Maxay Soo Kordhisay Go’aankii Xukuumada Ee Kordhinta Ciidanka Laamahooda Kala Duwan WQ: Mohamed Farah Haji Mire

December 1, 2012   //   Opinion, Warar Somaali
Bismilaahi Waxaan Ku Bilaabayaa Magaca Eebe Wax Walba Ka Hor . Waxaa Mahadleh Allahii  Fududeeyey Inaan Gaarno 
Heer Qof Walba Meesha uu Caalamka Ka Joogo Kaga Faaloodo Arimaha Dalkiisa . 

Faaladan Wuxuu Gundhigeedu Yahay Madaama Dowlada Puntland Ee hada Jirta Tayeysay Ciidamda Xooga Dalka Laamahooda Kala Duwan Ee . Daraawiish . PSF . PIA . Bolis . SPU . Marino Polise . Elite Forse . Iyo Kuwo Kale Aan La Aqoon .
 Maxay Bulashada Faa’ido iyo Khasaaro u Keeneen . Madaama Wax Kasta Oo Nolashan Lagu Dhaqaaqo Faa’ido iyo Khasaaraba Leeyihiin . 

Dowlada Puntland Ee Uu Hogaaminayo Dr. Abdi rahman Sheikh Mohamed Mohamud Farole . Waxay Hogaanka Dalka Qabatay 
08.01.2009 Waxayna Xilka Kala Wareegtay Gen. Cadde Muse . Hubaashii Dalku Wax Badana Waa loo Qabtay In Badana Way U 
Dhinayd Ayna Ugu Horayso Tayeynta Ciidanka Xooga Dalka iyo Siyaasada Arimaha Dibada . Laakin Maanta Topic Aan Ka Hadlaynu Waa Ciidanka Iyo Siyaasadoooda Hormareed 

Madaxwayne Dr Farole Markiiba Wuxuu U Koor Galay Madaama Cadaw Badan Joogay Goortaas Dalkeena Sidii Uu Wakhtiga Uu 
Joogo Ahmiyada Kowaad Siin Lahaa Ciidamada Kala Duwan Ee Xooga Dalku Leeyahay . Wuxuuna Shir Deg Deg Ah Layeeshay 
Taliyaasha Kala Duwan Ee Ciidamada Xooga . Waxaa Hubaal Ah 2009 Sanadkaas Inay Dhacday Dabaaldegii Ugu Horayey Abid
Ee Reer Puntland Ay Arkaan Ciidamada Xooga Dalkooda ee Daraawiishta Iyo Laamaha Booliska iyo Kuwa Sirta Oo Dabaal Degaya
Waxayna Taasu Isla Markiiba Moralka Kor ugu Qaaday Dowladii Curdinta Ahayd . 

Hadaba 2010 Wuxuu Reer Puntland u Ahaa Sanadkii Dagaalka . Waxaana Gudaha Magaalooyinkeena Ka Bilaabmay Madax Goynta 
Bulshada Dadka Magaca Kuleh Waxaynuna Ku Waynay Madax Badan iyo Bulsho Qaali Ku Ahayd Dadka Ay Ku Dhex Noolyihin
Taaso Kaliftay In Ciidankii Markaas Dhisnaa Ee Xooga Badnaa Ay Hal Mar u Dhaqaaqaan Buuraha Calmadaw oo Ay Alshabaab 
Isku uruursanayeen Markaas Afar Sano Ayna Ku Noqdeen Kuwo Ku Fiday Ka Sifayteeduna Ay Aad u Adkayd . 

Runtii Ciidanka Kala Duwan Ee Aadka u Dhisnaa Wuxuu Bil Iyo Bar kusoo Hoyey Taariikh Aan La Ilaawi Karin Waxayna Guud Ahaan Soo Afjareen Dagaalkaas oo Runtii Sababay In Dalku Noqdo Mid Amni Iyo Kala Danbayntiisii Hore kusoo Noqoto Waxaana Mahadleh Eebe iyo Madaxda Dalkeena Guud Ahaanba .

