digg icon delicious icon

OPINION: Qofkii wax tabaya! Puntland ha tago waa lasoo dhoweyn waana laga qancin

January 4, 2012   //   Opinion, Warar Somaali

Bismillaahi Raxmaani Raxiim

Ma dooneyn in aan maqaal kale soo qoro laakiin dhowr arrimood ayaa igu kallifaya in aad mid kale soo raaciyo. Waa mida horee, su’aalaha la isoo weydiiyay in aan jawaab ka bixiyo waan ku khasbanahay, tan labaad oo ah faham la’aanta dadka qaar kaga jirta maqaalkeygii hore, waano & wax sheeg kalena meesha kama marna .

Intaanan qormadeyda u gudbin bal marka hore mahad gaar ah aan u diro bogga Puntlandnews24  & shaqaalahooda fursadda ay na siiyeen. Waxaa sidoo aan u mahad-celinayaa akhristayaasha sharafta leh ee mar walba e-mailada ii soo dira ama aan isku si wax u aragno, sidoo kale yaanan hilmaamin kuwa naga afkaarta duwan iyaga xitaa waan salaamayaa.

Inkastoo Maqaalkan dheeryahay, waxyaabo badana ku jiraan. Qoristiisa waxaaba iiga dhib badnaa magac u helistiisa.

 Aan ku bilaabo.

Waxaad mooddaa in dadka qaar isaga qasan yihiin Maamul & Shacab, waxay sidoo kale kala saari la’yihiin nabad iyo nabad la’an. Waxa aan u doodayaa waa shacab waxayse ila aadeen Maamul, waxaanse weli fahmin in dadka qaar weli fahmi la’yihiin halka laga heysto, xitaa haddii si toos ah loogu sheegay in la  isku dayay in la burburiyo.

Aan ku hormaro walaalka su’aalaha badan isoo weydiiyay. Waxaan isleeyahay waa su’aalo dhammaantood ujeeddo gaara leh, waana fahansanahay waxaad intaa u soo soocatay! Waan filayaa in jawaabahooda iyagoo ficil ah aad aragtay ama maqashay. Laakiin aan isku dayo in aan wax uun kaa xusuusiyo, u maleyn maayo in aad adiga & kuwa kula fakarka ah ku qanci doontaane.

1-   Ammaanka Puntland, waxaan kaa leeyahay horta meel nabdoon ayaa shir lagu qabtaa. Ciidanka aad leedahay waa AMISOM-na, ma dharka & qalabka ay xiran yihiin ayaad ku qiyaastay mise Bahuukoo Garoowe ka hadlayaad aragtay? Waan yaabanahay. Adeer calal-aqal hadalkii Madaxweyne Sh Shariif ku qanac ee ahaa “waxaan u mahadcelinayaa ciidanka Puntland sida ay ammaanka u sugeen”.

Ciidanka sidaa u labisan ee aad aragtay waa ciidan Puntland leedahay, weliba waa qeyb yar oo ka tirsan.

2-   Arrinta police-ka, waa iga su’aale kulliyadda Carmo maxay qabataa?? Ciidankii tababarka ku soo qaaday + ciidankii Police-ka ee hore, intii xamar loo qaaday mahee intii kale meeye? Kuwa shirkii Garoowe & madaxdii ka soo qeyb gashay ilaalinayay intooda badan Police-ka Puntland ayay ahaayeen. Mar kale, Dharka ay wataan yuusan ku khaldin!!.

3-   Gobolada & degmooyinka gacanta Puntland ka maqan ee aad sheegtay, aan ku saxo gobolo maahaa waa magaalo/yin kooban. waana SAX in gacanta Puntland ka maqan yihiin. Arrin Puntland sababteeda laheyd-na maaha oo taa cid walbaa og. Laakiin waqtigeeday leedahayoo mar ay noqotaba gacanta Puntland wey ku soo noqon.

4-   Arrinta Gaalkacyo: anaaba qaba in ummad dhibaato ka soo gaartay. Laakiin waxaa la rabaa in aad is weydiiso maxaa ka dambeeyay? Walaale dhulkan aad arkeyso Alle ka sokow  Issimo ayaa badbaadiyay, iyagii ayaana nool oo arrintaa u istaagay waxna ka qabtay. War dambe miyaad ka maqashay? Waxa aan diidanahay weli ma aadan fahmine, waa su’aasha oo kale oo aan munaasab aheyn oo warbaahin laga dhex sheego,si fitno u abuurto.

5-   Qodobka aad leedahay dad ayaa cadow loo dhiibay, waxaan ka mid ahaa dadkii arrintaa aadka uga dhiidhiyay waxaan ka qoray maqaal aan u bixiyay  OGADENIA: DUMARKII XITAA MA DHIIBNAY? ……..ALLOOW CARUURTOODA BADBAADI. Ka akhri halkaa.  Waqtigaase’ xaggee jirtay? Ma haddaad wax fahantay ood caqli yeelatay?

Middeeda kale idaacadaha maka maqashay kan la dhiibay ee aad sheegeyso laftigiisa oo markii uu xabsiga ka soo baxay leh “wey ku saxsanaayeen in ay Puntland sidaa yeesho, sababta oo ah Ammaankeeda ayaan khalkhal ku heynay”.

