Maskaxda iyo Dowrkeeda (Stroke Qaybtii Labaad)

June 17, 2012   //   Announcement, Opinion, Warar Somaali

Maskaxda waa xubinta ugu wayn ee laga maamulo jirka intiisa kale waxayna ka koobantahay boqolaal bilyan oo unug kuwaasoo shaqooyin kala duwan u qabta jirka qaybihiisa kala duwan.Aqoonta ay u leeyihiin saynis yahanadda caafimaadka  qaabka ay u shaqayso maskaxda waxaa lagu sheegaa boqolkiiba shan oo qudha,Sidaa awgeed aad ayay u yartahay aqoonta bani aadamka inta ay gaarsiisantahay.Waxayaabaha laga ogyahay waxaa kamid ah,in maskaxdu ubaahantahay si joogta ah,in ay hesho marwaba oksijiin(oxygen) iyo nafaqooyin si ay u noolaato.

Sawirka koowaad ee maskaxda

 

Dhiiga cas ee u kala goosha jirka waxaa lasocdo oksijiin iyo waxyaaba kale oo jirka ka maarmin.Hadaba hadii xinjir goyso ama fariisato dhiigii maskaxda u socday waxa ay noqonaysaa in maskaxda dhaawac soo gaaro kadibna ay curyaamowdo.

Waxayna ku xirantahay faaliga unuga uu dhaawacay inta uu le`egyahay iyo shaqada uu u hayay jirka .Sidaa darteed ayaa saynisyahanada caafimaadka waxka qora  ku taliyeen in faaliga loo bixiyo maskax weerara(brain attack) sida xanuunka wadnaha weeraro loo yiraahdo(heart attack).

Waxaana taladaa soo jeediyay qoraaga buugga Stroke Dummies wuxuu yiri “waxaan jeclaan lahaa in faaliga loo baxiyo maskax weerare sababta aan ugu doortay magacaasi waa si ay dadku u fahmaan dhibta meesha ay soo gaarayso iyo inta ay le`egtahay khasaaraha ka dhalanakara waxayna keeni lahayd in ay ka feejignaadaan faaliga sida ay uga feejiganyihiin wadno istaaga,waxay kaloo inoo fududayn lahayd in loo diyaargaroobo faaliga inuu yahay cudurada u baahan degdega in wax looga qabto .

 

Qaybaha faaliga

Faaliga guud ahaan waxaa loo qaybiyaa laba qaybood oo kala ah Ischaemic stroke (restriction in blood supply iyo Haemorrhagic stroke mid walibana waa uu ka duwanyahay kan kale.

  • Ischeamic Stroke

Ischeamia)oo micnaheedu yahay in  dhiiga laxayiro  waxaa keena xinjir loo yaqaano(thrombus)xinjirtaas waxay xidhaa dhiigii u gudbi lahaa maskaxda, xinjirtaas oo muddo ku dhaxsamaysmaysay gidaarka xididka ama halbowlaha dhiiga sida, iyadoo xinjirtaasi ka koobantahay dhiig,dufan iyo haraadi kale .Sidoo kale waxaa suurta gal ah in xinjirtani ay kasoo go`do meel ka mid ah jirka soona raacdo dhiiga iyadoo soo gaarayso halbawlaha dhiiga u sida maskaxda si ay u xirto waxaana loo yaqaanaa xinjirta noocaas oo kale ah (embolus).

Qaybtan kowaad ee ischaemic stroke waa qaybta ugu badan ee dadka ku dhaca waxaana lagu qiyaasaa 85% sida ay sheegeen ururka stroke ee UK(the Stroke association).

 

Swarkan wuxuu tilmaamayaa maskax hawadii kaxirantay xinjir awgeed kadibna dhaawacan soo gaaray.

  • Heamorrhagic stroke

Qaybtan faaliga ah waa qaybta labaad ee ugu badan ee faaliga boqolkiiba 14% ayuu kayahay guud ahaan faaliga.

Heamorrhagic waa marka dhiig furan ku yimaado maskaxda.Dhiig furankaas

Dhiig Gudaha uga furmo maskaxda Wuxuu ka imaan karaa 3 meelood oo maskaxda ka mid ah: • Maskaxda duleedkeeda ama diirkeeda sare waxaana loo yaqaannaa dhiiga maskaxda duleedkeeda (subarachnoid hemorrhage).

  • Sawir tilmaamaya heamorrhagic stroke

• Nudaha maskaxda ama marinada maskaxda waxaana loo yaqaanaa dhiiga maskaxda gudeheeda (intraventricular hemorrhage). • Gudaha maskaxda waxaana loo yaqaannaa dhiiga maskaxda gudeheeda (intracerebral hemorrhage)waxaana keena waxa loo yaqaano (aneurysm) tusaale ahaan waa in xididka uu soo buuxiyaa dhiig badan kadibna xididka gidaaradiisa ay jilcaan cadaadiska dhiiga awgiis ayuu u buufsamaa sida kubadii oo kale kadibna wuu qarxo.

Eeg sawirkan tusaalaha u ah  (aneurysm).

 

qaraxaas wuxuu ka dhacaa aagaga u dhow dhow maskaxda diirkeeda ama dahaarkeeda wuxuuna sababaa in ay waxyeeloobaan unugyadda maskaxda. (Baynes et al 2005).

Calaamaddaha lagu garto faaliga

 

  • madax xanuun siyaado ah
  • hadalka oo kugu adkaado
  • kabaabyo iyo dareen yaraan


Marka uu dhinto xidid ka mida kuwa maskaxda, waxaa dhacaysa inay iyana dhimato qaybtii jidhka ee la shaqaynaysay xididkaa maskaxda ee dhintay, halkaa waxay natiijadu noqonaysaa in qofku uu faalig ku dhacay qayb jidhkiisa ka midi shaqayn weydo (paralyzed), bukaanka uu faaligu ku dhacay qaarkood waxaa ku dhaca in aanu hadalku ka soo bixi karin, bukaanka qaarna waxaa ku dhib noqota in ay fahmaan hadalka lala hadlayo ujeedadiisa, xusuusta oo ka lunta iyo qofka oo noqda mid maskaxdiisu ay buuqsan tahay waa calaamadaha faaliga.

 

Lasoco Qaybta 3aad

Qore: liibaan M.H.Cigaal(Raydab)

COMMENTS

RSSComments (2)

Leave a Reply | Trackback URL

  1. khyr alle haku siiiyo halkaa ka siiwad p.n24 wa ku mahadsantihiin fursada aad aqoonyahanka siiseen ………….. wax badan aya somalida siyaasad iyo is qab qabsi iyo ijiid aan ku jiidee lagu mashquuliyey in wax noloshoda taabanaya looga sheekeeyo o cilmi lo soo bandhigo wa wax loo baahnaa

  2. Amiira says:

    p.n 24 aad baad u mahadsantiin qoragana waxan leyay walaal illahay ha kaa ajarsiiyo qoraalkan qiimaha badan cilmigagana alle ha ku barakeyo

Leave a Reply