Gobolka Nugaal Horyaalka gobolada Puntland {Puntland Champions} Nugaal-2 Karkaar-2

February 12, 2012   //   Sports, Warar Somaali

Nugaal-6    on penalties           Karkaar-5    on penalties 

Waxaa haatan soo dhamaatay Koobkii lixaad ee gobolada Puntland oo ay maanta iskugu soo hareen gobolada Nugaal iyo Karkaar, waxayna labada kooxood soo bandhigeen ciyaar wanaag ay u sii dheertahay Discipline.

Nugaal waxay goolal dhaliyeen qaybtii hore ee ciyaarta, halka Karkaar iyana ay goolal dhashteen markii laga soo noqday nasashada.

gobolka Nugaal waxaa maanta ugu firfircoonaa C/laahi Gacan, iyo Geesey, halka Karkarana ay maanta wacdaro dhigeen c/raxman iyo daac.

Akhirtiaankiina waxay ku soo dhamaatay 2-2 balse gool ku laad ama rigoore ayey Nugaal ku qaaday Koobka, kadib markii Karkaar ay hal Gool kulaad iska cuneen, 5 gool ku laadna dhashteen, maadaama gool ku laad dheeri ah loo baahday oo ay labada xul ku kala bixi waayeen xataa rigooreyaal, ayaa markii dambe gool ku laad muhiim ah waxaa cunay Liibaan yare oo xulka Karkaar ka tirsan, halka Geesey uu isku soo duubay kubadaas. Nugaal sidaas ayey lix gool ku dhashteen karkaarna shan gool.

Kooxda ka socotay Karkaar waxay soo bandhigeen ciyaar weerar badan, ay ku qaadeen dhanka Nugaal, waxaana dhowr mar ay iska khasaariyeen fursado gool loo qaateen ahaa.

Kabtanka Karkaar oo la hadlay saxaafada rigoorayaasha kadib ayaa u sheegay in xulkiisu uu ku qanacsan yahay natiijada maanta soo baxday, wuxuuna hambalyo u diray xulka Nugaal ee maanta sida dirqiga ah ku qaaday koobkii horyaalka gobolada Puntland.

Waxay muujiyeen labada gobol, inay soo bandhigaan akhlaaq iyo asluub ciyaar yahanimo, waxayna mar walba muujinayeen sida ay walaalo u yihiin, dadkana tusaale ugu yihiin, maadaama ciyaaruhu ay kamid yihiin is dhexgalka bulshada.

Malaayiin qof ayaa caawa, fagaarayaal ku yaala caasimada ku debaal degi doona, iyadoo Qardhana, sidoo kale laga hadal hayo soo dhoweyn qiima leh loo soo samayn doono xulkooda oo dabcan billado la gudoonsiin doono.

Waa koobkii ugu xiisa iyo xamaasad badnaa ee inta la ogyahay Puntland ka dhaca, waxaana maanta goob joog ka ahaa Madaxweyne ku xigeenka Puntland, wasiirka aminiga iyo madax kale oo ay kamid ahaayeen taliyaha booliska Puntland, labada duq magaalo ee Garoowe iyo Qardho.

Hambalyo ayaan leenahay xulka gobolka Nugaal ee maanta Koobkan ku guuleystay, waxaana sidoo kale hambalyo leenahay xulka gobolka Karkaar oo iyaguna muteystay amaan iyo bogaadin.

COMMENTS

RSSComments (21)

Leave a Reply | Trackback URL

  1. somalilander says:

    kkkkkkkk kkkkkkkkkk waad salaamantihiin walaalayaal waan ka xumahay runtii waxaan umalaynayay garoweda la sheego miday bala ka dhacdaydee kkkk kkkkk kkkkkkkk anigu iminka ciyaarto markay dhacaysay waan joogay lkn kuwa yaryaroo la dhoho kalkaal baan umalaynayaa war inama caadiya ba mayna ahayn waxa la oran karaa ciyaarta iyaga uunbaa hogaaminayay marka walaalayaal waxaan idin odhan lahaa ha wareerina dhalinyaradii kalkaal na waan u hanbalyaynayaa kkkkkkkkkk kkkkkkkkkkkk taas waxaaba ka daran wax walba maxaa garowe lagala doona kkkkkkkkkkk taasaa ka yaab badan war iminka haday deeq waxbarasho tahay iyo hadii kaleba tolow ma waxay isdheheen puntlanba waa garoowe waa yaab waa yaab kkkkkkkkk kkkkk kkkkkkkk kkkkkkkk

