Qurba-joog Casho Sharaf Loogu Sameeyey Hotel Rugsan ee Magaalada Garoowe

October 22, 2012   //   Warar Somaali

Casho sharaf lagu qabtay Hotelka Rugsan ee Magaalada Garowe, taas oo si diiran loogu soo dhaweeyay Marwo Xaawo Axmed Shire Matooto iyo Marwo Fawsiyo Khaliif Cilmi Mataan oo labaduba dagan London UK, kana mid ah jaaliyada Puntland ee halkaas ku nool,

waxaana xafladaan soo dhawaynta iyo cashasharafta isugu jirta sameeyay, Marwo Dr Sahro Axmed Xirsi Koshin, ayadoo ay gacan kasiiyeen Marwo Faadumo-shukri, Marwo xaliimo Cabdi Jaamac, iyo Raxmo.
Cashasharaftaan waxa si diiran gacanta loogu galiyay Marwooyinkii lasoo dhawaynayay Calamada Puntland iyo Somaliya, kadibna waxaa surka loo suray ubaxyo qurxoon, ayadoo si aan kala har lahayn qabanqaabiyayaashii xaflada iyo kasoo qaybgalayaashiiba ugu sacabtumeen,
Gabdhahaan oo kamid ah shaqsiyaadka ugu firfircoon jaaliyada puntland ee ku nool dalka England UK, laguna xasuusto soo dhawayntii madaxda Puntland iyo Somaliya iyo kuwa qadarinta mudan intaba, waxay kaloo caan ku ahaayeen in ay u ololeeyaan sidii loo cawini lahaa dadka taagta daran ee aan caafimaadka haysan ama waxbarashada awoodin in ay helaan,
Waxaa kaloo xasuus mudan sidii ay ugu hawlgaleen ama ay soo dhawaynta ugu sameeyeen ololihii ay waday sanadkii hore Marwo Dr sahro oo ay wax ugu raadinaysan sidii loo cawini lahaa Gabdhaha aan iskuulka dhigan oo loogu heli lahaa kharashaadka iskuulku uga baahanyahay, iyo waliba kuwa curyaamada ah oo ayagana loo rabay gaadiid ay ku socdaan, si ay noloshoodu u ahaato mid ay ku faraxsanyihiin.
 
Guud ahaan xafladan waxa ay ku dhamaatay jawi farxad ay ku dheehantahay.

COMMENTS

RSSComments (6)

Leave a Reply | Trackback URL

  1. caraseedo says:

    TO:MCMDH:waar adigu dufoowe hablaha hanaga caayin,xaqkuma lihide,maad fiirisid kuwa kunool guryaha bililiqada ah iyo boobka,intaad caayayso gabdho dalkooda wax u taraya maagayso,waxaan ku dhihilahaa afdheere afkaaga cesho,waa marwooyin wax ku ool ah,waxaan leeyahay gabdhaha puntlandiyoow guuuuuuuuulaysta[[aamiin]].
    Saaxiiboow caqli celiskaagu ma caybaa,waar dalkooda iyo dadkooday dawaynayaan[good job bay hayaan].

  2. puntlander says:

    waar buur buuranaa,waa kuwa siday cayr uqaadanayeen fadhiistay

  3. MCMDH says:

    waxaan maqli jiray waynaanta ayey ku saaqiday, naxdin badanaa bal inta ay laaleeg yihiin oo ay show baarayaan, dofooba, bal yey istusayaan, xiligaan oo kale Alle haduu ku gaarsiiyo tawbad ayaa la bilaabaa oo wax kale lama sameeyo.

    war Alle ka baqa, qoraalkaygan hadii ay arkan cid qaraabo la ah haweenkan ha u caqli celiyeen waayo waajib ayey ku tahay.

  4. Gacaliye. says:

    ICY.COOL123,
    maxaa xun oo dumarkaan ka muuqda? Ma waxaad gabdha haan la rabtaa Burqahii (kiish kii) Afghanistan? Waa yaa!!!

  5. ICY.COOL123 says:

    war goomaa heerkaa la gaarey mee xijaabkii
    mise xijaabka waxaa laqaataa marka dhibtu jirto

    war dumarka sidaa u dayacan mee ragii qabey

  6. mudug says:

    good job hadii aad tahay qof dadkiisa wax tara abaalkagu marna ma noqonayo mid la ilaawo taarikhduna iyada ayaa is qorta inkast oo ay yihiin gadhahan reer magaalkii hore waxay ka soo jeedaan dad ilbax ah sida aan kartey magacyadooda hadana maanta dadku waxbuu wada bartey waa lawada ilbaxay marka wa in wax loo qabtaa dadka kuwa baahan iyaga ayaa a’jar lag helayaaye intii laga shaqayn lahaa wax dadk kalageyneya

Leave a Reply