Maqaal-Yaa Cadoow-ga Puntland ah ? W/Q Idiris Suldaan Axmed Dooxa-Joog

September 30, 2012   //   Faallooyin, Opinion, Warar Somaali

Hadalhaynta Puntland ayaa xiligaan ah kuwaasu waa cadoow iyo isagga ayaa cadoow ah ,shacabka haatan la nool dareenka Puntlander-nimadda ayaa dareemadaan labada dhinac ah lakala nool . Marka laga hadlaayo Puntland-ti 1998.di ayaa xiligaan dadkeedu u kala qaybsan yihiin sadex nooc.

1: Kuwo taagan waanu ahaan jiray balse hadda Maamulo kale ayaan samaysanay namana khusayso Puntland iyo xaaladeedu , Sanad baa lagu darsaday iyo dagmooyin baa laga tagay iyagga ayay ku gaar tahay.

2: Kuwo leh xiligaan xisbiyo lama wajihi karo , Xukuumadda Puntland haatan taladeeda  haysana xiligeedu waxa uu ku egyahay 08-01-2013 , Doorashadana xiligeeda waa in la qabtaa , Sanad baan ku darsadayna kama yeelayno .

3: Puntland waala dimuqraadiyayn oo nadaamka Qabyaaladda ayay rabaan kuwa diidani ,Madaxwayne Faroolena Sanadka waa mudan yahay Garowe & Gaalkacayo ayuu laba shir ku qabtay , Road-map-ka xubin firfircoon ayuu ka ahaa ,Puntland-na horumar ayuu gaarsiiyay .

Hordhac

Falanqayntayda Maanta ayaan ku eegayaa Yaa Cadoow-ga Puntland ah ?inta badan waxaa ay dood difaacooda tahay kooxda sadexaad oo Maamulka Madaxwayne Faroole ka qayb yahay  , waxayna ugu yeeraan Siyaasigi hadla waa cadoowga Puntland , Suxufigo sameeya Barnaamij doodeed lagu falanqeeyo xaaladda Puntland isnna waa mid ka mid ah cadoowyadda Puntland , Marka shacabka laga yimaado  Xukuumadda Madaxwayne Faroole iyadda waa afkeeda kuwaasu waa cadoow , waxay khatar ku yihiin Amniga , unama dulqaadanayno , Haddaba aniga oo qalinka dabadiisa hayaa waxaan isku dayi awooday in aan falanqeeyo cadoow-ga Puntland anniga oo soo xigsanaaya dhacdooyin xaqiiqda ku salaysan.
Cadoow siyaasadeed Maamul ka arimiya Deegaano hab dawladeed samaystay oo dadka deegaankaasu ku midoobeen waxa ugu qatar badan kooxda markaas talladda haysa haday ku sifoowdo kaligartenimo , Tallo wadaag la,aan, Caburin iyo Musuqmaasuq ku sii joogid kursiga oo ah saadaal siyaasadeed la naawilo oo uu naawilo Madaxa markaas maamulka hogaaminayaa saadaashaas ayaa noqonaysaa sidaan haddaad u dhigto Muddo waad sii hayn Xilka,Sawirashadaasu waxay sii qatar badnaanaysaa marka uu Hogaanku jabiyo hab xeer bini aadameedki ay bulshadaasu ku heshiisay , Tusaale Axdiga Bulshada Maamulkaas samaysatay waxa uu dhigayaa 4-sanno in uu wakhtiga hay,aaddaha maamulku yahay , haday jabiyaan oo ay iyaggu samaystaan mid kale oo wakhtiga ugu dareeya waa mid sharci daro ah dhibaatona horseed u ah .