  2. mudug boy says:

    KALIIF WAAN KUQOSLAY QORAALKAAGA KKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKK WALAAL CIYAARAHA GOBOL BAA MATI GALIYEY GOBOLKAASAY KU BILAWMAYAAN KUNA SOO GABAGABOOBAYAAN

  3. daahir says:

    ninkaan khaliif shaaganaya markaaad leeadahay hadii 10 daqiiqo lagu dari lahaa qardho 2 gool oo kale ay dhalin laheyd markii hore maxey u dhalin weydey mida kale dabeysha adiga kaliya kugu socoto waa maxay haafkii hore ayaad god gashey nugaalna haafkii danbe ayey god galeen mida kale nugaal iyadaa jaanis ku siisyey aad labo gool ka dhalisid hadii sidii haafkii hore ay u ciyaartey ay kan danbana u ciyaari laheyd karkaar 4-0 ayaa looga badin lahaa mida kale ciyaartii hore 2-1 maxaad isaga celin weydey waa adiga waqtiga ku andacoonayaa ileyn madax baa joogto koob baa yaao khudbado ayaa lasoo jeedinayaa waqtiga ayaan saamaxaynin in 30 daqiiqo lagu daro hadiise lagu dari lahaa karkaar ayuu weerarka ku socday 2-2 wixii ka danbeeyey adigoo lagu weerarayo ayey ciyaartii dhamaatey rigooradase waa iska nasiib cidna lama dhalan hadii nasiibkaaga sidaan noqdey iska samir

  4. wan ka xumahay dadka iska calacalaya sxbyaal gar labo nin kama wada qosliso awalba mid baa qaadi lahayd taasna waa dhacday tan kale walashay khadra waxan leyahay ciise mohamud maxaa kusoo ururinaya mire awaare maba qaadee tan kale dagaal meesha ma oolin tan kale dadkii garowe ku dhashay oo ku dhaqmay oo cismanka aha iyo kuwa qardho ka yimiba waa jogeen mana lihin cisman baa is urursaday marka qabyalada iyo ciyaarahu waa kala baab cadalad inay ku dhacdayna waa cadaan oo taas nimaan joogin loogama sheekaynayo calakulixaal koobkaas dad baa haysta ee yan la oran mxay u qateen sidee next year u qadanaa ku fakera

    wabilahi towfiiq

  5. P land law firm says:

    Kkkkkkk dad ka doodaya waxaa isaga khaldan game play off ah iyo tournment,kkkkkkkk brothers waxan waa sida world cupka oo kale oo hal gobol min bilow ilaa dhamaad martigelinayo ama final hayimaado ama groupka haku haro, ee maaha game play off ah oo magaalo dhex dhexaada lagu qabanayo, so fadlan reer bari shuruucda sportiga tixgeliya markaad doodaysaan fadlan,kkkkkkkkkkkkk ama dhaha haka gabanine faroole iyo wiilashoosa ,,,,,,,,,,,,,,,,,, ,sidii caadada idiin ahayd,wabillahi towfiiq

  6. Waxaa qabaa in dalka ay ka shaqeyso cadaalada Laakinn shalay ciyaartii dhacayday Boqolkiiba boqol waxaa ciyar wanaag muujiyey Xulka karkaar mahan taageero aan u haayo,maxaa yeelay garoonka ayaa k sugnaa waxaana dareemi kartaa in xulka karkaar ay heysteen xirfad dhanka ciyaaraha.

