Muddo kororsiga Madaxwayne Faroole & Saamaynta Caasumadnimmadda Garowe [ARAGTI]

October 15, 2012   //   Faallooyin, Opinion, Warar Somaali

Falanqaynqayn siyaasadaydeedkayga maanta ayaa ku eegayaa Muddo kororsiga Madaxwayne Faroole iyo samaaynta ay ku yeelan karto Caasumadnimmada Garowe ee Puntland , waxaan soo qaadan dhacdooyin jira iyo qaab isabadaleedka inta badan siyaasaddu hadba dhinac isugu rogto iyo qaabbabka loo doono dib  u hagaajinta oo ay meesha ka baxaan waxyaabo horay u jiray.

Muddo kororsiga Madaxwayne Faroole

Madaxwaynaha Maamul Goboleedka Puntland Cabdiraxmaan Maxamed Sheekh Faroole ayaa qorshaystay siyaasad ah in uu uu muddo dheer sii hayo xilka madaxwayne-nimadda Puntland balse qorshihiisa waxaa ka soo muuqdo in uu yahay mid aan meel mar noqon karin marka lagu eego wakhtiga  iyadda oo lagu cadaynaayo in ay muuqato diidmo lagalla hor imaannaayo Madaxwyane Faroole muddo dherersigiisa oo ay samaynayaan Shacabka iyo Siyaasiyiintuba , sida Muuqata deegaanadda haatan Mamaulka Madaxwayne Faroole ka shaqeeyo ee Puntland-ti 1998 -di ka mid ah way soo yaraanayaan haddi qorshe Siyaasadeedka Madaxwayne Faroole halkiisa ku taagnaado ee ah sanadku waa dhamaystirka dimuqraaddiyaynta.

Madaxwayne Faroole waxa uu qorsheeyay sida aan sooyaalka ka dheehan karo ee ah in muddada  sadexda sanno ee u horaysa aan loo howl galin diyaarinta in doorashada Puntland lagu gallo nadaam axsaabeed , Madaxwayne Faroole ayaa dib u dhigida qorshahaas in la meel mariyo ay ahayd ayaa ka saadaaliyay in uu Mustaqbal dheer sii hayo xilka maadxwayne-nimmadda Puntland dib u dhigidaasu ay caawinayso ,Hab siyaasadeedkaasuna uu noqday sidaan aragnay in Madaxwyane Faroole sanadki wakhtigiisa u dambeeyay qaybtiisi dambe uu isu keenay Ergo ansixineed Dastuur Puntland yeelanayso , dastuurka la ansixiyay ayaa waxaa la socday lifaaq sheegaaya in xukuumadda Madaxwayne Faroole uu hogaamiyo ay tahay mid xilkeedu ku egyahay 08/01/2014 ayna ku darsatay muddo sanad ah si ay u dhamaystirto qorshaha dimuqraaddiyaynta Puntland .

Marka la soo qaato marxaladda Puntland ee xilliggaan oo ah mid nusqaammiddi ay ku timi oo ay ka hoos dhasheen Puntland-ti 1998-di Maamulo kale sida Khaatumo Iwm iyo wakhti dheeraysashadda madaxwayne Faroole ayaa la oran kara siyaasadda madaxwayne Faroole waxay u qorshaysan tahay mid burburka iyo xaalad cakirnaan siyaasadeed ku jiritaanka in ay u arkayso mid qorshaheedda meel marinaayo tusaale sanadka dheeraadka ah oo meel mara waxa ka dhalan kara maamulo hor leh oo soo shaac baxa kolkaas Madaxwyane Faroole howshiisa ayuu wadanayaa oo ah halka ay xukuumadaydu gaarto ayaa Puntland ah dhulalka kale waa dastuuri soo celintoodana waan ku guda jiraa annaga oo hab nabaddeed u marayna caasumaddi Puntland xukuumaddu way joogtaa oo waa xarunteedi waa qorshasha xukuumadda madaxwayne Faroole sidda ay u dhacayso haddu ku adkaysto muddo dheeraysashada .