Maamulka :
Waxa dhacday madaxda Maamulka Puntland ee xiligaan dabayaaqadi wakhtigooda ku jira Marki ay yimaadeen ay Puntland ka soo ifbaxeen Maamulo cusub oo laga samaynaayo deegaanaddi Puntland-ti 1998-di , Mar Xildhibaan ka tirsan gollaha Baarlamaanka Puntland uu soo jeedin ay qayb ka tahay arintaan kala yaacidu uu usoo jeediyay Madaxwyanaha Puntland kulan su,aallo lagu waydiinaayay fadhiga Baarlamaanka waxa uu yiri Xildhibaankaasu Madaxwayne maxaa kaaga qorshaysan Maamuladda cusub ee dhashaay iyo daldaloolo kale oo xukuumadda lagu eedeeyo , Madaxwyanaha Puntland ayay dhibtay arintaasu waxa uuna ugu jawaabay in uu yiraahdo “Qof nacas ah ayaad tahay waana kugu aqaan nacasnimadda ” Runti jawaabtaanu waa mid aan ahayn munaasib waxayna cadaynaysaa in Madaxwaynaha Puntland xiligaan joogaa yahay mid Kaligarte  kaligitaliye ah , Haddi aan cidi su,aal waydiin karin madaxwaynaha waliba xildhibaan oo uu aflagaado kaga jawaabaayo hadde markaas sida uu u rabo uun ayuu ka fakarayaa in ay meel martona waa mid uu wax walba u samaynaayo .

Madaxwayne Faroole Waxa uu u wajahay Jabhaddi SSC ee dadka deegaanadda ay magaceeda wadato samaysteen ee ay dhaheen waxanu ka shaqayn difaaca iyo dib u soo celinta deegaano Mamaulka Somaliland hayso kana tirsan Puntland dastuuri ahaan , Waxa uu maamulku ugu yeeray in ay yihiin Argagixiso ,Isaggi waa Mamaulka Madaxwayne Faroole hogaamiyee waxa uusan samayn isku day dib usoo celin Magaaladda Laasacaanood ee Puntland ka tirsan , Arintaan ah qaabka uu u wajahay jabhaddi SSC ee ahayd waa kuwo qatar ku ah Soomaaliya [Argagixiso ] ayaa saababtay in ay deegaanadaasu samaystaan Maamulka Khaatumo , Khaatumo markay timi waxa uu ugu yeeray waa qaswadayaal cadoowga Puntland ah , Akhriste hadde haddi uusan Madaxwayne Faroole wax qorshe Siyaasadeed ah oo ku aadan midnimadda Puntland iyo isku haynta uusan hayn markaas dadku way tashan , Taasu waxay muujinaysaa cadoownimadda Maamulka iyo in uu yahay dhibaatadda Puntland.

Maamulka Madaxwayne Faroole waxa uu xabsiyadda u taxaabay qof kasta oo ka hadla xaaladda Puntland ee dalka Jooga sida Siyaasi Maxamed Xaaji Aadan oo ilaa hadda xiran , Bille Qaboowsade oo Muddo lix bilood ah xabsiga Boosaaso ku dhexjiray , Sidoo  kale waxa uu Madaxwayne Faroole hanjabaado warbaahinta u mariyaa cid kasta oo ka hadli rabtay xaaladda Puntland ee gudaha joogta si aysan u hadlin waa uu u goodiyaa , Arinkaan yaan la hadlinta ah waxay cadayn u tahay caburinta Maamulku ku hayo dadka , in uu dadka caburiyo waa dhabaha uu u maraayo saadaal sooyaal siyaasadeedkiisa oo ah in uu Madaxwayne Faroole xilka sii hayo sanadka uu ku darsaday , shan sanno oo kalena ku shubto oo dhaho Xisbiga taladda haya ayaa ku guulaystay doorashadi .

Waxa uu jabiyay Axdigii Puntland maamulka Taladda hayaa oo waxa uu samaystay sanad dheeri ah oo uu yiri waxaal ooga danleeyahay dardar galinta iyo dhamaystirka dimuqraadiyaynta Puntland , Waxaa iswaydiin mudan Puntland waa in ay qaadataa Nadaam-ka axsaabta ee ah in dadku ay doortaan xisbiga ay rabaa sidaas darteed waa in Mamaulka sanad loogu daraa haddi kale Dimuqraadiyayntu waa fashilmaysaa  saw uma ekaanayso annaga mooyee cid kale maba samayn karto arintaan.

