President Obama iyo Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Kulmay

January 18, 2013   //   Warar Somaali

Madaxweynaha USA iyo Madaxweynaha dowlada federaalka Soomaaliya ayaa kulan kooban uu ku dhexmaray Aqalka Cad ee looga arrimiyo dalka Mareykanka, isagoo Obama markii u horeeysay aqalka cad ku qaabilay madaxweyne Somaliyeed.

Kulanka ayuu Xasan Sheekh ku sheegay inuu ahaa mid qiime iyo macne weyn u lahaa umadda Soomiyeed, isagoo si weyn ugu bogaadiyey dowlada Ameerikaanka taageerada iyo aqoonsiga ay siisey dowladiisa.

Dhanka kale Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ka qubeeyey xaruunta CSIS ee magaalada Washington. Isaga oo warbixin ka bixiyey xaaladda guud ee dalka iyo kulankii maanta uu la yeeshay madaxweyne Obama.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa si weyn ugu mahadceliyey dowladda iyo shacabka Mareykanka sida ay u garab taagnaayeen waqtigii ay ummadda Soomaaliyeed ku jirtay dhibaatada daba dheeraatay. Wuxuuna hoosta ka hariiqay in maanta oo ay taariikhdu tahay 17ka bisha January ay tahay maalin taarikh wanaagsan u ah xiriirka dowladda Mareykanka iyo dowladda Soomaaliya.

Goor maanta ah oo sii horeyseyna Madaxweynaha Somalia wuxuu sidoo kale kulan dheer la qaatay Xoghayaha Arrimmaha Dibadda ee Mareykanka Madam Hillary Clinton ay si rasmi ah daboolka uga qaaday in Dowladda Mareykanka ay siisey aqoonsi buuxa Dowladda Soomaaliya.

 

 

 

 

 

 

COMMENTS

RSSComments (1)

Leave a Reply | Trackback URL

  1. cadaala says:

    Waxaan layaaba markuu leeyahay waxaan ku farxayaa aqoonsiga buuxda ee aan ka helay mareykanka ee uu naftiisa been uga sheegayo oo ma mid kabadan dadkii aad kasoojeeday iyo dalkii aad u ahayd oo kusoodoortay oo fadligooda aad kugaartay in aad lakulanto obama iyo heleri kilinton waa umada soomaaliyeed oo xilkaa umataleysid ee hadii aad ahaan lahayd shaqsiqura martabadaa maadan gaadheen ninyahow taa waa in aad ogaataa oo aad umadaada madaxooda heerkaa ku gaadhay ee maahan in aad qiyaali iska dhaadhicisaa.

Leave a Reply