Maxaa ka qaldan hay’adaha amniga Puntland?
August 9, 2012 // Faallooyin, Warar SomaaliDeegamada Puntland ayaa muddooyinkan waxaa ka socday dilal qorshaysan oo loogu geysanayey magaalooyinka waaweyn ee gobolladaas dadka lafdhabarta u ah bulshooyinka halkaas ku nool, falalkaas oo ay geeysanayaan dad afka soo duubanaya oo baastoolado ku hubaysan isla marka ay wax dilaanna goobta ka baxsanaya.
waxaana dilalkaas abaabulan ugu dambeeyey xildhibaan sheebbe allahaw naxariistee oo ka tirsanaa barlamaanka Puntland oo lagu toogtay asbuucan Caasimadda Garoowe , isaga oo ka soo baxay salaaddi subax masjid uu ku tukanayey,sidoo kalena waxaa isla Garoowe bartamaheeda dhawr toddobaad ka hor lagu khaarajiyey alahaw naxariistii Col. Nadaala oo kamid ahaa saraakiisha sar sare ee ciidamada boliska Puntland, iyada oo magaalada Gaalkacayona lagu dilay asbuuc ka hor laba walaala ah oo uu mid uu ahaa nabaddoon si weyn looga yiqiin deegaankaas.
Shirqoooladan noocan oo kale ahi waxay intooda badani ka dhacaan masaajidada waqtiyada subixii iyo maqribkii waana xilliyada goobaha cibaadadu ay dadku aad ugu badan yihiin amase ay dadku hurdaan, mararka qaarkoodna gaadayaashu waxa ay dadka ka ugaartaan harka cad suuqyada iyo goobaha la isugu yimaado.
Haddaba su’aasha dadka reer Puntland is weydiiyaan waxa ay tahay maxaa loo maqli waayey gacan ku dhiiglayaashi waa la soo qabtay amase waa la xukumay? Sidoo kale maxaa loo maqliweeyey iyaduna dableey wax khaarijin rabtay ayaa laga hortegey oo la soo qabtay amase goobtii lagu dilay?.
Si su’aalahaas jawaab loogu helo waxaa loo baahan yahay in laga fekero awoodda hay’adaha amnigu ay u leeyihiin wax ka qabashada dembiyadaas abaabulan iyo weliba sida madaxda Puntland diyaar ugu yihiin xilligan wax qabashada ammaanka gobolka.
Boliska Puntland ma u diyaarsan yahay in uu wax ka qabto falalkan dadka lagu ugaarsanayo?.
Saraakiisha madaxda ka ah laamaha amniga ee saldhigyada boliska magaalooyinka waxa ay u badan yihiin dhallinyaro khibradooda ciidan ay aad u yar tahay, oo shaqadana ku soo galay hab maleeshiyo beeleed madaxna ku noqday qaab dadban oo xiriir la leh hoggaanka gobolka , laakiin lagu ammaani karo marka la eego xilligan adag shaqada ay qabtaan.
Goobaha Boliska badankood waxaa gabaabsi ku sii ah amase aan joogin raggii khibradda ciidan lahaa ee wax ku soo bartay kuliyadihii dalka amase wax barasho u tegey wadadamada dibadda oo ka soo shaqeeyey xarumihii Boliska Somaliya, kuwaas oo ay suura gal noqon lahayd in looga faa’iideysto waaya aragnimadooda Bolis.
Ciidammada bolisku ma haystaan amase waa ku yar yihiin adeegyadii ciidan ee loo baahnaa sida gadiid qalabaysan, isgaarsiin lagu wada xiriiro, gaar ahaan kuwa guur guura oo gacanta lagu qaato ” walk talk” .
Waxaa kale oo aan si wanaagsan u shaqayn ciidammadii sirdoonka oo lafdhabar iyagu u noqon lahaa hawlgaladda lagula dagaalamayo dhagar qabayaasha gaadmada ku laynaya haldoorkii ummadda.
Ma usoo jeedaan mas’uuliyiinta Puntland in ay arrimaha ammaanka kaalinta koowaad ka dhigaan?.
Madaxda Puntland waxa lagu tilmaami karaa daawadayaal ka soo bixi waayey waajibaadkii ka saarra ilaalinta nabadgelyada bulshada ay mas’uuliyiinta u yihiin, iyaga oo ku koobmay oo keliya marka dil qorshaysani dhaco hadallo ay warbaahinta ka sheegaan oo isugu jira , “cambaarayn, tacsiyeeyn iyo haloo sameeyo aas qaran”, taas oo aan haba yaraate arrimaha ammaanka waxba ka tarayn, iyaga oo dhaqaale badan oo ay ummaddu leedahay iyo waqtiba ku bixiya arrimaha siyaasadda , halka looga baahna in ay muhiimadooda kowaad ka dhigaan xoojinta amniga.