Waantoobid la,aan ,Maamulka haatan Puntland ka arimiyaa waa mid u taagan ilaa wali Kuwaasu waa qaswadayaal waana cadoowga Puntland [Khaatumo Iwm] Haddaba waa argagixiso , Waa caodow , miyay soo celiyeen Midnimadda Puntland ? Mayee wayba sii kala yaacin oo nuqsaamida ay Nuqsaantay Puntland waa mid la naawilaayo in ay sii socoto sababta oo ah Maamulku uma muuqdo mid aan dhibka dadka ka daynayn.

Mucaaradka Puntland-ta aminsan:

Mucaaradka Puntland-ta aminsani waa kuwo  soo bandhiga in ay Puntland u baahan tahay badbaadin ,badbaaditaas oo ay koow ka tahay in doorashada xiligeeda la qabto oo aan lagu darsan , arintaas haddusan maamulku samayna ay noqonayso mid horay usii qaada dhibka haatan taagan ee ay ka mid yihiin in Mamaulo cusub looga dhawaaqo deeganaada Puntland .

Dooda mucaaradka ayaa ah in ay tahay arin aan meel mar noqon karin in Maamulka xiligaan ka arimiya Puntland burburtay uu dhaho waxaan ku howlanahay Dimuqraadiyaynta , Arintaas waxay mucaaradku ku macneeyeen in ay tahay mid isjeclaysiin kursiga asalkeedu yahay looguna soo dhuumanaayo Dimuqraadiyay , waxay ku doodeen xagay taal dimuqraadiyaynta la leeyahay Laasacaanood ayaa ii dastuuri ah haddana ma joogo , Siday macquul u tahay in uu qaato sanad dheeri ah oo lagu xusay Dastuur ka dambeeyay doorashadi Madaxda haatan tallada haysa.

Maamuladda Cusub .
Shacabka iyo siyaasiyiinta Maamuladda Cusub samaystay iyaggu saamayn kuma lahan xiligaan waxayna ku doodaan in ay ka soogudbeen marxaladda ah Puntlander-nimadda , Sidaas darteedna noogama fura wax aan ahayn daris wanagasanaan halagu wada noolaado , sidoo kale waxa ay sheegaan marka ay ka jawaabayaan Su,aasha ah maxaad Puntland uga tagteen , Mar aan dhagaystay Madaxwayne Axmed Karaasha waxa uu kaga jawaabay in ay u arkeen dib u dhac in ay ku tahay ku sii jirida Puntland deeganaada haatan Khaatumo la dhaho sidoo kale uu Maamulka Puntland ku talagalkiisu yahay in deeganada SSC sida ay xiligi Puntland ka ariminaysay ahaayeen ay waligood ahaadaan .

Marxaladda xiligaan ee Puntland door kuma lahan dadka iyaggu sheegay in ay Maamulo kale samaysteen ahna wax aan qarsoonayn , meeshana kaga bixi karin in loogu yeero waa argagixiso iyo waa Cadoowga Puntland in ay ku sii bulaalaan ma ahane oraadka Mamaulka Puntland waxba uma dhimaayo.

Yaa Cadoow-ga Puntland ah ?
Cadoowga Puntland waxa ah Maamulka haatan tallada haya waa Falanqaynteeyda dhanka aan eeda u jeedinaayo maxaan eeda dusha uga tuuray Maamulka Puntland haatan ka arimiya , Tusaalayaasha kore waa kuwo kala saaraaya cadoowga Puntland qof ah kan uu yahay , Akhriste Hadaad tahay Puntland-der jecel in Puntland jirto waa in aad iswaydiisaa inta aan halka sare ku soo xusay in ay tahay kuwo jira iyo kuw aan jirin , Waxaad markaas isbarbardhiga ku samaysaa , labadda aragtiyood ee Maamulka iyo Mucaaradka .