  7. xaydar says:

    garoowe hadii lagu dhigo waxba kuma jabna waa caasumadii 4cop ayaa bari qaaday oo garoowe lagu qabtay

  8. P land law firm says:

    Kkkkkkkkk kkkkkkkkk puntland 24 waxaan layaabanahay dadka qaarkod ku doodaya wax ay jaahil kayihiin@ ninka maqaalka udiray wasaarada sportiga wareegto halaga dhigo waa sax lkn finalka melkale haloo wareejiyo,kkkkk tusaale ahan xalay hadi gabon final imaan lahayd mala wareejin laha finalka ilen iyada da final game kadhici lahaaye?kkkkkkk@ ninka leh waa in soon daqiiqo lagu daraa walaale xaalada jirta awgeed ayaa gameka kahor loogu heshiiyey in haday barbaro ku dhamaato si toos ah rigooreyaal loodhigo,maadaama garoonku uusan nal lahayn,kkkkkkkkkkk wabillahi towfiiq

  9. Codsi KU socda Mamulka Puntland says:

    Codsi ku socda Mamulka puntland aar ahaan wasiirka eey queseeyso ciyaaraha gobalada puntland,

    waxaan ka codsaneeynaa in ciyaraha gobalda puntland eey Noqdaan wareegto oo gobalba mar marti galiyo.

    hadii gobalka marti galinaaya uu finalka soo istaago waa in ciyaarta finalka loo wareejiyaa gobal kale aanan aheeyn laba gobal ee ciyaaraya

    Fadlan mamulka puntlandnews24 waxaan idin ka codsaneeynaa in aad qoraalka u gudbisaan mamulka puntland isla markaasna aad ka soo galisaan website kiina qoraal ku saabsan cabdhada dad weeynaha si dad badan eey u aqrisaan fikirkoodana uga dhibtaan

    mahadsanidin

  10. Khaliif says:

    SHarci maaheyn in Garoowe Final lagu qabto, mideeda kale sharci maahan aduunyadana kama jirto inta wakhtigii oo aan 30 daqiiqo lagu darin la dhaho rigooreyaaal. aniga Boosaso ayaan joogay xiliga ciyaarta socotayna qorax ayaa Somalia ka jirtay iftiin ayey ahayd, maqrib masoo dhoweyn, whay mar walba rigoore loo leeyahay. tan kale maanta waxaan hubaa hadii lagu dari lahaa 10 daqiiqo oo kaliya in nugaal laba gool oo kale laga dhalin lahaa. iyagoo gurigooda jooga, oo sawaxan iyo qaylo badan ayey karkaar muujiyeen xirfad. teeda kale ogaada dabayl ayaa gelinkii hore garoonka ka jirtay dabeysha garoowe oo ah mid quruurux badan xagii karkaar ayey dabayshu kubada u socotay. runtii waxaa khalad ah in garoowe Final lagu qabto waxay ahayd in Gaalkacyo ama Boosaaso, lagu qabto. runtii Garoowe damaaciga ha iska dhaafeen, shirarkii iyo cayaarihii iyo kulamadii wax walba Garoowe, waa ceeeb SIILAANYO ayaa ka fiican Burco ayuu geeyey in lagu qabto cayaarihii Somaliland, iyadoo Hargeysa garoomo iyo wax walba yaalaan, muhiim maahan in caasimada wax walba la geeyo, PLS waxaan codsan lahaa in sanadka dambe cayaaraha la geeyo Gaalkacyo Boosaaso, ama Qardho, xataa tuulo yar ayaa la geyn karaa oo barxad weyn leh, ileen meesha barxaduhu isma dhaamaane. adeerayaalow BILAA CALEEYK wax walba Garoowe waa nasoo kartay walaahi.

  11. ahmedpunt-------dk says:

    asc ww—dhammaan bahda saxaafadda iyo akhristayaasheeda.waxaana u habalyeeynayaa
    caasimadda dawladda puntland ee garoowe ciyaartooyeeda ,waxaana si farxad leh u leeyahay hambalyo oo awguuliyo ,waxaana idin
    leeyahay halkaa kasiiwada ,waxaan kaloo u hambalyeenayaa karkaar oo galay kaalinta labaad .waxaana leeyahay isboortigu waa nabadda hooyadeed isboortigu waa caafmaadka jirka iyo maskaxda ,isboortigu waa abuuraha isdhexgalka ,isboortigu waa farxad abuuraha..
    waxaan leeyahay wasaaradda isboortiga hambalyo waad dadaasheena halkaa kasii wada..
    wasalaamu caleekum waraxmatullaah

  12. puntland says:

    S/c. Ma. Aheen cayaarta ‘kama dambeysta ah in lagu qabo garoiwe maadaana ay final garoowe usoo bade y waa sharciga kubada cagt finalkeeda balse dhacdey laakiin waa in aan final lagu qaban labada kooxood oo final usool baxa gurigooda waa in Portland diyaarisaa magaalooyin kale oo cayaaraha lagu qabto.