Haddaadan maqal google-garee waad heliye. Hadalkaana dad badan ayaa weli ka sheekeeya lana yaabban. Waan ogahayoo kun magac ayaad ka soo saari doontaane sidaad doontaan u fasirta.

6-   Su’aasha ugu dambeysa ee ah in Madaxweynuhu wiil uu dhalay jago u magacaabay. Horta jagadan weli mugdi ayaa iiga jira! In la iga jaahil bixiyona wey wanaagsanaan laheyd. Hey’addan  waxaa agaasime ka ahaa nin la yiraahdo Ciise Dhoolawaa,wuxuuna markii ugu dambeeyay noo sheegay in uu isagu yahay masuulka meeshan. Laakiin haddii  la wada shaqeeyo, qof walbana aqoontiisa uga faa’ideeyo ama madaxweyne ha dhalo ama maareeyee ma dhibbaa ku jirta?

Ogoow hey’addan wax shaqo ah oo la sheegi karo weli maqaban sida wax soo saar iwm baaris uun baan maqalnay. Sida loo buunbuuninayona ma aha! Marka aan iska sugno inta howshu ka ballaaraneyso cid walba oo soomaali ah ayaa ka noolaane. Laakiin haddaan munaafaqad bilaabayaa si aan waxba loo helin, taa meesha ma qabato waana waxa aan ka dagaalameyno.

Sideedaba qofku marka uu  su’aalo qabo waxaa wanaagsan in marka hore isagu jawaabaha raadiyo haddii uu waayo markaa dabadeed dadka weydiiyo dabadeed waa laga shaafinayaa. Mar kale ayaan ku celinayaa “Qofkii su’aalo qaba ama wax tabaya, daacadna ka tahay!! Oo aan wax burburi is laheyn, ha tago Puntland ama wuxuu arkuu ku qanci ama dadkeedaa qancin doona”.

Arinta TV-ga ama TV-yada haddaan u soo gudbo.

Adeer inta qof TV soo hor istaago iyadoon waqtigeedii aheyn, munaasab aheyn, arrin uu ka jawaabyo oo dhacdeyna aaney jirin, wuxuu doono iska sheega, waxaan u arkaa Fidna-wade.

Dadkan saxaafadda Soomaaliya hor boodayaa waqtigan intooda badan waa iska SEERAALAYAAL.  Waxaan sidaa u leeyahay marka mowduuc la taxliilinayo, waa in uu marka hore wax laga hadlo jiraan, dhaceen ama la filayaa in ay dhacaan. Tan labaad waa in la helaa qof arrintaas bundhig u ah. Tusaale qof dowladda Puntland ka tirsan ama xitaa matali kara sida wakiilada u jooga waddamada shisheeye waa in meesha la soo fariisiyaa, si uu haddii ay wax jiraan uga jawaabaan. Meesha arrimahaas ma ku aragteen dadkiinan la soo qamaamaya maxaa saxaafadda laga rabaa?.

Dhinac walba haddaad ka eegto TV-yada Soomaalida waxaadba is leedahay waddamada ay ka furan yihiin ee hore u maray ayayba ceeb u soo jiidayaan. Haddii luqadda ay ku hadlayaan dadkaasi fahmi lahaayeen oo sida qaab-darada ah ee ay barnaamijyada usoo tabiyaan wax ka ogaan lahaayeen, ama waa la xiri lahaa ama ugu yaraan tababar ayaa loo diri lahaa ee waxay ku badbaadeen luqaddoodaan la aqoon iyo waxa ay ka hadlayaan. Waxa keliya ee aan is leeyahay waa laga faa’iday waa muxaadarooyinka, talooyinka dhakhaatirada, dhaqaalaha mar mar laga ururiyo ee dadka lagu tabarucayo iwm, laakiin barnaamij & warar ha sheegin.

Been kuu sheegi maayo nus saac xiriirsan ma daawan karo barnaamijyadooda sababta oo ah wax ay ka hadlayaan-ba lama yaqaanno. Ka waran barnaamijka la magac baxay Dood-wadaag?  Aniga waxaan u bixin lahaa Dumis-Wadaag.

Alleylehe barnaamij aan is-leeyahay wax uun baad ka fiirsan kartaa waxaa ka arkay kan liyaaraahdo Xog-waran ee uu Nadaara sheego. Weriye-nimo xitaa isagaa ugu macquulsan.

Waxaa kuu soo haray qolooyinkan Amin Caamir u bixiyay ANAA SAXAN. Dadkan intooda badan TV-yadan ka hadlaa hore looma aqoon, saaxadda siyaasadda meel ay ka soo galeen lama yaqaan. Wuxuuna la soo taagan yahay ANAA wax qaban kara! Soomaalidaa ku maahmaahda nin ANI yiri dad iska sooc. Aad wax qabatid ma xumee, Ma dadkaad ka fiican tahay? Hore wax ma u qabtay? Meesha aad daggan tahay & reerkaaga see ka tahay? Qof la ixtiraamo ma tahay ? Wey badan yihiin meelaha qofka laga qiyaasi karo. Iyadoon waxba  la is weydiin, baarisna la sameyn in TV qof la hor keeno waan ka soo horjeedaa, sababta oo ah waxaa ii muuqanaya waxa qofkaasi laga filan karo oo ah burbur iyo halaag hadduusan qofkaasi qof Alle ka baqaya aheyn.