Hadaba Madaxwaynaha Dalku Markuu Tixraac Sameeyey Wuxuu Dib U Eegay Wixii Ka Hirgalay Ama Laga Faa’iday Ciidankaas Quwada Ah Ee Runtii Sababay Guushaas Sidaas Ayuu kusoo Kordhiyey Ciidamo Cusub Oo Iyagana Ka Kaba Bada Oo Markaas Ahayd Meel Bahal Mareen Ah Oo Aan Gacan Inoogu Jirin . Taas Ayaa Sababatay Dabyaaqadii 2010 Inay Hirgasho Dhismihii Ciidankaas Waxaana Lagu Qalabeeyey Hub Culus Mid Fudud . Baabuurta Xamuulka Qaada Kuwo Tiknikada Ah iyo Tangiyo iyo Diyaarado Dhamaantood Wax Tar u Yeeshay Hamigii Madax Waynaha Dalkeena . 

Waxaa Hubaal Ah Taas Waxay Sababtay Ciidanka SNMta oo Ku Hubaysan 40 Tikniko Ah Ayaa Usoo Dhaqaaqay Qayb Ka Mid Ah Dalkeena . Waxaan Aad ugu Qoslay Nin Goob Joog Ah Ayaan Wada Hadalnay Wuxuu ii Sheegay In Maanta Subaxii Ilaa hada Ay Hawadooda Ciidamada Nato Ee Xaqiiqa Raadinta Ah Ku Dul Wareegayeen . Wanse Qoslay ileen Xaqiiqada Jirta Ayaan Ogahay Waxaana Casarkii Dib ugu Noqday Ceergaabo Tanagtii iyo SNMta oo Is Wada . Waxaana Guushaas Leh Sooma Jeestayaasha Iyagu Hawada Ugu Sawiray Waxa Ay Kala Kulmi Doonaan Dhulkan Xalaasha Ah Haday Gudaha Usoo Galaan  
Habada Maanta Waxaa Muuqata In Himalaadu Hirgashay . Waxaase Su’aal Waydin Gablax  . Maxaa Kalifay Mase Habooneed . In Cabdi rahmaan Gablax oo Yire Waxaan Ahay Murashax Xilka Madaxwaynaha u Taagan Inuu Galkacyo Ka Yiraahdo Waxa Ciidanka Dalkeena Loo Dhisay Waa Xaq Daro. Waxaa Diyaaradahaas Loo Keenay Waa Xaq Daro . Waxa Hubka Waa wayn Loo Keensaday Waa Xaq Daro . Mayeysan Ahayn Marka Madaxwayne Dal Imaanayo in Amniga Guud Ee Dalka Wax Laga Qabto . Mise Waxaynu Dib Ugu Noqonaa 1969 Iyo Maalmihii Madoobaa Ee Aynu Waynay AUN . Dr Abdirashid Ali Sharmaake . 

Bulshada Mid Halay Waydiiyo . Waa Mid Kowaad . Gablax Hadii Cid Afka La Hayo Maxaa Isaga U Fududeeyey inuu Maanta Sidoo Rabo u Hadlo . Aaway Kuwii Dadka Afka Qaban Jiray May Qabtaan  Mida Labaad . Maanta Waad Aragtaan Waxa Socda . Nin Idin Yire Waxaad Hanti U Hesheen Waxba Kama Jirtoh Ee Dib ha loogu Ciliyo Hana La Siiyo Ama SNM . Ama Qashinkana Halagu Daro Wixii Habeeno Badan Loo Soo Dhafray . Mawuxuu Bulashada U Keeni Doonaa Hormar iyo Kala Danbayn .. Jawaabteeda Idinkaa iska Leh .

Hadaba Bulsho Waxaan Dhawaan idiiin Soo Gudbin Doonaa . Taariikh Nololeedka Gablax Guud Ahaan Iyo Waxa Uu So Qabtay Isaga iyo Kuwa Inoo Soo Socda Mid Walba.
Madaama Maanta Aynu Ka Dheregnay . Hormarka Ay Diidanyihiin Maanta . 
Alla Mahad Leh . 

Qore: Mohamed Farah Haji Mire .
 

