Bulsho
kala qaybsan oo isu aragta inay iyagu isu yihiin Codaw qabytoodna
qaybtooda kale neceb tahay kuma dhaqmi karaan Nadaamka Federalism-ka
ah .

Arintaan iyada ah ayaa waxaa hormuud ka ah Siyaasiyiin iyagu dantooda
khaaska ah wata, Balse shacabku ma ahan wax ay wax iska waydiiyaan
marka laga tago Siyaasi ku dhaha Soomaaliya waxba iskuma darsan karto
oo wixi dhacay waad ogtihiin 1991, innaga danteenuna waa Federalism-ka
isaga oo markaas u arka inuu ku meel marsan karo danihiisa Siyaasadeed
, Halka kuwo kale oo siyaasiyiin ahi ay u arkaan in Nadaamka
Federalism-ka in iyaga lagaga awood badnaanaayo oo kooxda aminsan
Federalism-ku ay haystaan Deegaano ay Maamul u sameeyeen ,
Maamulkaasna ay ku gorgortamayaan una arkaan haddi Nadaamka
Federalism-ku socdo inay Markasta Helayaan Jagooyinka Ugu sareeya
dalka , Sidaas darteedna aysan ka tanaasulayn , Kuwa ka soo horeedaana
ay og yihiin inay ku guuldaraysanayaan helida jagooyinka sarsare ,

Haddaba Meesha Kama jirto wax Soomaalinimo ka fakaraaya Federalism Iyo
Centralism waxa isku haystaa waa Siyaasiyiin iyagu ka fakaraaya
Danahooda iyaga oo ku cabiraaya Koox odayeed (Qabiil) sida Soomaalidu
u taqaan.

Waxaan oran karaa Siyaasiyiinta Soomaaliyeed badankoodu waa kuwo ka
duula aragti ah sidee xil u qabataa iyaga oo aan iswaydiin maxaad
qaban kartaa ? Maxuu Soomaaliya dhibkeedu yahay ? Xalkeeduse waa sidee
? Tusaale waxaad arkaysaa Siyaasiyiin Samaynaaya Maamul Goboleedo
Cusub kuwaas oo iyagu magacaabanaaya Gobolo cusub doonitaankooda ayaa
ah inay ku yimaadaan kursiga balse ma ahan kuwo dan Soomaaliyeed wada
ama dad wax u qabanaaya.

Waxaa sahlaaya in Siyaasigaasu uu dad helo burburka iyo isaga oo
adeegsanaaya Qabyaalada waana fududahay si aad qabyaalada u adeegsado
adigoo kursi doon ah.

Federalism-ka qofka Soomaaliga ahi waxa uu isla markiiba uga fakarayaa
qabyaalad waxa uu leeyahay Koox odayeedkaagu (Qabiilkaagu)waxay
leeyihiin 8- Gobol waxaadna helaysaan Sadex State sidaas darteed
Faa,iiddo ayaa kuugu jirta … Halka Qof kale oo Soomaali ahi leeyahay
waxaad helaysaa oo Koox odayeedkaagu (Qabiilkaagu) helayaan 2-ba Gobol
waxayna Noqonayaan Hal state dani kuuguma jirto oo kooxda aad is
haysaan ayaa kaa badsanaysa , Waa xaqiiqda Sida Soomaalidu u fakarto
hadda, iyaga oo ku xiran ama ka duulaaya waxyaabihi dhacay.

Tusaale haddaan usoo qaato qodob ka mid ah Dastuurkaan ku dhisan
Nadaamka Federalism-ka ah , Cutubka 16,aad Qodobka 172aad-Xadididda
Wax-ka-beddelka Dastuurka Lama soo jeedin karo wax-ka-beddelid
qodobbada dastuurka toddobada sano (7) ee ugu horraysa dhaqangalkiisa,
marka laga reebo wax-ka-beddelidda lagama-maarmaanka u ah fududaynta
ka-sooqaybgalka buuxa ee Soomaliland iyo Puntland ay uga soo
qaybgalayaan nidaamka Federaalka.

Akhristoow makula tahay in qodobkaanu uu yahay mid aan samaynayn
Xasaasiyad ? Dabcan way cadahay sida uu qofku isla markiiba u oranaayo
maxay tahay sababta Puntland iyo Somaliland siisay awoodaas ay wax
kaga badali karaan Dastuur la yiri waxa uu ka dhaxeeyaa dadka
Soomaaliyeed .. iyada oo ay jirto xasaasiyada Qabyaaladu oo waxaan
ognahay 4.5 ayaa wax lagu qaybsadaa oo iyaduna ah dhibaato taagan oo
kala qaybinaysa dadka Soomaaliyeed .