  13. NAXAR says:

    WAXAAN LEEYAHAY HAMBALYO gobalka Nugaal. Waa maalin weyn, waxaadna muujiseen dadaal iyo karti dheeraad ah

    Kakaar oo laga fadhin waayey faankooda, iyadoo aysan ciyaarta xataa bilaaban baad dul marteen
    Runtii ciyaaraha Puntland waxay faaiido u leedahay dhalinta oo ku mashquuli laheyd waxyaabo kale
    Karkaar waan leeyahay, iska sugi waqtigiina, ciyaari waa galan danbe. Sanadka soo socda, Insha Allah

  14. mudug boy says:

    sanadkaan waxaa naga maqnaa halyeeygii naga haqabtiri jirey xaga tababarka alaha u naxariistee macalin shiine dheere ogaada mudug waa halyeeyada ciyaaraha puntland

  15. mudug boy says:

    kkkkkkk awalba karkaar anakay nasiiib nooga fakadeen marka waan u hambalyaynayaa all labada kooxoodba laakiin wanka waa weyraxaa ogaada reer puntland mudug waa inad xustan kooxda xuduudaha viva kkkkkkkkkkkk

  16. caraseedo says:

    Guuuulaysta guuuuuuuuulaystayaal;NUGAAL iyo gobolada kale ee puntland iyo soomaali oo dhan iyo inta soomaalinimada jecel.
    VIVA PUNTLAND,VIVA SOOMAALI OO DHAN.
    Guuuuuuuuuul,guuuuuul.

  17. khadra says:

    Asc\ Nugaal guushey gaartay waa nasiib iyo gurigoodi oo ey joogen,ciise oo dhana garoonkey kudhamaayey oo sawaxan aduunkii kurogen kii qarjirey kii toolo jirey iyo kii Garowe joogey iyaga oo tibahoodi wata loooooool.iyadoo sas ah ayey bareejo galen waxey kubadshen waa rikoore oo kaliya.
    waxan uhanbalyey nayaa xidkahayaga ama laacibiinta rer qardhood waxan leeyahey hanbalyo hanbalyo waaleydin qiray laacibnimo waxaad ku fiicnaan laheyden in ayjirto qaran somaliyed oo aad uciyaartan. mabruug garoowe.

  18. Jamame says:

    Habka wanaagsan ee ciyaaraha loo qabte iyo sida nabdgelyada leh ay ku so dhamaden aya ah wax reer Puntland oo idil ku amaanan yihiin kuna faani karaan, halka gobolada kale xabbaddi 91ka ku bilaabatay ilaa iyo imminka dul taagan. ALLOW iyana nabad sii. Mar 2ad Puntland guul.

  19. SUULDHABAALE says:

    HAMBALYO Gobolha Nugaal. Waataan horay u sheegay in lagu dur-durinayo karkaar. Waan ogaa CIISE DHUUX oo xanaaqsan in aan laga badinaynin- reer karkaar waan quusinay.

    Caawa xafladdu waa CIISE KU CAROO iyo inagoo xanaaqii faraha badnaa ku bedelna damaashaa iyo farxad. Xanaaqa dib inooku dhiga, kaas waxaynu la soo baxaynaa marka dagaal laynoo soo sheego sidii caadadu ahay.

    Aniguna waxaan idikala dabaal degayaa STOCKHOLM.

    HA NOOLAATO PUNTLAND

  20. saeed says:

    guulguul ayaan leenahay hadaan nahay reer qardho goosha aygaareen reer nugaaal marlabaad
    waxaan waan uhamalyenaa anagoo kamida shacabka reer puntland waa guulguul insha alaah sanadka dame ku gaara barwaaqo iyo bashbash nabad nabad nabad

  21. ah ah ah LIBAXYADA PUNTLAND NUGAAL nuur mee sxb maxaan ku laha nugaal waa libaxayda puntland waxana chalange ka dexeya iyaga iyo beri aad ban uso dhaweynaya kobka qimaha leh ey qaden goblka nugaal NUGAAL VIV BERI

Leave a Reply