Dadku ma wada xuma wey jiraan dad la yaqaan waxa ay yihiin waxna qaban kara, ama siyaasadda ku soo jiray, ama aqoon buuxda leh, laakiin dadkaasi waa faro ku tiris. Intooda badanna arrimahan oo kale wey ka gaabsadaan si sumcadooda wax ugu dhimin. Ma garan karo qof ummad 4 milyan kor u dhaaftay doonaya in uu dab isugu dhiibo sababta loo loo difaaci karo.  Taana intaasaan idinka leeyahay.

Aniga iyo inta ila midka ah

Haddaad akhriseen ama fahanteen Qormadeydii hore hal ujeeddo ayay laheyd taas oo ah in aan shacabka Puntland la dhibaateyn, weliba iyadoo warbaahinta la adeegsanayo, weli tii ayaan taaganahay.

Waxaa dadka qaar i weydiiyeen maxaad Puntland u difaaceysaa?

Waa SAX in aan Puntland dadka ka xigin, waase goorma? Waa marka aysan dhibaato la dooneyn! Laakiin haddaad dhibaato la rabto waaba khalad-ba in aad sheegato.Odayaasha aad magacyadooda soo qaadeena si khaas ah ugama hadline barnaamijyada noocan oo kale ah ayaan dhammaantood u arkaa kuwo fitno abuur ah.

Waxaa sidoo kale maqaalkeygii hore ku jirtay, in wax la dhaliili karo. Laakiin tani cid walbaa waa u jeeddaa waxa ay soo waddo! Hadafkuna dhaliil & wax sheeg maahee, waa in si hoose qabaa’ilka halkaa daggan hubka la isugu dhiibo iyadoo waxyaabo aan jirin loo sii marayo.

Maxaadse ugu maleyneysaan in aan Puntland u difaacayo? Puntland oo keliya ma difaacee dulmi oo dhan ayaan la i tusi karin ilaah amarkii.  Sababaha haddaan kuu sheego waxaa ka mid ah:

  • waxaan difaacayaa hooyada Soomaaliyeed ee halkaa dagan ee sida nabadda ah inta subixii u soo toosta caruurteeda canjeerada  ugu dubeysa iyadoon welwel & walaac ka qabin in ilmaheeda la dhibaateeyo. Markaan leeyahay Ilmaheeda waxaan ula jeedaa hooyada nafteeda waxaa uga qaalisan tan ubadkeeda.
  • Waxaan difaacayaa caruurta Soomaaliyeed ee halkaa ku dhaqan ee sida welwel la’aanta ah iskuulada ugu jarmaada iyo sidoo kale marka ay firaaqada leeyihiin sida xaragada leh dibedda ugu cayaara ciyaartii ay doonaan iyagoon cidna ka baqeyn.
  • Waxaan difaacayaa malaayiinta soomaalida ah ee u soo qaxday dagaanadaas nabadgalyadana u soo doontay, iyadoo laga yaabo in nolol tan ay hadda ku jiraan ka wanaagsan ku heysan lahaayeen meelihii ay ka yimaadeen haddii ay nabadgalyo buuxda ka heli lahaayeen.
  • Waxaan difaacayaa waalidiinta ubadkooda qurbaha & in laga fidneeyo kala soo cararay oo halkaa miciin biday ama kuwa hadda kadib doonaya in ay u soo hayaamaan, in hadal aan dhagahooda u fiicneyn warbaahinta laga maqashiiyo, hadhowna hammigii ay lahaayeen sidaa looga ja-jabiyo.
  • Waxaan difaacayaa malaayiinta qof ee aan dibedda ku xirneyn ee qutul daruurigooda subixii u jarmaada iyagoon maanta armaa lagu soo toogtaa ku jirin.
  • Waxaan difaacayaa odayaasha & dadka kale ee aan tabarta laheyn oo guryahooda sida nabadgelyada leh ku jooga, ee dabeysha, roobka, qorraxda kaga gambaday. Marka ay masaajidda ka yimaadaa & makhaayadaha isugu yimaada kuna sheekeysta.
  • Waxaan diidanahay in shakhsi caruurtiisii qurbaha u joogaan, wanaag & waxbarasho-na ku heysta, uu kuwa uu Soomaaliya kaga yimid dhibaato u horseedo.
  • Waxaan diidanahay in weriye aan saxaafadda waxba aqoon uu qalinka, Afka & maqaamka uu fadhiyo wax ku kharribo.
  • Waxaan diidanahay wax walba oo dhibaato ummaddan masaakiinta ah u keenaya qowl & ficil midkey doonto ha ahaatee.

Dhinaca Xukuumadda Puntland

Madoonayo Puntland in aan wax aan ka jirin ka sheego ama dadka ka dhaadhiciyo, sidaasoo kale ayaan u dooneyn  in xaqeeda la duudsiyo. Ka waran kuwa kala qaadaya madaxweyne Faroole & xukuumaddiisa oo kul eh wasiirro fiican ayaa ku jira. Sidee macquul ku tahay in wasiiro wanaagsani qof xun la shaqeeyaan? Waa wax caqliga qofka bani’aadamka ah ka fog. Labo mid yeela, xukuumadda hadda jirta ama waa fiican tahee wada qaata ama sida kuwa aan la hadlayo qabaan, waa xun tahee wada tuura waxa u dhaxeeya waxaan u aqaan qaran-dumis.