Tusaale Kale Akhristoow makula tahay inay ku qancayaan Federalism-ka
Maamulka Somaliland oo isagu ah aragtidi jabhadi SNM ee ku dhisnayd
waxaa Dhulki Soomaaliyeed ee Maxmiyadi Boqortooyadi Ingiriiska ee ay
midoobeen Soomaalidi Maxmiyadi Talyaaniga lagu dagay awood qaybsigi oo
waxaa deegaanadaas la siiyay dadkoodo wax aan u cuntamin xaqiiqo
markaas jirtayna ahayd Tusaale waxaad maqashay Dastuur ayaa 1961-di
Somalia laga Codeeyay oo afti dadwayne loogu codeeyay Makula tahay
codayntaas in aad ka dhex arkayso wax aan Maskaxdu qaadan karin Bal
ila eeg oo iswaydii Run ma tahay ? Sideese u dhaceen waxaanu?.

Gobolka Waqooyi Galbeed Waxaa ka codeeyay .59,889 Gobolka Togdheer
Waxaa ka codeeyay 43,907 labadaanu waa labadi Gobol ee uu ka koobnaa
Somaliland, Gobolka Bari waxaa ka codeeyay 372,144 Gobolkaanu waxa uu
ka mid yahay 6-di Gobol ee Soomaalidi Talyaanigu gumaysanaayay … Marka
aad isu gayso Goboladi Waqooyi waxa ka codeeyay 103 ,796 Gobolka
barina 372,144 Maku talay Caqli gal ?

Waxaan uga jeedaa sidee Nadaamka SNM ugu qancaayaa Xiligaan hal State
waa wax aan dhici karin Federalism-kuna waxa kuu cadaynaaya inuu yahay
mid aan Soomaaliya dhaqi karin.Halkaan ka akhri Dastuurki 60-ki
Waxaa laga yaabaa in aad istiraahdo akhristoow Qoraagu SNM Jabhad
qabyaaladaysan ayay ahayd maxaa iyada si gaara loogu eegayaa oo looga
ilaalinayaa Federalism-ka Dabcan ujeedku ma ahan in aan dhaho kooxdaas
waxaas hala siiyo lakiin waa wax jira una baahan xal, Tusaalena aan
ugu soo qaadanayno in Federalism-ku uu xasaasi yahay is qabqabsina uu
horseedaayo. Codaynta aan Tusaalaha u soo qaatay waxaan uga jeedaa in
Siyaasiyiinta xiligaas joogay ay samaynayeen Been abuur oo dad aan
jirin Gobolada qaar la leeyahay way ka codeeyeen xiligaas waxaa la
yiri 19,000,000 ayaa Jamhuuriyada Soomaaliya ka codaysay sidee 103,796
ugu codeeyeen Goboladi waqooyi Gobolada Koontuftana inta kale uga
codaysay ? siyaasiyiinta maanta Federalism-ka wata ayaa ah kuwo
dariiqaas qaadaaya ee aan Somalinimo ka fakarayn.

Nadaamka Federalism-ku Ma ahan mid dhaqi kara oo xal u keeni kara
Bulsho islaysay oo dagaal Sokeeye ka dhacay , waa in laga ilaaliyo wax
kasta oo keenaaya muujinta wax kala lahaansho Bulsho aan u bislayn
Dowladnimo 21 sanona dowlad la,aan ahayd lama oran karo Federalism
ayaa dhaqi kara aragtidayda ….

Waxaa laga yaabaa Siyaasi dantiisa wata oo aan isagu garayn wax
Soomaaliya xal u ah kursiguna u muuqdo inuu ku dhaho Dowalado
horumaray ayaa ku dhaqma Federalism-ka , Balse waa mid aan iswaydiin
adiga Bulshadaadu sidee u fakartaa ? waa in la iswaafajiyaa hab
fakarka bulshada iyo nadaamka la qaadanaayo , waa inuu ahaadaa mid aan
xasaasi ahay.

Waxaa laga yaabaa in Siyaasi uu ku dhaho Dagaalka Sokeeye waxa uu u
dhacay oo Caasumada la isugu laayay waa nadaamka Centralism-ka ,
Gobolada kale ee dalku ma dhisnayn oo Caasumada kaliya ayaa la dhisay,
Dabcan dhibaatooyinkaan oo dhami way dhaceen lakiin Nadaamka
Centralism-ku ma keenin , Tusaale in aan Gobolada horumar laga samayn
ma ahan Centrelism-ka xumaan uu leeyahay ama wax uu dadka Faro , in
Caasumada la isku laayay ma ahan Centralism-ku mid uu keenay ee waa
Siyaasad qabyaaladaysan oo aan mabaadii ku dhisnay Qowminimo iyo
Qaranimo-na ka maran .

