Muqdisho ma noqon doontaa magaala madaxda Somalia!!!? [Warbixin]

July 26, 2012   //   Faallooyin, Warar Somaali

Waxaa maalmahan doodi ka jirtay meesha ay noqon doonta magaala madaxda Somaliya, kaddib markii  dastuurka dalka loo diyaarinayo lagu caddayn  waayey in Muqdisho weli ay tahay caasimaddii Somaliya, taas oo markaas u muuqanaysa in waqtiga hadda la joogo loogu sii shaqaynayo si kumeel gaarnimo ah, inta laga helayo xeer gaar ah oo lagu dhaqo amase ummadu meel kale ay uga diga roganayso.

Waxaase laysku wada raacsan yahay in Muqdisho ay ahaan jirtay  caasimadii Somaliya oo Somaliyina ay in kabadan hal qarni wada degaysey lana wada dhisanayey iyaga oo maskax iyo maal wixii   ay lahaayeen halkaas  isugu wada geeyey.

 

Dagaaladdii ka bilowday Muqdisho bilowgii sagaashanaadkii, waaya aragnimadii laga helay, ayaa keenaysa su’aasha oranaysa, Xamar ma noqondoontaa caasimadda Somaliya?, kaddib markii ay gacanta ugu dhacday beelihii ku abtirsanayey USC, kuwaas oo kula kacay shacabkii Somaliyeed ee ku noolaa halkaas, falal aad looga argagoxo oo  weli taariikhda Somaliya aan soomarin , kuwaas oo ay kamid ahaayeen dil, kufsi, dhac iyo bililiqo loo geeystay hantidii guud iyo tii gaarka loo lahaaba.

Kama sheekeeynayno wixii Muqdisho ka dhacay, xiiliyadii dagaagalka sokeeye, balse waxaynu u daynaya taariikda iyo diiwaanka sooyaalka, innaga oo og marka meel la iska dhigo kumanaalka qof ee sida macna la’aanta loogu dilay halkaas, ayaa haddana waxaa la bur-buriyey  dhammaan adeegyadii bulshada iyo kaabayaashii dhaqaalaha ilaa la gaaray in la diirto xarkihii korontada iyo tuubooyinkii biyaha, iyaga oo aanay ugu muuqan markaas dadkaas dhibta geysanayey, in ay iyagu leeyiihiin balse u arkayey in dad kale leeyihiin.

In kabadan labaatan sano oo dagaal sokeeyey burburinaayey Muqdisho, ayaa haddana waxaa soo baxaya xoogaa yididiilo ah oo ku saabsan dhinaca ammaanka balse weli khatarteeda leh, taas oo markaas ummadda somaliyeed soo hordhigaysa in la joogo waqtigii laga doodi lahaa meeshii somaliya caasumad u noqon lahayd

Sida lawada ogsoon  yahay magaalo kasta oo somaliya kamid ah dad baa u badan sida Muqdisho oo kale, balse Muqdisho waxa ay kaga duwan tahay magaalooyinka intooda kale waxa ay ummadda somaliyeed u ahayd  calool  oo soddonkii sano  ay xorta ahaayeen, wixii hanti iyo aqoon ay lahaayeen, halkaas ayay geysteen, kaddibna mirihii inoo ka soo baxayna waxa ay noqdeen burburka aynu u wada jeedno ee la oran karo waa “Ground Zero”

dhibataada baxaddaas leh  ee  ka dhacday Muqdisho oo maanta ay  wax kastaa noqonayaan bilow, ayaa haddana ummadda Somaliyeedna diyaar u tahay in ay maalayin doollar ku bixiso dib u dhiskeeda, laakiin arrinta fajacisada ahi waxa weeye, markii kuwii shalay somali dhibta u geystay ayaan diyaar u ahayn in ay qaladaadkooda qaataan oo ay dhayaan dhawaacyadii ay geeysteen, isla markaana doonaya in ay  somali ku sandulleeyaan Muqdisho in ay u tahay caasimaddii Somaliya.

Waxaana loo baahan yahay in xaqiiqda jirta loo soo daadego laysuguna yimaado maxaa inoo wada dan ah? Lakiin haddalada ka soo yeeraya guddoomiye Tarsan iyo riwaayaddiisa “tiiraanyo bixinta muqdisho” haloo sheego in ayan somali markale ka gadmayn.

Mawduucanna waxaynu ku  soo gunaanadaynaa, ayeeyo somaliyeed oo soo bandhigtay fikradda ay ka qabto Muqdisho iyo ku noqoshadeeda iyada oo ku dhalatay xamar xilliyadii berisamaaadkii kuna noleeyd labaatankii sano ee ugu dambeeyey xeryaha qaxootiga ee waddanka Kenya iyada oo  tiri,  “Muqdisho waxa ay ahayd magaaladii aan ku dhashay,maantana Kenya ayaan qaxooti  in ka badan labaatan sano ku ahay, balse si kasta oo nabadi u dhacdo Muqdisho ku laaban maayo, magaala kalena maba aqaan” iyada oo intaas ku dartay” curuurtayda iyo kuwa aan ayeeyda u ahayna waxaan kula dar-daarmay in ayan noloshooda muqdisho u tegin”.

 

 

 

 

 

 

 

 

The Editor

COMMENTS

RSSComments (48)

Leave a Reply | Trackback URL

  1. nabadsuge says:

    walaalayaal siiya magaala madaada somaliland iga ayaa ugu haboon oo wada xukumi kara shanta gobol ee somalida waxa kale waxaa la.ogaadey inay yihiin dad aan daacad u ahayn mustaqbalka somalida.

  2. nabadsuge says:

    walaal halasiiyo magaalamadaxda walaalahena hargeysa iga ayaa xaq u leh.