Haddii aynu ka soo sheekaynay duruufaha ku xeeraan hay’adihii amni ee puntland ee isugu jira kuwa dhaqaale xumo , aqoon yari iyo qalabla’aani, mas’uuliyiinti dalkuna aysan usoo jeedin in ay wax ka qabtaan arrimaha amniga oo ay ku mashquulsan yihiin arrimo siyaasadeed iyo dhaqaale usrursi, ayaa su,aashu hadda taagani waxa ay noqonaysaa sidee xalladda nabadgelyo ee gobolku ay noqonaysaa mustaqbalka?.
Jawaabtu waxa ay taal shacabka reer Puntland, oo u baahan amni ka wanaagsan kan hadda ay haystaan si ay horumarkooda nololeed usii wataan.
The Editor.



@suldan gedo waxan filaya ,magaca gobalka inadan unasab shegan waayo waxan daremaya qaabkad u hadlayso marka sxb shamaag adi kaa guxaysa baad ka hadashay ee bal is qabooji fruit ka aad sheegaysid iyo qabowga cun oo dhibta naga dhaafa pl somali jacayl baa heerka gaarsiyey iyo in wax garad keda cunug xun oo bay iyo shabeeloyin ka yimid afka uduubtan oo dilan ee haday tilaabo ka qaadilahaayen dadka maalintina na tuugsada abenkina nalaaya waa hore bay wax hagaagi lahaayen marka sxb waxan filaya adi inaad ka midtahay dadka magacaasba dhawaaqisu dhibayo
TO. Wiil mudug pl adeer wa adiga leh pl wexe darislatahay jibuto pal ma dal ba mise wa 2 gobol oo somalia katirsan tankale wa adiga leh dad an nabda rabin oo konfur ka yimid ba pl jogaan. Dadka. Jeceshihiin wa kuwama sowtii ad elaydi soo tarxisheen adunka lama arag wadan dadki u dhashay. Dhexdoda is tarxilayaaan taas wa mide pl samesay wana mid tariqda kuqoraaan adeer nabada shege ood haysato meday waxa dilka iyo qaska pl kawado wa adinka dehxdina iyo lelkase eee rer konfur iyo rer kismayo ha ugafiin gobolo barwaqo ahee ku nolyihiiin konfuur wa mesha kaliya ee somalia barwaqada talo cuno qalaln bad cunta inakuna. Frut kii ba sa u cuno garan wenay ooo naga batay kismayo ila muqdisho wa barwaqo ee ado dhul ingagan joga misna kullul oo marso laga qaxo. Ya ku imanayo qof jano kujiro ma naar donto wa maya rer konfur jane kujiraan pl wa dab qalalan xita 1 moos ah ood ku qadayso heli maysid ilaa ay baburti konfur kayimadaan oo qudrada in siday adeee dhul dhagaxa aha jogtaye qatar haiska dhigiiiin anaku. Barwaqadena ku jirnayeee adugu lee moos ka kukeno haisku aqonsaan hadikale. Mos dambe heli maysid. Viva rer fonfur
asc dhaman akhyarta p/ander amaankeda in si buuxda xal looga gaaro waa adagtahay waxbana yaan faroole la xag xagan faroole halagu eedeyo midnimadi umad weynti pl ee uu isku keeni waayey iyo gobalada sool iyo ceyn ee seediyadi kula xididay intaas baa lagu eedaynkara faroole lakin runta marka laga hadlo pl shacab wadani ah ma leh waayo meel kaste oo ay wax ka dhacan shacab baa jooga qofka wax dilaya runti mahan qof p/ander ah inta badan lakin waxaa qarinaya oo hoosta galinaya qof p/ander ah sl.iyo pl. Waxay ku kala duwan yihin an idin shego pl waxaa kusoo jabay 9 ka gobal ee koonfured kadki joogay pl waxay daris la tahay konfur somalia oo 20 sano qasnayd pl waxay ku taal bartamaha somalia qofka muqdisho ka yimid kan bay ka yimid kan kismaayo kayimid baa isaga goshay runtina amaanka pl waxa heerka geeyey waa somali jacaylka iyo dadka rer koon fured ee an nabada pl rabin an uso noqdo sl waxay marka hore ku taal geeska somalia waxaa geesaha ka xiga jabuti itoobiya p/and intaas bay dhexda uga jidha dhibta koonfur somalia pl baa uga gudban saas oo ay tahayna amaanka pl macaa sl qayb bay ka tahay waayo malaayin sl ah baa ku nool boosaso o intaaso b
