Hadal-Heynta Maanta: Nabadoon Yaasiin Cabdi-Samad Oo Arrimo Yaab Leh Kashifay [Dhegeyso]

January 8, 2013   //   Warar Somaali

Nabadoon Yaasiin Cabdisamad Cumar oo kamid ah nabadoonada Gobolka Mudug ayaa warbaahinta maanta kula hadley magaalada Gaalkacyo waxaana uu ka hadley arrimo badan oo khuseeya Puntland marxaladihii ay soo martey iyo Puntland iyo halka ay maanta taagan mareyso. 

Arrin fajaciso ah oo uu Nabadoonka soo qaaday ayaa waxay ahayd, kadib markii 3 masuul oo kasoo jeeda Garoowe ay u balan qaadeen nabadoonka inay dhaqaale iyo jago ku abaal marin doonaan hadii uu iska dhaafo qaylada iyo mucaaradada uu ku hayo xukuumada Faroole.

Todobaadyadii u dambeeyey waxaa fadeexado waaweyn oo banaanka lasoo dhigay ay hareeyeen masuuliyiin ka tirsan xukuumadii Faroole, iyadoo barasaabkii Bari uu kamid ahaa masuulkii u dambeeyey oo la helay codkiisa oo maqal ah isagoo codsanayey laaluush dhan 20-kun oo dollar.

(Halkan Ka dhegayso Nabadoon Cabdisamad Siro Qarsoonaa)

Nabadoonka ayaa ku sheegay magacyada raga ay is arkeen ee balan qaadka laaluushka ah u sameeyey ay kala ahaayeen:-

Wasiirka Tacliinta ee xilkiisu dhamaaday oo lagu magacaabo JUXA wuxuu kasoo jeedaa deegaanka Garoowe waa nin si weyn ugu dhow madaxweynihii xilkiisu dhamaaday ee Puntland.

 

 

 

 

 

2- Cali Yusuf Xoosh [Cali Gaab] waa wasiir ku xigeenka arrimaha gudaha Puntland iyo waliba wasiirka KMG ah ee wasaarada kadib markii wasiir Ilka Jiir uu isaga tagay booskan.

3-Axmed Caydiid oo isaguna kamida xafiiska madaxweynihii xilkiisu dhamaaday wuxuu ku magacaaban yahay agaasinka madaxtooyada. 

COMMENTS

RSSComments (16)

Leave a Reply | Trackback URL

  1. ACWW,
    Allah ka baqa oo aflagaada iska daaya, waxii talo ah oo ey Diinta nafareyso aan sameyno.

  2. GEELLE says:

    ANIGU WAXAAN LEE YAHAY MARKA HORE ALLE KA CABSADA OO ISKA DAAYA CAYDA DADKA AMA REER HEBEL MARKA XIGA NABADOONKA WAA KU CEEB INUU DAD MADAX AH AMA SHABACA AFLA GAADEEYO MAXAA YEELAY

    WAA TII LA ORON JIRAY ODAY REER UWEYN IYO UMULISO MIDNA SIDA UU WAX U OGYAHAY WAX UMA SHEEGO TANKALE WAXAAN AHAY REER NUGAALEED WAXAAN U SOO JOOGAY ALLAHA U NAXARIISTEE CABDULLAAHI YUUSUF OO XILKII LOO DOORTAY WAKHTIGIISII DHAMADAY DAGAAL LAGU DHINTAY GALAY OO LOOGA ADKAADAY TOLKIIS AADAY OO QURACA WEYN OO GOBOLKA MUDUG KU DHEXYAAL SHIR QABIILO KU QABTAY OO LEH WAR CIIDAN IYO HUB IYO TAAGEERO QABIILBAAN MAANTA U BAAH NAHAY RAGII GOOBTA FADHIYE NIN MAAHANE WAA LA ISWADA RAACAY NINKAASI WAA TUU YIRI HADII DADKA BARI NUGAAL KARKAAR DAGEN AAN KU DUULNO DHAAWACA XAGEE GEYSANAYNAA NINKALAA U JAWAABAY OO YIRI TAAS HADAAD KA FAKARTAY WAA CUNAYNAA WAA CABAYNAA WAA CAYRINAYAA XAGEE GAYNEYSAA ADIGU SIDAAS BAA CODKAASI KU DHAMAADAY SHEEKH IYO GANACSADE ODAY OQOON YA
    HAN BADANKOOD WAA LA IS WADA RAACAY WAA LA DUULAY GAROWE WAA LA QABSADA WIXII LADOONO WAA LASAMEEYEY NINKII LADOONO WAA LA DILAY QARDHO IYO BOSSASO WAA LA QABSADAY HADDE NABADOONKUNA WAA SHAQEEYNAYEY TAARIIKHDU IYADAA IS QORTA BEEN MAAHA WAXAAN USOO JOOGNAY IYADOO CAAGAD DHEXTAAL GAROWE OO MAANTA LOO ARKO MEEL DADKA LAGU DHIBO WAXAA SIDDAA YEELEY WAXAY AHAYD TOL YEELKIISAA DHAQDA TANI MAANTA WAA KA DUWENTAHAY XOOG MAAHA WAA SHARCI KU HADAL WAA 1 SANO MA MUDNA IN AAN WIILASHADA KU DILNO AMA WALAALAHAYO JUXAA,CALI GAAB, IYO AXMED CAYDIID,WAA MASUULIYIIN HADAYSE CEEBTAHAY WAXAY LA MIDYIHIIN GAAGAAB,CARAYS,IYO INA DHEEG SOKEEYE OO AAD SHALAY KU FARAXSADAYDEEN TANKALE REER MUDUGOOW HADAAN NAHAY REER NUGAAL ARMAAN XEER IDINKU LEE NAHAY OO MUDAN NAHAY TOL YEELKII BAA DHAQDA