Isbrabardhigaagu ha ahaado mid ay kugu dhaliso rabitaankaaga Puntlander-nimo ,kolkaas waa in ay kuu soo baxdaa yaa cadoow ah ? Waxaad iswaydiisaa Mamulku haatan jira oo ku fashilmay isu keenidu maxuu haatan qaban doonaa ? ma in uu dhaho waa Dimuqraadiyayn Puntland wakhtigana waan kororsaday ayaa soo celinaysa deegaanada Dastirga Puntland u ah [Khaatumo iwm] , Maamulka Midnimadi lumiyay miyaa samayn  kara Dumuqraadiyayn dadka Puntland-ti 1998-di ?

Qofka shacabka ah ee maanta taageersan Maamulka haatan taladda haya ee leh Sanadka halo daayo , Garowe iyo Galakacayo ayaa laba shir ka dhaceene  waa qof isagu ah cadoowga Puntland sababta oo ah isaggu maba yaqaan dareenkaan Siyaasadeed ee uu la noolyahay [Puntland] waxyaabaha Burburkeeda horseedka u ah noqon kara , dabcan in hadda burbur jiro waa mid muuqata balse in aadba waydo wax Puntland la dhaho ayay u muuqataa in aad taageerayso  ! Miyaadan ahayn qof rajo ka leh Puntland oo midaysan ? miyaadan ahayn qof aan ka quusan in uu Puntland-ti 1998-di la aasaasay uu arko ?

Maamulka Madaxwayne Faroole waa cadoowga Koowaad ee ay Puntland leedahay Sooyaal taariikheedka ayaa muujinaaya arintaas , Hab dhaqankiisa ayaa sababay in deegaano Puntland ah Maamulo loo sameeyo , Hab dhaqankiisa siyaasadeed ayaa sababay in ganacsato badani Puntland ka tagaan , Caburintiisu waa tan ay u xiran yihiin Siyaasiyiin yiri sidaan ma ahan sida samuhu yahay , Markaas Akhriste waxay ila tahay waxaad sugtaaba waa dhamaadka .

Dimuqraadiuyaynta yaan la fashilin , sanadka iyo qorsha maamulka yaan la carqaladayn waa aragtida keenaysa dhibaatada Puntland , waxaa eedeeda yeelanaaya oo taariikhdu ku xusaysaa Madaxda haatan Puntland joogta ee ku xadgudubtay Xeerarki u yaalay Puntland .

Mamaulka Fashilmay ee midnimadi ku fashilmay , Maamulka Fashilmay ee ku fashilmay sida uu bulshada ula dhaqmay ee ah waad hadashay waa lagu xirayaa , Sanadkaagu waa mid aan macquul ahayn ma xarig ayay mudan tahay, Waxaa cad in cadoowga Puntland yahay Maamulka haatan talada haya .

Dhamayn
Adigu Puntland ayaad danaynaysaa eeMaamulka iyo Puntland kala saar , way dhaawacan taye doonitaankaaga doorkiisa cayaar …. Haddaad Maamulka hadda Jira ee guuldaraystay danaynayso adiga  Cadoow isku ah [Puntlander]!!! Ma ahan iswaydiinta soo kormaraysaa Dimuqraadiyayn iyo awood siyaasadeed ku qaybsasho Qabyaalad , balse iswaydiinta teeda koowaad waa Wakhtigaagi dhamaa ee doorashadu xiligeeda ha qabsoonto ha qabsoonto ! dabcan Maamulka haatan tallada hayaa way u cadahay in uu san soo noqonay sababta oo ah waa og yahay Fashilkiisa balse sii joogidiisa ayuu ku dabaqay Dimuqraadiyayn iyo annaga ayaa wadna dadka diidanina waa kuwo cadoow ah.

 

W/Q Idiris Suldaan Axmed Dooxa-Joog
E-Mail: Dooxajog5@hotmail.com
Facebook: Halkaan Riix

COMMENTS

RSSComments (13)

Leave a Reply | Trackback URL

  1. shacbaan says:

    Af iyo dhago aan i maqalIna doox joog u daah nasiib daro somali waxay noqotay qof kasta inu iska hadlo shalay wxaaad lahayd NO FEderalism qoraaladaadi hore no gobolaysi yes centralised system iyo moqdisho ha la tago Ader kolkaa adiga iyo adeerka faarax dooxa joog baa ah cadawga puntland ee Taga moqdisho tan ka hadalkeedna siak daaya waataad ka baxadeene