Mucaaradka oo iyaggu ah kuwo intooda badan haatan banaanka jooga ayaa dhowaan la filayaa in ay abaabulaan in deegaanadda ay ka soo jeedaan  xukuumadda Puntland aysan ka howl galin , dhanka kale waxaa socda qorshe loogu magac daray Badbaadinta Puntland oo ragga ku howlani ay wadaan in dib loo soo celiyo Puntland-ti 1998-di balse in ay u meel marto iyo in kale lama xaqiijin karo , waxaana dhici karta in halkaas lagu soo dhiso xukuumad Puntland-ta wayn ah ama midda yar oo yeelata madax kale iyadda oo ay haddana jirto xukuumadda Madaxwayne Faroole kuna andocoonayso jiritaankeedu in uu yahay mid xeerka waafaqsan oo ergo ansixisay .

Haddi Madaxwayne Faroole tanaasullo waxaa dhici kara labba arimood oo ah in doorasho dhacdo iyadda oo aan dib isuggu soo celini dhicin ayna tartamaan siyaasiyiin qaybtood deegaanadda ay ka soo jeedaan ay ka jiraan Maamullo kale , iyo in ay dhacdo in la qabto shir dib isuggu soo celin , sidoo kale labbada qorshe tusaalayn ayaa dhici karra iyadda oo ay xukuumadda madaxwayne Faroole Garowe fadhido ,Haddi midda hore ay dhacdo ee ah in doorasho dhacdo iyadda oo aan dib isuggu soo celin laga shirin waxaa la filan karaa in ay halkeedi sii  ahaato oo aysan waxba badalin siyaasiyiinta yimaadaa , waxaa sidoo kale dhici karta in ay isbadalku noqdo deegaan deegaan ku badalo oo kuwo hadda ka tirsan Puntland ay ka baxaan kuwo hadda aan ka tirsanaynina ay soo noqdaan , balse waxaa haddana meesha ka marayn in siyaasigu yeelan karo saamayn ah isku xir iyo dib isuggu soo celin.

Saamaynta Caasumad-nimmadda Garowe

Siyaasadda oo ah wax aan shacabku ka fakarin balse siyaasiyiintu ay qorsheeyaan  ayaa lagu arkaa isbadalo aysan garashooyinka Shacabku meesha soo dhiganayn , Caasumadda Maamul Goboleedka Puntland ayaa ahayd muddadi ay Puntland jirtay Garowe , kolki Madaxwyane Cabdulaahi Yusuf AUN uu ku darsaday wakhtiga dheeraadka ah waa lagu kacay waana iskaga tagay Puntland xarun caasumaddeedkeedi iyo teedi dhaqaalahaba waxa markaas lagu qabtay Magaaladda Garowe doorasho ay tartameen Jaamac & Muuse oo uu ku guulaystay Madaxwyane-nimmo Jaamac Cali Jaamac .

Haddaba samaaynta muddo kororsiga madaxwyane Faroole ay ku yeelan karto Caasumad ahaanshaha Garowe ee ay caasumadda u tahay Maamul Goboleedka Puntland ayaan oran karaa marka koowaad xiligaan Mucaarad rabba in ay qabtaan Doorasho ma tagi karaan Caasumaddi Puntland oo Maamulka Wakhtiga dheeraystay ayaa jooga awoodna ku leh , Kolkaas xukuumad kale oo Puntland magaceeda sheegta  hadday timaado oo doorasho la qabtay ku soo baxda waxay caasumad ka dhigan halka  markaas la is leeyahay way ahaan kartaa Caasumad iyadda oo la oranaayo waa KMG .

Haddi la qabto shir la leeyahay waxa lagu badbaadinayaa Puntland ka hor inta aan la dhaafin wakhtiga doorashada oo uu shirkaas maadxwayne Faroole u hogaansamo kana tanaasulo siyaasadda uu qorshaystay ayaan oran karaa markaas caasumaddu ka hadal ma yeelaynayso waloow ay dhici karto in haddi Maamulka Khaatumo Isimadiisa iyo siyaasiyiintiisu qayb ka noqdaan shirkaas dib isugu soo celinta Puntland haddu dhaco ay ku gorgortamaan Caasumadda waa in Laasacaanood loo raro iyadda oo la leeyahay waa in marka hore la soo celiyaa oo Maamulka Somaliland laga soo qaadaa , arintaas caasumad ka dhigida Laasacaanood ayaa laga dheehan karaa in Gobolka Sool uu mustaqbalka Fog sii ahaado Puntland , balse waxaa dhanka kale jiri karta in la dhaho waa xuduud iyo waa magaallo maqan balse ma jirto magaalo kale oo Khaatumo haday dib ugu soo noqoto Puntland la is oran karo waala gayn karaa Caasumadda .Laasacaanood waxay ahaan kartaa Caasumad Puntland haday noqoto in ay yeelato miisaan siyaasadeed waxayna wax badan ka caawini kartaa in Puntland yeelato nadaam dadku doorashada yeeshaan.