  3. Ubax marka ugow in lagugu kufsan karo garowe o farole iyo curustisa aya ku kufsanaya tankale muqdisho wa casimadi dalka hoyo mana didi kartan wayo garowe hal bel aya dagan o waliba malin kasta dilay tmasikinti qoxotiga ku aheyd sharciya calamka mel halbel dagan tahayt casimad mahan ogada daba dhilif yaday rer faroole

  4. Muqdisho yahay babaneso raskada.okale Rabi darajasiyo risalaa kuso dagtay ruux ka carodo muqdisho rabiiin iyo dhabayacada xuntaaa.kuma ridi karane alle un ba ku rogikaro . Idinkuna run iyo been run iyo been kala rebano labadi laciyo kitabkiii. Viva muqdishoo risaalaa kuso dagtay taas laiskuma hesteeee

  5. sade boy says:

    waryaa garbaharey saxiibow magaca aad sheeganayso waa laguu yaqaan oo mid habar aan qaraabonahay dhashay ayaa leh,kaas waxaaba lagu sheegayey ameriko, laakiin waxa aad ku halaysid caqli mareexaan iyo aqoontoodiiba maaha.
    marka caqligaaga waxaad runmooday markii aynu gaashaanbuurta wada ahayn haddii aadan cabsanyn abti amase aan wax kaa qaldanayn hawiye daarood waa isugu mid haddii uu ku jecel yahay muxuu inoo laynayey 91dii.

  6. TO WIIL SADE sxb wa adiga lehe magaca adan laheen ino dhigeee adiga ama tahay howrarsame ama fiqi yacquub or yaryarka sade anigu waxa ahay somali weyn ba ogee adeeer booon batahayee afkada urayaa hadalka kasobaxaya xaiqiji qofka sas ku oraneso wa nin rer diiini qasatan rer siyaaad kasi ah rer cabdule siyaaad kasi ah rer moxamed cabdule siyaaad kasi ah rer cali cabdule name cabdi sahal moxamed cabdiraxmaan sheikh doon qori adeer ina ayaha so waydi rer dini qof ki ah balambale ila garbaharey magaca wu dadsanyahe bal umadas so waydi kadib waji ila imow boon batahay. Boni garasho maleh deee. Majjertenka shegeso wakuwiii tariqda oged naso dhexmartay sxb majerteen iyo sade wa dab iyo basiiin 100 jeeer hawiyahasa ka jeclahay dhul majerteeen dhulka hawiya igaga xalalsan wayo xamar wa magalo qof walba free uah lkn bosaso tag arag sida lagu galayo lkn xamar ana wax kuso bartay kuna nolaaaa adeer wanageda laigaga sheken mayo majertena hawiya igaga sokeyo dad ruixi daris ad tihiin ooo is gursataan aya ugu xaqroon anaka hawiya is guesanay is dhexgalnay daris kunahay melkasta kismayo iyaka inala qabtay ooo majerteen iyo xulufadi wax nagala qabtay marka adeer majerteen nacebka uu sade iyo absame uhayao wlh ine hawiye ay sas ookale u necbeen ma aqan dulinimada u tagereso dhabayacada. Sinji iyo daroodnimo kolhore daqada kabaxaday majerteen kuwe. Wada dhasheen oo kala ahaaa moxamed harti iyo siciid harti ayamanta kalatagay ooo siciid hatri oo dhulbahante ah isaaaq uracay adeer kuwei hartida isla ahaa ba manta xasad iku ahee anako sade ka ah oo kor kasogalno su majerteen ino jeclada waxas wa malawaal adeer isdhaha fuur nacebka ay ino qaban majerteeen wlh ine hawiye ino qabiiin xamar madaxda marexaan sida qurxoon oo logaga so dhaweyo wala socota farmajo dadki u bananbaxayay wa hawiye oo 3 ruux bananbaxas ugu dhimatay bal majerteen haku bananbaxaaan waryaa sababte ugu bananbaxayeen oo naftoda uwayeen wamaxay isheek sababtaas waryaa wa qalbi furaan iyo wanaag ay besha sade uhayaaan tankale waxa xilka farmajo kaqaday wa siyasiyinta majerteen qasatan faroolw aya yidhi nin marexaan ah su raisul wasaraha unoqonkaraaa anako boqoradi darood ah ayaba taganee xilka farmajo wati lagaqaday waxa kaqadanyna wa majerteen sababte oga qadena wa marexaan yu hormat gariin sxb wiil sade adder wa hurudaaa ee hada caqli ledahay manta majerteen umadan nacamleseeen majerteen kuwi ladagana ba kacarary lelkasa katagay oo mamul samestay marka ado gedo ah miyu kuraba waxas kabxa eee xamar tag arag wanaga inoyalo dad wu is dila dabaded heshiya hawiye iyo marexaan dagaal waxa ugu dambesay 1992 gii kadib gacmahe is qabsadeen ee isheek mesha sade iyo majerteen ku heshiyeen iyo wanaga dhexyalo bal so sheeek casimada somalia wa muqdishi xasimada labaad wa hargaysaa wana lawada ogyahay kidida iyo kiyela beri adinko xamar tagan yanla in arag

  7. Wiil Sade says:

    Wiilkan soo qaatay magac uusan lahayn ee garbahaareey adeer magaca noo dhig ama hawiye ayaa tahay ama Hooyo ayaa ku keentay xamar caasimad noqonmayso weligeed, garbahaareey ayaa kaga fiican, waayo dulmi Kama jiro, dhiiglaawe haddaad wiil Sade tahay dhiigii walaalaaha oo shalay lagu dilay iyaga oo guryahooda dayactiranaya ayaa xamar ka qoyan, mays waydiise maxay hawiye ku dileen? Jawaabta ayaan kaa sugayaa .

