Musharaxa Al Xaaji Maxamed Yaasin oo ka hadlay xiliga kala guurka & ololihiisa doorasho [Dhagayso]
September 1, 2012 // Warar SomaaliMusharaxa madaxwaynaha Soomaaliya Al Xaaji Maxamed Yaasin oo ka mid ah ragga ugu cadcad tartanka doorashada madaxwaynanimada Soomaaliya ee la qaban doono 10-ka bishan ayaa ka hadlay xiliga kala guurka xukuumadda KMG Soomaaliya , doorashadii gudoomiyaha baarlamaanka iyo barnaamijkiisa siyaasadeed.
Musharax oo xiligaan ku sugan magaalada Muqdisho ayaa waraysi uu siiyay PuntlandNews-24 waxaa ugu horayntii uu sheegay xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya inay ku jiraan dad ay soo xusheen madaxwaynaha, r/wasaaraha iyo gudoomiyaha,ayna ku jiraan rag horay u ahaa wasiirada xukuumaddii dhacday.
Waxaa uu musharaxa uu sheegay inay arinta baarlamaanka ay tahay wax horay u diyaarsadeen madaxda dowladda Soomaaliya, si codadkooda xiliga doorashada lagu jiro ay iyaga usiiyaan, balse musharaxiintooda kalle rajaynayaan sida uu Ilaah uu ka dhigo inay u dhacdo doorashada.
Dooraashada Gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya.
Al-Xaaji Maxamed Yaasiin musharaxa madaxwaynaha Soomaaliya ayaa dhanka kalle soo dhoweeyay gudoomiyaha cusub ee baarlamaanka Soomaaliya ay u doortoon 28-kii bishii Augost Prof.Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.
Waxaa uu sheegay gudoomiyaha cusub inuu yahay nin aqoonyahan ah oo wax badan ka yaqaan sharciga iyo maamul wanaaga, waxaana uu u rajeeyay hogaanka dalka mar waliba inay noqdaan dad cusub oo ku sifoobay daacadnimo.
Ollolaha Musharaxiinta.
Al-Xaaji Maxamed Yaasiin musharaxa madaxwaynaha dalka Soomaaliya ayaa xusay maalinta Isniinta ee soo socota inay dhici doonto kulan wayn oo ay isugu imaan doonaan siyaasiyiinta u taagan doorashada madaxtinimada Soomaaliya ayna kasoo qaybgali doonaan xildhibaanada cusub iyo waliba qaybaha bulashada.
Waxaa uu sheegay kulanka in lagu dhawaaqi doono hal musharax oo ay iska soo dhex doorteen musharaxiinta doorashada madaxwaynimmnada Soomaaliya u ordaysa, waxaa uu xusay musharaxa ay iska soo dhexdooranayaan inuu u mateli doono doorashada dalka lagu qabanayo.
Ujeedka ka dambaysan tilaabadan ay musharaxiintu qaadayaan ayuu sheegay inay tahay arin taariiqi ah oo caalamka loogu muujinayo inay jiraan dad Soomaaliyeed oo siwadajir ah wax u wada qabsan kara, iyadoo xoogooda oo dhan ay ku taageerayaan hal musharax oo ay iska soo dhex doorteen.

Hamigiisa siyaasadda.
Al-Xaaji Maxamed Yaasiin ayaa waxaa uu sheegay inuu soo dhisi doono xukuumad qaran oo laga soo xulayo dad aqoon iyo karti leh, iskuna jira rag iyo dumar.
Waxaa uu intaasi sii raacshay inuu ka shaqayn doono dowlad wanaagga dalka in loo horseedo, dib usoo celinta amaanka,sharaftii iyo karaamii dadka Soomaaliyeed,iyadoona uu wada hadal uu la geli doono kooxda Al-Shabaab oo muddo afar sano ah dagaal ka waday dalka,dhinaca kallena waxaa aan ka shaqayn doonaa ka mid noqoshada ururada caalamiga ee dhaqaalaha sida OPEC.
Waraysiga musharaxa oo dhamaystiran halkan hoose ka dhagayso.
Aamina Ladan Ahmed Cali
Puntland-News24
Xafiiska Boosaaso.



Al Somalia,
A Puntland,
Al Xamar,
Al Hargeysa,
Al Garowe,
Al galkacyo,
Al F*ck al carabi,
Who of you semi-somalis are behind this?
PL24.com
Maxaa ku dhacay fikradaydii aan dhiibtay? Ma waxaa idin dhibay ka horjeed’kayga arabisation afkeena iyo bulshadeena?
Waa cajiib.
AL XAJI ku lahaa!
What is next?
Al Somalia?
Al Puntland?
Al Muqadishu?
Al Garoowe?
Al Dhuusa mareeb?
Al Qurac?
Al Qansax?
Al Gacaliye?
Stop this stupid arabisation of our language, our life and our culuture before it is too late!!!!!
Walee Somali dhaqan guur baa ku dhacay!