NUSOJ oo ku eedeysay Maamulka Idaacadda Bar Kulan in ay ku howlan yihiin dhibaateynta suxufiyiinta iyo saxaafadda Soomaaliyeed
September 22, 2012 // Warar SomaaliUrurka Qaranka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee NUSOJ ayaa sheegay in maamulka idaacadda Bar Kulan ay si xad dhaaf ah ugu tagri falayaan xuquuqaadka shaqo ee shaqaalaha u shaqeeya idaacadda.
Ururka NUSOJ ayaa dhawaanahanba ku hayay diiwaangelin xadgudubyada ka dhanka ah suxufiyiinta iyo shaqaalaha kale ee ka shaqeeya idaacadda Bar Kulan oo lacagteedu la sheego in ay ka timaado QM.
NUSOJ ayaa waxaa ay ku eedeysay maamulka idaacadda Bar Kulan in lacagta mushaar ahaan loo siiyo suxufiyiinta la iska jarto ayada oo aan loo marin wado sharci ah ama qaab ay isla ogol yihiin shaqaalaha ka shaqeeya idaacadda iyo maamulka.
Shaqaalaha idaacadda Bar Kula ee ka howlgala magaalada Nairobi ayaa ah kuwa aan heysay sharciyadii ay dalka Kenya kaga shaqeyn lahaayeen, waa sida uu sheegay Xoghayaha Shaqada NUSOJ Axmed Shaam. “Wariyaasha ka shaqeeya Bar Kulan ee ka howlgala Nairobi kuma shaqeeyaan sharci waana lagu tuntaa xaqooda” ayuu yiri C/risaaq Cumar Ismaail Sheekh Aduun oo ah Guddomiyaha Golaha Sare ee NUSOJ.
“Suxufi kasta oo ka shaqeeya Bar Kulan kama hadli karo dhibaatada lagu hayo waayo waxa ay ka baqayaan in la ugaarsado oo shaqada laga ceyriyo taasoo keenaysa in ay waayaan nolol maalmeedka yar ee kasoo galo idaacadda” ayuu ku daray Axmed Shaam.
NUSOJ ayaa sidoo kale waxaa ay sheegtay in wariyaasha u shaqeeya idaacadda ay ka ilaaliso in ay yeeshaan awood sharciyeed oo ay xaqooda kaga raadsan karaan maamulka idaacadda. “Wariyaasha ayaa laga dhigay kuwa si sharci daro ah loo shaqaaleysiiyay si aysan xaq ugu sheegan idaacadda” ayuu ku daray C/risaaq Sheekh Aduun.
Suxufiyiinta ugu soo warama idaacadda Bar Kulan gudaha dalka Soomaaliya ayaa ah kuwa aanan heysan wax heshiis ah oo u dhexeeya iyaga iyo maamulka idaacadda kuwas oo aan si dhab ah aan u ogeyn xaqqa ay leeyihiin, daryeelka ku waajib noqonaya idaacadda haddii ay dhibaato dhacdo, helitaanka faa’idooyin gaar ah iyo shaqada rasmiyan laga doonayo in ay suxufiyiintan u qabtaan idaacadda, sida uu tilmaamay Guddoomiyaha Golaha Sare ee NUSOJ C/risaaq Sheekh Adduun.
NUSOJ waxaa ay ku eedeysay shirkada maamusha Idaacadda Bar Kula ee magaceeda loo yaqaano Albany oo ah shirkad laga leeyahay dalka Ingiriiska in ay u isticmaalayso lacagaha loogu deeqay in ay idaacadda ku wado in ay u adeegsato dhibaateynta ama curyaaminta saxaafadda/warbaahinta Soomaaliya si ay ayada u noqoto midda kaliya ee leh awooda ugu sareyso. Albany ayaa lacagahani ka heshaa QM, sida uu sheegay Sheekh Aduun.
Shirkada Albany ayaa lagu eedeyay in ay ka dambeyso soo saarista sharuuc saxaafadeed oo ka dhan ah saxaafadda Soomaaliya si ay u gaarto danaheeda gaarka ah ee ay ka leedahay dalka iyo in ay daboosho sharciyo khatar ku ah saxaafadda madaxa banaan ayada oo adeegsaneyso shaqsiyaad ay si toos ah ama si dadban u naas nuujiso.
NUSOJ ayaa waxaa ay sidoo kale ku eedeysay Albany in ay xooga ay saareyso sidii ay u kala dili laheyd saxaafadda Soomaaliya ayada oo xooga saartay in ay weerar ku dhisan dacaayad ay ku qaado saxaafadda Soomaaliyeed.
Suxufiyiinta ka shaqeeya idaacadda Bar Kulan ayaa ah kuwa ku jooga cabsi iyo wal wal joogta halka wariyaal kale oo ka howlgali jiray idaacadda lagu cadaadiyay in ay isaga tagaan idaacadda ama si aan waa faqsaneen sharci loo racdeeyay maadaama ay u arkaan suxufiyiinta kuwa aan xaq laheyn oo loo shaqaaleysiiyay si aan sharciga waafaqsaneen, ayay tiri NUSOJ.
“Waxaa nasiib daro ah in shirkada Albany oo qandaraas loo siiyay ka qeyb qaadashada dib u dhiska dalkeena Soomaaliya ay noqotay cadow kusoo taagan saxaafadda Soomaaliya maadaama ay u diidan yihiin suxufiyiinta u shaqeeya xaqoodii ayna mar waliba ay ku howlan yihiin dhibaateyna saxaafada si toos ah iyo si dadban” ayuu yiri C/risaaq Sheekh Aduun.
NUSOJ ayaa sheegtay in ay wadi doonto ifinta dhibaateynta ay shirkada maamusha Bar Kulan ku hayso saxaafadda Soomaaliya ayadoo geed gaaban iyo geed dheer u kori doonto sidii loo joojin lahaa dhibaateynta suxufiyiinta.
Puntlandnews24