  8. Marka hore waxa idin shegaya webkaan qolada leh oo qoralkan soqoray ine kafirsadaan wa ayaka leh ma is orankarna muqdisho ine casimadi somalia tahay iyo inkale walal taas wa somali iskudirkedee ninkaan webkaan lehow taaas kalabo xamar wa casimadi dalka wana magalo 22 sano laso dhafay ay somali oo idil wada jogeen qar kaganacsanayeen qar waxkabaranayeen qaaar ku nola firi hada abarti marke dhacday gedo juboyinka ila bay iyo bakool ila 2 shabele aya loga yimiid oo wakuwasa manta wadoyinka dadsaan dadkaaas oo abarta so qixisay ma hawiya ama wa somaliweyn bal kajawaba waaxa raxanweyn ah oo manta xamar kutabelesan ma hawiya wa maya walal taas wa qaldantahay xamar wa casimadi somalia mana jirto magalo uqalnta casimad manta wayo magalo kasta qabiil aye u odantahay marka rer garowe. Ani bosaso wan aqan iyo sida wixi an majerten aheen logu faququ wan aqan puntland faquqa kajira iyo takorka ay uhayaan waxa udhalan puntland lakn xamar faquq kama jiro mana ka dhicin ila qabti marka. Rer garowe adinka isaso dahiriya kadib somali weyn laheshiyaa somalia aall wa in bugta wana waxa kensateen marka somali isku kenkeda ka shaqeyaaa eee qabyalada jojiya acs

  9. Asc marka hore salaan umada somaliyeed kadib hadanunahay besha sade darood anaku muqdisho aya casimad u aqonsanahay wayo wa magalo an qabiil qabiiil laga aqonnin oo somali oo dhaan ay daganyihin manta ma filayo mel xamar. Lamid ah in ay jirto wayo magalo kasta 1 jifo aya dagtay dhamaan gobolada dalka lkn muqdisho darood isaaaq jareer dadka cad cad iyo hawiye iyo raxaweyn aya manta muqdisho laga helaya lkn magaloyinka kale ee somalia laga helimayo dad sas uwada dagaan qasatan hada egno dhanka puntland bosaso 2 jifa dagan garowe 1 jifa dagan oo ciise maxmuud layirahdo marka ma orankarna mel 1 jifo daganyihiin aya casimad noqonkarta wa maya marka walalyaaal. Anigu xamar uma dhalan lkn waxa kuso bartay galgaceel iyo dad somali isgumid wada taha dagaan hawiye dad qalad ka aminsaan wlh hawiye. Somali wa isugu mid kaliya majertenka aye nacebyihiin lkn somalidakale wlh weso dhaweyaaan xamar ninki yaqana yaqaaan marka imada oo arkaa waxa kajira ani garbahayrey hadi irahdo wacasimad kawarama wa qalad garbaharey 1 jifa daagn marka muqdisho wa casimadena wana magalo dhexdhexaad ah eee cuqdada iska xiraa oo an gacmaha isqabsano wabilahi towfiiiq

  10. TO A A A hassan sxb wa adiga leh bosaso waliged dagal sokeye kama dhicin ma ilowsady malinti cabdulahi yusuf uu idacada kalaha 100 ban xagoda ka dhimatay dagalkas miya ilowday ooo dhexdina ahaa iyo kii 1991 kii bosaso ila garowe ila gallacyo la in bursanayay ooo xita intiii odayashini la bireyay barkadaha lagu guray ma ilowday adeer google gal eee so waydii ado cid wedinin tankale habeen an bosaso iyo galkacyo lagu dilin siyasiyintina majiraaaan wana adinka dhexdinaaa marka nac nacda joji ee tariqda dib ugulaboo wa adigi badiyaha uqaxay wagiii ma hada dad sonoqontay raga rer puntland xabada dhabarka iyo dabada mela aheen ogama dhacdo wana raganimada ooo kuyar dagalkasta oo dhaco raga dhabayaco. Dhabarke si jejshaan adeer waxa tahay wala ogyahay rer xamar iyo rer somaliland wekuyaqanan eee waliga dhabarka sijedii iyo daabada xabada ha inkaga dhacdeee. Ufirso ragina dagalada kuso dhawacmay xabada meshe ogatalo bal ufiri wa dhabarka iyo dabada melkale xabada kagama dhacdo bal taaas sooo hubi ada arkayeeee adeer runta haiska indho xirin e somali wa istaqantaaaaa adinkana wala in yaqanaa adeeer hadi awod ledahay somaliland 3 gobol kame qabsatenee bal adiga isaso xoreeeee markas dadka la dood lkn nin laheste ah ma dodikaro viva banaadir state.

  11. ceerigaabo says:

    arrinta ku saabsan caasimadda meesha laga dhigi doono aniga waxay iigu muuqataa in ay xiiligan ka hadalkeedu munaasab tahay,waxaana aan qabaa in aanay koonfurba la siin xataa tuulada Garoowe ku dar meesha ugu habboon waa Caarigaabo, oo multi culture ah, marka hawiyaha qaylinaya oo somali dhibtay u geeysteen ilaa hadda la dawayn la’yahay waxba laga qori maayo, iyo weliba daroodkan sidii subxaanyadii u soconaya. nabadeey

  12. wadani says:

    ASC. DHAMAAN UMADA SOMALIYEED OO NABADA JECEL WAXAA IS WEEY DIIN MUDAN NINKA DHAHAYO CAASIMADA GAROOWE HALAGA DHIGO OO MUQDHISHO WAXAA DAGAN HAWIYE MARKA WAXAA WANAAGSAN INTAADA HADLIN IN AAN KA XISHOOTO WAX YAABAHA QAAR BAL GAROOWE YAADAGAN WAXAA DAGAN MAJEERTEEN OO WAXAA IS BAR BARDHIGEYSAA MAJEERTEEN IYO HAWIYE WALAAL HAWIYE WAA QOOMIYADA UGU BADAN SOMALIYA 100 kiiba 65 marka adigaa hal jufo ah aan wadan dhan u taliyo walaal ka xishoo mida kale aniga waxaan qabaa somali mariixaan talada halagu celiyo ayagaa yaqaan anigaan ka dhalan ayaa u gartay

  13. Shiikh Isxaaq says:

    Waryaarahe Maxaad ka doodaysaan dee haawiye cidna wax uma ogola isaga oo og wixii uu Somali uu ku sameeyey ayuu nacasnimo la soo Dhaka xun yahay, war caasimadda soomaali ayeey u taal haddii la heeshiiyo somaalida su’aal ayaan weydiinayaa?.
    Maxaad ka qabtaan caasimadda in hargeysa laga dhigo?.
    Oo hawiyahan dhakada xunba aan ka soo guurro.

