Maxay yihiin qodobada uu laalay Madaxweyne Shariif iyo saameynta qaanuunka
June 17, 2012 // Warar SomaaliAqoonayahan Axmed Maxamuud oo qaanuunka ku xeel dheer ayaan wax ka weydiinay qodobadii uu madaxweynuhu maanta laalay iyo saamaynt aya keeni karto.
Aqoonyahanka ayaa wuxuu hadalkiisa ku bilaabay ”qodobadda axdiga ku meel gaarka ahaa ee Somaliyeed ee uu wax ka bedeley maanta Madaxweyne Sheekh Shariif, mance weyn kuma fadhido maadaama uu jiritaan beelay axdigii 2004-tii. Somaliyana ay haatan yeelatay dastuur lasoo diyaariyey oo looga gudbay axdigii Kumeel-gaarka ahaa. Marka wax walba oo axdigii hore ku qornaa saameyn ma yeelanyaan maadaam mid cusub hada la ansixinayo.
Qodobadan uu maanta madaxweynaha Somalia laalay iyo waxa ay ahaayeen kuwaasi bal dib u akhriso
QAYBTA 4AAD
DOWLADDA FEDERAALKA EE KU MEEL GAARKA AH
QODOBKA11
b) Ka dib ,waxaa la samayn doonaa Afti Qaran oo ay Beesha caalamku kor-joogayso si loo anxsixiyo Dastuurka cusub
GOLAHA SHACABKA
QODOBKA 28
1. Dhammaan awoodaha sharci dejinta ee Dowladda Federalka Ku Meel Gaarka ah waxaa leh Golaha Shacabka. Qodobkaan dhamaantiis Madaxweynahu waa laaley ama waa la baabi’iyey.
QODOBKA 29
TIRADA GOLAHA SHACABKA
1) Golaha Shacabka Federalka ee Ku Meel Gaarka ah ee Jamhuuriyadda Soomaaliya wuxuu ka koobnaan doonaa 275 (Labo boqol iyo Toddobaatan iyo Shan) xubnood oo ay ugu yaraan 12% (boqolkiiba labo iyo toban) yihiin Haween.
QODOBKA 34
KAL FADHIYADA GOLAHA SHACABKA
1. Golaha Shacabku wuxuu yeelanayaa labo kalfadhi oo caadi ah sanadkiiba.
2. Guddoomiyaha Golaha Shacabka wuxuu isugu yeeri karaa kalfadhi aan caadi ahayn haddii ay codsadaan Madaxweynaha ama seddex meelood hal meel xubnaha Golaha.
3. Shirarka Golaha Shacabka iyo guddiyadiisu waxay ansaxi karaan haddii ay goobjoog yihiin hal dheeri xubnaha Golaha.
Puntland News-24
Bosaaso, Somalia


