Meydad laga helay goobihii ay baneeyeen ciidamada Somaliland ee Maygaagle [Sawiro]
August 14, 2012 // Warar SomaaliDeegaanka Maygaagla ee gobolka Cayn oo Axadii lasoo dhaafay ay ka baxeen ciidamada maamulka Somaliland ayaa lagu soo waramayaa in laga helay maydadka sadex qof oo ahaa dadkii shacabka ee la dagaalamayay ciidamada maamulka Somaliland.
Dadka maydadkooda la helay ayaa geeriyooday muddo laga joogo laba bilood, waxaana wararku ay tilmaamayaan ciidamada Somaliland ee joogay deegaanka Maygaagle inay horay u diideen dadkan in la aaso.
Waxagarad ka ambabaxay magaalada Buuhoodle oo u kuurgalayay xaaladda goobaha ay ka baxeen ciidamada Somaliland ayaa aas ugu sameeyay maydadkan tuulada Shangalle oo 5km u jirta magaalada Buuhoodle,waxaana ay sheegeen arintan inay tahay wax siweyn looga xumaado islamarkaana ka fog islaanimada iyo bani’aadanimada.
Si kastay ahaataba, dhowaan ayay ahayd markii ay ciidamada Somaliland ay ka baxeen deegaanada Sooljoogto iyo Maygaagle ee gobolka Cayn, waxaana ka bixitaankooda uu ka dambeeyay wada hadalo nabadeed oo dhexmaray odayaal uu horkayay gudoomiyihii hore ee SSC Dr Saleebaan Axmed Ciise Xaglatooseiye.








this is sad story. how could they refuse to burry another human being oo walaalkood ah. Somaliland regime has gone too far even to the point of thos. is time sool sanaag and cayn to unite against this regime. may allah protect the innocent. aamiin.
Inaalilaahu waa inaali laahu raajucuun dadku diin iyo bini,aadanimo daranaa miyaanay ogay qofka maydka ah in gaal iyo islaamba xil ka saaranyahay in la iska duugo.wixii sidaa sameeya ilaahay baa ka abaal marinaya aakhiro iyo aduunkaba, waana wax aan horay loo arga ummad dhan oo dad mayd ah ku dhex nool oo wax ku dul cunaya. Subxaan Allah maxaa ilaahay laga fogaaday.
dadka magaca khaladkaa labaxa sida garoowe waxay ilatahay inuu yahay naar afuuf ,dad inaad isku dirtaan nacaybka aad u qabtaan puntland waa waxaan idin soconayn adinku xaasidnimada ha’ubaabi’ina waxba cid mayeeli kartaan ,puntland’na way ogtahay ninka jecel iyo kan’neceb ,waxaana markhaati u ah faysal cali waraabe oo kale oo ah siyaasi weyn oo aan qarsankarin nacaybkuu u qabo puntland iyo tan hadda muuqata oo xasuuqa aay u’gysteen SSC ,midda kale degeenada aay kabaxeen sida kalshaale waa wajigii siyaasadda oo siilaanyo badashay markuu aqoonsi waayay oo uu kufashilmay dagaalkii , bulshada caalamkuna waa aragtay waxa gooni iskutaaga raadinaayaa inay tahay hal qabiil oo ah SNM ,haddaba aqoonsi la’aqoonsadaa SNM waa calaacal timo kasoobaxeen dhulbahantana waa ogyihiin SNM Ccadawtinnimada u hayaan dhulbahante INAYSAN SOOMAALI WEYN UUGA GO’AYNIN ,XAGLA TOOSIYANA WAA RUUGCADAA USOOBAXAY SSC UNA MALYN MAAYO
INUU SIILAANYO HOOS fariisanayo asagoo heli kara qaran SOOMAALI WEYNA ..SCWW
anigu waxaan qabaa in meelahaan oo kale ay tahay meelo dadka la isku diro oo dadbaa intay soo qodhaan magacyo aysan lahayn bey ku caayan dadkale oo marka waxaan oran lahaa koley ramadaana qiimeyn meysaan hadii aad qiimeyn weydeen oo aad ka baqi weydeen Allihii idin abuurtay iyo dhiigii la idinka xarimay aad xalaaleysateen .
somali badankeedu waa afkudhiigle yaashii uu sheegi jiray abwaan yam yam marka waxaan oran lahaa un iska deyn meysaane waad buktaane alle haidinka qaado bukaankan xune ee idin dagay .
