Muqdisho:Qaraxyo kadhacay afaafka hotel uu daganyahay madaxwaynaha cusub ee Soomaaliya

September 12, 2012   //   Warar Somaali

Laba qarax ayaa maanta 2:20- daqiiqo xilliga Geeska Afrika ka dhacay afaafka hore hotel uu daganyahay madaxwaynaha cusub ee Jamhuuriyadda Faderaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Qaraxyadan oo ay fuliyeen laba qof oo watay bambaanooyin laga soo buuxiyay walxaha qarxa ayay warar kala duwan kasoo baxayaan qasaaraha ka dhashay.

Dad goobjoogayaal ah oo ku dhow hotelka qaraxa uu ka dhacay ee Jaziira oo u dhow garoonka diyaaradaha Aadan Cadde waxaa ay sheegeen in 8-qof oo ay ku jiraan ciidamada dowladda Soomaaliya,AMISOM iyo dadkii qaraxa watay inay ku dhinteen, sidoo kallena ay jiraan dhaawacyo intaasi ka badan oo wali aan la cadayn tiradooda.

Qaraxa waxaa uu yimid xilli madaxwaynaha uu kulan la qaadanayay wasiirka arimaha dibadda Kenya Moses Watanguula.

Madaxwaynihii hore Shariif Sheekh Axmed ayaa markii laga guulaystay kadib ay jireen tuhuno laga cabsi qabo xaaladda Muqdisho inay ka darto, kadib markii horay ay usoo baxeen inuu cafiyay maalintii ciiddul Fidriga 200- oo maxaabiis ay ku jireen kuwa katirsanaa Al-Shabaab.

Puntland-News24
Muqdisho.

COMMENTS

RSSComments (0)

Leave a Reply