Muqdisho: Madaafiic Khasaare Badan Dhaliyey

September 20, 2012   //   Warar Somaali

Waxaa Xalay Saqdii dhaxe Madaafiic xoogan aan wali la ogeyn halka laga soo tuuray lagu garaacay Qeybo kamid ah Degmooyinka Shibis iyo Boondheere ee Gobolka Banaadir.

Madaafiicda ayaa bilaabatay xalay Saqdii dhaxe waxa ayna dhaafayeen ilaa 10-Madfac kuwaa oo kusoo dhacay Degmooyinka Boondheere iyo Shabis goobo ay dad rayid ah ka dagnaayeen.

In kabadan 4-Qof ay ku jirto hooyo Umul aheed ayaa ku dhimatay Madfac kusoo dhacay Buulo Maqaar kaam la yiraahdo oo kuyaala Degmada Boondheere ee Gobolka Banaadir.

Waxaa sidoo kale Madaafiicda ka dhashay dhaawaca in kabadan 10-qof oo rayid ah una badan caruur iyo Haween ,Madaafiicda ayaana dadkaan kusoo habsatay xili ay hurdo ku jireen.

Lama oga ilaa hada halka Madaafiicda laga soo tuuray iyo cida soo tuurtay inkastoo ay jirto tuhun ah in Shabaab madaafciicdaasi soo tureen, waxaasa la isweediinayaa maadama Ciidamada Dowlada meel walbo Muqdisho ka joogana halka laga soo tuuray.

Waa madaafiicdii ugu cusleed ee mudooyinkan Magaalada Muqdsisho lagu garaaco dad rayid ahna wax ku noqdaan ,kal hore ayaa waxaa jirtay Madaafiic sidaan oo kale ah oo lagu Weeraray Xarunta Madaxtooyada aydhimasho iyo dhaawac kasoo gaareen Dad barakacayaal ah oo dagnaa hareeraha madaxtooyada.

PN24-ALLB

COMMENTS

RSSComments (0)

Leave a Reply