Caqligeena yarka ah wuxuu noo sheegayaa in haddii xukuumadi xun tahay kuwo ka cararaya la arki lahaa! Kuwa aad leedihiin waa wasiiro fiican oo wax qabanaya ayaaba ugu hor mari lahaa.

Ma kula tahay in waxa dhibaatadaba noo keenay uu yahay HADAL aan si wanaagsan loo oran? Rumeyso ama ha rumeysan hadalka wanaagsan xitaa haddii uu u muuqdo in uu dhibaato abuurayo, waa in laga fogaado, mid xun warkiisaba daa!.

Haddaad aaminsan tihiin in hadal waxba dhiminna dhageysta dadka waaya aragga ah ee xitaa fanaaniin caan ah ku jiraan ee hadallo ay hore u yiraahdeen ama heeso ay hore u qaadeen waqtigii AUN Siyaad Barre ka qoomameeyay. Ogoow dadkaas markaan dhinaca xoriyatul-qowlka ka eegno hadal xun ma oran, laakiin waxay waqtigan hadaladoodii uga shallaayeen adigu is-weydii.

Waxaan ku soo gabagabeynayaa wixii na soo marey waa in aan cashar ka qaadanno.Qofka intaa wax ku fahmi waaya ujeeddo kale ayuu leeyahee yuusan gambane, siyaasina isaga kaaya dhigine ha sheegto. Waa intaa waxa dadka qaar fahmi la’yihiin.

Wabillaahi Towfiiq

Farah Warsame

Melbourne Australia.

Bile1971@hotmail.com

 

RSSComments (14)

Leave a Reply | Trackback URL

  1. BARDACAD says:

    Marka hore waxaa wanaagsan mawduuc marka laga hadlayo in mar kasta lasoo xigto (reference) ama sheekada asalkeeda iyo waxa keenay oo ayada laga Miinqaado la isna barbardhigo ASALKII iyo wixii tacliiqaad ah ee ayada ka baxaya ama laga yiri.
    Haddaan arrintaan bulshada u sii jilciyo waxaan ka wado:

    Wuxuu sheekada asalkeedu ahaa in TV-ga Somali-Channel uu soo bandhigay barnaamij la magac baxay PUNTLAND IYO MAANTA.
    Waxaa Marti ugu ahaa wariyaha oo asalkiisu xataa ahaa nin ka soo jeeday PUNTLAND labo nin oo ruug caddaa reer PUNTLAND ah.
    Waxay ka hadleen wax qabadka Maamulka PUNTLAND uu qabtay oo ah KHAYR iyo Nimco iyo dhaliilo u muuqday inay ahaayeen tilmaan maamulka loo tilmaamayo war halkaasaad illowdeen ama aad ka liidataan ee wax ka qabta.
    Waxaa kale oo soo wactamay rag Odayaal ahaa oo wax garadka PUNTLAND ka mid ahaa oo fikirkoodu u badnaa xoojin ay sii xoojiyeen dhaliilihii.
    Waxaa Barnaamijka laysku tusay oo kale muuqaallo yar oo kooban (short clips) oo laga soo NAQDIYEY afarta jaho ee PUNTLAND ama gobollada ay Puntland ka koobantahay oo idil.

    isku soo wada duuboo waxaa barnaamijkii maqaal ka soo qoray walaalkeen FAARAX WARSAME. Wuxuu ku tilmaamay raggii martida barnaamijka ahaa inay yihiin rag cuqdadaysan ama ka caraysan in qaarkood ay Jago ilaa heer madaxwayne u tartameen, haddana ay isugu biyo dhurteen kuwo doonaya inay Puntland dumiyaan.

    Wuxuu aad ugu muuqday nin difaacaya maamulkii gaar ahaan madaxwaynahayaga (mudane faroole) yuu ka difaacayaa ? jawaab: rag ay walaalo yihiin.
    Wuxuu qoraalkiisii u muuqday nin PUNTLAND difaacaya, oo yuu ka difaacayaa ? jawaab: rag u dhashay.

    Waxaan usoo qoray qoraal hore oo aan qodobbadii aan soo waydiiyey midna ahayn mid maskaxdayda ka soo maaxatay ee aan asaga ku su’aalayo walaalle qodobadaas iyo qaar kale ayaa madasha looga hadlay ee aniga oo ah muwaadin PUNTLAND oo jeclaysanayey sida ay walaalahay (waa maamulka iyo aqoonyahanka iyo qurbe-jooggooduba) sida RUNTA isugu sheegayaan iyo sida ay u doonayaan inay wixii jira xal ugu helaan FAARAXOOW MAXAAD IGU QANCINAYSAA OO QODOBADAAS KA BEENINAYSAA ??????????