COMMENTS

RSSComments (27)

Leave a Reply | Trackback URL

  1. Abdi says:

    war ilma adeerayaalow Faroole ka fiican Mucaaradka Abdulahi Saciid Samatar,Gaagaab,Gablax ay hormoodka u yihiin
    Saddexdoodana Gablax baa ugu liita,anigu lama kulmin laakiin raggii uu la shiray waa ka dayriyeen,waxaana ka markhaanti kacaya markuu Ciidamadii aan ku faanaynay dhaliilay baahidooda iyo in faroole ku danaysto ciidankaas,marka aan iska dayno caadifayada Qabyaalada Faroole cid dhaanta meesha kuma arko.

  2. NATAASH SAID says:

    KKKKKKKKK WLHI QOFBA WAXAB KAYABIYA ANIG MID HALAKN COMMENT KABIYEYE OO LUGU SHEEGAYO mohamad yusuf (godho) BAA IGA YABIYEYE OO AAN WALIGIIS COMMENY BIXIN WALIGEEY MARAKIN KAN OO KALE BISINKEE MARKII HORE WAA NAC NACLEYEY HADEERNA BARYOOTAN IYO RALI GALIN KKK SXB INTADAN FILIN KAFIIRSO HADAD SAS OO DHAN UTAQANEY QORAAGA Mohamed Farah Haji Mire MAXAD UGU DAG DAGTEEY KKKKKKKKKKK mawduucan waxaan moodayey kii ciidanka iyo dimuqradiyada HHHHHHHHHH MISKIIN SHINBIR MALIN BEY DAB QAADEY MALINTIINA BUULKA HOYADED BEY KUGUBTEY ADIG WAX SHEEGTEY WAX SINJI ULEEDIHIIN NAC NAC IYO HADAL AAN LAG FIIRSAN OH OH NAC NACNACLE ADIYG IYO KUWA NOCAG OO KALE AH WAA LAYAQANA DOQONYAH.
    Mohamed Farah Haji Mire KII SUGAYOW SAMIR

  3. gabar bari says:

    asc walalo aad bn ruuntii ula dhacay muwadin nimadada iyo fikir kaga aad ka uqurxon
    waxan se iyaab galiyeey run ahaantii (mohamad yusuf (godho) qofka ay ugu qorontahy maqof ween ba mise ilmo dadweenow mar wuu caytamayo iyo mar uubar yatamayo HHHHHHH FUNNY waxan filaya in uuba garaneen sida waxloqo’ aniga mucarad nimo wan aqana lakin qofkan okale waligay maba arkin QORAA MAHAMED FARAH waxad tahy muwadin xaqiiqada og WALL HALKA KASI WAD WAXAN KU RAJAYNAYA GUUL IYO HORMAR WALL THANKZ..

  4. mohamad yusuf (godho) says:

    mawduucan waxaan moodayey kii ciidanka iyo dimuqradiyada wan u gafay walaalkay engneer mohamed farah hayga raali ahaado waa nin aqoonyahan ah waana nin in badan kusoo dhex kordhin kara bulshada uu la joogo

    hilmaam hadal kuma jirto ana waxaan ku leeyahay wad waxaan markii u fahmay nin muxaafid ah