  14. A.A.Hassan says:

    to banir sattate of bal eeg caqliga casimad iyo reer baa leh meel mawada galaan , shurudaha casimada waxaa ka mid ah in mawdin kasta dagi karo dadkana ay u dhaxayso hadii kale casimad ma noqonayso , cidaa waxaa iska dhex galay goofka iyo casimad , colaada soo jireenka ad shegaysidna hal dhinac ay ka jiirta waa dhincina , reer puntland iyo og dadkoodi sida xamar logo xasuuqay hantidoodo loo dhacay dumarkoodi loo kufasday hadana waa ka gudbeen , dhulkoodana way dhisnayaan mana hadal hayaan sidaad dadka qaaar wixii loo gastay , sababtoo qofkoo hadoo cuqdad ku jiro horimar ma gaaro , xamar iyo boosaaso kala nasiib badaan bosaaso dagaal sokeeye iyo mis shesheye waligeed kama dhicin xamar markaad umada somliyeed ku dhibtayseen bad hadana idiinkii hadana isku dhamyseen wanaa cuqoobo idin heeshay . kulaha colaad taariikhi ah muslim muslim kale colaad tariikhi ah horta ma u hayin karaa , war nin walboow dhiso meshaad dagtid

  15. TO A AA A hassan sxb yey kahosbixin. Banaadir dadba dagaan oo leeh. Dowlad. Qof didan majiro lkn waxa is didan wa. Rer mugdisho iyo rer degmada garowe. Ee somaliweynta kale. Way israbaan dowlad cadalad ahna wala rabaaa lkn garowe iyo muqdisho. Tel aviv iyo gaza ookale colda dhextaal. Bakala dhextalo wana colad qarni hore so bilowatay mana dhamaneso sxb marka suashu wexetahay dowladan wa federal. Nin walba degankisu iska so. Sharaxaya oo wa federaal xamar dad ba leh se lo qebinaaa nairobi wa casimada kenya. Shacabka dagan wa qabilka iska leh wa kikuyu qabiladka kale deganadoda aye daganyihin marka xamar. Wa state. Wana xarunta madaxtoyada marka deganadada daganow madaxdada kaliya xamar. Dagikaraaan lkn shacab dhul lama sinkaro wayo dadki lahaa ba ay ka badnen xamar so sxb garowe kuguma heste maxa xamar karabta wa yabeee viva banadir state of somalia. Wixi kaxun cakta hose

  16. A.A.Hassan says:

    bal hadaa la joga hadii dastuurki somliya la rabay in loo sameeyo muranka intaa la eeg ay ka keeneen cida xamar boobtay ma casumdii bay ogolanyaan in lala wadaago waa maya dawlad ma raban dastuur ma rabaan casimad ma rabaan ee dadkii caqli lahoow xamar guri iyo hanti danbe yey idinka galin dhulkina dhista , taasi ma ceeba fhadii kale xamar haloo qaybsado sidoo qoraa hore sheegay 4.5 cidii ka maarmi wayda

  17. Wiil-waal says:

    Soomaalidu may isu duceeyaan intey is habaarayaan !?. Mey is xushmeeyaan intey is hafrayaan !/. Mey midoobaan intey kala cararayaan !?. Mey is waansadaan intey is dafirayaan !?. Mey dad noqdaan intey dugaagoobayaan !?. Mey daacad isu noqdaan intey is khiyaanayaan !?. Mey is walaalsadaan intey in colaadinayaan !?. Mey ilaahood adeecaan intey ku caasiyayaan !?. Mey tashadaan iney oggolaanayaan in loo taliyo !?.

  18. A.A.Hassan says:

    ku bander sttate hadad hanti siyad barre ka hor lahydeen maantaad hanti haysan lahydeen sabaabto ah 20 sano kadib casimadi umada somliyeed aad boobteen iyo wixii hanti tiilay meeday sow maanta beesha caalmka ma toogysan war , dad isku filan hadaad tihiin ama xataa xadarad iyo dawladnimo yaqan casimadii umada somliyeed sidaa uma ekateen meel door joog ah ma noqoten , hadaa se la jooga ee dhista dhulkaad boobtan nin walbana dhulkiiso dhisanya no more muqdisho

  19. sanaag says:

    ilahow umada somaliyeed mj ka qabo amiin

  20. Walaalyaal Arintan waa xasaasi, waxaan qabnaa arintan in ka wada hadalkeed meel looga madax banaan yahay in looga dood, why?

    1= Hadaad ogsootihiin Odayaashi isimeedki Somaliyeed oo idil Muqdisho ayee jogaan!! Qodabkan Magalo madaxa Khatar ayee galineesaa naftooda in la dilo, hadii ay uga hadlaan si xor ah, waxee kaga doodi karaan ayagoo xor ah oo guryahooda kusoo noqdaan oo kaliya.

    Xisbiga wuxuu qabaa 2 qodab arinta magaalada Mugdisho sida ay kuhanan leheed ama hadii laga qaado.

    1= xisbiga wuxuu qabaa magalada muqdisho in loo qeebsho 4.5 ama qebeel walbo oo somaliyeed degaan laga siiyo eesan qabiil ubadnaanin. in cidna eesan sheegan karin (Hawiye ama Abgaal) in ay noqato magaalo loo siman yahay oo sharci gaar leh oo cidwalbo iska soo sharxi karto. degaanada iyo faras magaalada iyo meelaha ganacsiga iyo guryahaloo siman yahah, lakii waxa karohoreeyo inay aqabalaan inay mag baxshaan qodobka 2aad .

