Muqdisho: Laba Qof oo isku Qarxiyey Maqaaxi Lagu Qaxweeyo oo Dad Badan ku Dhinteen

September 20, 2012   //   Warar Somaali

Qarax ismiidaamin ah ayaan galabta waxaa uu a dhacay Baar lagu magacaabo Village oo ku yaalla meel u dhow gurigii hooyooyinka ee magaalada Muqdisho.

Laba ruux oo isku soo xiray waxyaabo qarxa ayaa isku qarxiyay Baarka oo ay fadhiyeen dad aad u badan oo isugu jiray wariyayaal iyo dad kale oo u soo sheeko doontay, waxaana lagu soo warramayaa in qaraxa kadiib meesha lagu arkay dad qaraxa ku dhintay iyo kuwo ku dhaawacmay.

Qaxyada ayaa waxaa la xaqiijiyey iney ahaayeen kuwo ay fuliyeen laba ruux oo waxyaabaha qaraxa lagusoo xeray kuwaasi oo iyagu isku qarxiyey goobaha ay dadku kaga badnaayeen maqaayadan oo lagu magacaabo Vilage kuna dhegan guriga hooyooyinka ee magaalada Muqdisho.

Dadka ku dhintay oo gaaraya 15 qof ayaa waxaa ka mid ah Wariyeyaal ka howlgala Idaacadda iyo TV-ga Qaranka waxaana ka mid ah Allaha U naxariistee Liibaan Cali Nuur oo ahaa madaxii wararka ee Telefishinka Qaranka, Cabdi Sataar Daahir Sabriye oo ahaa Madaxii Barnaamijyada Telefishinka Qaranka iyo C/raxmaan Yaasiin oo ahaa Agaasimahii VOD Radio Xamar.

Wariyeyaasha kale ee goobta ku dhaawacmay ayaa waxaa ka mid ah Maxamed Xuseen Gentelman oo ka tirsanaa Wariyeyaasha ka howlgalla Telefishinka iyo Raadiyaha Qaranka, C/llaahi Suldaan oo ka tirsan Radio Kulmiye, C/kariin Guutaale iyo Shiine waxaana dhaawacyadooda la gaarsiiyey isbitaallada Madiina iyo Daarul-Shifa ee magaalada Muqdisho.

Dadka goobta ku dhintay waxey u badan yihiin dad rayid ah oo maqaayada ka shaahayey kuwaasi oo meydadkooda gaadiidka gurmadka deg dega ah goobta ka daabulayaan.

Xaaladda halka qaraxu ka dhacay ayaa aad u kacsan, waxaana la maqlayaa dhawaqa rasaas ay ridayaan ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya oo soo gaaray goobta uu qaraxa ka dhacay. Waxaa sidoo kale goobta soo gaaray gaadiidka gurmadka deg degta ah oo dhaawacyada ula cararay Isbitaallada Magaalada Muqdisho.

 

COMMENTS

RSSComments (1)

Leave a Reply | Trackback URL

  1. Warsame Khalaf says:

    Qarax, qaxooti, burbur, cadaawad, kala tag, agnabi ka shaqeeya kharibaada somalia, somalia khaas ahaan Xamar kama baxayso ilaa la qab qabto, tuugadii, criminaal ka ahayd oo dagaalada Xamar bilaabay oo burburka somalia ka shaqeeyey, ilaa qabiilada tuugadaa oo cadawga ah laga saaro Xamar iyo dhul kale oo ay galeen.

    W.Kh

Leave a Reply