  5. as c origin karkaar waxa iga talo ah
    waxan reer karkaar ama gaar ahan reer
    Qardhood kula talinayaa dal iyo dibadba meel kasto aad jogtan ama aan jogno aniga ruxayga waan so gelin marka an ka hadlayo gobalkas
    waayo famil aya i dagan
    walalayaal magalada wax halo qabto
    oo oo hala iska daayo kal dadsananta aan wax wada jir ah laga han magalada runti hadi cidba cid ku eegto sida aay hada tahay ayeey ahan oo wax ka dhaca mahee wax ma uso kor dhayan runti
    anigu dhawan ayan tagay qardho wax horumar ah ama dhaqdhaq ah kama jirin waa la iska fadhiya oo kali ah dhinac shacbi iyo dhinac dawladeed midna kama jirin lakin waa magaalo wanaagsan oo dagan nabad ah
    masha alah alle ha u siyaadsho
    walow aay ka jirto kal qabsanan iyo qolo qalo egaysa runti magalo saas horumar kuma garto
    ilaa is egida iyo kal qabsananta laga gudbana horumar ma imanayo
    dawlad wax qabanaysa ma jirto runti haday mid kale imatana wax qabad laga sugo oo weyn ma jirayo lakin marka dadka deganku wax dhaq dhaqaq ah la yimado aya dawlada waxa laga yaba in yar oo gacan ah in laga helo balse wan sexan ee dawladu wax ha badasho mala helayo hada waxan qof walbo oo qardho u dhashay ama kuwa deganka reerku u noqday sidayda oo kale aan kula talin magalada aan u istaagno oo wax badan oo bulshadu ka bahantay ayaa jire aan wax ka qabano weliba dadkena qurba jogta ah
    aan walalahena guda aan gacansino sida in aanka cawino
    hosbitaal oo dib u cusboonaysin lagu sameeyo iyo wasicin qabo lagu siyadsho
    sida kuwa bukaanka kuwa qaliinka
    sida biyaha kortada oo aay ku helan bilaash
    sida steshinka oo dayac xoogle ka moqdo iyo shaqadisa oo yar weliba asaga oo an wada shaqan
    waxan codsan in qurba joogta reer qardhood dib lo ego wadanki walaahi waa iga talo ee ma iga aha xuman ama xuman ku muji midna ma iga aha
    sida guriga gobalka oo u bahan in dib u dhis ama qurxin iyo wax badan u bahan
    sida dadka masakinta ah oo kalmo wallanimo u bahan oo ku nool kamamka magalada geseheda ku yaal kuwa aay xolihi abaraha ku dhafen iyo kuwa danyarta magalada ku nol
    dadka oo dhiragelin losameyo xataa muralka wax weyn ayeey ka badasha dalkoda la si jeclaysiyo laakin hadii qof kasta oo magalada ku dhashay uu qarbaha intu ka ado usan dib ugu so laban magaladi kuwa so socdana waxay ku hamin hebelka tag maso laban adna maxa kaga so laban donta marka
    reer qardhoow magalada iyo dadki walalahina aha ee sida kla duwan idinku bahan dib halo xasuusto dalkii hoyo oo hurdada ha laga kaco
    waxan jeclan laha in aad no samaysan groep
    yirahda gobalka karkaar ayaan wax u qabanayna dhalinti u istagtay karkaar kadibna aad no samaysan meelo aan idinkala so xariirno iyo bank tabarucada iyo kaalmada qof walbo oo muslin ah iyo kuwa reer puntland iyo kuwena reer qardhod aan ka gaysan karno runti wax weyn ayaa magada laga qaban kara waaa hadii la isku tashto
    ee bal noo sameeya groep heegan ah waxan balan ku qadayaa in ana ka harin ee aan kalin weyn ka qato aniga oo ugu horeya
    waaa mahad santihin dhaman akhritow balse qofki reer kar kaarow si gaar ah
    in aay ku tabato qoralkan ayan rajan as c

  6. origin karkaar

    walal waa ku mahad santahay fikir kaga iyo sheegida ina farax X Mire inu yahay reer qardhod waan ku grty

    in kastoo hadal kaga mid iga qosliye noqday
    thanks an ku leyahay walalkis

    horta waan ka xumahay in waxa reer garowe leyiihin aan ka dhigti
    mashariic hada faroole la yimid
    mashariicda aad faroole ugu hal qaban walal faroole garowe wax uu ku siyaadshay maleh oo xaga dawlada uu ka kenay balse reer garoowe ayaga ayaa ah dad muwadinin ah oo degaan koda hormurka samaysta
    waxna u qabta degankoda
    taas ogow

    2 tan shirkada golis
    waxaa tiri rer garoowe waxa aay ku leyihin
    5% adoo raali ah bal hadal kaga dib ugu noqo
    ganacsatada reer puntland
    oo shirkada wax ku leh waa hadi rer puntland dhan la isku geyo oo wax kuleh amaysan ku lahan
    3% ama 4% wax dhama waa hadayba ku yeshaan maka hadlayo shaqalaha shirkada
    lakin walal aniga oo aan cidna xaqoda dudsinen 97% waxa leh ganacsato reer garoowe ah
    ee walalaha ilahay waxa uu siyo ha uga xumaan