Haddiise shirka looga hadlaayo arimaha Puntland uu dhaco ka dib xilligga doorasho qabashada 08/01/2013 oo la dhaafay ayna meesha timi isbadal dhanka deegaanadda ay hadda Puntland ka arimiso ah ayaa la oran karaa markaas Caasuamdnimadda Garowe ee Puntland waa mid ka hadalkeedu uu noqonaayo mid miiska yaal oo ay ka hadlaan kooxda markaas Puntland-nimmadda doonaysa  , oo xataa haddi aysan Reer Khaatumo ku soo noqon Puntlander-nimadda ayaan oran karaa inta ku hartay ayaa heshiikoodu noqonayaa in Caasumadda Puntland loo wareejiyo magaallo markaas la is leeyahay ma dhici karto in koox gaar ahi ay ku awood sheegato .

Madaxwayne Faroole oo aysan Siyaasadiisu u muuqan mid dhamaad dhib la,aaneed iyo sida uu u dhigtay u meel marta noqota ayay haddana noqonaysaa mid saamaysa Caasumadnimmadda Garowe , Sidoo kale waxaajira Sooyaal taariikheed ah dhacdooyin uu Faroole ka sameeyay Garowe ee ay ka mid tahay in uu Albaabadda ka xirtay Xildhibanadda Puntland xilligaas oo uusan ahayn Madaxwaynaha Puntland , dhacdadaasu waxay noqon kartaa mid ku sii xoojisa siyaasiyiinta ka fakaraaya arintaas Caasumaddu mid ay ku doodaan .

Burbur iyo habacsanaan siyaasadeed dhacda oo yeelata kala yaacid bulsho Maamul wada samaystay ayaa dib u yagleelitaanku noqdaa mid saameeya waxyaabo baddan oo horay u jiri jiray , Kolkaas waxaa dhici karta in Caasumadda Puntland ay ka wareegto Garowe .

Idlayn
 In ay miiska timaado ka hadalka Caasumadda Puntland ee Garowe ayaa waxaa sababteeda  leh Madaxwayne Faroole oo isaggu la yimi ku xadgudka Xeerarki Puntland loo sameeyay iyo isagga oo hab fakar siyaasadeedkiisu noqday mid aan midnimadda hayn karin iyo in uusan wax qorshe ah uga dagsanayn Mustaqbalka Puntland iyo siday u sii jiri karto balse uu ka door biday siddaan kursiga ku sii joogaa kolkaasna uu qaaday dhabaha aan dhamaadka lahayn iyo siyaasadda aan meel marka noqon karin ee ay ka maran tahay siyaasadayntu iyo kala horaysiinta awoodaha iyo kasbashada Mucaaradku .

Waxaan ku soo idlayn isabadlka Puntland-ta hadda waxaa ka dhiman in aynu aragno dhacdooyin ka dhasha muddo dherersiga Madaxwyane Farooleee ah sanadka dheeraadka muddo 15 Maalmood ah oo ah 31/10/2012 oo uu ku egyahay wakhtiga Baarlamaanka Puntland ayna tahay in ay kala dareeraan oo ay ku noqdaan odayaashi soo doortay .

FG- Falanqaynta siyaasaddu ma ahan mabaadiida qofka waa ka hadlida iyo faallaynta sida aad u arki karto Mustaqbal siyaasadeed Maamul iyo Deegaan Iwm , Akhristuhu uma macnaysan karo doonitaanka qofka, waa in la soo qaado aragtiyo kala duwan oo iska soo horjeeda !!

W/Q Idiris Suldaan Axmed Dooxa-Joog
E-Mail: Dooxajog5@hotmail.com
Facebook: Halkaan Riix

COMMENTS

RSSComments (24)

Leave a Reply | Trackback URL

  1. yuma says:

    wxaan ku garanayaa inuu faroole waashay haduu timaweyntii ku yiri xisbi furta oo al Qaadiriya u baxsha aan xooga idinsiiyee. xagee xaalku marayaa .

