Nabadoon Col. C/laahi Xassan faray oo caawa Gaalkacayo lagu dilay

July 30, 2012   //   Warar Somaali

Waxaa caawa magaalada Gaalkacyo lagu dilay marxuun Col: C/llaahi Xassan Faray oo ka mid ahaa nabadoonada magaalada Gaalkacyo.

Wararka la helayo ayaa ku waramaya in marxuunka lagu dilay xaafada Israac, xilli uu salaadii maqrib kusoo tukaday masjid  altaqwa aan sidaasi ufa fogayn gurigiisa, waxaana isla goobtaasi lagu dhaawacay mid ka mid ah caa’iladiisa oo la socday maruxuunka markii ay dhagar-qabayaashu dilka u gaysanayeen.

Dad goob-joogayaal ah ayaa ku waramaya sidii caadada Gaalkacyo u ahayd inay goobta isla xilligiiba ka baxsadeen dhagar-qabayaashii dilka u gaystay marxuun Col: C/llaahi faray, waxayna ku hubaysnaayeen bistoolado sida wararku tilmaamayaan.

Warar kalena waxay sheegayaan in walaalkiisna lala dilay wixii kusoo kordha isha kuhay

COMMENTS

RSSComments (5)

Leave a Reply | Trackback URL

  1. qoofale says:

    anigu waxaan qabaa in ninkani xiliga ladilay waa xil masjidku dad badani ay joogeen marka dadkaa maxay nimankaa dilay ninka ay hadii ay san xitaa gacantooda kaga dhicin karin waxay ahayd in ay kudadaalaan sidii nimankaa u ogaan lahaayeen una soo sheegi lahaayeen marka waxaan is leeyahay meesha timir laf maa kujidha oo sheekooyinkan dilka ah waa wax raali laga yahay .

  2. Aad ayan oga xumahay dilka nabadonka isla markana aha saraakishi Qaranka ee fara ku tiriska ahayee ka haray oo intoda badani ay ugaarsaden Qoom u adega dano shisheye & Qabilil * allaha u naxaristo inta u ka tegey & dhaman shacabka somaliana samir iman allaha naga wada siyo Aamin?

  3. daljire says:

    marxuumka allaha u naxariisto.
    dadka reer gaalkacayose waa in ay kafekeraan sidii ay arrintaan meel uga soo wada jeesanlahaayeen sidii wax looga qabanlahaayeen.

  4. Gacaliye says:

    Walaal Qaasim,
    cudurka aad sheegtay Somalia dhan bu ku dhacay!
    Tusaale: Degmo ka midah Xamar baa dadkii ku noolaa iskaasha’deen oo damceen inay qashinka dariiqyadooda ka guraan,2005tii.

    Markasaa waxaa u yimid Muuqadisho mooryaans oo yiri howshaan “mashruuc wayee mana qaban kartaan”!
    Xusuusnow:
    1) in dumarkii dariiq’yada nadiifinayey Xamar lagu xasuuqay 2010-2011.
    2) in Sicilian (Italian Mafioso) ilaa maanta ay diidan yihiin in qashinka magaaloyinka laga guro.

    Markaa waxaa inasoo gaaray infektionkii Mafioso Italiana!

  5. Qaasim says:

    Reer mudug doowlad majeclo ayagaa qeeybsan qofkii qof dilo qabiilaa lagu difaacaa burcad badeed qabiilaa lagu difaacaa alshabaab khawaarij qabiilaa lagu difaacaa ceel hadii in laqodo ladamco waxaa imaanaa dad barkado leh iyo dad booyado ku shaqeeysto xoola dhaqatada oo ayaga ceelka dan u ah qabiil ku difaacaa islaanimada iyo qabiil qabiilkaa la weeyn

Leave a Reply