    2= Xisbigan wuxuu qabaa, hadii xataa laga qaado ama lagu celsho muqdisho inay Magalada magdhow bixiso, oo kakooban:
    A= Naf, dil iyo kufsashho iwm
    B= maal oo idil 22 sano plus
    C= Baraka khasaarada soo gaartay dadka iyo beeada
    E= Faiido (dadki guryaha kuhaabsaday inay baxshaan inta sano ay kujireen kurigaa faidada uu lahaa labo jibaar).
    F= iyo Casi gali oo hadtidaada lagaaga iibsaday( micna waxa weeeye in lagugu kalifay inaad hadtidaada kuiibisid lacag yar taas oo lagugu dilhadaad diididna lagugu dilo).
    F-A Qadobkan waa qadob aad iyo aad udag, waxa lagarabaa magaalada in haditii 22sano kudeheedi laiibsay in dib loosooceliyo,waayo waa qeeb kamid ah dhac cabsi kujirto dalban.

    Walaal yaal badbaadiyo isimada somaliyeed oo Muqdisho Jogaan, in lacabsi kalin inay qodobka mugdisho usaxiixaan ayagoo cabsi qabaan

    Qodobkan saxiix kamagalo in muqdisho dadka jogaan oo cabsida kujoogaan ay saxiixaan.

    Isimo iyo shacab xor ah ayaa sixiixi karaan qodobkan meesha laga dhigi karo magaalo madaxa somaliyeed aan tagano leheen.

    Wabilaahi towfiiq.
    Xisbiga umada iyo cadaalada somaliyeed

  21. TO CARASEDO. Gabadha wad waqdantahay wayo irisamalae wax ay kaqabteen wa wax iska cad inkasto ay wada jogin balse besha isaaq diret aya inkufilaan ayado iririka kale labagariin b sool sanaag iyo caay bay ka hestaan oo shala. Mamulka majertenia hestay. Malin cad ba si xoog aha logaga qabsaday ila hadana loga hestaa 4 xabo dhulbahante. Walotaliyaa adeer hadii awoood ledihiin adinko dhulbahante. Iyo dhabayaco da. Isasoracvoo bal isku daya sool iyo sanaag ina so ceshataan wa hadi aad is hubtaaaan oo xiniyo inkuyalaaan iskena. Bal nacnacda jojiyeee adeer goboladas wa tageen so noqosho haka sugin hadikale dhiig aya kudadaan oo maagacina lawen dona wlh 4 xaba tihiiin oo garab laheen lkn isaaaq ila muqdiho ila jibouti ayu jogaaa garabkisa kale tas ogadaaa lkn adinka. Rer faqash cidi inlama dhalaan ooo dalka doon bad kuti madeen yemen ayu joga garabkina yemen aya u cararidontaan walle viva hargaysa muqdisho jibouti lahaa. Mideyooo alahaaa barwaqeyo cadowgoda alaha jabiyo

  22. TO A A A hassan ader. Markahore is wedi darood muqdisha sanadku sogalay wa qorantahay wa 1970 ader muqdisha hantida kutalay ad shegeso wa hanti awal aya dowladi siyad bare ka dhacday dadki laha gurhaya oo u siyay darodki so hajiray. Ooo muqdisho. Ine kunolada ooo dhulka dhagaxa ah kaso hayamay ader muqdisha dadba alle ku umay oo dagana 200 qarni kahor ayado qof darood ah laga aqon lagama maqli jirin ba jiri jirtay ader bal hantida la bililaqestay ad shegeso markii hore yalahaa weye suashu siyad bare dadki rer muqdisho aha ayu dhacay guryihi kasaray gofafki ka saray aso leh wa dhul dowlad markasu darodki dajiyay. Oo u siyay ader 21 sano aye rer muqdisho xaqoda la dudsiyay oo gumeste siyad bare u. Hestay ader rer muqdisha 1991 aye aye gumestihi afweyne ka xorobeen iyo dadki u so dajiyay oo carareen marka. Magalo ninki dhoof kuyimid bay geridu dhibta xamar ana leh wixi talona wa I xalaal oo wa cideyda anan leh kawaran hada manta irahdo hantida bosaso talo ana laha sow wax lagu qoslo mahan de wa sasokale xamara wixi yalo tano kumalihidiin eee hada nin walbow tuladada dhiso xamar. Dambe ina dagtaan xaran ekatahay kaliya wax barasho iyo cafimad aya uimankartaaan dowladan wa federaal ninwaba. Degmadisa ayu jogaya una dhisanaya taas xisabta kudarso xamar dadkale booos ogama bananano ay dagaan 16 ka degmo 3 miyon oo qofa kunool wana dadki udhashay. Oo laaha ader marka nacnacda bosaso da qalalan la fadhiii iyo dhulkina. Kulul oo wada dhagaxa ah jogaaa

  23. hawiye abaal ma dhigte says:

    waxaad tiri oo dhan baa qoran yihiin namankaan xamar jooga haday somali abaal iyo ixtiraam u dhigan la haayeen maanta casumada luguma murmeeen wax looga bahan yahay ma jirto waa casimad dad bahaloobay oo guryo xaraan ah isku qabo ninkii hunguri uga jiroow iska iloooow

  24. Hawiye dhabe says:

    Hawiyoow waddanku waa federal bal degaanka aad ku faanayso la imoow dhul aadan lahayn ha sheegan djibouti iyo hargeysaba rag baaleh

  25. Mukhtar says:

    Horta caydu waa reeban tahay laakiin in laga doodo muqdisho ma noqonaysaa caasimadii somaliya waa mid meesha ku jirta waayo soomaalixaq bay uleedahay in ay doorato caasumadeeda.
    Laakiin hawiye ha qirto qaladkii uu Somali ka galay tan kale
    Inaga oo hargeysa jooga ayuu shalay idilayey maxay tahay irirka uu sheegayaa.

