Nabadoon C/laahi Maxamed Xasan iyo walaalkiis oo maanta Gaalkacyo lagu aasay
July 31, 2012 // Warar SomaaliNabadoon C/laahi Maxamed Xasan Farey iyo walaalkiis Cismaan Maxamed Xasan oo xalay kooxo ku hubaysan bastoolado ay ku dileen magaalada Gaalkacyo ayaa maanta lagu aasay qabuuraha Cirjiif ee duleedka magaalada Gaalkacyo.
Aaska waxaa ka qaybgalay maamulka gobolka Mudug, kan degmada Gaalkacyo iyo dad wayne kasocday xaafaddaha magaalada Gaalkacyo.
Gudoomiyaha gobolka Mudug Maxamed Yuusuf Jaamac “Tigey” oo ka dib aaska warbaahinta kula hadlay magaalada Gaalkacyo ayaa sheegay horay magaalada Gaalkacyo in lagu dilay dad badan oo ahaa indhihii ay shacabka Gaalkacyo wax ku arkayeen sida nabadoono iyo siyaasiyiin.
Waxaa uu isweydiiyay maxaa naloo dilayaa? yaa ina dilaya? xagee ayay dilalkan ka socdaan?
Md Tigey, waxaa uu hoosta ka xariiqay hadii raadraac lagu sameeyo oo arimahan la baaro guullo laga gaari lahaa, balse taa badalkeed waxaa nasiib darro uu ku tilmaamay sokeeyaha ama dadka wada dhashay ee gobolka ay iyagu isku mashquulsanyihiin,taasina aysan dan u ahayn shacabka gobolka Mudug.
Gudoomiyaha waxaa uu xusay inay jiraan dad cadaw ah oo Puntland kusoo duulay, falkii arxanadarada ee marxuumiintan lagu dilay ayaa waxaa uu tilmaamay inay tahay arimmo ugub ah oo dunida kalle aysan ka dhicin.
AHU Col.C/laahi Xasan Farey oo nabdoonada Gaalkacyo ka mid ahaa iyo Maxamed Xasan Farey ayaa labaduba la dilay xilli ay kasoo baxeen masjid ku yaalla xaafadda israac ee magaalada Gaalkacyo, iyagoo kusii jeeday hoygooda magaalada Gaalkacyo.
Kooxihii labada marxuum dillay ayaa baxsaday ma jirto cid ka gacanta kusoo dhigtay.
Puntlandnews24



Walalyaal rer puntland waxa in shegayaa dhibkaan iyo curyamintaan waxa wado wa nimankkii nabad diidka ahaa oo wajiga xirnaa oo xamar iyo galgaduud laga so sifeyay ba mel ay galaan laa waxa nabadonada iyo cuqasha laya waiyaka marka nabadonkan ilahay aya janadii ugu bisharenayo isha allaah wayo bil ramadan aya ladilay waqtiga ladilayna masajid ayu kasobaxay sida webka lagusoqoray marka asaba nasiib leh oo aso sooman misna masajid horti lagudilay marka ilahay aya ubaryenaa adinkana samir iyo iimaaan alaha inkasiyo wixii dhib iyo qas inkuwado iska qabtaa. Waxa manta puntland qasaya wa kuwi naso gubay ooo odayasheni iyo wax garadkeni horay uso qarajiyeen ee marka mamulka dadkisa wa inu amankoda sugaa marabno mel nabdoon in la qaso qas iyo dil anaka 20 sano nagula hayay oo manta ilaaah nafis yar nasiyay marka indhaha furtaaa qafki ad ka shakisaaan police ka uso shega intaas aya gul kugaresaaan anaka noso duceyaaa iyo dhamaan somaliweyn in ilaaah isukenoo
Inaa lilahi wa inalahi rajicun ilahay ha unaxaristo labada marxuun ba ilaaahay samarna haka siiyo dhamaan umada soomalyeed uu kageeriyoodeen gaar ahaan shacabka puntland iyo qaraa badiisa iyo qoyskuu kabaxay ilaahay ha soo fududeeyo qabasha dambiilayaashii falka geystey
Ascww
waxa aan tacsi u dirayaa dhammaan eheladii uu ka geeriyooday Nabadoon c/laahi iyo walaalkiis. ilaahay ha u naxariisto.