    FAARAX WARSAME, soo rogaal celi oo waa kan haddana 36ka dhex jiifsaday iyo inuu soo qoro Puntalnd baa cid soo dhawaynaysa. kkkkkkkkkk
    Su’aashu waxay tahay ? war Puntland soo maaha dhul dad ehel ahi ku wada nool yahay ? oo nin walbaa TUULO iyo degmo iyo ARI meel kuma dhaqdo ?
    Yaa soo dhawayn uga baahan midka kale ? lol soo walaalnimo maaha waxa isu hayaa ? ma cidbaa cid sanka QORI kaga haysa ? waxa la raadinayaase soo maaha walaalkaa dhaliishaada uu arkay toosi ? mise adigaa laguu danleeyahay haddii qalad la arko ?
    Hadda anigu talo ma siiyaa saacaddaan aan kula hadlayo PUNTLAND ? YES i WILL RIGHT THERE: WAXA DADKEENNA IYO ODAYAASHEENNA LA TOOGTAA XILLIYADA SALAADDA GAAR AHAAN 3DA HABAYNkii LA TUKADO.
    Waxaan kula talinayaa ciidamada AMNIGA inay ciidammo dheeraad ah xilliyadaas ay masaajidyada agagaarkooda iyo meelaha mugdiga ah oo xaafadaha loo sii maro ay dhigaan.
    talo 2) waxaan kale oo kula talinayaa dadwaynaha reer PUNTALND INAY KU DADAALAAN MEELAHA U DHEXEEYA LABADA BOOS EE GURYAHA IS XIGA INAY XIRAAN DARIIQYADA AAN SIDAAS DARUURIGA U AHAYN oo wax kale hadday waayaan ay ku gooyaan xataa OODO iwm.

    waxaan kale oo ku su’aalayaa Mr. faarax warsame saaxiib haddii aniga oo iska shaqsi caadi ah aan taladaas yar xataa la iiga maarmin xaggeebaad afka u qabanaysaa qof PHD holder ah iyo Professional Engineer u dhashay PUNTLAND miyaa laga maarmayaa raggaas oo aan codkooda iyo aragtidooda kaga kaaftoonnaa ama ku mucaaradnaa waa niman reer hebel ka ah (kii kore ee la wada ahaa) kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk taas meel xun bay naga ridaysaaye NIN yar ha noqon.
    Ummaddaan iyo maamulkooda iyo dhulkoodana ha u kala tarjumin ee wixii aad talo hayso oo kale EHELKII wuu kuu baahan yahay ee ku soo biiri.
    Qoraalkaagu wuxuu lahaa meelo aad u xiiso badnaa oo aad u wanaagsanaa runtii sida HADALKAAGA KU JIREY OO AHAA: WAA QORAALKII FAARAX WARSAME: … (Madoonayo Puntland in aan wax aan ka jirin ka sheego ama dadka ka dhaadhiciyo, sidaasoo kale ayaan u dooneyn in xaqeeda la duudsiyo. Ka waran kuwa kala qaadaya madaxweyne Faroole & xukuumaddiisa oo kul eh wasiirro fiican ayaa ku jira. Sidee macquul ku tahay in wasiiro wanaagsani qof xun la shaqeeyaan? Waa wax caqliga qofka bani’aadamka ah ka fog. Labo mid yeela, xukuumadda hadda jirta ama waa fiican tahee wada qaata ama sida kuwa aan la hadlayo qabaan, waa xun tahee wada tuura waxa u dhaxeeya waxaan u aqaan qaran-dumis).
    IYO KA AAD LAHAYD: QORAALKII FAARAX WARSAME ( Waa SAX in aan Puntland dadka ka xigin, waase goorma? Waa marka aysan dhibaato la dooneyn! Laakiin haddaad dhibaato la rabto waaba khalad-ba in aad sheegato.Odayaasha aad magacyadooda soo qaadeena si khaas ah ugama hadline barnaamijyada noocan oo kale ah ayaan dhammaantood u arkaa kuwo fitno abuur ah).

    LAAKIIN FIDNO MAAHA BROTHER. BRITAIN BAAN JOOGNAA BBC-DA AYAA INTA LA SOO FARIISTO AYAA DOOD INDHAHA LAYSKA RIDAYO OO DAWLADDA LAGU EEDAYNAYO TAN BAYSAN WAX KA QABAN SIDAAN BAY HORAY U BALLAN QAADDAY TAN BAY GABTAY LAGU HAYAA LAAKIIN MICNAHEEDU MAAHA IN MADAXWAYNHII IYO WASIIRRADIISII LID LAGU YAHAY EE SEE WAX QABADKA LOO QIIMAYNAYAA HADDII AAN WAXA AAN LA QABAN LAGA HADLIN ????????????? TAAS LA SOCO BRO.

    Wuxuuna kale oo lahaa meelo aad ku talax tagtay ama aad iska dhego tirtay sida: QORAALKII FAARAX ( Ciidanka aad leedahay waa AMISOM-na, ma dharka & qalabka ay xiran yihiin ayaad ku qiyaastay mise Bahuukoo Garoowe ka hadlayaad aragtay? Waan yaabanahay. Adeer calal-aqal hadalkii Madaxweyne Sh Shariif ku qanac ee ahaa “waxaan u mahadcelinayaa ciidanka Puntland sida ay ammaanka u sugeen”. loooooool.)