@ goroowe sxb maad sheegatid hargeisa iyo burco ma kalsooni xumaa kuhaysa maxaa garoowe ugu qaraabanaysa misa xaas garoowe joogta oo laqabaad tahay bilaa calaykum adoo kale naguma jiro ee magaca noo dhig sl waa koox somaliweyn caro uga maqan waana mayd u caraysane jaallw siyaad barre oo half qarni mootan bay wali u xanaaq sanyihin marka waxas hanagu simin midnimada somalia baan raadina waxii nadab iyo maamul ahna waa wax somali weyn raali nooga tahay lakin xalaak caleeg ma calanki cawaale iyo lacagti gaduudneyd baan inta aruuriyo garowe ku gubi karaa oo hadana tv yada ka soo daaya xalaal caleeg hanagu xad gudbin sxb siyasadayadu maahan mid midnimada somalia agaist ku ah afkayaguna ma karo somali weyn baan ka xorownay oo gaal ingaris ah iyo sanaawi baan walalo iyo saxibo nahay raadi hadalki faisal cali waraabe
War somalilandr ine medka daroodka iska asaan aye aheet wayo wa dad muslim ahee saan dhaan maxa daroodka logu galay hade cuqdad xuun si qadayanee
waxii dhacay waa dhaceen ,ilaahayna ha’unaxariisto ciddii dagaalkaas sixaqa kudhimatay ,waxaan kalooleeyahay soomaalaay nabadda iyo horumarka kashaqeeya oo dagaal wiil baa kudhintee makudhasho waa in gobolada waqooyo ee burco iyo hargaya iyo deegaanada qoorulugud aay kashaqeeyaan nabadda ,cid lakhasbi karaana majirto oo soomaali makala adke waana qabiil yaroo walaalaa waa in nabadda iyo horumarka lagashaqeeyaa oo dagaalka lagu badalaa qalinka iyo tabaca si bulshadu u barwaaqoowdo .waa in sidoo kale dadka walaalahayagaa ee SSC aay kashaqeeyaan horumarka oo dagaalka dhaqaalaha faraha badan uu kubaxayo lagu badalaa caafimaadka iyo waxbarashada iyo ceelasha biyaha intaba waa in labaajiyaa dhiiga wiilka labaatan jirkaa oo u baahan horumar iyo nolol …scww,,ramadaan kariim
ina illilahi wa inaa ilayhi rajicun ilahay mawtidaas alla ha unaxariisto , isaqu magaran waayen inay aasan mayd ka, wa wax laga xumaado , nimankinan dhul bahante adeer dadki iigadhintay lascano kamashalaayayo lkn dad matihidin , orod kolay isbuc lajirimaysane wax ka keena ,
waxani waa been abuur laga sameynayo dalka jamhuuriyada somaliland yaan lagu aflagaadoon waa dad jecel nabada dadka dalkooda ku noolna ku maamula nabad kala danbeyn iyo cadaalad hadaanu nahay puntland iyagaa noo indho ah waxay sameeyaanba waynu ka daba sameeynaa oo wanaaga umana qiro sida dastuur barlamaan ciidan doorasho markaa marna yaynaan copy garayn marna yaynaan aflagaadeeyn dalka jamhuuriyada somaliland ee sharafta iyo qiimaha inaga mudan waxa waxan sameynayaa waa websiteyada colaada iyo beenta ku caanka ah iyo kooxda nabad diidka ah ee dhawaan nabada somaliland iyo ssc wada qaateen ka xun lafo ay soo qodeen.
putland 24 been baad sheegaysaan dhulbahante somaliland bbuu nqday guuulluul
Koley meel ciidan hubaysan galalafay maydad waa laga helayaa dagaalna waa kadhacay markaa wax mushkilad ah maaha. Dadki wadkoodu galay lee dhintay
waa cajiib runtii waana wax murogo leh waana mahadho arintan oo kale marnaba maahan mid la halmaami karo,waxaan oranlahaa reer buuhoodle xagle toosiye ku dara maydkaas la aasayo asagoo nool aasa waayo asagaa marna dagaal idin gelyay marna idin gatay,
waaba ilmo yar yaree
inaalilaahi wa inaa ilayhi raajicuun somaliland islaam maaha miyaa maxay medka u duugi waayeen