  3. Ina Adan Dabcad. says:

    Maanta ayaan ogaaneynaa haddiii reer Abtigey
    Majeerteen ey ka caqli badan yihiin Hawiye iyo Haddii kale !!!!
    Ayadoo ey cadaw ka kulaalayo xaga Galkacyo iyo xaga tuka raq iney iyaguna xabad isu qataan in kale.
    Waxaan u heystay in Reer Abtigey ey ka caqli rooni yihiin Hawiye. lakiin waxan kale oganeynaa maalmaha soo socda.

  4. KULMIS 1 says:

    KU;midgaanka dulmanoow,sidaada dadku bakhtiga maay cunaan,Ee Nabadoonka haaw gafin Yibir yohoow adigaa bakhtiga Cunaa

  5. SYL says:

    Dhalin yaradii xaggee ka baxday? puntland idinkoo taagan ayaa la kala gadanayaa, waxaan idinkula talinayaa intaad midowdaan oo qabiilka iyo qashinka idinka buuxa ka baxdaan aayihiina ka tashada oo iska soo xula rag aqoon yahanno ah oo gorgortanka idiinka qayb gala puntland na badbaadiya, shir deg deg ah halla qabto oo adduunkoo dhan laga soo wada galo hana lagu doorto “Delegate” u dhoofa Puntland oo badbaadiya.
    Waxaynu u baahanahay “New generation SYL”

  6. wiil bari says:

    ALLOW sahal meesha ini Caydiid, Juxa, Cali kintir iyo dirka xaaraamiyaal nin xalaal ku dhashay kuna barbaaray ay doonayaan iney fidmeyaan YAAHU QAD IYO HUS

  7. Jaale says:

    ASc

    Marka hore waxan u mahad celinayaa Nabaddoonka iyo Wax garadkiisa san ee ku dhisan xalal quudadka iyo akhiradiisa oo u baqay.
    Tankale waxaan leeyahay halahelo Dowladd xalaala iyo dad xalala oo aan laalush iyo qurun qaadan.
    Haddii la heli laha nabadoona asagoo kale ah wadadnkoo dhan baa hagagi lahaa.
    Ninka leh iska qaado waa nin aan wadani ahayn akhir moogna ah ilaahna aan ka cabsanayn baa tahay haddii uu laalush iyo xaaran qaato, Barri ayaa waxaa lagalinayaa Qabri 2-Miters ah markaas maxaa ku jawaabi lahayd.
    Dhanka kale adiga miyaa wax kaa soo gaareen dhadhamadaas waa adiga Nabaddoonka Garaafaynaya ee kula talinaya inuu xaaraan qaate noqdo, hadaba ilaah ka cabso oo ka waantoob arintaas haddii ay kaftan kaa tahayn,baadil iyo xaaram laguma kaftamo.
    Somaliyeey Midooba oo danihina ka tashaada .

  8. Ayaan daro ! says:

    Waxa ayaan daro ah in maanta waqti laga joogo labaataneeyo sano aan ku aragno cariga soomaliya nin u dhaqmaya sidim rajiimkii.
    dadka u haysta wax aan wax ogayn ama mmasuul ahayn.
    Qiso cajiiba baa waxay dhex martay sida la sheegay nibiyaalahi adam iyo malakul moot.Adam (CS)baa arkay tafiirtiisa mid aad u birqaya oo ifaya markasuu warsady ilaahy oo yiri kani muxuu ahaa ,waxaa layiri waa nibuyulaahi Daaúud CS,waxuu ka yaabay cimrigiisa oo la yar waxuu yiri 40 sano ha laga siiyo cimrigayaga .Maalintii danbe yaa waxa u yimi abuunaa Adam CS malakulmawt waxuu yari maxaaad ahay waxuu yirri waxaan ahay mid loo soo diray inuu nafta kaa qaado.waa doodeen oo Adam waxuu ku dacwooday in wax u hareen,wax la xasuusiyay in uu wiilkiisii Daaúud siiyay calyhi salaam.
    Waxuu yiri hadii laburuyo xashaa anbiyadu ma buriyaan iyo saalixiintu cahdigee saw uun dhamaan mayso oo hadan nafta lagaa qaadi maayo.
    Nabiyulaahi Adam Cs waa ogolaaday oo waxuu u daayay wiilkiisii cimrigii uu siiyay.
    Blahadaba Faroole iyo nimankan isku dhjinaya Xukunka saw ma oga sanad inuu maanta lamid yahay bil,ooo dhmaan maayo maxaa xigaya ,hadan u taratan iyo ku shubasho sawmaah waxay rabaan ileen hantidii wadankay siday rabaan ugu tasarufayaane,in laga ogolaado maaha maalin in loogu daro waayo waa degteytar yuu kugu sii xoogaysan hadduii kale waxay inku qaadanay inta shacabka Suuriya ay ku qaadatay.

