Musharaxiin la kulmay Madaxweyne Xasan Sheekh kana codsaday inuu soo magacaabo RW. karti leh
September 19, 2012 // Warar SomaaliMadaxweynaha Dowlada Federaalka Somalia ayaa la kulmay qaar ka tirsan musharaxiintii uu kaga guuleystay tartanka madaxtinimada Soomalia, kuwaas oo markii u horeeysay ay kulan isla qaateen.
Musharaxiinta ayaa u soo jeediyey Madaxweynaha cusub inuu soo magacaabo Ra’iisul wasaare karti iyo aqoon leh, si howlaha hor-yaala dowladda horay ugu socodsiiyo.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa uga mahad celiyay qaar ka mid ah Musharaxiinta cododkkii ay siiyeen wareegii labaad ee doorashada, taasoo u suura gelisay inuu kaga guuleysyo cod aqlabiyad leh Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed.
Musharaxiinta qaar ayaa waxaa damac ugu jira xilka Ra’iisul Wasaaraha, inkastoo Madaxweynaha uu doonayo inuu soo magacaabo Ra’iisul wasaare ku cusub saaxada siyaasada oo aanay aheyn kuwii horay u soo maray.
Raga ugu cad-cad ee la saadaalinayo in loo xusho jagada Raisulwaaaraha ayaa ah dad aqoon yahano ah beel ahaana kasoo jeeda beesha Daarood. Iyadoo magacyada la isla dhex marayo marba marka ka dambeeysa ay is bedelayaan ayaa hadana shakhsiyaad si weyn looga hadalyo Muqdisho waxaa kamida: -
1- Siciid C/laahi Maxamed oo ah nin aqoon yahan ah in muddo ahna kasoo shaqeeyey arrimaha waxbarashada iyo tacliinta sare.
2- Maxamed Nuur Doodishe oo macalin ka ah Dalka Sudan
3- Siyaasi Cali Cabdi Awaare ayaa isagana kamida raga magacyadooda la hadal hayo
4-Cali Ciise Cabdi aqoon yahan qaramada midoobay kasoo shaqeeyey ayaa isagana kamida raga daneynaya inay xilkan qabtaan.
Sida uu madaxweynaha Somalia xaqijiyey waxaa jira ayuu yiri rag badan oo magacyadooda iyo Cv-gooda noo soo diray, laakiin waxaan ku jirnaa ayuu yiri kala xulasho iyo wadatashiyo ku aadan qofka kama dambaysta noqon doona R/wasaaraha Somalia.



sax raysalwasaaraha waa in u noqdaa mid daacad ah
Half of our country is occupied by foreign nations. Our country is divided in to no man’s land states, one and million of our people are counted as non existance and out of reach, more than two million are in the world that as foreigners, foreign tribes of unknown origin occupied our Capital and turned in to ruins, as they similar to other towns. Occupations and unknown political imitations are the ways for survival for them.
When the crime that born in 1990 will come to an end.
W.KH
Hassan Sheikh: you are not the real hassan Sheikh, and you will never, never , never, never resolve any somali problem, but you will complicate it. Because you are one of those who truned somalia into ruins, and brought down the somali flag all over the world. You will be considered one of the crimals who occupied occupied, one of those who took Mogadiahu as a hostage.
When somali people will understand you criminal people.
W.Kh
raiisal wasaaraha waxaa loo wadaa nin aqoon yahan ah oo kasoo jeeda gobol ka bari waxaa na layiraahdaa DR BASHIIR MAXAMUUD CALI YARE
Waxaan rajeynayaa inuu noqdo nin daacad ah oo aan Badda Soomaaliya beecgeyn oo kenya waxay u goodineyso kala tuura kana hor istaaga shidaalka ay ka qodeyso xuduuda ay la leedaha badda Soomaaliya