Musharaxa madaxwayne Maxamed Axmed Saalax oo qado sharaf ku qabtay Boosaso [sawiro]
July 13, 2012 // Warar SomaaliMusharaxa u taagan xilka madaxtinimada Soomaaliya Eng.Maxamed Axmed Saalax ayaa maanta kulan balaaran oo qado sharaf ah ku qabtay Hotelka International Village ee magaalada Bosaaso iyadoo ay kasoo qaybgaleen masuuliyin iyo dadweyne kala duwan.
Kulanka ayuu kusoo bandhigayay Barnaamijkiisa musharaxnimo iyo weliba taariikh nololedkiisa.
Musharaxa ayaa sheegay in waqtiga iminka la joogo Soomaaliya ay u baahan tahay qof samata bixin kara oo aysan u baahnayn qof qof hoos taga.
Sidoo kale wuxuu tilmaamay in haddii uu ku guuleysto ololihiisa doorasho wax badan ka bedeli doono xaaladdaha iminka ka taagan dalka isla markaana xooga saari doono sidii dib la isugu keeni lahaa Soomaali oo hal meel wax ku wada qaybsan lahayd.
Musharaxa ayaa wax kusoo bartay Jaamacaddo ku yaalla dalka dibadiisa isla markaana ku takhasusay Xirfada Injineernimada,wuxuuna kusoo bartay dalalka Ciraaq,Turkiga iyo Canada.
Odeyaal iyo Aqoonyahano ka hadlay kulanka ayaa soo dhoweeyay barnaamijkiisa musharaxnimo,waxayna sheegeen in waqtigaan xaaladda Soomaaliya ka jira uu ka saari karo qof aqoonyahan oo daacad ah.
Wasiir kuxigeenka Howlaha guud ee Puntland C/shakuur Mire Aadan oo gunaanadkii kulanka hadlay ayaa sheegay in xaaladda Soomaaliya hadda ay leedahay wejiyo kala duwan,wuxuuna soo dhoweeyay musharaxa cusub ee xilka iskusoo sharaxay.
Si kastaba Musharaxa xilka madaxtinimada Soomaaliya Eng.Maxamed Axmed Saalax oo shalay kasoo degay garoonka diyaaradaha Bosaaso ayaa la filaaya in uu booqdo gobolada kale ee dalka.















salaama calaykum walaal hombalyow hambayo baa ku leeyahay sedaas iyo si kawanaag san baakuu rajeenaayaa waxaan ahay nin u dhashay puntlaan
soo dhowoow
c.o uk
maasha allaah faysal illahay haduu khayr kuu yahay ha kugu guuleeeeyo siyaasi da yar oo aqoonyahan ah dacad ah wadanka u baahan yahay sidaada o kale
Masha Allah Masha Allah Masha Allah hadey qeyr kuugu jirto aduun iyo akhiro Illaah ha kuugu garab. Galo insha allah hadii kalana meel fog Feysal. Waxaadna kuugu bogaadineynaa jidka cusub aad reer Puntland dhalin yaradeeda u horseedey guuuuuuuuuuuul Wabilaahi tawfiiq
hilaahow nimaaan wax ogayn hacadaabin warninkan yaayirahdaa cidikuso doran mayso ee lacagtaa yaan laga dhamaysan nimanka leh lacag keen ana ga kumarinaynaa dariiqada waxay kusheegayan been marka yaan lagu lugayn ee xogaaga bowee hayska lumiin