asc dhamaan qoraagu wuu mahadsanyahay waxaa haboon in aanu isweydiino markaanu ka hadleyno amni in la ilaayo su’aalo badan. ciidmadu taliyeyaal fiican ma leeyihiin oo aqoon iyo karti u leh shaqada ay hayaan? ciidanku tababar tayadooda kor laagu qaadayo ma helaan,mushaar ku filan ma heelaan? markii ay jawaabahoodhan maya noqdaan oo aan u hubo arinkaas tusaale markii pl la dhisay waxaa la qarameeyey dhalinyaradii kantarolada
joogay oo ayoomo la tabaray liis ayaa la diyaariyey mushaar loogu bilaabay xataa waxaa adkaaytay in tirada rasmiga ah la ogaado maamuladii kala dameeyey,waxaa mushaar loogu bilaabay 50 dolar oo aan cidina ku shaqeyn karin iskastaa qof intaas waardiye u taagan,ma garanaayo hal salkaar generaal akadeemi ah oo ciidanka soo maray,waxaa modaa in aanu ku qanacsanahay dawlad baa tihiin laakiin aan waxba inooka hoosayn.
Thnx baan leeyahay qoraaga waa qoraal muhiima meelo badana taabanaya,lkn waxa layaableh in dadka commentga soo qoray aanay topigaba lasocon ee ay wax laga tegay kahadlayan,qaarna ay marwalba walaalahen sland soo qaatan sidi dad tartan kujira,hadan maqalka uso labto hada kahorna aan ka hadalnay,waxa jiifa ciidanka booliska qaybta dharcada ah,coz qaybta labisan wacba maqaban karto hadanay report kahelin qaybta kale,waxa qaska wadana waa laqaban kara hadii shacab ciidan iyo maamulba wada shaqayn lasameyo,waayo haduu gobol kale kayimi xataa hotelka uu dago iyo guriga uu kiraystoba reer pland baa leh,marka shacabku halashaqeyo maamulka,maamulka guudna maalgelin rasmi ah haku sameeyo laamaha amniga,si looga baxo dhibaatada,wabilaahi towfiiq
wxaaaaaaaaaaaaas waaaaaaaaaa rakab xumada faroole dadlka caqli iyo dabeecad ayaa lagu maamuli jiray midna ma hayo mida kale amni hada la sugo mxuu tarayaaaaaaa waqtigodii waa dhamaaday
qoraagu aad ayuu ugu mahadsanyahay qoraalkiisa xasaasiga ah ee uu noo soo bandhigay waana arin loo baahanyahay in laga hadlo haddii aan waxyar ku darsado waxaa u maleenayaa dhibtu maanta ma bilaaman ee waxa ay la kowsatay xukuumada hada talada haysa marna marka ka hanbeesa wayka sii daraysay ama abni ha noqoto ama siyaasad hanoqoto ama arimaha bulshada ha noqoto waxa aan anigu aamisanahay in ay xukuumadu dhinacwalba ku fashilmantay una ma leenmayo in ay maanta iyada oo ay u hadhay wax ka yar afar bilood ay sameenkarto isbadal ay afarsano ku sameen weeyday ee waxa iga talo ah in mudadaas yar ee hadhay shacabka puntland iyaga oo isku duuban ay ka tashadaan bal marka hore sidii ay uga shaqeenlahaayeen amaankooda wabilaahi toowfiiq
@puntland
saxiib dhibaatadu way dhacdaa laakiin waxbaa laga qabtaa gudoomiyihii maxakamada hargeysina wuu dhaawacmay ee muu dhiman ninkii falka gestayna waa la hayaa oo maxakad buu sugayaa kuwii ciidanka weeraray sidoo kele
war ninkaan wata magaca banaadir halkuu kahadlayaa kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk
yaap hargeisa last month soo laguma dalin gudoomiyihii maxkamada mxd kahadleysaa
jamhuuriyad aaaaaa kixkixkixkixkixkixkixkix
war dadku yeeysan kula yaabin aamusnaantaad ku fiican tahay ee iska aamus har iyo habeen ayaa wax lagu dilaa hargeisa soo tii xaruntii ciidanka la weeraray oo meesha aad isku riiqdeen hahahahahahahahahahahahahahahahahahaha
daanyeerku dabadiisu ma’arko kixkixkixkixkix
waa dhab in eey ku fashilantey dowladu wax ka qabashada amniga dalka p/land ee soomaaliyeed …waa maamulka faroolee sababuhuna waa eey badan yihin…marka koowad wa ciidanka amaanka iyo shacabka oo aan wada shaqeyni ka dhaxeyn…waayo shacabku waa dad iska hurda oo aanba ku baraarugsaneyn..qattarta burcadda dadka leeyneysa eey wadato..