  26. Mudug puntland ninka wato adeer mudug kareen magaca tankale xamar yes wa magalo hawiye galgaduud marexanka shegeso 1 degmo oo cabudwaaq layirahdo aye ka dagaan oo iyadiba. Abar ah galgaduud 2 casimad wa dhusamareeb iyo ceelbuur. Adeer wa adiga leh hawiye 2 gobol ayu leyahay ma dhabayacada namoda oo nugal beri kaliya leh oo iyakina laladago adeer hawiye galgaduud hiiraaan shabelada sare shabelada dhexe shabelda hose mudug banaadir jubada dhexe intas ey dagane intaso goobl ma hoyada baleh ama qaniski kudhala dagaan bal is waydii adeer shala doon ba kukentay. Dalka umadan dhalaan taas ogow somaliland na kamahadlin kartaaan dadkaas wa walalahayaga hada isku daydaan in daroow kudlu waqoyi wlh kabtey ma aragta ka dhacesso oo ilaa yemen aya la in bursanaya irisamale. Aya wadanka loguyimid ona leh muqdisha hargaysa. Djibouti aye jogaan wa 3 casimad ee dhulki somaliweyn laisku oranjiray bal adinka 1 casimad malihidiin adeer xamar adi lagalama tashanaayo taas. Mid adkahadli kartaan mahaan xamar dad baleeh wana 16 degmo aall dhulka puntland. 16 ka degmo xamar dhismo ama wenan kumagaraan tuloyinkina la fadhiya mesha viva hawiye and isaaq and ciise jibuti

  27. caraseedo says:

    TO:Gaashaanbuuta irir samaale:kan wata waxba ku qaadimaysid oo kuwo kaa horeeyay baa wax ku qaadiwaayay,horaa loo yiri daqsiyoow urur oo urur oo haan daboolka ka qaad idina taas baad la mid tihiin ee maskiinyahoow orod oo meel iska fariiso,tabcaanyahaw,oo laydin arag waxaad ahaydeene,dawladnimana waxba kama taqaaniine,wataas dawladnimadiinii oo waad ku fashilanteen,marka hore ka xaaqa Muqdisho lafaha dadka iyo qashinka iyo geed shaydaanka.

  28. ahmedpunt--------- says:

    mudug puntland raali ahaw gacantaa iiga dhacday

  29. ahmedpunt--------- says:

    waxaa wanaagsan inaan cidna loojawaabin waayo waxaa jira dad nabadda iyo horumarka soomaaliya kasoohorjeeda si ictiraaf u helaan ,marka waxna waa qadiyad loobaahanyahay in laga hadlo oo ah sida su’aashaan qoraagu soogudbiyay oo ah xamar caasimad manoqon kartaa soomaaliyeed runtiina waa sax rayi ururintaasu ,waayo dadka in badanbaan xamar dhibteeda jeclyn laakin aan karaja qabin inay dibdambe uugu laabtaan sababo badan . tan kale waxna waa aflagaado iyo isku dir qabiilo walaalaa caydooda oo runtii keeni karta xaasaasiyas aanan loobaahnayn waayo waa wax nagu filan 21 sano burbur dhaqaale iyo mod aqooneed iyo mid caafimaad iyo dhankasta ,haddaba maloojawaabo maangaabka soomaalidiidkaa sida dayniile iyo ninka sheegtay gaashaan buurta irirsamaale iyo mudug intaba waa dad aan caadi ahayn oo ujeedo qolloocan wata oo jecel iska horkeen ..scww

  30. Hawiye dalku waxa xuman uu ka geystay walayaqana arinta muqdisho oo ah in ee sii ahaato casimida somaliya miiska wada hadalkee saaranthay taasi mid lala yabo ma ah aduunke ee kadhacday in caasimadah labadalo si dalka u dhismo walaleheen hawiye waxan dhihi laheen backward hanoo celinina

  31. Faarax says:

    Maya uma qalanto xamar caasimad ummad badan baa lagu laayey foolxumo badan baa ka dhacday ilaahay ciqaabtiisii baa ka dhacday yaan Muqdisho mar labaad la dhisan baan qabaa waa meel qabiil sheegto qawmiyad caasimad uma noqon karto runta haddii laisu sheego. haddii kale berribaa la leeyahay meeshaan anagaa leh ee hanalooga tago

  32. Odey Soomaali ah says:

    Markey arintu halkaas mareyso waxay tahay in cuqaashu ka taliyaan. Cuqaal aan ahayn Daarood iyo Hawiye laakiin labadaba dhalay. Sheekada qabiilka ah ee xumaanta ku duuduuban tahay joojiya. Soomaali dhib waxaa ugu filan culeyska maanta saaran. Annagoo dhan waxaan aayaheenii marti uga nahay nin la yiraahdo MAHIGA, kaas oo sibiq-sibiq nagu soo galey. Intii aanu arintaas ka hadli laheyn annagii baa is eeganeyna. Aynu ilaaheen ka yaabno oo is xushmeyno. Horey u socda Vivo Daarood iyo Hawiye. Vivo umadda Soomaaliyeed. Sahrow shib Shuushow bax.

  33. mudan says:

    mooryaatu waxay yara dhaaantaa kuwan cuqdada isugu si xiray 3 tuulo qabyaaladuna heerki u liitay ka marayso illaa ay dhulbahantahay u sheegten dawada oo la joogay hada leeyihiin war ama cadaysta qabyaalada oo inagu kala kaxeeya hargeys ama puntland iyo daarood waa inaad ixtiraamtaan kkkk cali sandule oo ku karbaashaya habraha 3 tuulo sy cuqdada iyo aqdinta uga soo xirteen daarod darood meelna kaaga hari aayo hargaysuu kugu haystaa ogooow

    siyaasinta harti ee la joogta beesha isaaq ee cuqdada iyo cabsida u goosatay oo la yaaban iririsamka ay wadaan iykililka shanaad iyo puntland siday uga cabaadayaan markaa riaayad a si wanaagsan ulajila kuna karbaasha guryahooda hawsha halkaa kaga haya

