Maxaa sabab u ah in Suxufiyiinta Soomaaliyeed ay dalka ka cararaan(Dhageyso Cabdiweli Gooni))

October 8, 2012   //   Warar Somaali

Waxaa mudooyinkii ugu dambeeyay si aad ah gudaha dalka Soomaaliya uga baxayey suxufiyiin Soomaaliyeed kuwaas oo gaarayey qaar ka mid ah dalalka Uganda,Kenya,Ethiopia,Jabuuti iyo weliba meelo badan oo ka mid ah Caalamka.

Dalka Uganda

Waxaa dhowrkii sanno ee ugu dambeeyay gaaray Suxufiyiin badan oo ka shaqeynayey Soomaaliya, kuwaas oo dalkaas ka helay magangelyo iyo weliba in ay helaan amni ka wanaagsan kii dalkooda ay ka waayeen.

Suxufiyiintaan oo intooda badan uga tagay gudaha dalka Soomaaliya, ka dib markii qaar ka mid ahaa asxaabtoodii la dilay, iyo iyagga oo la kulmay falal amnigooda khatar geliya taasina ay keentay in ay dalka isaga baxaan.

Meelaha ugu badan ee Suxufiyiinta ay ka carareen ayaa waxaa ka mid ah Koonfurta, Bartamaha iyo degaanada Puntland.

Suxufiyiinta Puntland

Degaanada Puntland, waxaa arimo amnigooda la xiriira isaga baxay wariyeyaal badan oo in badan ka shaqeynayey ka dib markii xarig, hanjabaad iyo weeraro uga yimi maamulka Puntland iyo dhinaco kale oo badan.

Cabdiweli Xasan Cabdi (Gooni) Xiriiriyaha Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed (NUSOJ) oo tirsan suxufiyiinta reer Puntland ee ku sugan Magaaladda Kampala oo wareysi uu siiyey Barnaamijka Caawa iyo Daljir ee habeenkii ka baxa Idaacadda Daljir guud ahaan degaanadda Puntland ayaa waxa uu kaga hadlay arimo badan oo la xiriira dhibtooyinka soo gaaray Suxufiyiinta Soomaaliyeed.

Gooni ayaa u sheegay Idaacadda Daljir in Suxufiyiinta ay uga tageen gudaha dalka arimo la xiriira amnigooda ka dib markii ay soo wajaheen arimo naftooda khatar ku ah sida dil, Xarig, Hanjabaado iyo weliba Caburinta Suxufiyiinta oo uu sheegay in ay gaartay meeshii ugu xumeyd taariikhda ee soo martay Puntland.

“ Runtii waxaa wax laga naxo ah in maantay Puntland oo laga wado nidaamka dimoqraadi ah ay ka dhacayaan falal sharaf xumo ku ah maamulka oo falkii ugu dambeeyay lagu xiray Idaacadda Horseed Media Bosaso iyo weliba caburinta Saxaafadda oo weli sii socta.” Ayuu yiri Cabdiweli Gooni.

Halkan ka Dhageyso Wareysiga Cabdiweli Gooni

Play

Dastuurka Puntland iyo Saxaafadda

Suxufi Cabdiweli Gooni waxa kale oo ka hadlay in ay tahay nasiib daro in Maantay Puntland oo 14-sanno jirta aysan weli u bislaan in la dhowro Dastuurka u degan dalka isla markaana waxa uu muujiyey in uu cambaareynayo falkii saxaafadda lagu dhibaateynayo, kaas oo uu sheegay in uu ka hor imanayo Qodobka 14-aad ee dastuurka Puntland oo ka hadlayaa xoriyadda fikirka uuna qoran sidan

1. Qof kasta xor buu u yahay fikraddiisa waana soo bandhigi karaa. Faafreeb horudhac ahi waa reebban yahay.

2. Qofku waxa uu fikraddiisa ku cabbiri karaa qaab hadal, saxaafadeed, qoraal, muuqaal, suugaan iyo habab kale oo sharciga iyo anshaxa waafaqsan.

waxaa uu ku sheegay wareysiga uu siiyey Idaacadda Daljir in qodobka 22-aad ee qeexaya xaqa saxaafadda Puntland firqadiisa 1aad oo sheegaysa in Saxaafadda iyo warbaahinta xorta ahi waa ay ka madax-bannaan yihiin faragalin dawladeed, waxayna u hoggaansamayaan sharciga oo keliya.

Sidoo kalena isla firqadiisa 2aad oo sheegaysa, in Xeer gaar ah uu xadidaya xorriyadda saxaafadda.

Suxufi Gooni ayaa waxa uu aad uga hadlay sida leysku waafajin karo arimaha xisbiyadda iyo weliba saxaafadda xorta ah.

“Dadka shacabka ah horta ma isweydiiyeen maantay haddii Saxaafaddii la xirayo oo loo hanjabayo, maxaa iman karta hadii beri dalka laga furo xisbiyo oo dadka siyaasiyiinta ah ay hadlaan soo xaaladda sidan kama xumaaneyso, weli waxaan filayaa in aysan Puntland u bislaan nidaam dimoqraadiyadeed ee ha leysa saxo.” ayuu mar kale yiri Suxufi Cabdiweli Gooni.

 Waa kuwee Suxufiyiinta

Gooni ayaa Suxufiyiinta Soomaaliyeed ayaa waxaa uu ku tilmaamay in ay yihiin geesiyaal maalin walba u dhimanaya,loo xirayo isla markaana loogu hanjabayo shaqooyinka hufan ee ay u hayaan shacabka soomaaliyeed.

Suxufiyiinta ka tagtay Puntland ayaa aad u korortay wixii ka dambeeyay sanadkii 2009, ka dib markii Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiraxman Maxamed Farole loo doorty maamulka Puntland, taasi oo dadka la socda siyaasadda Puntland ay sheegeen in tani ay timi ka dib cadaadiska Suxufiyiinta oo kordhay.

Soomaaliya ayaa waxa ay ka mid tahay aduunka dalal ugu khatarta badan oo ay ka howl galaan Suxufiyiin, sanadka 2012 waxaa lagu dilay gudaha dalka Soomaaliya in ka badan dhowr iyo toban suxufi.

Puntlandnews24

Garowe,Puntland

.

Xuquuqda wareysiga: Radio Daljir Puntland

COMMENTS

RSSComments (3)

Leave a Reply | Trackback URL

  1. Abdi Rizak says:

    MAsha Allah Well Done Bwe Waan kugu oga Codkarnimada

  2. Sahro Maxamed says:

    wareysi khatar ah oo qiime leh weeye aad iyo aad uga helay computerka gashtay waana xasuus nin dhalinyaro sidaas sharciga saxaafadda u garnaya weli ma arag adiga ka hor Gooni guuleyso aboowe

  3. Puntlanderman says:

    Caddiweli gooni in rag ah ayaan ku garanyaa oo runta sheega hadii la helo dhowr qof adiga oo kale ah Puntland sidaas ma ahaatee tan kale guul iyo horumar ku rajeynaa nin dhalinyaro ah tahay dadaal mar adiga dalka madax ka noqon doona runta weligaa sheeg

Leave a Reply