  2. hogaamo says:

    dooxo joogo runtii qoraalkaagu waa qoraal qiimo leh lakiin suro gal ma tahay inuu faroole meesh ka baxo dhib laan, waayo waxeynu rabnaa dadkii puntland wado dhistay in la isku doono magac ey doonaan ha wateen raasi casaarland ama khatumo ama karkaar state,waxana qabaa waa sidaa ugu haboon in loo fekeero doocda wacan, waayo dagaal hadii manta dagaal dhaco faroole ciidu qasab ku haysaan karo ma jiro waxana meesha ka bixi doona intaa hartay oo aan oraan karo hadda waa bari iyo nugaal.waxadna ogtaa hadii dhib dhacdo xitaa qolada isbedel doonka wax uma suro geeli doonaan . marka waxan ku taliin lahaa xaalka si kale ha loo galo. faroole waa iney la hadalan isimada la beesh sidaa suldaan saciid garaase, islaan ciise islan maxed, hadii xaalkaas talada lagu siiyo u qadan waayo wax u banaan dadka labo ariin kow in farahaa laga qado iyo in dee hadda puntland waa bari iyo nugaal reebani meeshooda xirtaan faroolena garoowe iska joogo waxadna ogtaan cadowgu waa sidu rabo. dad ahaan iyo dal ahaanba noo didaan, illahay xaalka ha dejiyo.waxana qabaa websit iyo media kale waxey qeyba ka noqon karaan mar mar dhibtaa,bye mahad said ciise hogaamo

  3. masuul sare says:

    idiris maasha alalh aad bad u mahadsantahay maqaalkaaga cadowga pintland was afaroole iyo dabadhilifkiisa wayao wauxuu ka shaqeynaya sidaa pintland u kala tagi lahed oo qoloba qolo u goosanlahed oo bur burilahedya sida hada ay u kala yacday oo ukala qeybsantaahy khaatumo iyo rascasyr iyo pintland aan la iksu tusi karin amanta qabaailada dega degaanadan isma arki karaan qoloba wax bey aminsanyihiin sidaas darteed cadwaga pintland waa afwalinjo

  4. Scw, suldaan idiris waan salaamay, runtii wixii jiray buu sheegay, maanta p/l waxay ku socotaa god dheer, haddii dib loo fiiriyo autograph ama taariikh nololeedka afwaliinjo waxaa kuu soo baxaya taariikh mugdi ah, waa nin afxun, dulqaadyar, qabiiliista ah, tuuga oo caruurtiisu u taliso, waxaa intaas dheer isagoo war dr taas aan macna badan lahayn, maanta puntland waxay u baahan tahay badbaadin

  5. RAKO says:

    QARDHO NINKA WATA HORTA REER QARDHOOD MATIHID ISKAHADLAYOHOW DIRIRNA QODKAR MAAHA MARKAAN RUNTA KUUSHEGO WARKISANA WAXLAGA FAHMAYAABA MAJIRAAN MARKA JARHAKATUURIN NIN KAAN ADIGA IYO ISAGUBA WAX ISMADHAANTANE ISKAHADLE.COM

  6. M.H.Buraleh says:

    Mud. MW Ahmed Elmi Osman Puntland ma aha,si rasmi ah baa Said Harti uga baxay Puntland,shirkii Taleex cidda inkirtaa ma xeerinayso waxa la isu yahay,iyo waxa la kala mudanyhay. Labada shicib col ma aha,in labada maamul heshiiyaanna waxaa fure u ah Maamulka Puntland oo aqoonsada rabitaanta reer Khaatumo,kana daaya faragelinta.

