Munaasabad lagu xusaayey halgankii SYL iyo dib u soo noolayntii qaranimadii soomaaliya(Sawiro)
May 22, 2012 // Warar SomaaliMagaalada PHOENIX (ARIZONA) ee Dalka Mareeykanka ayaa 19kii May 2012 lagu dhigay Munaasabo si heer sare ah losoo agaasimay, ayna qaban-qaabisay Hay’ada SOMALI AMERICAN UNITED COUNCIL (ARIZONA); waxaana kasoo qaybgalay dadweyne kunkanka kor usii dhaafay oo ka-kooban jaaliyada Somali-Amerikan culimadeeda, indheer-garadkeeda, wayeelkeeda, hoyooyinkeeda iyo dhallinyaradeeda.
Waxaa munaasabadda si heerka sare ah u Maamusay Golaha Horumarinta Haweenka ee Somali_Ameerikan United Council, Guddoonka SAUC oo ay matalayaan Ilyas Sh. Mohamed, Sharmarke Ahmed iyo Musse Dhimbil, iyo dhallinyarada AZ Stars Team oo ay hogaaminayaan Nasruddiin & Sharmarke Shire. Waxaa qayb libaax qaatay Kooxda Fanka ee Somali-Bantu oo uu hogaaminayo Mudane Adan; waxaa kaloo aan la illaawi Karin doorkii ammanta mudnaa ee Fannaanada Arizona oo uu u horreeyo Beldaaje Najiib, ayna ku xigaan Abdirizaq Buhoodle iyo Abdullaahi Garam-Garam. Waxaa kaloo xusid mudan gabayaaga-weyn Xassan Shiino doorkiisii wacnaa.
Munaasabaddan oo sida aan horay loo arag, loona maqal u-dhacday waxaa kasoo qayb galay bulshada Somaliyeed ee Arizona ku dhaqan iyo dadyow badan ee aan Somaali u dhalan, hasse yeshee qiimeynayey, daneynayeyna sida aanu u xuseyno Halgankii lagu tiigsaday Xornimada iyo Qarannimada Somaliyeed.
Waxaan sinnaba loo illaawi Karin doorkii wacnaa ee Mudane Eng. Issa Sh. Xamuud oo ah Indheergarad siyaasi sare iyo hogaamiyaha Jaliyada somaliyeed ee UTAH; waxaa door lama illaawan ah ka qaatay ka-guulgaarka ujeedada iyo himilada Munaasabadda Xuska Halgankii Gobanima-doonka Mudane Libaan Xussein oo ah milkiilaha MAI TV ee MN iyo kaaliyihiisa Ganacsade Sharif Feysal.
Waxaa kaloo xusid iyo ammaan mudan doorkii wacnaa ee Abwaann XalimaSacdiya oo munaasabaddan awgeed ugasoo gurmatay Seattle (Washington), kuna iffisay Gubaabo wacan iyo Buraanbur sare.
Munaasabaddan oo si heer sare ah loo daadihinayey ayaa intaan la guda galin Gubaabada iyo kicinta Fannannadda-Weyn Saado Cali Warsame ugu talo gashay, ayaa waxaa lagasoo jeediyay eraayo munaasabada ku haboon ee khuseeya Halgankii tariikhiga ahaa ee Halyeeyadii usoo halgamay Madax-bannaanida iyo Xornimada Somaliyeed, sahanka iyo ficilka haattan looga baahan-yahay Dib-usoo-nooleynta Qarannimada Somaliyeed; waxaana halkaas erayda ku haboon kazoo jeediyay mudanayaasha kala ah: Sharif Nur, Eng. Ciisa Sh. Xamuud, Sh. Axmad Cali Daahir, Eng. Cumar Sadiiq, Mudane Cali Islaw, Garaad Cabdifatah Ahmed, Ugaas Geelle Ugaas Boqow, Caaqil Jaamac Ciise Bariir iyo Prof. Maxamad Cali Abukar.
Gubaabada iyo murtida sare ee Fannaannadda Qaranka Saado Cali Warsame ka jeedisay munaasabadda, waxay ahayd mid qiiro weyn gelisay dhammaan ka qayb-galayaasha munaasabadda qiimaha iyo qaayaha weyn leh, waxaana u riyaaqistaa ka-wada qayb qaatay ajaanibtii kasoo qayb-gashay munaasabadda micnaha iyo xurmada weyn mudan iyo bulshada Somaliyeed ee Arizoona.
Munaasabadu waxay ku bilaabatay, kuna xirantay astaanta Qaran – SOMALIYEY TOSOO – TOSOO ISKU TIIRSADA, HADBA KIINNA TAAG DARAN, TAGEERA WELIGIIN.
Ugu dambeyntii Prof. Maxamad Cali Abuukar, Fannaannadda-Weyn Saada Cali Warsame iyo Garaad Cabdifatax Ahmad Maxamad ayaa Shahaado sharafyo guddoonsiiyay shakhsiyaad muhim ah ee mudnaa in loo-qiro, loona aqoonsado doorkooda hawl-karnimo ee u-adeegida Bulshada Somaliyeed; waxaana dadyowgaa ka mid ahaa ajaanib dhowr ah ee loo aqoonsaday doorkooda iyo adeegooda wacnaa.
Waxaa munaasabadda lagu gunaanaday in Adkeynta Midnimada iyo Isku-duubnida Jaaliyada ay asaas u tahay Horumarka Bulshadeenna.











MaashaAllah waxaan soo xasuustay berisamaadkii . Allow noo soo celi sharafti , heybadii iyo qiimihii aanu lahaan jirnay Aamiin.Aad ayaad u mahadsantihiin Dr. Mohamed iyo dadweynaha quruxda badan ee xafladan isku soo dabariday.