Mareykanka oo muwaadiniintiis uga digay inay u safraan Somaliland
February 6, 2013 // Warar SomaaliDowlada Mareykanka ayaa ugu digtay muwaadiniinteeda inay u safraan deegaanada uu ka taliyo maamulka Somaliland.
Warsaxaafadeed kasoo baxay safaaradda Mareykanka ee Nairobi ayaa lagu sheegay Mareykanka inuu xasuusinayo muwaadiniintiisa inaysan u safrin Somaliland, kadib markii la helay khataro amaan oo soo wajahi karta.
Wasiirka arimaha dibadda ee Somaliland Maxamed C/laahi oo ka hadlay dareenka dowladda Mareykanka ay ka muujisay Somaliland ayaa waxaa uu sheegay taasi inaysan wax welwel ah ku hayn Somaliland.
Waxaa uu xusay amaanka deegaanada Somaliland inuu yahay mid sugan, hadalka dowladda Mareykanka uu yahay mid la mid ah kii kasoo baxay dowladda Ingiriiska.
Hadalka dowladda Mareykanka ayaa imaanaya todobaad kahor markii dowladda Ingiriiska ay muwaadiniinteeda ugu baaqday inay ka baxaan deegaanada Somaliland, ayna usocdaali karin.
Puntland-News24



maxamed cabdullahi waa ninaan siyaasadda caalamka u dhuundaloolin,siduu faysla cali uu sheeg,sababtayna aqoon la’aantiisu inaay laf dhuungashay ku noqoto qadiyaddi goosashada reer waqooyiga.maxamed cabdullahi waa dhurwaa waa ku beryey?