Maxay Kala Mudan Doonaan Kooxaha Chelsea iyo Man City [Kulan Xiisa Leh]
November 25, 2012 // SportsChelsea ayaa ciyaareysa kulankeedii ugu horeeyay ee tababaraheeda cusub Rafael Benitez maanta marka ay Manchester City ku soo dhaweynayaan garoonka Stamford Bridge.
Tababarihii hore Roberto Di Matteo ayaa la ceyriyay ka dib markii kooxda ay qaab ciyaareed liita ku soo bandhigtay Champions League xilli ciyaareedkan oo ay ugu danbeysay guuldaradii ka soo gaartay Juventus, iyo weli guuldaradii isbuucii hore ka soo gaartay West Brom horyaalka Ingariiska.
Milkiilaha Blues oo ku caan baxay inuu tababarayaasha tuso albaabka hadii uusan arkin wax qanciya, ayaa si ku meel gaar ah u magacaabay Rafael Benitez inuu kooxda sii hayo ilaa dhamaadka xilli ciyaareedkan, laakiin Benitez xilli fiican oo uu ku bilowdo uguma aysan soo aadin oo kooxdiisa cusub waxa ay caawa la ciyaareysaa kooxda difaacaneysa horyaalka Ingariiska ee Manchester City.
Manchester City ayaa dooneysa inay dib ugu soo laabato hogaanka horyaalka, welina xilli ciyaareedkan wax guuldarro ah kuma aysan dhadhamin horyaalka Premier League.
Benitez oo doonaya inuu banaanka isa soo dhigo iyo Roberto Mancini oo doonaya in kooxdiisa ay hogaanka horyaalka ku soo laabato ayaana maanta iswajihi doona.
MAXAA KA CUSUB?
Fernando Torres ayaa la filayaa inuu ku soo laaban doono line-upka Chelsea ee tababaraha cusub Rafael Benitez ka dib markii uu bedel ku soo galay kulankii Juventus.
John Terry ayaa mar kale isagana ka maqnaan doona Chelsea ka dib dhaawacii jilibka ka soo gaaray, halka Frank Lampard uu shaki ku jiro.
Tababaraha Manchester City Roberto Mancini ayaa rajo ka qaba in kabtan Vincent Kompany uu taam u noqdo kulankaan ay booqanayaan Stamford Bridge.
Gael Clichy oo ka soo kabsaday dhaawac canqowga ah ayaa diyaar ah, halka Mario Balotelli uu isna ka soo laabtay dhibaatadii dhabarka ka heysay.
| LINE-UPKA MACQUULLA AH: |
CHELSEA Cech Ivanovic, Cahill, Luiz, Cole Mikel, Ramires Hazard, Oscar, Mata Torres | MANCHESTER CITY Hart Maicon, Nastasic, Lescott, Zabaleta Toure, Garcia Silva, Nasri, Tevez Aguero |




Faroole waa arkaa . Intaan lagu dilin ha iskaga tago meesha . Shacabku haduu kaco wali noolaan mayso qoraagu runtii wan kahelay maqaaladaada nin aad u caqli badan baa tahay puntnews idinkana mahadsanid