    SAAXIIB WAR GAL AYAAN KUU QABAY LOOOOOOOOOOL EE MAXAA KUGU DHACAY ? MADAXWAYNE FAROOLE INUU AMISOM CODSADAY MIYAADAN OGAYNBA? BAL DADKA SOO WARAYSO. KKKKKKKKK.

    WABILLAAHI TAWFIIQ.
    VIVA PUNTLAND LAAKIIN KA GUDBA WAXA LOO QABO IN PUNTLAND AY JIFO IYO SHAQSI IWM TAHAY EE QOWMIYADO WALAALO AHAA OO BAHOOBAY MEEL AY WADA SAMAYSTEEN WAANA IN WAX QABADKEEDA LAGA WADA SHAQEEYAA TALADEEDUNA AY KA WADA GO’DAA BULSHADA OO IDIL.
    MAHADSANIDIN.

  2. Muwaadin says:

    To Abdalla
    Ma qowlkii rasuulka CSW ayaa ku sheegtay in carabi tiri????. Seeraalayaashii uu Faarax sheegay waa soo badanayaan.
    Af-lagaadaduna waa shey xun marka iska ilaali. Haddaad wax jawaabeyso qoraal soo diyaari oo sidaa wax loo bayaamiyay u bayaami haddii kale iska akhriso iskana dhageyso.
    waa iga talo

  3. caraseedo says:

    Hadalku waa murti iyo madadaalo,iyadiina loo sheeg hadday wax ku qaadanayaan,aniguna waxaan iri indhihii basaasoow puntland ma aragteen,soo booqo.
    Tarsan ninka la yiraahdo magaalada LONDON,ayuu ka qaylin jiray xiligii C/laahi yuusuf, maantana waa duqa magaalada Muqdisho,marka la yaabimayno dadkan meelahaas ka qaylqaylinaaya.
    waxaana u aragnaa sidaas oo kale waa wada xukundoon,laakiin sidee xeego loo xagtaa ilkana u nabadgalaan,nin horay loo nacay oo shacabku nacay!!!!!!!!baa maantay iska dhigaya xalay dhalay,waar ma dhamaan dadkii waxtaxumadooda ka daalay,waxay rabaanna waa wajifiiq,baaba’a puntland.
    Anigu siyaasad shuqul kuma lehi laakiin ma jecli in la carqaladeeyo xukun meel ka dhisan,balse ninkii tabarhayaa waa lasugayaa doorashada soo socota ee ha’isasoo diyaariyo.
    Anigu waxaan tagay puntland waqti aan dheerayn oo cidna ka waydiin maayo layrta nabadeed ee ka jirta puntland.

  4. abdalla says:

    carabi maah maahday oo waxay tiri idaa lam tastaxyi ifcal maa shit !

    kani waa kaas oo kale waa kuwa aayadaha quraanka ku tilmaaman.

    sumun ,bukmun ,cumyun kuwa la yiri wax ma dhaamo waayo hadii uu wax maqlayo ama wax arkaayo ama uu ka dhi karo xaqiiqada sidaa ma ahaadeen .
    marka hanoo sheegin anaga ee ula tag adeerkaa afwaliinjo iyo daanyeerihiisa.

    abdalla.

  5. idaacadayda uun dhegaysta says:

    Maqaalkan ah kayguun baa saxa inata kalena waa qaldan yihiin,sida aan ciwaankiisa u bixinay adeer waa uun inata faroole iyo caruutiisa ku hayaan mujtamicii Puntlaand .Waan nooc ka mida noocyada waalida ah ee asaiibta dadaka.
    magaalooyinka garoowa u mudan, dadkana anigaa u dooroon uun bay iyaba ummada la horjoogaan.
    adiguna waxaad ku soo kordhisay saxaafadu hadaanay ii ahayn baq- baqaaq, dadka waxa qoraana qoraalkayga ayidin waa seeralayaal.
    Puntaland meeday? waxaa laga yabaa dadka inaydaan is fahmin..ninba si buu putland u yaqaan ..Faroole iyo caruutiisu putland waxay u yaqanaan madaxtooyada ..adiguna laga yaabee inaad iyaga xoogay dhaanto sida maqaaalkaaga ka muuqata oo aad u taqaano Garoowe.
    nabadu meeday?adaa og
    dawladii meeday? angaa og oo kama shaqayso dalkii.
    golihii barlamaanku mee?iyagaa is og meeshay jiraan sidan kuma joogaane.. waayo waxay maalin walba ku cawdaan inay ka xun yihiin waxa ka dhacaya Puntalnd.
    shacabkii puntland mee? idnkaa og..inaanay inataa ka badan samri karin,wayna idinla xisaabtamayaan hadayan bilaabeeb kacdoonkii ee u diyaar garooba in cudurka idindaashaday mar laydinka soo rogi doono.
    waxa laydin waydiinayaa waxii ku baxay gacantiina,xagee gaynaysaan hantida?yaa u samaysateen dastuurkan cidka ka yagleelka ah? yaa filysaa in uu u codeeyo? ciidamada aan lahayn titlka dawlada yaa loo sameeyay?
    saw bala diidow adigu ma ogid bela inaad tahay.
    shacbkuna isha kaa buuxsaday hada oo og yahay halka uu wax ka bilaabayo.

