Muqdisho: Xildhibaan Qarax lagu dilay

July 16, 2012   //   Warar Somaali

Xildhibaan Maxamuud Cabdi Ibrahim Garweyne oo ka tirsanaan jirey Xukuumadihii Cumar Abdirashiid & Farmaajo isla markaana ahaa nin si weyn ugu lug leh arrimaha tacliinta ayaa maanta ku geeriyoodey qarax lala beegsadey gaarigiisi magaalada Muqdisho. 

Qaraxa ayaa lagu sheegay mid lagu rakibey gaariisa isla markaana la qarxiyey, waxaana laamaha amaanku sheegeen in Xildhibaanku geeriyoodey isla markaana ay wadaan baaritaano ku aadan qaabka qaraxu u dhacay.

Xarakada al-Shabaabayaa sheegtey qaraxan in ka danbeeyeen isla markaana ay masuuliyadiisa qaadayaan.

Xildhibaan Maxamuud Garwewyne ayaa ka tirsanaan jirey Garabkii Shiikh Shariif ee Casmara, waxaana uu noqdey Wasiirkii Caafimaadka iyo kii arrimaha Bini’aadanimada ee Xukuumaddii Cumar Cabdirashiid.

COMMENTS

RSSComments (3)

Leave a Reply | Trackback URL

  1. Gacaliye says:

    Get Godane, Shangole and other mother f*ckers together with their long-shirted lovers, that is to say: Arab, Paki-Afghani criminals.
    Failure to do so will only prolong the Somali misery at an unnecessarily HIGH COST!

  2. Ahmed Abdi Mire says:

    waxan rabbiga casiis ka ah ka tuugayaa janno fardawsa inuu siiyo garweyne oo gacan ka xaqdaran ay dishay ka dib markuu doorbiday inuu dadkiisa iyo dalkiisa dhismihooda ka qayb qaato intuu qarax dhigi lahaa waddo qof kasta uu marayo hooyo, ilmo iyo culimada dadka iyo indheergaradkii waxbaranyaay. Eheladiisana samir iyo iimaan ha ka siiyo uu ugu horreyo ama aan ka garanayo maxamed macallin

  3. m. hilowle says:

    waxaan maqli jiray suugaan ha durduro jacaylkuye hadda waa ha durduro qaraxu gar weyne iyo garyare looma kala harin lagu dhamaa waana la wada dhigaa al shabaab keliya ma dhigaan dawladu waa dhigtaa iyadaana al shabaab ka qarax dhigid badan

Leave a Reply