  7. mohamad yusuf (godho) says:

    waxn u arka qoffka waxn qory waa qoff cid gaar ah ku burursan oo bunbun ku jira wayo ma haboona in . lagu been abuurto iyado reality.laa hararamarayo. mudane musharx prof gablax waa nin ku haboon masiirka puntland lagu aminkaro. ma. ah in lo gafo. musharax dadka reer puntland ciyaalbutano lo amaano.wax lo bahanyahay waa. badbadoshacab.iyo (International campaign entitled.
    Support of the people of Puntland and prevent a new dictatorship) waxan amminsanhay hada loma bahan. amaant mamulka gababsiga. waa sahal in wax la qoro lakin in waxan jirn la qoro.waa khatar iyo fashil wax u dhimkara qofnimada sumcad qorga.

    wadaniyadu maha jecel qollo am team gaar ah,
    puntland wayjirsa waxan taagersanhay ilalinta sharciga waxn kaso horjeeda waxkasto sharci daro ah. waxn jecelahay horumarka deeganka puntland iyo midnimada reer puntland sas dartde waxn diidanhay amaanta qofkii puntland kal dirya. horseeday burburka puntland oo hada u tafxatye horseedka baabinta puntland

  8. origin karkaar says:

    Muna gaban puntlnad walaal mahamed farah xaji mire reer growe maahan ee waa reer bari Qardho iyo Bosaso ayuu kasoo jeedaa beeshaas balaaran buu kadhashay ee kaaha puntland lagu naanayso,hadaan wax kaa iraahdo walaal aan ku saxee golos growe lagama leh kamana mid ah mashaariicdii faroole uu ka hirgaliyay Growe Golis waa shirkad ganacsi waxaan iska leh ganacsato soomaaliiyeed oo reer puntland u badan waxaan hubaa reer growe inay ku yeelana karaan share aan ka badnayn 5% marka malaha laabtaad ka jeclatay lahaanshahah golis.

  9. maxamed farax xaaji mire ma reer qardhoodba
    mise waa reer garoowe
    koley mar hadii golis laga hadlay waxan filaa in uu nin reer garoowe yahay waayo golis waxa iska leh waa reer garoowe waxa kale waa shaqale
    shirkadeed
    mar
    walbo waan kaga mahad celin qoraalkaga wanaagsan
    waana so dhawan fikirkaga iyo talodada thank u

  10. Fahad Omar Said says:

    maxamed faarax xaaji mire ina adeer waxaad ka hadashay mawduuc aad muhiim ah runtana waa ka hadashay,ragan soo ordaya waxba meesha kuma hayaan,waxaan xasuustaa maalintii farole la doortay dalkan waa ogeyn siduu ahaa amnigiis maantana waa aragtaa maashalah.ini samatar iyo wixii la mid ah dalkan meesha uu maanta taaganyahy ee dib u dhaca yaga ayaa keenay,faroole shakhsiyan ma taageero lkn waxaa ku taageeraya waxqabadka xukumadiisa iyo intii la shaqeysay.guul ayaa u rajaynayaa dhamaan umada reer puntland nabadiina ka shaqeeya iyo horumarkiina.

  11. Cog ogaal says:

    Salaan. Mafahmaysaan. Adeerkiis shalay wuxuu lahaa dadka qardho laku laayay waa xaq ini ciisemudan waa. Maqlayseen ini xasan bare waa ok tihiin dadkaani waa caadoqaadayaal

  12. Booxaaro says:

    Dadkii faroole qardho ku laayay miyaa wax qabad ah mida kale ini faarax inuu saas uhadlo dhaqann ayay uleeyihiin

  13. caqil says:

    asc dhamaan gablax waa uu iska baraaciyay ma aha nin siyaasi ah puntland waa uu dacweyay kano kale uma qalmo xata wasiir waa jaajuus maxa diyaradaha puntland ama ciidankeda dhex gashay reer puntland gablax oo kala ku jirah caaq ah walaahi ad ban ugu han wayna lkn waxa iiso baxday inu xoola yahay waxan maqli jiray habarjecloy muuse waaka