  2. sharmake says:

    Omar@ aragtida cumar ayaan qabaa, puntland heer sareh ayay maraysa ee uma baahna qoraal bilaamacne ah, doox joog: umada dibka kalo fariiso, puntland waa puntland, waa taarikh waxa socota iyo umada oo horomar balaaran loo doono

  3. omar says:

    bismilaahi raxmaani raxiim waxan ku bilaabayaa aragtidayda ugu horayn dadka commentiga qoray waxann u malaynayaa inay u badan yihiin qurba joog aan dalkii tegin sababtaan u iri puntland burburkeedu yaa dani ugu jirtaa /////jiritaankeedana yaa dani ugu jirtaa waa su.aal?dadka ku nool puntland waa dad weligood nabad ka taliya garanaaya inay dantu ugu jirto inay nabad ku wada noolaadaan oo waan ogayn markii dawladii dhexe burburtay walow aaney hada noolayn nimankii isamada ahaa oo ilaahay gacantrooda ku badbaadiyey waxaanse anigu aragtidayda ku talin lahaa wax walba nabadaa ka macaan waxaan wada hadal lagu dhamayn wax wanaagsani kama soo baxaaan dalkana yaan belo iyo burbur loo saadin

  4. garyaqaan muqdisho says:

    xayir xaaji waxaad tahay nacas laga nacas sanayn waayo uqdad ayaa laguugu soo barbaariyay iska da magaca aan belaha hawiye aan mudnayn anid meesha keento puntland foroole ayaa madax ka ah raac ama iska dhici nooma taal anaga tankale waxaad tahay canug yar oo naceyb hawiye laguso bar bariyay markad muqdisho rabto inad ka hadasho dhaq dhaqaaqa somalia arag markaas ayaad ogaan donta in muqdisho ka hadalkeeda aad ka quusato caasimad ahaansha muqdishana rer gooni ah inay muran galiyaan iska dayee somalida kale kama hadli karto hadii kale yaa waylak kkkk duli dhagax korkii ku koray baad tahay hawiyana waa qaran taas ogow viva somaliweyn

  5. sayid bari says:

    faroole ciyaar kutegi mayo wiilkana kulataliyey aynu burburino p/l sidii siyad bare haduusanse kategin wuxuu ururista wiilashan diiratada ah iyo wixii lamidaba waa waayaa aryaa lataliya oo yiraahda iskagatag intaadan gaarin sidii qadaafi oo kale oo walirontahaykkkkkkkk

  6. sayid bari says:

    asc bacdal salaan walaal dooxajog waad asiibtay waxaanse kudaraayaa faroole ma ilaaway malmihii doorasdii oo uulahaa malin laguma darikaro iyo maalintii xilka lagu wareejinayey hadalkii islaan ciise ee ahaa 4 sano baalgu doortay ee sidaa halaguugu yimaado waaduuban tahay iyoo mqal iyo muuqal ah? waxaan kudarayaa hadii layska kororsan karo halyeey c/laahi yuusuf ilahay ha unaxariis tee bay umeel marilahayd oo kudoodayey isimaa ii kordhiyey wana la ogaa wixiika dhacay weliba marxuunka hal reer baadiiday intabadan dadka waa wetay faroole reer garoowe xataa mawadawato dadna ma kasbankaro sabab too ah wiilashiisaba wax madheera nin lacag urur sanaayaana hogaamiye manoqan karo hadana wuxu dangorayo usoo diray max`ed xaji adan iyo naxar oo seediyadii ah si ay shirka abokor ciise uqasaan isna ayl wuxuu ujoogaa inuu walaaqa kadib yimado waxaan ku talinaayaa anigu halaga soo gaaro p/l hadii ayaheeda larabo iyo inay siijirto ??????????????????????????

  7. @khaatumo mudane meshaan wn socday wn tagayaa looga faloonaayo lkn waxn ka aragnaa wali rabitaan ba kujira sidan ba kuleeyahay ha iska dhumin dhlashadaada puntnimo wa iga talo wn soconay hadad tagto maxad iga tagtay dhibtada iyo muran kaaga bn a bit fresh air kahelayaa sida somalidan koonfurta camal kkkkkkkkkkkkkkkk

  8. raybanti says:

    War horta muxuu kororsadaa cid la xukuumaba dalka kuma harine,aaway isimadii,aaway gobaladii,aaway dhaqaalihii,hadal aan soconayn ayuu meesha ku hayaaye,mise aaran jaan ayuu isku halaynayaa kkkkkkk

  9. bal niman kiina mur maya anagu soconee idinku heshiiya kkkkk waad nahab saamiseen cida wax idinka sugtaa ayaan daran

  10. modada lakordhisanya dustuuri mahan wana arin xun oo dhib keenikarta tankalle xukumada faroole waxqabad makeenin maxay urabtaa waqtikalle dhibatadeda waxakamid ah saxafada oo ay caburinayso tazoo kasoohorjeeda mamamadi calmagi ah ee xuriyada

  11. Gacaliye. says:

    Look at Faroole’s face! Is he a hitman or a president?