sababta labaad waa dadka wax leynhaya oo ah burcad diimed oo dalka p/land ee soomaaliyeed gabi ahaanba heysta kuna heysta qaab dhqaale iyo qaab wax u eg diin laakiin aan diin aheyn…micno kale dadka wax leynhaya waa dad ilaah dhaqaale siiyey misana ey ka muuqato heybadii diinta laakiin aan hunguriga iyo kalxamaha dhaafsiisneyn….oo ilaah iimaanka ka qaadey oo u arka qoladaan la fikir aheynba in eey gaalo yihiin…iyagoo adeeganhaya eelaay iyo gaajo kaloo badan beey dadka amarkooda ku laayaan misina janaasada wax ka tukadaan oo waliba buddhigaan…qabuuraha islaamka iyagoo ku diley ineey gaalo yihiin …cajiiib !! jahligu faraweynaa.
Kuwa wax leynhaya odayada qaarkood waa yaqaanaan …mana sheegahayaan..o waliba qaarkood waaba difaacaan …waa umad ilaah fitneeyn hayo oo aan cidina bad baadin karin oo aan misana iyaga isbadbaadineyn…..ilahoow umaddaas hanagu ciqaabin waxey falahayaan raalli kama nihini..yaarab !!
Dowldda waa ey ku dhexjraan qaarkood waa xildhibaano ..qaarkoodna waa madax qaarkoodna waa culumada bulshada (laakiin xag ilaah ka ah shayaadiin)
macn kale dowladii laftigeediibaa wax leyneeysa …shacbiga qaarkamid ahna uuba hoosaasinhayo…aana waa ciqaab rabbi ku dhuftey …laakiin hadda ka dib waa ineey bulshadu ka fiirsadaan qofka eey hogaan u dooranhayaan.
dhibaatada meesha taal booliska maaha eeda dhan waxaa iska leh madaxda waayo faroolena xamar buu ku waashay ina cali shirena nin damiir leh maaha dadkiiisi oo la xasuuqayo ayuu ujeedaa ma cidkaluu asxaan ugelayaa faroole ciisa maxamuud ladilin isaga waxba kama gelin cidkastoo ladilo ciyaalkii garoowe ka tahriibay oo libaya doontu kula degtay waa ogeeydeen cabaadkii faroole kabaxay weligeed doonyuhu waa dege jireen mana hadli jirin mida kale faroole ayaa xildhibaanka shirqoolay maadaama uu ugu cad cadaa dadkii ku dhaliilay siyaasada gobolka sool
IYO WILIBA CIIDANKII PUNLAND BAA WEERARAY REER GAALKACAYO OO BEESHII LEELKASE CIDHIBTA U GOOYAY IYAKIINA MAAMUL GOBOLEED UGAAR AH BAY KAGA DHAWAQEEN GAALKACAYO WAXA KELOO JIRA RAS CASAYR
waxay ila tahay in uu maamuulku xog usaan sarin dhinaca amaanka maamuulka waa in uu sameeya ciidamo siir doon ah oo tayo sare leh oo ku xiran shacab sida dumarka wax ku ibiya suuqyada dukamada kuwa ibiya qaadka tarawalada gadiidka.Dawladu in ay wacyi kaliyaan shacab in ay amaanka masuul ka yihiin waana in ay dawladu qarash ku bixiyaan warbahiinta ay ku tabiyaan xaga amaanka lakiin hadii ay san uqoonteen misaniyad badan wey adkaneysaa in uu amaanka sii jiro.
waxay ila tahay maamulka geligiis inaysan eeda lahayn, ee shacabku ay san kaalinkooda kasoo dhalaalin, waayo dadkaan wax dilaya marka horeba waxa ay ku dhexdhuumaalaysanayaan waa iyaga, shacab foojigan waxa uu ka saacidikaraa dawlada qabashada gacan ku dhiiglayaasha, tan kale waxa aysanba garan inay iyagu wax qaban karaan.