Dadka maantay madaxda ka ah,maamulda farah badan,ee ka jira somalia,runta ma sheegaan.waa la ogyahay waxa dadka ku dilaya gaalkacyo.
waa tan hore ee inta badan dilalka ka dhaca gaalkacyo,waa kuwo ay sabab u tahay,aano qabiil.
tan kale waa kooxo abaabulan,oo argagixisa ah.
kuwana waxaa fuliya,burcad badeed,oo gaashaan ka dhiganaya qabiil.
marka waa nasiib daro in,in la yiraahdo yaa,dadka dilaya.inta aan si sax ah,loo wajahay dhbta ka taagan,xaga amniga way sii socon,tana uma danbaynayso.
inaa li laahi wa inaa ilaahi raajacuun waxaa naga geeriyooday hadaan nahay umada soomaliyeed gaar ahaan reer gaalkacyo
gaar ahaan reer dudun nabadoon ABDU LAAHI AXMED FARAY ilaahay jacadiisa ha ka waraabiyo samir iyo iimaana ha naga siiyo anaga iyo heheladii uu sida khaas ka ah uga geeriyooday
waxaana intaa ku dari lahaa hadii meesha cadaaladi ka jirto waa in cadaalada la horkeenaa oo waajib kooda lamariyaa maxay tahay dadkii indhaha noo ahaa in maalin kasta si fudud loobaduugo waxaasi bili aadan tinimo ma aha ´dadka xun xun ee somali indhaha ka ridaya oo aa ilaahay garanayn ee bish rabadaan dadka laynaya la lasoo qabto wadakana ha lagasifeeyo oo arikaan dhamaan waa inaan wax ka qabanaa sidaan si ma aha dabar goyn ayaa nalaku wadaa waxaana dadbaa meesha ka wada aniga waxaa filayaa jihaad gaalo nagu wado ayaa meesha kasocda oo larabo in nalagu dabar gooyo yaan lafududaysan arintaas
INAA LILAAHI WA INAA LILAAHI RAAJACUUUN ILAAHAY WAXAAN UGA BARYAYAA I ASAGANA UU JACADA KAWARAABIYO EHELKII IYO QARAABADII
UU KA GEERIYOODAYNA UU SAMIR IYO IIMAAN KA SIIYO WAA BIL RABADAAN GACAN KA XAGQDARANA WAY DISHAY ILAAHAY HA UNAXARIISTO ANAGA OOO DHAN AUUU NAGA GEERIYOODAY C/LAAHI FARAY
NABADOON KAYAGII AYUU AHAA CIDII DISHAYNA ILAAHAY CADAALADA HA HORKEENO OO HA FASHILIYO DHAGARTOODA WAANA IN WAAJIBKOODA AY BARISAA DAWLADU HADII MEESHA DAWLAD KA JIRTO
Ugu horayn anoo ah burhaan yaasiin cali waxaan halkaan tacsi uga dirayaa dhamaan eheladii iyo qaraabadii alle hawnaxariistee cabdullahay maxamed xasan iyo walalkiis guduudow alle waxaan uga baryayna inuu naxariistiisii waadho siiyo aamiin aamiin
tacsi kadib waxaan tolka usoo jeedinayaa arintaani ma aha arin argagixiso balse waxaan u arkaa arin si ula kac ah la inoola danlaha laguna talagalay in indhaha layna karido marka yaan layna marin habaabin oo meelo kale layna ku jahayn ee arinta halaga farabuuxsado oo yaan sifudud wax loogu dagdagin allena waxaan idankiisa iyo awoodiisa ku waydiisanayna in alle kashifo oo banaanka soodhigo
anigu waxaan oran lahaa dad weynaha somaliyeed meelkasta oo ay joogaan in midkastaa uu bistoolad qaato oo uu naftiisa ku ilaashado maxaa yeelay maamulada kajira somaliya waa maamula aad utabardaran oo ayadaba ubaahan in lakaalmeeyo marka yaan la isku haleynin waa in la is hubeeyaa oo maamul aanan la isku dhigan.
ina ilahi waa inaa ilahi raajacun waa fal aad iyo aad logaa naaxo illahay waxaan uga baarneena naaxariis tii janada kuwii diilaynah waxaan alle uga baarnena in ugaacan biir ah kusoo qaabto aduun iyo akhiiraaba waayo waxaan ku jiirna biil baraakeesan insha allaah
Allaha u naxariisto iyaga iyo wixii muslim ka horeeyey iyo wixii kadanbeeyaba, reer gaalkacyo ilaa khilaafkoda ay dhameeyaan ayna mid noqdaan hawshani waa soconaysaa cadowguna waa kafaa iidaysanayaa ee allaha badbaadiyo,wabillaahi towfiiq