  12. osmaan says:

    maqaalkan waxaan u arka nin calooshisa waxii ku jiray soo daca qurmay marka yaan ba lugu dalin nin magalo kacabanaya oo garoowe eey katustay qabyalad na ka guuxaysa waa nin aan wali bislaan nin ka saan u fakaraya halka reer muqdisho sanadka manta qori iyo qabyalad ka daleen oo dowladnimo ka doorbideen isnah raba inuu puntland kula rafto qabyalad …

  13. Somaali says:

    Soomaali

    Dhallinyarada isu jawaabeysaa wakhtiga iney iska dhumiyaan maahaa. Soomaalia waa hal. Goboleysi,qabiil iyo waxboob ku dhisan sida Puntland ma jiraayo dhowaan.Dustuurkii barlimaanka ayaa gacanta ku haya. Demoqraadiyad dhab ah iyo dawlad mid ah baa imandoona.

  14. hogaamo says:

    asc. waxan salamayaa mr dooxo joogo waxad tahay nin qiimo ku leh bulshada iyo tariikh waana kaaga mahadceelinayaa qoraalkaagan qiima leh, waxan rabaa inaan qofka wataa magac puntlander ader or abayo dhaqaanka waa inad dhowrtaa qoraalku le yahay sidaan filayaa ama ka dhehaan karo qoraalkaaga afsomaliga suuqada ka bartay school kuma dhigan hana u gafiin madaxda iyo masuuliyiintaa hadoo faroole laga hadalay mahaan in cid la caaye hadii caasumadu noqon weydeyo meel loo simaan yahay waa laga guri doona waxeyna noqon doontaa sidii hore, waxana qabaa faroole waa u hogaansaami doona awaamirtaa dadka iyo dalka doorashaano waa dhic doontaa dooxo joogo wuxu bixiyaa cashuurtaa puntland waxana baabu dhib doona ninkii meel cidlo ah alle ku beeray ee la soco puntlander mar kale?/

  15. faarax says:

    waxaan la yaabanahay kuwaan mucaaradka ah waxaan idin lee yahay puntland uma rabo burbur hadii aynu nahay qurba joogta puntland ku nool usa waa in la maqlo gudiga doorashada madaxweynaha hal ayaa loogu daray dhib maleh hal sano kabacdi doorsho haleys kugu yimaado shacabka masaakiinta ku nool puntland dagaal uma roono ma is weeydiiseen haduu dagaal dhaco meesha loo qaxayo ogaado dagaal haduu dhaco amisom ayaa imaaneyso sida muqdisho ayey noqoneysaa maanta puntland meel fiican ayey mareysaa ciidanka bada puntland waa la dhisay faroole wax badan ayuu qabtey runta marka laga hadlo nabadgalyada puntland aad ayey ufiican tahay ciidamada puntlanad maanta nin agtooda soo mari karo maleh puntland waxaan urajeynayaa guul midnimada puntland waa muqadis

  16. Xayir Xaaji Australia says:

    Reer garowe,Caasumudda Unukaa Leh,Muduxweeynuha Unukaa leh,Areey Faroole aa xaq,aa u dhimaheeynaa,Eebaa igu og Caasumadanada Ciddii Timaada aadhimahee?