Haddaba Akhristoow waxaad iswaydiisaa Soomaaliya Inqilaabki
21/0ct./1969 ka hor ma Federalism ayay ahayd ? maxay tahay sababta
hadda siyaasiyiinta qaybtood u doonayaan Federalism-ka ? Haddaan XKHS
ka hor ahayn Nadaam Centralism ah .

Xalka Sidaan u arko ?

Waxaa dhowaan tagaaya Muqdisho Isimo laga soo xulo Koox odayeedyada
Soomaaliyeed(Qabiilada Sida Soomaalidu u taqaan ) waxay Soo xulaayaan
ergooyin la yiri waxay ansixinayaan Dastuurkaan oo tiradoodu gaarayso
825 laguna qaybsaday 4.5 , Haddaba isimadaas kulankoodu waa Fursad
wayn inkastoo aysan iyagu Siyaasiyiin ahayn haddana dabcan waa haboon
tahay inay wax iska waydiiyaan Somalia maxaa haleeyay ? Nadaamka aan
qaadanayno ee Dowladnimo waa sidee iyaga oo iswaydiinaaya Sida dadka
Soomaaliyeed yihiin .

Ergooyinka 825-ta ahi iyaguna waxay haystaan Fursad waa masiirki
umadda Soomaaliyeed oo gacantooda ku jira waa inay ahaadaan kuwo aan
Saxiixayaasha kooxda lagu sheegay waxay u soo yeeriyaan aan ku dhaqmin
sidoo kale ajnabi afkaartooda aan meel marin ee iswaydiiya maxa
Soomaali dan u ah? ka dooda dhibaatadi dalka ka dhacday ? Si qota
dheer u daraaseeya xiligan Nadaamka ay Soomaaliya qaadan karto ?
Ciidamada Shisheeye xiliga ay dalka ka baxayaan ? sidoo kale soo saara
go,aamo ah in ciidamada Kenya iyo Ethiopia ee iyagu dalka iska soo
galay ee aysan jirin sharciyad ay ku joogaan ay si dagdag ah uga
baxaan.

Soo saara Go,aamo loogu yeeraayo Al shabaab inay wadahadal qaataan oo
ay miiska yimaadaan xaqna u leeyihiin inay dalka Maamuli karaan
Shabaabku balse ay xabada dhigaan afkaartoodana wax ka badalaan sida
kuwa saamaynta ku yeelanaaya Caalamka ee ah waxaan waxyeelaynaynaa
Dowlado kale, oo Somalia waxay ahaanaysaan Goob looga duulo Caalamka
kale .

Waa in wax la iska waydiiyaa Ciidamada shisheeye ee jooga baddaha
Soomaaliyeed ee aan la aqoon waxay u joogaan marka laga reebo waxaan
la dagaalamaynaa wiilal Burcad badeed ah Balse arintu intaas ka qoto
dheer oo wax kale ayaa jira .

Ergooyinkaasu waa inaysan isu arag kuwo Matala koox odayeedyo
(Qabiilo) kala duwan ee ay isu arkaan kuwo masiirka umadda
Soomaaliyeed Matala , waa in aysan isu arag kuwo la yiraahdo Dastuur
in aad ansixisaan ayaa la idiin keenay ee gacanta u taaga ee ay
iswaydiiyaan Dastuurkaanu maxuu yahay kana duulaan Qownimo iyo sidi
Qaran Soomaaliyeed loo heli lahaa.

Aniggu aragtidayda waxaan oran lahaa Shirwayne Soomaaliyeed halaga
dhigo oo wax badan halagu gorfeeyo hana la iswaydiiyo, Road-Map-kaan
la sheegaayo ee meesha ka saaray Jiritaanki Baarlamaanki Jiray ee
Xukuumada KMG ah kalsoonida siyay ee Shakhsiga u afduubay 550-ki
Xildhibaan waxaa ka muuqata in uu wado dano gaara oo shakhsiyaysan …
Ergada waa in aan Road-Map-kaas waxa lagu sheegay lagu caburin oo la
oran waxa Road-map-ku qabo ayaynu maraynaa .

