digg icon delicious icon

Maxkamada gobolka Banaadir oo ku dhawaaqday Hogaanka saxda ah ee Ururka NUSOJ

February 21, 2012   //   Warar Somaali

Maxkamada magaalada Muqdisho ayaa go’aan cad kasoo saartay cidda madaxda ka ah Ururka Saxaafiyinta qaranka Soomaaliyeed ee NUSOJ kadib markii ay soo baxeen shakhsiyaad ku qaraabanaaya isla markaana doonaaya in ay xadaan magaca Ururka.

Maxkamada ayaa kadib markii ay dhageysatay,baaritaana dheer ku sameysay arintaan ayaa 15-kii bishaan ku dhawaaqday in Gudoomiyaha Ururka NUSOJ uu yahay C/risaaq Cumar Ismaacil (Sheekhaduun) iyo Xogheyaha guud ee Ururka uu yahay Cumar Faaruuq Cismaan.

Shakhsiyaad ayaa tan iyo sanadkii hore qaab qaldan u sheeganayay Gudoonka Ururka,waxaana isku bandhigeen dhowr Hay’adood oo maxali iyo caalami ayna ku jirto Wasaaradda Warfaafinta ee Xukuumada Soomaaliya.

Masuuliyin ka tirsan NUSOJ ayaa maxkamada tegay bishii hore ee January ayna ka codsadeen maxkamada in ay faragelin kusoo samayso arintaan ayna xaqiijiso cidda hogaanka sharciga ah meeshana laga saaro kuwa sida qaldan u sheeganaaya.

Dhageysigii u dambeeyey dacwadaan ayaa ahayd 8-dii bishaan,waxaana ugu dambeyn maalintii arbacada oo ku beegnayd 15-ka bisha maxkamada si rasmi ah u shaacisay Hogaanka sharciga ah.

‘’Waxaan aad ugu faraxnay in maxkamada ay xaqiijisay hogaanka saxda iyo sharciga ee NUSOJ.waxay dharbaaxo ku tahay kuwa ku jira Dowladda Federaalka (TFG) oo isku deyey in ay meesha ka saaraan hogaanka sharciga ah’’,ayuu yiri Xogheyaha guud ee Ururka NUSOJ Cumar Faaruq Cismaan.

Gudoomiyaha Ururka NUSOJ C/risaaq Cumar Ismaacil (Sheekhaduun) oo isagu xirririye ka ahaa kiiskaan intuu socday ayaa isna soo dhoweeyey go’aanka maxkamada,banaankana soo dhigtay shakhsiyaadka sida qaldan u sheeganayay hogaanka Ururka.

‘’Waxaan soo dhoweynayna go’aanka maxkamada,taas oo midowgeena kusoo celinaysa kalsooni,waxayna xoojinaysa go’aanka Saxaafiyinta Soomaaliyeed in ay u dagaalamaan xaquuqdooda iyo sharaftooda inkastoo cadaadis iyo faragelin ka jirto dhinaca Hay’adaha Dowladda’’,ayuu sheegay.

Bartamaha Bisha March ee sanadkii hore ayaa Muqdisho ka dhacay shirweynaha Ururka NUSOJ kaas oo lagu doortay hogaan sharci ah iyadoo doorashada ay kasoo qaybgaleen Saxaafiyin ka kala imid gobolada dalka iyo masuuliyin ka tirsan Dowladda Federaalka.

Ayuub C/raxmaan Maxamed

Xubin kamid ah Golaha Fulinta ee NUSOJ

RSSComments (0)

Leave a Reply