  7. RAKO says:

    WAR DHULBAHANTE AWALBA KURDI BAY A HAYEEN HANOOGA SHEEGAYIN KUWAAS ADIGUNA DHULBAHANTE GARABTAAS UGAMA HELIDOONTI EEKABAX ARIMAHA PUNTLAN INSHA ALAAH WAX DHIBAATO AHI KAMA DHICI DOONTO SIDA AY JECEL YIHIIN CADOWGA PUNTLAND MARKA KAHADAL KANASHEKEE GURIGAAGA IYO TUULADA AAD GADHO

  8. IDIRIS WELLDNE: figure muhiim ah oo talented ah baad tahay, geesi baa tahay hadal yaqaan ah. beena kuuma sheegayo rajo siyaasadeed oo ifaya iyo mustaqbal wacan ayaa ku horyaala waana sugayaa ciddii faroole ka dambeeysa inay abaalgudkaas kuu hayaan. Anigu wadankii baanu ku suganahay arday dhameeyey ayaan ahay jaaamacada misana dalkiisa aan waxba ku heysan Puntland tii aad taqaaneen maahan caburin, cagajugleyn, car yaa hadli kara ayaa ka bilaabatay xataa ma neefsan karno waxaan ku noolnahaya Puntland oofaroone yahay madaxweyne maqaar saar ah maxamed faroolena yahay RAISULWASAARE iyo WASIIRKA ARRIMAHA GUDAHA. IDIRIS walad xalaal baad tahay ka diir naxaya umadda Puntland maqaaladaada keyd ayey ii yihiin halkaas ka wad. Idirisow waxaad arkeysaa kuwa dibadaha jira oo magaca Puntland iyo siduu u qiima dhacay aan ka warheyn kuwaasu waan u jeedaa waa ku aflagaadeynayaan ee BOOWOW ha u JOOJIN. iDIROS DALKA BADBAADADIISA QEYB KA QAADO. REER PUNTLAND waxaan leeyahay SAVE PUNTLAND BEFORE IS TOO LATE…

  9. RAKO says:

    ADIGAA KAMID AH CADOWGA PUNTLAND IYO WIXII KULAMIDA BAA KASHAQAYNAYA ISKU DIRKA PUNTLAND

  10. Gocoso says:

    idiris aad ayuu u mahadsanyahay waana nin yaqaan qaabka wax loo qoro aniga waxba igama galin aabihiis mana dhahayo duuxajoog ayaa dhalay waxa uu qorayna waa wax waaqici ah ninkasta oo xalaal ah oo cadiifad qabiil iyo wax lamida ku jirina waa mid uu ogyahay soomaalidu waxa ay ku maahmaahdaa kor waayeel waa wada indho idiris aad ayaan kaaga mahad celinayaa maqaalkaaga quruxda badan xaqiiqaduna ku dheehantahay haddii aan kuu sheegana cadoowga puntlan waa faroole iyo inta ku taageeraysa cadiifada iyo xaqdarada waad mahadtihiin

  11. RAKO says:

    SANAD WAAN UGU DARAYNAA FAROOLE AFARSANO AYAA PUNTLAND HORUMAR WAX KU OOL AH GAAR SIIYEY SANADBAAD SHEEGAYSAANE IN 10 SANO LOOGUDARANA WAA MUDANYAHAY KANAXOW NAFTA WAA

  12. Qardho says:

    Xaasid cadawga puntland wa adiga suldan axmed dooxa joog waxa no shegtay xasidnimada calooshada ku jirta ba bananka so dhigtay mesha ka dagalamaysana wa iska cadahay cidna warkaaga dhagaysan mayso webkan awal waxan ka baranayey inan ka akhrisano hormarka puntland lkn waxa nasiib daro ah in maalmahan danbe aan ka akhrisano waxyaabo aad looga naxo aad bn uga xumahay wlhi

  13. Dhahar says:

    war odagii adeer dooxajoog ahaa kawaran inaka daa waxaa kale waa tii maxakamadu dilka ku xukuntaye mucaaradad aan taarget lahayn wax noo tarimeysee inaga waxaaba u malayn waxaa inoo fiican in aan dawlada puntland waan waan la galo si ay odaga adeer ah cafis ugu fidiyaan si uu gurigiisa u yimaado waxaas bal maxaa ku watay waagii uu wasiirka ahaa wax walbi caadi bay ahayeen kii xumaa see farmaajo ahaa ayaa wagii ka waalay

Leave a Reply