Midowga Yurub oo taageeraya dowladda Xasan Sheekh Maxamuud

January 31, 2013   //   Warar Somaali

Madaxwaynaha dowladda Soomaaliya ee Faderaalka ah ayaa magaalada Brusless ee xarunta Midowga Yurub kula shiray madaxkatirsan Midowga Yurub oo uu kala hadlay taageeridda dowladda Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Golaha Yurub Herman Van Rompuy

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Golaha Yurub Herman Van Rompuy

Xasan Sheekh Maxamuud oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay madaxda Midowga Yurub inuu kala hadlay arimaha Soomaaliya oo ay ugu wayntahay taageeridda dowladda cusub ee Soomaaliya.

Waxaa uu sheegay Midowga Yurub inuu balanqaaday mashaariic ay Soomaliya ka fuliyaan oo dib dalka loogu dhisayo, isagoo muujiyay dalka inuu u baahanyahay dib u dhis maadaama dagaallo sokooye ay ku burbureen adeegyadii bulshada.

Madaxwayanaha masuuliyiintii uu la kulmay ayaa waxaa ka mid ahaa madaxwaynaha Midowga Yurub Vam rumbay iyo masuuliyiin kale.

Midowga Yurub ayaa ka qaybqaata bixinta dhaqaalaha lagu tababaro ciidamada dowladda iyo howlgalka AMISOM eee Soomaaliya.

Puntland-News24

 

COMMENTS

RSSComments (0)

Leave a Reply