  6. asc wr wb
    marka hore waxaa mahad oo dhan leh allah marka xigana waxan aad ugu mahad celinayaa mudane farax oo ah nin somali ah oo puntlander ah oo waliba ah qof saxabil caqli ah waxan marka hore ka raaligalinayaa farax dadka dhimirka ka jirin oo dhahaya faroole bay qarabo yihiin waxan leyahay dadka xanuunsan allaha ha caafiyo qablayadi waa kansar qalbiga ku dhaco alah ha idinka dawooyo runtuna waxa weye nabad adaa ku nool kuguma noola tusale hadan uso qadano dowladi somaliya oo africa iyo calamka canka ka ahayd aaway anaga saa u gal;nay marka nimanka dheh badabaadada puntlan waa burburinta puntland umana dulqadanayno dadkiina nacnac leh wn ognahay doqonimo iyo fikir gaabni bad ku tagayraysan any way farax wad mahadsan haday jiri lahayd kalmad somali ah oo ka fican wn ku oran laha lkn ma garanayo

  7. Wiilkii-Raaska` says:

    Puntland waan jecelnahay, dadkeeda waan jecelnahay, dowladdeeda waan jecelnahay, degaankeeda waan jecelnahay, kuwa xadaaya ma jeclin, kuwa xukuma ma jeclin, kuwa ku xaaraaya ma jeclin, kuwa u xiiraaya ma jeclin. Puntland jaceylka aan u qabno, waxay nagu khasbeysaa inaan tuugada yur iraahno, inaan damac-xumayaasha yur niraahno, inaan aayaheeda u naxno. Dhalinyarooy yaan been leydiin sheegin. Kii qabiil ku jecel nin xil haaya oo tuug ah, aakhiro waxaan ugu duceeney in ay isku meel tagaa. Aduunkana isku meel noloshooda ku dhamaato

  8. mohamud jama says:

    Salaan kadib dadka isku dayaya inay nabadda iyo deganaanshaha puntland ceel dheer ku ridaan waa soo bateen ayaamahan.Waxaan ku tilmaami karaa oo keliyah inay wax ma garato yihiin oo illaawey wixii shaley la soo marey.Xukuumaddan hadda jirta 3 sano ayeey soo jirtey haddii ay wax tabanayaan ma hal sano oo keliya ayeey sugi waayeen markaas oo ay si sharci ah ku beddeli karaan?
    Timir laf baa ku jirta!

  9. MAAMUL YAQAAN says:

    Waa qoraal si xikmadi ku jirto uu Faarax u soo qoray. Aad ayaad ugu mahadsan tahay.

    Hadal lama saarnaado, biyo dhiciisu waxuu yahay qofkii doonaya in uu si sax ah wax u ogaadow adeer PUNTLAND soo booqo.

    Waxa ugu weyn ee aynu wadaagnaa waa ilaalinta PUNTLAND xag walba, qofkii doonaya in uu saxo waxii khalad ah oo jira haddee walaalow dariiqo laa maro ayaa jirta, ee balanteenu ma ahayn in cadow loo soo kaxaysto, ama idaacado iyo tv-yo cadow aan biyo isku rogin loo adeegsado- Taas waan diidnay, mana qaadan karno ee nafta runta u sheeg.

    Waxa PUNTLAND(ILAAHAY HA RAAJIYEE) lagu maagayaa waxay tahay, maxaad dad tashada u naqoteen oo anagaa wax noqon weynaye dowladnimo u samaysatee?

    Iyadoo taas laga duulayo ayaa waxaa la adeegsaday cadow gudaha ah oo loogu magacdaray ISBEDELDOONKA PUNTLAND.

    Bal tixdaan heesta ahna qabso qabso:

    Gumaystaha tashaday, ee noo soo tartamayoow
    uma turnee, nacabka waa tumaatinaa!!!

    Waar hooy armaad nagatagtaan nama taqaaniine,

    Geesiyaal tilmaaman baan tariikh u leenay
    tabta cadowga loo dilaan taariikh u laanahay.

    Qarsoodigii dhamaayee, kay qalooc latahayoow
    anagu quursi diidnay!!!

    HA NOOLATO PUNTLAND
    CADOWGEEDU HA JABO!!

    Maamulyaqaan
    Sweden-Stockholm.

  10. waxgarad says:

    as ww walaal faarax waxaan u malaynayaa in aad tahay nin aan wax ogeyn ama is khaafinaaya wax laga wada hadlo waa dhaaftay puntland oo maahmaah reer bqrigu ku maahmaahaan baa jirta oo la dhaho, waa,beryey sacab lama saari karo.
    marka nin dhalinyara ah baa tahay yaan lagugu baran faroole mustaqbalkaaaga ama hamigaaga iyo cabirkaaga dambe beey wax yeeleysaa is dhawr kani waa beri dhul bay jirtaa waa faroole iyo caruurtiisa hadana xoog ogaal baad tahay oo odagaan australia dhakhaatiirtu waxay dhaheen waad ogtahay marka faaraxoow hana wareerin hana is wareerin

  11. maxamed says:

    xasan wadanka hayna ka burburin dawlada cid wax tareysa weligeen ma aanan arkin puntland adeer nabad baa lagu haystaa iyo horumar ay shacabkeedu sameysteen hooyooyinka iyo ciyaalka isguulka u kalahaaya yaan shido la gelin maxaa lagaa faa’ideyna dagaalkii horey uga dhacay wadanka dad baanu laynay ragna xoogaa bay urursadeen etc. haday ciyaalku banaan kuu jirin kuwayaga dhib ha gelin sxb.

