Musharax Abdiqaadir Fish oo si weyn loogu soo dhoweeyey Stockhlom

June 23, 2012   //   Warar Somaali
Musharax Mudane C/qaadir Xaashi (Fish) oo si weyn loogu soo dhoweeyey wadanka Sweden gaar ahaan Magaalada Stockholm
waxay ka mid ahayd hadaladii murashax C/qadir Ahmed Xaashi oo isu soo taagay xilka madaxtnimada somaliya, goobta soo dhoweynta oo ahayd madasha xafladaha iyo vadesta centrum ee magaalada stockholm swe, tayeynta siyaasada somaaliya oo u baahan talaabo wax ka qabasho ubaahan iyadoo mar walba loo sameeyn doono mudo cayiman si loo qiimeeyo is bedelka ku dhaca dadka iyo dalkaba, iyadoo uu ku cabiray in loo iibiyo nafta sidii loo heli laha Diamond ay sii manaafacaadsan doonaan jiilasha mustaqbalka u hari doona dalka, halka somalida joogta haatan ay u soo xoogsitaan uerope iyo waqooyiga america.
Isbedelka laga filan karro murashax ahaan hadii ay u suurto gasho himiladiisa ayuu ku soo koobay dareen fog oo ka gadmi doona bulshada tayada leh ee somalida, iyadoo uu xusay inuu ugu horeysiin doono Maal gelinta Ganacsatada yar yar ee somaaliyeed si loo gaaro bussines xoog badan ee la xeran suuqyada chine, si aan anaguna uga helno dowlada chine gacansiinta dhismaha mu,asasaatka dowlada,wadooyinka, dhismeyaasha cisbitaalo casri iyo airports dawli ah, tayeynta waxbarshada manaahijta ee dugsiyada somalia, waxaase dhici karta iney tahay dareen sax ah hadalka mosafeni ee uu ka yiri shirkii somalida in madaxda somaalida ee ku sugan saaxada somaliya ayan dhab ka ahayn wax qabad.
rajada fiican iyo dareenka waxqabad oo ah mid baahsan oo gaarsiisan ilaa toban sanno oo qorshe ah waxay kor u qaadi doontaa somalida somaliyeed in ay hesho halku dhig cusub oo noqon kara
.. african dubai..
hadiise ay balan qaadaan dhamaan jaaliyadaha soomaliyeed ee 30 sanno qurba jooga ahaa iney ku soo wada noqdaan dalka , waxaa si khaas ah loogu hir gelin doono goobo leh dhamaan asaaska nolosha ee ay uga maarmi doonaan nolosha cusub ee ay heleen mudooyinka danbe, si ay u sahlanaato ilaalinta hantida soomaaliyeed iyo ka hor taga corraptionka,
dabcan kama marna mudadaasi in lala shaqeeyo shakhsi kasta ee somaliyeed oo raba inuu wax qabta bulshada dhibaateysan si looga baxo gaajada iyo fakhriga, isla markaana loo abuuro shaqo dhalinyarada u soo koreysa bulshada, si loogu furo tabobaro heer sarre ah oo lagu dhisayo waxyiga dhalinyarada iyo siyaasiyiintaba,
waxaa isla goobtaasi looga mahad celiyay qaban qaabada xafladaasi dhamaan gabdhaha reer stockholm ee u istaagay marti gelinta murashax c/qadir, iyo kaalin saxiibtinimo ee lama ilaawaanka ah ee uu ka qaatay Dr Mohamed Baydhabo,
martida reer u.k ee madasha kulanka mss Muno Shariif ayaa si xoogisay sugaanta somalida ee kaga aadan dareenka waxqabad ee madaxtinimada somaliyeed, iyo baahida ay qabaan hooyooyinka somaliyeed ee ku dhibaateysan gudaha dalka iyo sidii wax loogu qaban lahaa, maamo faadumo cali oo dareenkeeda si gaar ah ugu codsatay murshax hashi in uu indho buuxa ku fiiriyo dadka ku jira cisbitaalada somaaliya oo dhan, gaar ahaan cisbitaal martini muqdisho laga soo bilaabo dadkii ku naafoobay dagaaladii 77 iyo gacan qabadka qoysaskooda.
Mr fish oo ku tilmaamay in ay ku soo wajahantay somaliya talaabooyin dramatic ah oo wax badan lagu dabiibi karro si loo gaarsiiyo dowlad wanaagsan oo ay ku dhisan qualified education fariinta fish iyo fadhiga vadesta oo lagu soo gunaaday oraahda oraneysa Soomaliya wey soo noqon waana loo celin wanaageedii..
Abu khaliif
stockholm

COMMENTS

RSSComments (0)

Leave a Reply