Prime Ministerka Sweden oo La Shiray Guddiga Siyasad Caasimada Stockholm, oo Ku saabsana Misaniyada Dalka Sweden 2013

September 23, 2012   //   Warar Somaali

Prime Ministerka Sweden Mr Fredrik Reinfeldt iyo Wasiirka Waxbarashada
Mr Jan Björklund, Wasiirka Arrimaha Bulshada Göran Hägglund iyo
Wasiirada Maalgelinta Warshadaha Mss Annie Löf.

Waxa halkas uu Prime Ministerka ka jeediyey Sanad Misaaniyadeedkii
Dalka Sweden , oo marka la jeediyo bisha September dabayaaqadeeda.
Prime Ministerka oo takhasuskiisa ah Cilmiga Dhaqaalaha “Economist”
ayaa aad u yaqaan xirfadda xagga dhaqaalaha, marka uu qofka ka
hadlaayo cilmi uu takhasusu u leeyahay , waxaad moodaa macalin cashar
ka dhiibaaya Jaamacad.
Prime Ministerka ayaa ku bilaabay khudbadiisa in ay Dowlada Sweden
tahay Dowlad aad ugu guleysatay in ay dhaqaalaha ama misaaniyada Dalka
Sweden aay xasiliso, iyada aysan jrin wal wal weyn oo cabsi xagga
dhaqaalaha ah, iyada oo aan wada ogsoonahay dhibaatada dhaqaale xumo
ee ka jirta Europe, taas oo aysan saameyn ama khal khal aan laga
dareemin dalkeena, taas waxa la oran karaa , dowlada hadda ka talisa
dalka oo ah mid xilkas ah oo dejisay istaraateijad xagga misaaniyada
ah iyo mid xagga dhaqaalaha ah oo lagu guleystay. Sweden waxay noqon
kartaa Dalka ugu dhaqaalaha wanaagsan Europe.


Sannad soo socda waxa xooga la saaray oo muhimada la siiyey meelaha ay
ka mid yihiin:

1-  Horumarina, dhisidda iyo dayactirka jiddaka tariina
(Infarstructure) ee isku xira dalka oo loo qorsheeyey 1.5 Milyarder.
Iskuxirka dalka waa muhim sidaas darteed waxaa lagama maarmaan ah in
la hagaajyo , iyada oo weliba laga faaideysanaayo teknolojiyada cusub
, la horumariyo waddooyinka tariinada, si tariinada xowligooda
dheeraaya ee X 2000 , loo sahlo wadooyin cusub oo casri ah si ay
dhaqso ugu tagaan meel kasta oo dalka ka mid ah.
Tusaale ahaan Waqooyiga Sweden waxa iminka la dar dar geliyay ,
shirkadaha baara Macdanta, taas oo ay 4000 in lagu qiyaasay oo shaqo
ah ay doonayaan kampaniyada ka qoda macdanaha Waqooyiga dalka, taas
waxay keyneysaa in isgaarsiintiina iyo waddoyinkii tariimada la sii
casriyeeyo

2- Misaaniyada loogu tala galay dhalinyarada  waa 2, 2 Milyard : Waxa
jira dhalinyaro aan dhameysan shahaadada dugsiyada sare, kuwaas oo u
baahan iyaga qudhooda in ay soo galaan suuqa shaqada, marka wax loogu
tala galay lacag gaareysa 2; 2 Milyard, taas oo ah in lagu baro
xirfado aqooneed si ay u soo galaan suuqa shaqada.

3-  1; 7 Milyard waxa loogu talo galay Cilmi baaris, taas oo la wada
ogyahay in Sweden ay ku jirto waddamada reer Europe ee ku horeeya
Cilmi baarista, taas waxaa u markhaati ah waxyabaha cusub ay Sweden ku
soo kordhisay aduunka, ha noqoto Dawooyinka ama teknolojiyadaba, waa
in aan xowli ku wadnaa cilmi baarista la jirta dalka, lana dhiira
geliyaa

4- 1; 5 Milyard ayaa loogu tala galay horumarinta iyo wanaajinta
haýaddaha garsoorka, iyada oo la doonayo in si aad u horumarsan ay u
shaqeeyaan haýadaha garsoorka iyo caddaalada, iyada oo aan ku
kalsoonahay ay haýaddahaas ay qabteen shaqo wanaagsan oo
dambiilayaasha abaabulan si aad ah ay u horkeeneen caddalada, oo la
mariyey ciqaabtii ay muteysteen. Waxa jira maanta in dabiilayaasha ay
dhici karto in laga hogaamiyo dalka dibaddiisa , marka waa in ay shaqo
buuxda ka dhexeysaa Haýaddaha garsoorka ee Sweden iyo kuwa dalalka
Europe

