Masar: 14-guuradii Puntland oo xaflad Taariikhi ah lagu xusay [sawiro]
August 29, 2012 // Faallooyin, Warar Somaali
Xaflad balaaran oo ay soo agaasimeen ardayda wax ka arta Dalka masar ayaa lagu qabtay Magaaladda Qaahir ee caasimadda dalka masar.
Xafladaan ayaa waxaa ka qey galay Wasiirka Amniga Puntland Gen.Khaliif Ciise Mudan iyo waxgarad badan oo ka soo jeeda goboladda Puntland.
Ugu horeyn waxaa lagu furay Quraan, intaas ka dib waxaa xafladda laga soo jeediyey khudbado badan oo looga hadlayey marxaladii ay soo martay Puntland, tan iyo sanadkii 1998dii.

Khaliif Ciise oo halkaas ka hadlay ayaa sheegay in Puntland, ay wax badan u hirgalay isaga oo ugu mahadceliyey arday sida wanaagsan ay xafladda u soo diyaariyeen waxa uuna u rajeyay guul sanadkan kan xiga in ay ku gaaraan amni iyo iyagga oo waxbarta oo dalkii ku laabta.
Dadkii xafladda ka hadlay ayaa dhammaantood waxaa ka muuqtay sida ay ugu faraxsan yihiin jiritaanka Puntland 14sanno ka dib, iyagga oo sheegay in maantay ay Puntland u baahan tahay in laga shaqeeyo horumarkeeda.
Dadweynaha ayaa sidoo kale muujiyey in ay aad ugu rajo weyn yihiin in ay arkaan Puntland oo ay ka dhacdo doorshooyin xilligii loogu talo galay, taasina ay tahay mid u furi karta Puntland wado wanaagsan oo horumar leh.
Shucayb Cabdirixiin
Puntlandnews24.com
Cairo, Masar








midda kale way fiicneed xaflatta lakin ani waan ku haystay walahi
masha allah aaad ayaan ugu faraxsanahay sanad guuradii 14 tobanaad horumarkiina sii wata ayaan idin leeyahay reer putland , aniga waaan ka qeyb galay xafladaan aad baana ugu qancay masha allah isha baxarka , biyaha maan yada , cadowgiina ha dhaco reer putland , dadaala ayaan idin leeyahay
Waxaad aad ugu mahad celin suxufiga dhalin yarada ah ee abdi wali gooni oo asgu inta badan u tagan danta reer puntland iyo tan somaliyeed waa suxufi karti iyo aqooon u leh sxb abdi wali waxaan ku leyahay sidaas ku si wad ogw nah inaad qabtay boos balaran oo maanta lo bahna cidi qaban laheed tariikhdunah wa ku xusi donta guul guul guuul webkan puntlandnews24.com
shucayb,.
“samalaya dhaman” war magacaan xagee baad ka keentay, KKKKKKKK?
waxa halkan ka slamaya dhaman shacabka somaliyeed si guud ahaneyd salaan gaaranna waxa ku salmaya shacbka reer puntland waxa leyaha puntland sanad guuro wacan noqo ti magaceedu jiro. joog o jir nabad ku waar waxa ku so gabagabeyn bahadda website.ka ama saxafadda puntlandnews24 an halkaan oga so jeedin mahad celin
c/weli gooni waa mid kamid ah suxifiyiin reer puntland ee aad looga yaqaan wadanka gudihiisa iyo dibadiisaba waana suxufi aad u firfircoon is la markaana aqoon iyo khibrad uleh dhanka saxafada
anigoo ku hadlaya magaca jaaliyada ku dhaqan wadankan masar waxaan mahad naq oga celinaynaa c/weli gooni iyo dhamaan shaqaalaha websate kan puntland news 24 sida wanaagsan oo ay mar wal gacma furan noogu so dhoweeyaan
Hanbalyoo pl aaad ayaan ugu faraxsanahy xafldaas wanagsan ay dhamaan bulsha weenta reer pl ay ka so qeeb galeen waxaan mahad u jeedin dhalin yardii is xil qaamay oo sida karti ku dheehan tahay uga so baxay shaqdoodi mar labad iyo mar sadexaad ba waxan idin leyahy hanbalyo ku gaara sanaadkaan sanadkiisa kale barwaaqo basha bash iyo dhulkeeni somaliyeed o is raacay
waw masha allah runti aaad baa ugu mahad celinaaya dhamaaan dadki ka shaqeeeeyay ineey sanad guuradan qaayahay iyo qiimaha badan qabtaan sidoo kale waxan u mahad celinaaya webkan puntland 24 oo waqti kasta u taagan inooo hormarka iyo farxadda puntland ka shaqeeeyo shacabkeedanah uso bandhigo … si khaas ahna waxan ugu mahad celinaaya abdiwali gooni thanx all
waxaan halakan ka samalaya dhaman ba shacab waynaha rer puntland gaar ahaan websate ka puntlandnews24 oo ah u adeegaha bulshada reer puntland waxaana idin leeyahay sanad guura wacan