Marwada R.W oo Casumaad u fidisay Ururada Haweenka lana kulantay Odoyaasha Dhaqanka (Sawiro)

June 15, 2012   //   Warar Somaali

Marwada Ra’iisul Wasaaraha Hodon Saciid Ciise ayaa qado sharaf u sameysay Ururada Haweenka Soomaaliyeed, Iyadoona ay ka soo qeyb gashay Marwada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Marwo Hodon Saciid ayaa casuumaad heer saro u fidisay Ururada Haweenka Soomaaliyeed, Iyadoona haweenka ku boorisay iney Siyaasadda Soomaaliya qeyb muhiim ah ka qaataan.

Waxaa sidoo kale goobta Casuumaada ka hadlay Marwada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya.

“Waxaan aad ugu faraxsanahay inaan maanta casuumaad noocaani oo kale ah isugu nimaano, Inagoo ka tashaneyno Aayaheena iyo Mustaqbalka dalkeena iyo waliba doorka aan ku leenahay dalka”.

Casuumaada kadib, Marwo Hodon Saciid Ciise ayaa ku soo dhaqaaqday xarunta ay ku sugan yihiin Odoyaasha Dhaqanka Soomaaliyeed ee Shirka uga soconayo, Wasiirka Arrimaha gudaha iyo Amniga Qaranka oo goobta ku sugnaa ayaa Marwada ku soo dhaweeyay, Isagoona qodbadii ugu horeysay halkaasi ka furay.

Waxaana sidoo kale goobta ka hadlay Wasiiru-dowladda Haweenka iyo Hormarinta Arrimah Qoyska, Waxeyna Odoyaasha ka codsatay in Haweenka loo ogolaado xaquuqda ay dalka ku leeyihiin iyo 30% xilalka dalka. Maadaama ay haweenka yihiin kuwii waxyeelada badan ka soo gaartay dagaaladii sokeeye ee dalka ka dhacay.

Sidoo kale waxaa goobta ka hadlay La taliyayada Madaxweynaha ee dhanka Arrimaha Haweenka, Waxayna Odoyaasha ku boorisay iney iska soo diyaariyaan xilalka haweenka ee 30%-ka ah.

Mid kamid ah Odoyaasha Dhaqanka oo ku hadlayay afka Odoyaasha ayaa sheegay in 30% loo ogolyahay haweenka Soomaaliyeed islamarkaana aan la duudsiin doonin doorka ay ku leeyihiin Siyaasadda dalka.

Ugu dambeyntii Marwada Ra’iisul Wasaaraha Dr. Hodon Saciid Ciise, ayaa Odoyaasha ku dhiiro gelisay iney 30% u ogolaadaan Haweenkooda Soomaaliyeed.

“Waa walaashaa, waa taa u dhaxday, Gabadhaada marka waxey xaq u leeyihiin intaa in kabadan, Odoyaasheyniibaa tihiin marka waxaan idin ka codsaneynaa inaad ogolaataan in 30% haweenka loo ogolaado inkastoo aan jecleyn intaa in kabadan”.

 

Pulandnews24 

COMMENTS

RSSComments (0)

Leave a Reply