  12. puntlnader says:

    markhaati illaahay waxaan ahay in uu maqaal sharaf leh oqrey ninkaan. kkkkkkkk shimbir wax xigmad leh qor ama iska aamus waa maxay dhaar baaba la soo istaagtay sidii islaan ilmaheedii u dhaaranaysee waa dadkii ninkaani qoraalkiisa uu ku cabiray seeralayaasha inaka ilaasha far baradka dadka waaweyn kkkkkkkkkkkkkk

  13. Faaraxow waan ku aqaan qaraabo ayaad la tahay faroole, ustareeliyana isagaa sponsor kugu geeyey si fiican baan kuu aqaan reer sidney ayaa tahay. intaas kadib faroole isagoo qurba joog ah ayuu shacabka dhiiri gelin jiray oo dagaal iclaamin jiray, markuu dalka kusoo noqdayna Boosaso, qardho ilaa garoowe waa lasoo dhoweeyey oo xumaato lama tusin, isagu hadii uu isku dayo inuu dadka xir-xiro ha ogaado kacdoon shacab ayaa bilaabanaya oo walaahi garoowe caadismad ahaan meyso. ninkan sagaal bilood ayaa u hartay hadii uusan tagin oo waliba isaga iyo caruurtiisa xoolihii ay dhaceen lagu maxkamadeyn Puntland dambe jiri meyso, nin walboow buulkaaga ayey noqon. reer Puntlandoow tashada oo shiweyne isugu taga waa in structure ka Puntlnad ee emergence ahaan loo amaamuday waa in la bedelaa oo hannaan dowladeed loo yeelaa. hadal kamida kii uu faroole idaacadaha ka oran jiray ayaa waxaa kamidaa hadalkan aan quote gareeyey ” shacabka puntlnad waa inay kacaan, diida in lasoo saaro shidaalka beenta ah ee cade muuse uu wado, waana inaydaan canshuurta bixin maadaama dowladan tahay dowlada tuugo ah oo meel walba hay’addo ka kireysatay” faroole ayaa sidaa u hadli jiray marka faaraxooow caga dhigo anaga waan ku naqaan inaad qaraabo la tahay faroole ee dadka beenta ka dhaaaaaaaf. puntland news-24 halkii sanno ee u dambeeyey waad is bedesheen ma madaxtooyada ayaa wararka la idinkaga soo diraa mase waa la idin afgartay plsss waa inaad isbedelka kamid noqotaan.

  14. Waaciye_Boy says:

    To Faarax Warsame. Walaal runtii waxaan doonayaa inaan naqdiyo amase radiyo qoramada aad soo bandhigtey, Faraaxow walaal qofka mucaaradka ah khasab ma aha inuu dalka gudihiisa joogo oo waxaa la socotaa Mucaarad badan oo aduunyada is-badelo siyaasadeed ku sameeyay iney iska-abaabuleen dalka dibbadiisa, hadii aan dib u milicsano, Arab Spring, amase kacdoonkii Carabta ka dhacey marka laga reebo Tunisia, Egypt waxa qeyb-weyn ka ahaa ninki Google u shaqeynayay ee Dubai daganaa halka Libya intooda badani ey ahaayeen qurbajoog, waabad aragtaa Raisal-Wasaaraha cudub ee Libya halka uu ka yimid,aan u soo noqdo Puntland, Madaxweyne Faroole xiligii uu Mucaaradka ahaa waxa uu ku sugnaa Australia isagoo adeegsan jirey Warbaahinta oo waliba dadka ku oran jirey kacdoono sameeya waana mid aad ka heli karto diiwaanka Somalitalk iyo BBC-Somali, Faaraxow waad la socotaa maanta Mucaarad si-xor ah u hadli karaa majoogo haduu jiro waa mid gacan ku gabad ah, midda xigta Faroole ninka si-tooska ah u aflgaadeeyay Xildhibaan Indhabuur miyaa ka xishoonaya inuu ixtiraamo raga ey isku hayaan siyaasada, runtii anigu waxaan qabaa in Mucaaradka laga wado Qurbaha maadama xaalada Puntland ee Nabad-galyo aan la isku haleyn karin oo ey dhici karto shirqoolo dilal ah waana wax ka suurtooba xukuumada hada jirta, marka Faarax taladaadu ma aha (Productive) waana mid u muuqata iney gacan-siineyso Rajiimka hada jira, raali iga ahow balse waxaan doonayaa inaan runta kuu sheego, marar badan ayaan akhriyay qoraalada aad warbaahinta Puntland ku qorto waxaadna soo bandhigtaa aragti kasoo maaxaneysa Taageerayaasha Faroole, balse Faarax xaqiiqda dhabta haka leexan Puntland bad-baado ayay rabtaa dal iyo dibbad ee bal mar-kale ku noqo qoraalkaaga.

Leave a Reply