Paris: Shirweynaha 5aad ee Jaaliyada REER-WAAMO.

September 30, 2012   //   Announcement, Warar Somaali

SHIRWEYNAHA 5 aad EE JAALLIYADA REER-WAAMO EE YURUB.

SH5/JRWY/G-N-9/2012

KU:- DHAMMAAN JAALLIYADA REER-WAAMO MEELKASTA OO DUNIDA  KA JOOGAAN.

KU:- MAXADWEYNAHA CUSUB EE JAMHUURIYADA FEDERAALKA

MUDANE PROF: XASAN SHEEKH MUXAMUUD.

KU: – GUDOOMIYAHA BAARLAMAANKA CUSUB EE JAMHUURIYADA

UJEEDDO:-BAAQ IYO HAMBALYO KA SOO BAXAY SHIRWEYNAHA 5aad  EE JAALLIYADAREER-WAAMO EE YURUB DEGGAN.

Waxaa magaalada PARIS ee dalka Faransiiska lagu qabtay bishan 21-22-23/09/2012.

        Shirweynihii 5aad ee Jaalliyada REER-WAAMO ee deggan Yurub. Shirweynaha waxaa ka

        Soo qayb galay Jaalliyada REER-WAAMO iyo marti sharaf kale ee degan dalka Faransiiska

        iyo Yurub gaar ahaanna dalalka Beljamka, Ingiriiska, Holland iyo Iswiiska.

Shirweynaha 5aad ee REER-WAAMO xubnihii ka soo qayb galay  markii si qoto-dheer oo hufan uga doodeen ajandaha shirka horyaalla waxay soo saareen qodobada hoos ku qoran:-

1.       Xubnaha Shirweynaha ka soo qayb galay : Waxay BAAQ deg deg ah u diraayaan dhammaan dadka REER-WAAMO ee dalka dibadiisa deggan in ay hurdada ka kacaan, una istaagaan  sidii ay uga qayb qaadan la haayeen guud ahaan isbedelka cusub iyo maamulka cusub ee ka socda Soomaaliya, gaar ahaanna Gobolka Jubbada Hoose oo maanta uu ka socdo isbedel siyaasadeed, mid ciidameed, mid maamul iyo mid horumarineedba. Dadka REER-WAAMO waa in aynu is-abaabulnaa, cududeenuna,midaynaa, muruq iyo maalnna ku taageeraan dadkeenna ku dhibaataysan deegaanka WAAMO iyo kuwa maanta barakacaayaba.

2.       Xubnaha Shirweynaha ka soo qayb galay: Waxay ugu baaqayaan Jaalliyadda REER-WAAMO in ay ka qayb galaan abaabulkasta iyo shirarkasta guud ahaan looga hadlaayo arrimaha Soomaaaliya iyo gaar ahaanna kuwa jubbooyinka sida shirarka ka socda dalka Kenya iyo muqdishoba ee la doonaayo in lagu dhiso dowlad Goboleedka Jubba- land state. Dadkii ka qayb geliwaayana waa in ay taageeraan kuwa fursadda u helay in ay ka qayb galaan ayagoo la garab taagan hiil iyo hooba waxay u baahnaadaan. Dadka REER-WAAMOW masraxa siyaasadeed muddo ayaan ka maqnayn in yar oo kooban mooyaanee. Waxaa  loo baahan yahay in aan la amba qaadnno dowladda cusub ee u dhalatay dalkeenna maanta sidii looga qayb geli lahaa maamulada iyo ciidamada loo samaynaayo dowladda maanta jirta.          

Dadka REER-WAAMOW maanta waa maalintii loo istaagi lahaa badbaadinta, xoreynta, taakuleynta iyo mideynta dadkeenna. Waa maalin taariikhi ah oo loo kala harin. Ninkii waayadii hore aan ka qayb qaadanin maanta ayay kuu baahan yihiin dadkaaga iyo deegaankaagaba. Taariikhda qormaysa dhinac ka soo gal. Sida kuwa habeen iyo maalin u soo jeeda wax u qabashada deegaankooda maskax iyo maalnna la garab taagan dadkooda. Dadkaasi waa kuwo la yaqaanno  taariikhda REER-WAAMO  baal dahab ah kaga jira.   

3.       Xubnaha Shirweynaha ka soo qayb galay:  Waxay Hambalyo iyo Taageero buuxda u diraayaan Madaxweynaha Cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliyeed Mudane Prof: Xasan Sheekh Muxammuud iyo Gudoomiyaha Cusub ee Baarlamaanka Soomaaliyeed Mudane Prof: Muxammed Sheekh Cusmaan “ Jawaari “. Waxay Eebbe uga baryaayaan in uu xilkaasi u fududeeyo. Iyagana ay ku maamulaan Ummadda Soomaaliyeed Sinaan, Cadaalad, Wada tashi iyo Maamul wanaag.Xubnaha Shirweynaha ka soo qayb galay: Waxay si gaar ah uga codsanaayaa Madaxweynaha iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka  in ay fiiro gaar ah u yeeshaan xaaladda Gobollada Jubooyinka iyo dadka ku nool oo dhibaato weyn ay ka soo gaartay dagaaladii sokeeye ee socday dhowr iyo labaatankii sanno.

4.       Xubnaha shirweynaha ka soo qayb galay: waxay hambalyo gaar ah u diraayaa Suldaan Xasan Xaaji Cilmi Aw Muxammuud oo  magaalada Nairobi loogu caanno shubay suldaanimada beeshiisa ee REER-WAAMO. Waxaan Alle uga baryeenaa in uu u fududeeyo hawsha ballaaran ee maanta dhabarka loo saaray Suldaanka REER-WAAMO.

Shirweynaha wuxuu isku raacay in la galo abaabul iyo kicin cusub dadka REER-WAAMO meel kasta oo ay joogaan sidii loo mideyn lahaa wax qabadkooda, shirarkooda, cududooda ciidameed iyo uruurinta dhaqaale joogto ah oo wax loogu qabanaayo dadkeenna ku dhibaataysan deegaannada WAAMO.Iyo wax kasta lagu hormarin karo dhinacyada waxbarashada, caafimaadka, beeraha iyo kaluumeysigaba.

Waxay kaloo isku raaceen in laga shaqeeyo mideynta, wax wada qabsiga iyo nabad ku wada noolaanshaha jaalliyadaha wada dega deegaanka Gobolka Jubbada Hoose. Waxayna ugu baaqayaan jaaliyadaha kale ee dega Gobolka Jubbada Hoose wax kasta in laga horumariyo nabadda iyo wada noolaanshaha dadkeenna. 

Shirweynuhu wuxuu ku dhammaaday guul iyo is-afgarad iyo iyadoo lagu ballamay sannadka dambe shirweynaha in lagu qabto dalka Ingiriiska (2013) haddii Alle idmo. 

Wabillaahi Towfiiq.

Cabdi Cali Baajuun “ Cabdi Baajuun”

GUDDOOMIYAHA JAALLIYADA REER-WAAMO EE DALKA FARANSIISKA.

                            Baajuun2000@hotmail.fr

COMMENTS

RSSComments (0)

Leave a Reply