  9. muna says:

    cidii qaadata lacag xaarana iyadaa ilaah ku la xisaabtamayaa,lakin adinka maxaad u xafidi weydeyn sirta ,maxey kuu tari inaad sheegto ,qof ceybeyso ,lakin u dheh ilaahey ka cabso ,jooji xaaranta maxaad u ceybeyn walaalka muslim ah ,xaasidnimada joojig iyo cadowga nimada fog please

  10. hoojiye says:

    waxaan lee yahay xoolo la soo dirsaday oo lagu soo siidaayay wadanka weeye wixii khal khal wada cagtaan ma rinaynaa siibi wixii sheegta reer mudug maxaa yeelay reer mudug fidno mooyee wax kale kama shaqeeyaan ilaa aduunka la abuuuray waxay wadeen fidna uun ma haday daahir noqdeen taasina waa wax lala yaabo adeerayaal isku xishoodoo dadkiina dhinac karaaca xoolo la soo siidaystaa tihiin wixii la idin siiyo qaata mida kale waxaad ku sheegaysaan saw ma ahan qabqable isin isku sheegay mar xil doontay siyaasada caga lagalay
    waxaaba igula siiyaab badan isin puntland u dhashay oo la ilaaliyo ma jiraan isimada mudug ka soo jeeda maxay galeen ileen sidii siyaasi ayaa loo ilaaliyaa ma umaday ka duwan yihiin

  11. Afqalooc says:

    Ninka la baxay Baarlamaanka Dulmanow walaale ninkan nabadoonka ah waa xalaal quudato alle kacabsaday hadduu ka fogaaday maxaad u leedahay xaaraanta wax ka boob, alleylehe ragii aan arkayay wejiyadooda hoog iyo halaag waa ka muuqday, naarta alle ha ku fogeeyo nin umadi aamintay dantiisana fiirsaday, nabadoonka waxaan leenahay alle hakuu siyaadiyo iimaankaaga suuban, nabadoonada leexdayna iimaanka alle hakusoo celiyo.

  12. qashinkan qabyaalad iyo nin jecleysi ayaa indho beeley oo isku raacaan dhalinyaro, odayaal, haween, waxgirad ma ukala haraan waa dameeri dhaan raacday 4tii sano lasoo dhaafey puntland waxey ka dhigteen musqul ay sidey rabaan ugu xaaran musuqmaasuqa, laaluushka iyo qabyaalada ayaa sharci u aheyd maamukoodii wakhtigu ka dhamaaday.

  13. gabar mudug says:

    nabadoon maansha allaah maansha allaah

  14. gabar muduc says:

    scww qof xalaal u bartay kuna dhashay kuna dhaqamay xaaraan uma cuntato taas ogaada inuu aakhiro ka aado buu ka magan galay wixii waxaas cuna rabi xisaab tiis baa sugaysa iyo qabrigii 2mitir ahaa maansha allaah nabadoon rabi haku xafido in aad puntilander xalaal ah tahay baa umada u cadaatay shiikh nabadoon rabi aduun iyo aakhiro haku liibaano aamiin aamiin

  15. heelo laasqoray says:

    inaalilaahi wainaa ilaahe raajicuun ma saasaa xukuumadii puntland u danbaysay waa nasiib darro inaay sidaas oo kale dhacdo laakiin waxaan ogahay ninka juxa la yiraahdo inuu musuqmaasuq ku caan baxay sababtoo ah waxaan ogahay siduu u maamulay deeqdii waxbarasho ee puntland ka heshay turkiye marka la yaabi maayo mida kale oo ka sii muruga badan in isimadii aay dadkooda iyo dalkooda shilimaad siistaan mida ka sii daran waxa weeye in reer garoowe dhalinyaro,aqoonyahano,isimo,waxgaradkoodii uu noqday isma dhaanto iyo dhasheed oo aay faroole xumaan iyo wanaagba ku raaceen laakiin reer nugaal waa laaydin bartay reer puntland waa idiin barteen shimbiri maalin baay dab qaaday maalintiina minankeeda ama gurigeedaay gubtay reer garoowe maantay puntland majaraha u qabteen laaydin arag dib danbena cidi wax idiinku dhiiban mayso awalba waxaa laaydinku xaman jiray inaad ariga raaci taqaantiin laakiin siyaasada aad daaqada kaga soo boodeen!!!!

  16. Adeer maad iska qaadataid xoogaagaaga cid kale oo hawshaada kugu raacda heli mayside, dad kuwii kuu xigay ayaa guranaya laalaaush maalin iyo habeen oo ku daba maraya.

Leave a Reply