  34. mudug puntland says:

    qoralkan wa mid aad u muhiim ah geesi runta kama cabsado ,,,, dadkinan reer muqdisho waxad ledihin magalada hawiya leh , de hawiye casumad ha u ahato ya u diidan , lkn umada somaaliyeed way diiden tas ,dadki tuboyinki iyo filoyinki fiiqday kkk miya loo taga iyado tasi jidho wal kuhaya xamar hawiya leh , xita an kaxishonayn hadana dhahaya casumada somaliya wa qof xola ah oo an fakarayn oo kaliya ku caqliyaystay xabad uu rido iyo aabihiiso wax fiiqanaya adeer adunku tas mid ka duwan bu kafakara , orda shabeloyinka iyo hiran bad ledihiine dhista xamar dadka asalka ulaha walayaqaan hawiyow gortad timadena walayaqaan , galguduudna marexan ba leh somaliya 2gabol bad ka dagan tihiin iyo xoga dadkilaha idin ogoladen shidada iska daya ku dhamaatene oo nabda qata gurya fiqashada ka gabooba
    wasalamu calaykum

  35. Muqdisho dawo dacala beledweyn dawo dacalada marka dawo dacalada afgooye dawo dacalada dhusamareeb dawo dacalada ceelbuur dawo dacalada galhareeri. Dawo dacalada webxo dawo dacalada guriceel dawo dacalada ceelgaras dawo dacalada caadodo dawo dacalada galkacyoh dawo dacalada hobyo dawo dacalada xarardheere dawo dacalada. Galcad dawo dacalada ceerdheer dawo dacalada jowhar dawo dacalada balcad dawo dacalada bulaburde dawo dacalada jalalaqsi dawo dacalada jilib dawo dacalada cadale dawo dacalada warshekh dawo dacalada. Masha allaah intaso magalo ba ilaah. Nagu beray hadanunahay bel weynta hawiye samalee iyo. Viva ririsamale isaaq and hawiye ilaahow israciii amiin amiin waqoyi iyo konfur alow isukeen bel weynta irisamal. Ila d jibouti. Wa ilma riri. Iri hadu israco faqash dadka qadayoo tas ogadaaa awalba wadanka doon ba kutimadeen donti ba kulabanesan isha allaah

  36. dayniile says:

    Mida kale 22 sano somalia magalo an qabiil laheen majirto puntland dadki elayda ahaa oo qaxotiga utagay aye so tarxileen adunka lama arag wadan dadkisi iska tarxilayo waxa ountland ay samesay tariqda aye kuqorantahay marka xamar ha egine waxa ad sameseyn bal dib ugulabta so ega. Xamar wali qof somali ah lagama tarxilin somali oo dhana kunolaa kuna noool marka puntland qabil kale kuma nolankaron runta anka hadalno ma bosasa nin an rer mj aheen ku nolankara sii xor ah wa maya marka adinki ba qaldan sa xamar qalad ku shegesaan xamar dagal sokeya dhacay dadki laha bana dagay ooo ka talinjiray ceebna mahan malintii qaran somalia yimado aya laga wada xajona lkn hada wa magalo dad leyiihiin bal garowe manta u ogolow somalida kale wata malinkasta elayda silcisaan oo badaha ku dadisaan oo kufsatan ooo guryaha ka gubtaan waxa elay ku samesen we in qorantahay mana la ilabayoo adee ani hada muqdisho 100 kun qof ba kuhaya ooo gobolada abar ogaso qaxay oo xamar sonafbiday watasa manta magaladi dhaan coshadaha ka dhistay si xor ahene ugu nolyihiin lkn puntland dadki somalinimo uatagay halag aya karacay marka adinka qaladkina saxa xamar ha kuso ordine wabilah toqfiiq

  37. dayniile says:

    Ninka webkan hadalkaan kusoqoray wa nin an aqon sida hadalada losoqoro wa nin raba inu umada dab dhex dhigo lkn ya oga futo xuun hee muqdisho hadal magasho mana laga hadlikaro ine casimad tahay iyo inkale muqdisho risalao aya kusodagtay wa muqadas lagama hadlaan ah ine tahay somalia capital city marka ninkan puntland.news24 ah adeer. Hadalokale oo mamulkina quseyo kahadal plzz xamar adiga ma utalisid sinjigadana madage adeer xamar dad baleh ooo 100 qarni kusonolaaa ado 1970 xamar sogalay ookale kamahadlikaree adeer dhulkina dhagaxa ah oo qoraxda badaan on. Wabiyada laheen dhulkas kafalo banadir kumataqanee ka daneso viva banaadir

  38. A.A.Hassan says:

    to bandir sttaste beentaad iso go shekyseen ha noola iman muqdisho guriyeehi daroodko daganaa ma hawiye laga dhacay bal beenta eega , wa wax laga naxo in hanti dadka matida ahaa ee bir mgydada xooloahooda lago sheego mid siyad barre ka dhacay hawiye hadii xataa sida ay tii qaranka iyo dawladnimada ummada ka dhaxysay maxaad u biliqysteen , somli waxay ku maahmahda falaari gilgilsha kama goodo ee waa taariikh , reer puntland iyo darood good ahaan waxaan ugu baaqya inu dhulka dagaan dhistaan hanti danbe ee casimad ku sheega yaan idin ka galin intaa dadka boobay sidaa u hadlyaan

  39. ahmedpunt--------- says:

    waa maya waxaana sabab u ah waxyaabo badan oo aad iyo aad muhiim u ah oo aanan qoraal lagusookoobi karin haddaba xamar caasimad ma uqalanto jawaabtaasu waa maya,waxaana caasimad ku haboon gaalkacyo oo ah magaalo santara oo dad kawada dhaxaysa laakin xamar ma’uqalanto caasimad soomaaliyeed,midda kale ..digniin digniin ..digniin qofkii damac kagalo gurigiisii iyo booskiisii burburay oo uu xamar kaga qaxay 1991 haku talagalo in shabaab la’isaga soodhigayo oo wajiga loosooduubanayo kaddibna qoorta mindi looga qalayo oo mindidii oo dhiigaysan kaddibna shafka loosaarayo runtii waa arin muraga leh oo xanuun badan haddaba inta caddaalad saxa soomaali gaarayso isjira..ramadaan wanaagsan

  40. ubah says:

    anigu waxan qabah yaan loo ogolaan gabar denbe iyo hooyo denbe inaan la kufsan,hanti ladhaco waxaa ka daren kufsi dil iyo dhac,tan ugu weyn waa kufsi,ee nin walbow gurigaaga ku ekow.wsc.