Si qota dheer waa inay uga Fakaraan Nadaamka Soomaaliya qaadaynaso ma
ahan inay Fududaystaan arintaan ah Federalism-ka waa inay ahaadaan
kuwo umaddooda ka fakara .

Gabagabo

Waxaan ku soo gabagabaynayaa Soomaaliya maanta meel qatar ah ayay
maraysa waa in la helaa aragtI Soomaali leedahay , waa in la
ixtiraamaa qaylada ka soo yeeraysa qaybaha ka midka ah dadka
Soomaaliyeed sida Xisbiyada Hiil Qaran oo aan anigu u arko Xisbi
Soomaalinimo ka turjumaaya dadka Hogaamiyaana ay yihiin kuwo aragti
dheer sidaan qabo .

Shacabka Soomaaliyeed waa inay ka feejignaadaan taageera indho
la,aanta ah ee ay la kala safanayaan Shakhsiyaad danaystayaal ah oo
iyagu aan ka turjumayn dan Soomaaliyeed .

Dadka Soomaaliyeed waa mid mana kala lahaan karaan dhul balse hadda
waxaa jirta kala maqnaansho iyo iyada oo aysan muuqan wado lagu
gaaraayo midnimo iyo helid Dowladnimo Soomalaiyeed waxaana ugu wayn oo
caqabadu tahay shakhsiyaadkan u kala ordaaya ajnabiga oo iyagu ka
doonaaya kursigi Soomaaliyeed ajnabi danaha ajnabigana meel marinaaya
..

W/Q Idiris Suldaan Axmed Dooxajoog
Dooxajog5@hotmail.com

COMMENTS

RSSComments (11)

Leave a Reply | Trackback URL

  1. Ahmed khayr says:

    Idiris nin war haya maaha, ama waa nin dan leh. Maxaa yeeley ninka maanta weli kahadlaaya waan waan in al-habaab lala galo waa nin is yeelyeelaya ama caqliba intaas ka dhan. Intaas ka dib ilaah baa wax ka oran idiris.

  2. abdalla says:

    kkkkkkkkkkkk,ugu horeenti waxaan halakan uga soo mahad celinayaa somaaliga wadaniga ah ee soo qoray maqaalka uu damiinka garan la yahay .

    marka xigana waxaan u sheegayaa damiinka in aan maanta la joogin zabanki beenta la dhoodhoobi jiray somaalina waa ay ilfurantahay waana ay foojigantahay ,ama damiin ahow oo waxba ha garan ama qabyaalad ha ku camayso oo waxba ha arag taa waa mid aanan somaali u oolin ,qolyihi lagyu yasi jiray in ay yihiin nus ayaguna is qarin jiray ayaa maanta ku faanaya nusnimadoodi ee baro taa.
    maqaalku waa kan ay somali u baahantay in ay sidaa u arkaan ka dhiidhiyaan wixi dhib u keenaya khayaano danbena u dulqaadaneen
    waxgaradka maqaalka qorayna waxgaradka somaliyeed oo idil ayaa ayidsan meelkasta oo ay joogaan,wadanigu waxaa uu ka dhiidhiyaa wixi dhib u keenaya dalka iyo dadkiisa ee maaha kan u dhiidhiya ina adeer ama deegaan.
    shabakada somaliyeed ee puntlandnews24 waxaanu leenahay waad gudateen hosha saxaafadeed ee aad ku soo bandhigteen rayada muwaadinka somaliyeed idinkoon eegin qabiil iyo degaan ,diida waligiin talooyinka jaahilka iyo damiinka qayaalada la jiran.
    mahadsanidin.

  3. yaxye says:

    Puntland24 waad ku mahadsan tihiin soo galinta maqaalkaan waxaad noo keeni jirten maqaalo cuqdadi ka buuxdo balse midkaanu waa mid wadaniyadi ku dheehan tahay , qoraagana waan uga mahad celin , sxbadayda iga horeeyay ee ka hadlayna waxan leeyahay walaayaal aan iska dayno shakhsi durida inta uu ninkaanu shegay waa in qofkasta u muuqata federalis ma ahan xal soomalia waa wax aan xal inoo ahayn , sababta dhibka keenaysaan waa siyaasiyiinta sida uu qoraagu sheegay

  4. siciid says:

    Waa maqaal somaalidu aysan fahmi karin walaal idiris maqaalku somalida waa ka da, wayn yahay dabcan dadkaan Comment-ga ka bixiyay ma ahan kuwo garan kara waxaad ka sheekaynayso , annigu waan fahmay waana kugu taageersanahay aragtidaadan saliimka ah ee aad soo bandhigtay , sxb somalida dad caadiya haku qiyaasin waa dad damiirku bakhtiyay dadka akhristay waxaan leeyahay waa dawo maqaalkaanu kiniin ayaa qofkaas loo qoray ma maqashay kanu waa dano uu idiris idiin soo qoray ee qaata oo fahma kuna dhaqma

  5. Raage yare says:

    asc hersi raga laguma mashquulo cuqdadkugu jirta iska daa iyo byalada in taas ka dib maqaalkan aad buu u fiican yahay waan rayi fiican wax fiican ,mahan federalism ka waxa wataa dad aan damiir lahey oo u adeegaya dano shisheeyo sida dad caado qaata yaala ah waxan kuu sheegaya mr idirs wuxuu cabiray fikirkiisa wana wax fiican caqliiisa saliimka buu wax ku cabiray aad baan usoo dhaweynaay sxb mesha ka sii wad

  6. King K ooshin says:

    Nikaan Idiris, La dhaho orod Nac Nacda Meel kale iyo Muqdisho la aad, Punt Land News, saaxibayaal, ninkaan wax qiimo leh ma sheegin, ee waxan oo kale lama soo daabaco.
    War Federalism, waxa ku dhisan Punt Land, annaga ayaana aamisan oo ah shacabka Punt Land. Hawiye aya diidan Federalism, sababta ay ku diidan yihiin wa cadahay Waxay ku koobnaanaayaan Dhuusa Mareeb ilaa Xamar, marka waxay u arkaan in Darood ka dhul weynaa naayo, Federalism ayaad ku khasban tahay, State of Punt Land waxay Xaq u leedahay Jagada President ama Prime Minister.
    Odey Nac Nacda Meesha kala tag
    Nabadiino

  7. GEELQARISO says:

    To: SAINAB

    Wallee saynab waa gabar qoraalka ku wanaagsan. Qodobada ay soo daliishatay waa sax.

    Ninkaan qoraalkiisa waxii ka khaldanaa oo dhan ayay banaanka soo dhigta.
    Waxaan oran lahaa waa qoraal barad, hadda kahorna waan arkay qoraal uu qoray!!!
    Mahadsanid SAINAB

  8. XOOGSADE says:

    Waa la bi,i waayey- oo kaalay ninku muxuu qoray-

    Puntlandnews24.com waxay noqotay bakhti afuuf. Hadda waxaa laydiin yaqaan Dayniilihii Puntland. War waxaan qoraal maahan ee meesha ka saara!!!!!!!!!!!!!!

  9. baargaal says:

    waxaan maxaa lo soogashay waa yaabe sheekadaan oo kale waa qaran dumis ninkani waa wiil caluula paltak buu puntland ka caayaa

  10. Hersi says:

    p/News24′ kuma ogeyn in eey soo dhaweyso shabaabka dowlad diidka ah ..hadaad aragto qof diidahaya federaalka ama waa shabaab ama waa hawiye ah dowlad diid….ninakani aniga ..waan fahmi karaa laakiin waxaanan fahnin maamulka halkaan oo aab qaarkood shaki kaqabey….awalbaan kasoo guurey in aan aqristo horseed medua oo haatan isku badashey shabaab …tana ma inaga rareysaan boowayaal…..fadlan xumahaan oo kale yaan loo ogilaan in uu waxaan oo kale meeshaan ula suuq tago ha la aado saxaafada qabaliyiinta hawiye ama shabaabka sida raxan reeb ama horseed….!!

  11. SAINAB says:

    oh my god! WAR NINKAAN WAXUU QORAY WAX MA KA FAHAMTEEN DAD ALLOW? PLEASE NEXT TIME MARKII AAD WAX SO QORAYSO DHOQR ARIMOOD SAMAY WALAALO:

    HEADLINE HAGAAJI
    MOWDUUCA KU EKOW
    TUSAALE BIXI MACQUUL AH
    FAAHFAAFHINTA KU SOO KOOB MUHIIMKA
    QODOBAY ARAGTIDAADA
    IYO TAN UGU MUHIMSAN, FADLAN SOO KOOB OO HA DHEERAYN MAIN POINTIGA KA HADAL MAXAA YEELAY ” HADAL BADAN HAAN MA BUUXSHO” XASUUSO ” HADAL NIN BADIYEY MA DHAMAYN, NIN YAREEYANA WAX KAMA TEGIN”

    WABILAHI TOWFQ
    THANKS

Leave a Reply