  17. Xayir Xaaji Australia says:

    Xukun fajiistiya soomaali Horaay ayaay uga soo daashaay,Faroole Wuxuu la mid yahaay Taliskii Afwaayne,oo intuu 17 Gobol oo kale soo Bur buriyeye Yiri Caasimadda Ayaan Ku Dagaalamayaa.Xoogna Caasimadda saaraay,Faroole Maanta Afwaayne kama duwana,siduu ku fekeraayo,Caasimadda Anaa Leh Hadduu Ku Fekeraayo,Reer puntladda Caasimad Loo siman yahay ha samaaysteen,Garawana Faroole iyo Burcad Badeed Xarun Haaw noqoto,Faharoole Indhaha wax kama arka Laakiin dhegaha ayaa wax ka Maqlaa,Reer Garowe yaay u Fekerin sida Abgaalka Areey Caasimaadda Unukaa leh,Areey muduxweeynaha Unukaa Leh,Hana ogaadeen sida Xamar Caasimaddeedu muran ugu jirto,inaay Garowena Muran ugu jirto Haddaay Faroole u talin waayaan,Puntland Garowe waay soo kartaay mar dadka Gobolada u dhasha xabsiyada lagu dilo,Marna Faroole Dadka Madaxtooyada ku Xabadeedo Shariif Muxu ka gedisan yahay,Reer Garowe sida Abgaalka yaay u Fekereen,Faroole iyo wiilashiisu dan umaay hayaan,Aaran jaan xagaay ku dan baay saay,Farooloow aa kula tahaay?

  18. yusuf says:

    asc.salaan kadib waa salaamantihiin dhamaantiin ,salaan kadib anigu waxaan qabaa ayaan lagu mashquulin ,faroole xakunka hakadego .macnaha ku jira waxaa weeye waa isgu kaymid ninkii qabta hakayimaado mudug ama bari ama nugaal ,buuhoodle.sool,iyo sanaag,waxa keliya oo aan ka welwelayaa in laysku dhaco oo ay puntland halkaas ku burburto,oo ay koonfur,looga soo diro amisson iyo ajnabi duli ah oo dhulkoodii ka waayey waxay kashaqeeyaan,hadaba waxaan ku talinlahaa inlaysu tanaasulo oo laraadiyo wada hadal markasta oo dhibaato timaato,hana lalahadlo faroole si dabacsan jaana laga sheekayn qabyaalad iyo wixii somalia ragaadshay.asc.

  19. cilmi says:

    afwaakan may laki aamee
    qolyihiina mucaad ka waa daasheen waxaa na muuqata halgankii na in uu san miro dhalayn
    sida muuqata mucaaraku waa sadex qaybood
    1 qolda koowaad kuwa kadawaakhtamaaya cade ayaa mudo kororsi laga diiyey ee sidee faroole loogu ogolaan karaa 2 qolada labaad waa qabqablayaal dagaal oo aan kalsooni kuqabin in ay shacabka doortaan waxay aamin san yihiin in ay habka qabiil ka kusoobixikatraan
    3 qolada sedexaad waa kuwa kaqaylinaaya degmooyin lasheegay in laga tagay

  20. punt says:

    @dahir kkkkkkkk aragtidada waa fican tahay lkn saad u fakarysid baa dib usocod ah somalia maxa isku keenaaya oo federal kabadalan??? ma midoobi karaan sxb maamul central ah oo midow ah la soo arag waa aan kutaliyo hal kaas fadhi hormar la aan siyaasiyinta oo lagumado gobolkaga oo freezing lagu sameeyo dhanka dhqalaha waxbrshada iyo siyaasadaba marka somali isbaratay hiddi federal lanaga diido fikrka anaga keeny cidkale ma donayn somaliland waa si daysay haddi socon weydo markas the otherway ban somaali isku fahmi doonaa

  21. punt says:

    puntland intay kala tagi lahayd hala badbaadsho inta hadda joogta runtii wa aragtidayda dagaal ka iyo xilkan dadkii kale idiin naceen maanta somali baa codow noo noqotay hataa dibadda wadanka faroole iyo cidkale waxa ka muhimsan anagoo jirna aniga makala jecli wiil rer nugal ama bari ama mudug ah haqabto waa ii barwaaqo lkn burburkaan cidna uma fiicne midna adeerken faroole wa ogyahay halsano inay adag tahay wadan doorasho axsab gali kara ku keneyn hadi logu daro ee waa dheraysi marba sanad ah maamulka cusb ba dhihi laha hakuqabto shan sano soo surtagal mahan in wadan u diyaar ah democracy after 5 years oo census lasameeyay oo boundaries degmoyin ku leyihin lgu qabto .

