Marwo Sahro Ahmed oo la gudoonsiiyey Shahaado Sharaf
December 31, 2012 // Warar SomaaliWaxaa xaflad balaaran laga dhigay magaaladan Garowe Hotelka New-Rays, markay taariikhdu ahayd 21/12/2012 7pm taas oo lagu gudoon siinayay shahaado sharaf Marwo Drs Sahro Ahmed Koshin.
Waxaa xafladan soo qabanqaabiyay si wada jir ah Ururka PAPD-NGO iyo Ururka NAGAAD-NGO, oo labaduba ah NGO maxali ah kana hawlgala degaanka Puntland,
Waxaana kasoo qaybgalay dhalinyarada jaamacadaha puntland -Garowe wax ka barata sida PSU iyo Easta-Africa, labada urur oo xafladan qabtay, aqoonyahano, iyo dadwayne kale oo farabadan
,Markii la qaymeeyay ama dib loo eegay wax qabadka Marwo Sahro Koshin ay ka qabatay Puntland waqtigii yaraa ee ay joogtay, ha ahaato u gargaarida dadka taagta daran oo aan awoodin in ay wax qabsadaan, iyo tayaynta kor u qaadida ardayda jaamacada PSU ee Grawe, tababarada ururada maxaliga ah ee aan dawliga ahayn, wacyigalinta haweenka sidii ay aqoontooda kor ugu qaadilahaayeen. Iyo tababarada aan joogsiga lahayn ee ay u samayso bulshada qaybaheeda kala gadisan ee puntland, ayaa ururadan garteen in ay shahaado sharaf gudoon siiyaan maadama ay mudantahay.
Waxaa hada kahor arintaan shahaada sharafta ah lagu qabtay, qaybteedii hore Jaamacada PSU ee Growe ayadoo ay kasoo qaybgaleen ardada jaamacada iyo gudoomiyaha isla jaamacdaas PSU Mudane Maxamuud Shiikh Xaamud, iyo ururada maxaliga ah qaybo kamid ah, waxaa intaa dheeraa oo kasoo qayb galay arday ka timid dhanka jaamacada East-Africa iyo waliba marti sharaf kale oo halkaa kasoo qabgalay, ayagoo dhamaantood ay xaflaadaas kasoo jeediyeen mahadcelin iyo erayo ay ku muujinayaan wax qabadka Marwo Sahro oo ay ku tilmaameen in aan horay loo arag qof sida Sahro wadanka ugu soo noqday in ay la qaybsato aqoonteeda iyo waaya arag nimadeeda si iskaa wax u qabso ah oo aan cidna aanay waydiinayn wax qarash ah.
Ugu danbayntii waxay xafladahaas ku dhamaadeen farxad iyo jawi aad u dagan .