waxaa kaloo meesha ka maqan tabartii iyo taladii qurbo joogta, oo sida aan ognahay qurbojoogta pl uma firfircoona sida kuwa sl.
dhibkasta hadii xalkeeda laraadiyo waa lahelaa, shacab hurda,dawlad waxkale ku mashquulsan, iyo qurbojoog kaalinkoodii gabay,baa talo ka sirgaxantahay. e allow noo hiili.
maamulku waa maamul xaga amniga ilaa heerkaa uusan gaarsiisneyn balse mas uuliyadiisa gabay .dadka waxaan oran lahaa yaan la isku haleynin hada xisaabta uguma sii jidhoo xiligoodii baa dabayaaqo joogta oo nin kastaa wuxuu kumashquul sanyahay danihiisa gaarka inta badan
marka waa in shicibku is hubeeyaan oo aan la isku haleynin maamulada.
qoraaga waan kusalaamay salaan kadib aad bay u’fiicantahay meelaha dhibtu kujirto oo laga hadlo oo aan laga’seexan taas oo dood kadib keeni karta nolol iyo nabad ,intaa kadib puntland waxa maanta yaala waa nasiib darro kuhabsatay shacab iyo dawlad waayo nabaad guurka dadka haldoorkaa iyo burburinta dhaqaalaha puntland waa arin khatara oo taabanaysa shacab iyo dawlad haddaba anigu waxaan qabaa arintaas eedeeda inay leedahay dawlad iyo shacab sababtoo aay tahay dadka shacabkaa iyo dawlada haddii wadashaqeenu kadhaxaynlahayd waxaan aaminsanihay puntland inay noqon lahayd guri nabadeed tuug afka sooduubtay oo kusoolacag qaatay burburinta puntland inuusan ku’dhaceen inuu dad si qorshaysan ku dilo oo lacagtii dhimbisha naartaa ahaydna uu qaato, balse waxay taasu kadhalatay puntland oo ah maamul dawladeed oo aan haysan taageero caalami oo buuxda iyo shacabkii iyo dawladdoodii oo aan lahayn wada shaqayn ,haddaba waxaa loobaahanyahay waa un laba arimood oo kaliya oo runtii ah mid fudud ,tan koobaad waa in dawladdu joojisaa hawlgalada aay ku baraarugayso kaliya markii gacankudhiigluhu wax dilayo kaliya oo aay kubixinayso qarash iyo dhaqaale iyo hawl badan ,waxaana taas booskeeda larabaa in lagahortago intaysan wax dhicin oo lasameeyaa ciidan dharcada oo aan wadan direeska ciidamada oo ah illaa 200 oo askari nabad sugida oo tababaran kuwaas oo wata bastoolado kaliya iyo jeebo oo aay yeelanayso magaalooyinka waaween ee puntland garoowe boosaaso iyo gaalkacyo iyo qardho , magaaladiiba laba boqol oo ciidan dharcada ootaagan dhiigyacabka meeshuu wax kudilaayo, oo lasocda tuugaas dhiigyacabkaa haddii aay kashakiyaan .haddeerna laga hortago waayo dilku waa sida shaxdii oo kale qorshuhu waxuu kusocdaa hadda boosaaso ama qardho haddaba waa in laga hortagaa .runtii anigu ciidan ma ahi oo khibraddiisa ma’aqaan laakin aad baan u fahansanahay ,tan labaad waa in dadka shacabkaa dawladda aay wada shaqeen yeeshaan waayo dawladda lasheegaayo waa shacab haddaysan shacabku laSHAQAYNIN HAWLAHA AMNIGA WAX NOLALA IYO NABADTOONA OO LAHELAAYO MAJIRAYSO DADKUNA SIDAAS BAA CADAWGU UUGA FAA’IIDAYSANAYAA CADAWGAAS OO LEH WAJIYO BADN OO AAY UUGU MUHIISANTAHAY UJEEDADA KADANBAYSA AAY TAHAY ARGAGIXISO IYO BAABI’IN IYO BURBURIN DHAQAALE SI AAY JAANIS U HELAAN MEELAHA QAARKOOD OO AAY U ISTAAGTO NABAD XUMADA PUNTLAND DEKADDABOSAASO IWM ,RAMADAAN SACIID WA RAMADAAN KARIIM..SCWW
puntland waa gobol ka mida somaliya somaliya oo dhana waa fawdo ALLAHA ha qabojiyo marka laga reebo dalka jamhuuriyada somaliland iyo dalka jabuuti somaliya inteeda kale waa isku mid.