  22. puntlander says:

    kkkkkkkkkk waa wax aad loogu qoslo maqaalkan oo aan ka fiirsasho loo qorin welina kuma fekerin qof puntland ku abtirsada ayaa waxaan oo kale aminsan lkn waxaa i qanciyay markaan arkay magaca qoraha waxaa maskaxdayda ku soo dhacday in odayga adeerkiis ah dil xukuumadu ku xukuntay adeer waxba la dilimaayee isdaji dhibaatadana dadka kala dhexbax kolay fariintayda qolyahaan kud bin maayaane

  23. Dahir Mohamed says:

    waxaa hubaal ah,maamul markiisii horaba,lago dhisay hab qabiil in uusan shaqaynkarayn,dhismaha maamul goboleedka puntland iyo kuwa kale sida somaliland,galmudug iyo wixii la mid ah,awalba waxaa keenay duruufihii,ka dhashay dagaalkii qabaa’ilka,mana,laga filayn in ay noqdaan,maamulo hufanoo taaba qaada,waayo assaka laga dhisay ayaaba ah,mid dib u socod ah,oo aan shaqaynkarayn.mudo kurursi hadda ka horba puntland waa ay soo martay,dagaalo ka dib waa laga heshiiyey,tan maantay waa ka duwantahay,tii xiligii hore,waayo waxaa ogolaaday golaha la soo magacaabo ee baaralmaanka loo yaqaan.
    haddii aad u fiirsato,qoraalka,Jaalle dooxa-joog,in ay kuu soo baxayso in haddiba wax la isko qabto in caasimada laga bedelo Garowe,oo loo raro,magaalo kale ,kadibna mid kale loo raro haddii la isqabto,taasi xal ma aha,marka waxay aniga ilatahay,in si dalka iyo umadda soomaaliyeed si dhab ah,la isogo keeno in loo noqdo 18 gobol,ee ahaa jamhuuriyadda somalia lagana baxo maamuldan qabiilka ku dhisan ee aan shaqaynkarayn.shaki kuma jiro in dad badani ay la yaab ku noqondoonto oo ay diimo,ka horkeenayaan ra’yangan,iyagoon si fiican uga fekerin,maxaa looga bixi karaa,magaalooyinkaan yar -yar ee midba doonayso in ay dowlad goboleed noqoto.nidaamkahaddaka jira dalka somalia ma aha mid horseedi kara dowlad dhab ah,xalko wuxuu ku jiraa in shacbka soomaaliyeed ay gartaan in ay,dowlad goboleedyo ku dhisan qabiilaysan xal ahayn,ee somali oo iso dhan in ay dowlada cadaal ah dhisato,si ay dowladaha aduunka wax u la qaybsato.waa taa mid lago gaari karo,nidaam iyo qaranimo buuxda siddi berisamaadkii.somalia guul.

  24. ayaanle says:

    Dooxo joog warkaasi waa xaqiiq haduusan faroole u hogaansamin nidaamka iyo sharciga la degsaday tolkiisna aysan qabane ay ku garabsiiyaan hadee caasimad iskaba daayee puntland baaba lagu kalategin,sida hada muuqatana arinta Growe ee xarun u ahaanshaha puntland waa mid u baahan mustaqbalka in laga fakero inay u qalanto iyo inkale waayo dhacdooyin badan baa xusuusta ku jiraa oo runtii aad u fool xun oo reer Growe ay sameeyeen waxaa ka mid ah wiilal reer sool ah oo xabsiga lagu dhextoogtay waxaa kamid ah in Dr Faroole qudhiisa markii laga qaaday wasiirkii inuu inta barlamanka wiilal uu adeero u yahay oo hubaysan hor istaajayay jiri ciidaan leeyahay deedna deedna ciidanka police ku ay tageen halkaas oo dhowr wiil oo uu adeer u yahay dr faroole ay ku dhimatay,arimahaas iyo kuwa kale oo badan waxaan qabaa bulshadu inay dib uga fekertu caasumad ahaanta Growe waa lagama maarmaan,Ogow waala bedeli karaa oo aayad quraan ah mahan in growe caasumad ahaato hadii loo baahdo reer puntland waxay leeyihiin degmooyin badan markaa meeshii ay u arkaan inay ku haboontahay ayay ka dhigan karaan caasumad,markaa reer Growe ayagaa labo ukala doorleh inay faroole damaciisa guracan ku taageeraan sidaasna lagu kala tago iyo inay faroole ku dhahaan dadkaa ku doortay waxay ku dhahaan u hogaansan hadii kale naga tag.

Leave a Reply