  14. faarax says:

    asc anigu faroole wan taageera mana wax qabad xumeen lkn mohamed faarax qoraaga waa ceeb nin oday ah oo aadan aqoon inad afla gaadayso waana taarikh xumo inad sida jirida wax uso qorto gablax waa nin aderka ah wiil yar baad tahay waxan kaga digaaya inad ninka odaga ah wax danbe oo aflo gaado ah kaso qorto gablax waxa ku jirah tartan cabdiraxmaan faroole saas iyo si ka xun buu u hadli kiray marku cade muuse wadanka hestay hadi aad iska qayishay oo murqantey waa qalad inad murqanku halkas kula galo mida kale al xaaji farax xaaji mire waa nin sharaf leh yaan loo gafin faarax xaaji mire waa halyey wax qabad badan wiilasha comment soo qoyaara ilahay ka baqa hadad is ledahay cidi kuma arkayso ilahay ba ku jiide malaaig ba ku xisabinaysa

  15. ayaanle qardho garabsare says:

    ini farah xaji mire malaha abihiis ayaa ku yiri faroole amaan si aan wax uga helo,adeer calaan daraqa aad meesha kusoo qortay nina kaa dhagaysanmaayo ee afka dabaysha ka dado adeer isir baad u leedihiin sandareero iyo hoos katuur aan qiimi lahayn kulama yaabayo waa wax laguugusoo habay ilaa dowladii maxamed siyaad marka waxba anaga hanoo amaanin faroole, ciidankaad sheegayso xagay joogaan maxayse bulshada u qabtaan?? adeer irsiqa ilaah baa baxshee aabe lahadal una sheeg inuu iimaansado shaqadiisa uu golis u hayo hana iska daayo dagagnimad,

  16. Garyaqaan says:

    Gamanka iska daaya sida wax loo qoro ayuu baranayaa, iska daaya odaga awoowihiisa ayuu cadowga puntland ka celinayaa, maandhow haddii madaxweynuhu ciidan haysto Laascaano ayuu ku qabsan lahaa, lagama qabsadeen magaalooyin badan oo puntland ka tirsanaa xukuumadii ka horeysay, ciidanka calooshooda u shaqeystayaashaa isagay waardiyeeyaan , mudane Gablax waa musharax madaxweyne waana mutacalim wax badan ka qaban doona puntland , odagaan xisbiga beenta noo furtay hana dhaafo.

  17. my best city Bosaso says:

    aad baan u taageray mowduuca aad ka hadashay waana wax jira kuwa waxaan arkaa leh ciidanka calooshood u shaqaysta yaasha ok ma waxaa noqday wiilasha reer puntland baa noqday waxaas aad sheegeysaan hadii aad maqasheen haya’ad ayaa tababarta aaway haya’adii hadiise ay baxday sow wax qabadkii uma harin reer puntland ciidan si casri ah u tababaran oo gaadiid casri ah ku qalabaysan oo nooc walba leh sida gawaari dayaarado nooc walba puntland baa iska nin la dhaho matt bryden oo ahaa madaxii gudigii daba galka hubka somalia ninkaas waxuu qabaa gabadh ka soo jeda deganada maamulka somaliland la baxay waxuu u olaleeya madax baanani ay helan ninkaa oo aad xumaan uga qora waxuu waxuu tvyo caalami ah u sheegay puntland waxaa jooga maanta ciidanka ugu qalabaysdan uguna casrisan wadankii somalia isagu waxuu uga jeeday ku xumeyn in uu caalamka u tuso ay puntland dhibaato wado oo rabto in ay ku duusho maamulka ay deriska yihin ee somaliland la baxay iyo in ay jebiyeen cuna qabatayntii. laakiin waa nxaqiiqo in maanta puntland jooga ciidan aad u tayeysan marka maanta bal fiiri Gablax iyo ninkaa shisheeye maxay is dhaan sida uu u hadlay taas waxaa garan kara dadka anoo kale ah waayo mr. Gablaxna aqoon uma lahayn qabiil kuma nebci kumana jecli faroolena waa saas oo kale laakiin mr.Gablax wax uu ku hadlay ayaa i deeqay barasha ahaan meel ayuu mindi isaga dhuftay dad badan ayaa waa u baryey kuwaas oo markii hora taagerayey