  41. Marka hore wad. Ramadaan kareem waxan ujawabaya ninka labaxay A A A hassan sxb muqdisho wa casimad wana magalo 3 milyon oo qof ay kunoshahay oo dadkas ay leyihhin. Sxb adiga degankada dhiso xamar dadka leh aye qusesa dhismahesa iyo malgashigeda iyo hormarkeda dadkas bay utalaa ee adiga dhulkada ka hadal fst. Guryo iyo hanti dad leyahay cid haysata majiraaan guryaha awal se kuyelateen ma is wediseen guryaha shegso wa doladi afweyne aya dadki lahaa xoog ogaqaday su dajiyay darodkii. Badiyaha iyo gobolada kaso hayamay ooo xamar usowada caraeen ee guryo ad ledihiin iyo hanti ad ledihiin meshaan majiraan dadkaan guryihi awal afweyne uu xoga oga saray aye 1991ki marki gumestihi afweyne ka xorobeen aye dib guryahodi ugulabteen ee. Nimwalba dhulkisa ha dhisto adeer. Xamar madaxtoyada. Xukumada kaliya lo imayaanaa wixi malgashi ama fursado ah dadka leh banaadir ba dhisaan ooo tas utalaaa marka garowe iyo bosaso iska dhista cidi inkuma haysatee ino daya xamar inaka lehee hade xuntahay iyo hade ficantahay inma qusesee ka labaxa faraha xamar rer majertenoow hadi alle taqanan xamar inodayaaa kaliya. Barlamankina iyo wasiradina aya imankaraan lkn qof shacab ah maya xabad aya taqano taas ogadaa banaadir state wa mamul goboled ahna casimda somalia viva banaadir state

  42. caraseedo says:

    Walaalayaal dhibkii ina soo maray la illaawi maayee oo reer walba wax buu tirsanayaaye oo magaalo kasta oo somaliya kutaal qabiil bay u xiran tahaye ee hadda mid loo dhan yahay aynu xaar xarano oo somaliya oo dhan ay isla dhagax dhigaan,dhulku waa wada qabiilaysan yahaye bal badda dhexdeeda hala fiirsho!!!.

    Haddii kale dhamaanmayso godobtii lagu galay Muqdisho,tii waqooyi iyo tii gobolada dhexe siiba gobolka Mudug ee yaan been la’isu sheegin,haddii kale walaalayaal cuqdadi dhamaanmayso waligeed ee iska xira shekada Muqdisho.

  43. A.A.Hassan says:

    xamar kuma haboona casimad somliyeed imika iyo xiliga soo socdaa sababtoo ah dadka xooga ku qabsaday guriyehii iyo hantidii dadka iyo qarnka ma garwqsana sidaad sheegtay , walina xataa madxdooda iyo waxgaradkooda lagma hayoo inay hantidaa shacbki somliyeed ee meesha daganaa in hantidooda loo celiyo , bal see qoofkii osku dayaa inu hantidiisa inu soo ceshto maaga amaaa wax ka sameesta oo aan ahyin beelaha boobay casimada somliya nolashiisa ba khatar ku sogan , somli runta isuma sheegto hadaan runta layso sheegin waligeen arimahan ka dawoon mayno hadaano nahay reer puntland waxaano ka rabnaa madxdayada inay u hadlaan sii xilkisanima leh dadkana yey marin habaaabin , dhinca kale hadii maanta lays yerahdo xamar dib ha loo dhiso waxaas oo burbura yaa dhisi karaa war xamar dib danbe yaan loo dhisin dirtada ee ninwalboow dhulkaaga dhiso

  44. caaqil says:

    asc maya xamar wali caasumad uma bisla waxayna noqotay magaalo qabiil ama goob ibnu aadanka naftoda lagu haligo casumad ma noqon karto waa maya may maya maya

  45. Axmad yare says:

    Maya iyo Haa wadasocda aan kaga jawaabayaa. Maya maxaa yeeley wixii dhacay weli waa qoyan yihiin, kuwii denbiga galeyna weli ma gar-waaqsan. Laakiin markii uu caqligu soo noqdo oo aynu dad u ekaano, si aynu Addis-ababa iyo Nairoobi ula tartanno waxaanu u baahanahay magaalomadax qaran leeyahay oo aan la kala sheegan, magaalomadax aadami leeyahay oo uusan bahaahim ka talin, magaalomadax bilic leh ee aan halaqmareen aheyn. Magaalomadax waayeel ka taliyo ee aanan tuug u talin. Ugu danbeyn waxaan idin oranayaa Ramadaan Kariim. Hala cibaadeysto, soomaalina ha loo duceeyo.

  46. daljire says:

    qoraaga arrintan soo qoray waxaan leeyahay waxaad taabatay arrin xasaasi ah oo hadda loo baahanyahay in laga wada hadlo, miro barde duuduubkaa lagu laqaa mardame soomaali uma cuntamayso, si dhacdadii naxdinta lahayd aysan soomaali markale ugu dhicin waa in si dhab ah loo wada hadlaa laysagana qanciyaa.
    laakiin kala garwaaqsi la’aan waxay na dhaxalsiinaysaa dhibab soo noqnoqda.
    wixii dhacay aan iftiimino taariikhdana aan ku qorno waa mid jiilkan iyo kuwa kadameeyaba uroon. waana inaan lagu koobin wixii kadhacay koonfurta oo keliye, balse tacadigii waqooyi loo geystayna xisaabta lagu daraa.
    aan wada hadalo waa aan xal raadsano.

  47. ilka case says:

    may may may no more maybe after 100 years

  48. Gacaliye says:

    Before answering whether the ruin city of Muuqadisho can regain its lost status of Somalia’s capital city, logon to:

    http://puntlandnews24.com/maxamed-xassan-xaad-miyuu-shirka-odoyaasha-dhaqanka-ka-baxay-mise-waa-laga-saarey/

    And read what certain supporters of mooryaan Moh’ed Hassan Xaad, which disqualifies Muuqadisho as a future capital!

Leave a Reply