  18. shamso says:

    kkkkkkkkkkkk ciidanka lagu faanayo ma calooshood u shaqaystayaasha wadanka faroole ku soo guray, diyaaradaha xagee ka keenay ileen waan isnaqaana somali ayaan nahay, dowlada somaliya ayaanba diyaarado lahay mid Turkigu Somaliya siiyay markii shiikh shariif ma, ahee. Maxaan beenta isugu geegaynaa. waxa ka sii daran taas adeer Faroole xishood la,aantiisa iyo fulay nimadiisa diyaarada calooshood u shaqaystayaasha ayaa Boosaso keentay isaga oo ka baqaya in alshabaab jidka u galaan, ciidan ka uu ninkani ku faanayo muu faroole isku haleeyo intuu calooshood u shaqaystayaal isku halaynayo.

  19. mohamed farah says:

    kkkkk ahmed boowe . mahadsanid ula jeedada ila fahan . anigu saan hotay ugu sheegay maqaaladii hore dowladu kuma raacsani maalin galankeed inay ku darsato laakiin waxay ula jeedaydu tahay saad adigaba qabto . isku fikir baynuna nahay . bahashana meel ayeynu u wada wadnaaaa .

    waxase aad ula yaab badan wuxuu shalay ku hadlay nin shalay galkacyo warsaxaafadeed ku qabtay muu dhaliili dowlada oo ay u muuqato 1million oo khalad ah ay leedahay . maxaa tusay kuna diray 1ka wax ee hirgalay. walise maku ducaysanay allaw madaxda inoo hagaaji . hadaynu wada habaarno dhibtaas waligeen ka bixi mayno aynu dhahno . allaw kana naga kaxay mid khayr qabana noo keen .

    waynu is wacaynaaaaa dr ahmed

  20. kkkkkkkkkkkk maxaed farax xaji mire sxb marka hore waa mahadsantahay,intaas kadib maqaalku maxumayn wax jira ayaana ka hadashay lkn arimaha puntland waxaad u egtahay nin aan dhexdhexaad ka ahayn,waayo keliya waxaa ka hadashay waxa ay qabatay dowlada hada jirta,lkn kama aadan hadlin waxa ay qaladay iyo waliba balan furyadi ay shacabka puntland kula kacday,anigu maahi mucaarad lkn waxaan isleeyahay walaalkaa maxamed maamulka jira ayuu u xaglinaya waa wax iimuuqda,ciidan waa jira waliba xoog leh puntland waliba waxan aminsanahay xataa amison’ta taangiyada wadata ceedanka puntland ayaa ka xoogwayn,lkn marka aan ciidaas haysano maxaynu dhulkeena oo gacanta puntland ka maqan u raadsanwaynay,waliba dad inaga tabaryar ay haystaan?waa arkaynay 28ki november oradki ka dhacay somaliland marki ay sanaag soo hawaysatay,jawaabtu waa fududahay waliba xataa iyadoo telfoon ah ayaan dhagaystay waliba ay wada hadlayaan masuuliyiin inaga ah iyo kuwa somaliland ah dhamaan webka somalida ayey ku jirtay bila ka hor,wax kale maaha madaxwayne faroole somaliland hishiis ayuu kula jira in ayhaystaan gobalka sool kamana bixi karo,waayo waa nin xiniinyaha lahaysto,sida lawada ogyahay ilma faroole calashaan wiilashiisa maalinkasta somaliland ayey joogaan waana sheeko la isla ogyahay,arinka maalmahan sanag ka dhacay ma aha wax ay libteeda leedahay puntland ama ay iyadu ka danbeesay lkn reer sanaag waa dad xalaal ah iyagaana diiday maamulka somaliland,ugu danbayn waxaan rabaa oo reer puntlanad uga fadhiyaan madaxwayne faroole in uu haduu ninyhay laascaanood xareeyo,waxba yuusan dadka sanad been ah ku maaweelin iyo dimuqraadiyad ayaan wadaa aan wadadeedi lahayn,nina seedigii dagaal kuma qaadi karo boowe kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

  21. nasiibka Puntland maxuu noqdey says:

    Waad salaamantahiin puntlandnews,waa fikir qofeed balse waa qoraal aad xaqiiqada uga fog,wax nuxur ahna aan lahayn,adeer iyo aabe hadeey faroole u sacab tumayaan maaha in aay adiga ku wasaqeeyaan,waan kula talinayaa,ee waxaad tahay mustaqbalka puntland kan beesha aad ka soo jeedo ee adeeroow nina xaq darro ha ku taageerin,waxqabadka faroole iyo wax qabad la’aantiisa maanta ma joogto ee waa in aad fahamtaa in waqtigaas laga soo gudbey,arinta taalna tahay waqtigaagii waa dhamaadey ee umadda amaanadeedii u soo celi iyo maahee hal sanno oo qasab ah o xoog ah baan ku darsanayaa—halkaas weeye meesha dhabta ah ee leeysku haysto,faroole haduu wax qabtey waa thanks hadii uusan qabana,waxuu la mid yahay kuwii ka horeeyey ee ku fashilmey gobolka balse time is over dadweynaha,cuqaasha ,isimadda ,aqoon yahanada iyo indheer garadkuba waa ogyahay

  22. mohamed farah says:

    Jawaab to all.

    puntlandnews24 mahadsanidiin . jawaab hadaan ka bixiyo aniga faaladan ugama hadlayn sanad iyo bil iyo wax kaleba waana in aan isla fahanaaa . taasu waxay u taal bulashada reer puntland aniga waxaan ka hadlayaa guushii xukuumadu ka keentay dhisida ciidanka iyi dadka muwaadiniinta ah ee u sharaxan hogaanka inaan xasuusiyo waxa aynu haysano ula jeedadaynu nin maaha ee waa dal nin walba ku awrkacsanayo reer hebel . siyaasada 5sano ama 4sano idibkay idiin taal reer puntlandnaw

  23. a says:

    sainab hadii aad tahay hawiye ama daroodka 2aad waad qoslikartaa hadiikale waxa mudan in laguqoslo ninka gablax ladhaho waligii nin aan aqlibadneen walaka xataa hatagerin

  24. a says:

    ninkii sadexad oo iska hadlo ceeb badnaa 1.abdiwali gaas 2 gablax iyo janaralka saaaas madadlagusoojitaa

  25. sainab says:

    KKKK

    WALAHI KAN WAA KU QOSLAY WAXA UU QORAY..WAR HORTA MADAXA MAXAAD KU XIRATAY OO JINI? TAN KALE QORAALKA KU NOQO OO SAX BARONA SIDA WAX LOO QORO INTA AADAN SABUURADA KU FEEGAARIN.

    WAXAA SOO QORTAY QORAAL RUNTII RASAN OO AAN IS HAYSAN NUXURNA AAN HABA YARATEE KU JIRIN. PUNTLAND HA NOOLATO!!! XUKUN KORORSIGU HA DHACO!!!

    GABLAX AAD MAAGAYSO UMA EKID MID YAQAAN EE WAXAAN FILAA ODAY FAROLE AYAAD IS LEEDAHAY HA KU MAQ-MAQLO..KKKK

    WAA YAAB QOFKII DAMAC SIYASAD PUNTLAND KA GALO WAA IN WAX LOOGU YEERA MAGACYO AMA LOO RAADIYAA CEEBO…THAT’S NOT GOING TO WORK AND IT’S A CHEAP!!

  26. axmed says:

    mohamed waxaad qortay wax fiican laakin wareysiga mudane gablax maadan dhagaysan baan filayaa waana runee pl ciidan ficaan ma leedahay xaqiiqda marka laga hadlo max yeelay malintii dhoweyd cidanka sanaag lo diray waxay u badnayeen cidaanka khaaska oo madaxweynaha wardiyeeye marka meeye cidamadii kale balse xudun oo dagaal ka dhacay ahan meesha u kasoo jeedo madaxweyne ku xigeenka pl waxaa weraray somaliland pl hal askari uma dirin marka waxaan jirin amadaan ka sheekeneysaa

  27. Abtikaa runda usheeg says:

    Ciyaalka xanaaqsan oo faroole abtika uyahay.oo fariinda loo soo dhiibaayo halaka fiirsado qoraalkooda

Leave a Reply