5- 7;6 Milyarder oo laga dhimay cashuurtii Shirkadaha, taas micnaheeda
waa in loo fududeeyo Shirkadaha in aay Maalgeshi ku sameystaan Sweden,
 taas oo horseedeysa in ay abuuranto shaqo fara badan, oo dan u ah
Dalka iyo Dadweynahaba

Wasiirka Waxbarashada Mr Jan Björklund ayaa tilmaamay ahmiyada ay u
leedahay dhalinyarada waxbarashada iyo in loo fududeeyo dhalinyarada
jecel xirfadaha in ay bartaan xirfada ay doonayaan, taas oo u sahleysa
in ay yeeshaan mustaqbal fiican.

Waxa halkaas ka hadlay oo kale Wasiirka Arrimaha Bulshada Mr Göran
Hägglund  oo tilmaamay in lacagtii la siinayay waalidiinta marka ay
caruur u dhashaan inta uu shaqada ka fadhiyo “Föräldrapenning” la
kordhiyey qiyaastii 25 %, taas oo loo la danleeyahay in lagu hagaajiyo
nolosha waalidkaan caruurta u dhasheen. Xataa waxa laga dhimay
cashuurtii dadka wayeelka ah ee howlgabka ah,  dadkaas oo ah kuwii
dalka soo dhisay waxay mudan yihiin in la hagaajiyo dakhligooda.
Waxa kale oo meeshaas hadal gaaban jeedisay Wasiirada maalgelinta
shirkadaha Mss Annie Löf, oo aad u amaantay Cashuurta laga dhimay
Shirkadaha dalka, taas oo ay ku sheegtay in ay sahli karto in Dalka
Sweden ay maalgelin ku sameystaan Shirkado Ajaanib ah, oo
islamarahaantaasna shaqo abuuri karta ayay tiri. Waxay kale oo ku nuux
nuuxsatay in Waddoonyinka la horumarinaayo ay aad wax tar u tahay
dadka deggen tuulooyinka fog fog, taas oo sahleysa hadii ay meelaha ay
ka shaqeeyaanka fog tahay, in  si fudud u imaan karaan shaqadooda.

Kahin Enow oo xubin joogta ah ka ah Guddiga Siyaasiyiinta Caasimada
Stockholm ayaa weydiiyey Wasiirka Waxbashada, in ay ku adag tahay
Ardeyda ka timaada Afrika ama Asia, in ay iska bixiyaan Lacagta
Khidmada ee laga saaray ardeydaas marka ay jaamacad u soo raadsadaan
Sweden, iyada oo ay waayadii hore ay u ahayd bilaash “Lacag laáan” in
ay dhigtaan Jaamacadaha dalkaan Sweden. Kahin waxa uu intaas ku
siiday, in Aqoonyahan-ka La oran jiray Albert Einstein. uu ku ahaa
Qaxooti  dalka USA, isaga oo ka soo qaxay dalka Germany , Nikaas oo
lahaa fikradii ka dambeysay sameynta Atom bomb-ka. Marka u fududeeya
Dadka ajaanibta ah Jaamacadaha oo (Fee) lacagta laga bilabay in laga
qaado, ma laga deyn karaa , ayuu weydiiyey.

Wasiirka Waxbarashada ayaa ku jawaabay, muddo aad u dheer ayuu dalka
Sweden waxbarasho lacag laáan ah siin  jiray ardeyda ka timaada dunida
kale. Lakiin hadda waad aragtaa USA iyo Europe-ta kaleba lacag ayay ka
dhigeen jaamacadahoodii, marka annaga qudheena mar dhow ayaan
bilaabnay in aan lacag looga dhigo ardeyda ka timaada dunida kale ,
taas wax laga qaban karo ma jraan. Lakiin teeda kale waxa jira
Schoolarship. la siiyo ardeyda aad ka hadleysid Kahin. ayuu ku soo
gaba gabeeyey hadalkiisii.

Halkaas ay ku gaba gabowday Casho sharaf si heer sare ah loo soo agaasimay

Sweden / Stockholm

COMMENTS

RSSComments (5)

Leave a Reply | Trackback URL

  1. Mr Kahin Enow aqoontiisa sweden iyo shaqadiisa ka sakoow waa nin warbixintiisa usoo diyaariya sida weriyeyaasha caalamiga ee jaraa’idka qoro qoraal iyo muuqaalo wada socda iyo weliba sawirka qofka warbixinta ama warka na siinaya waa ilbaxnimo saxafi long life mr kahin

  2. Somali Pure Man says:

    Gacaliye Iyo Masha Alaah .. Stop your bad jealousy mentality. Joojiya Maseerkiina Caatada ha masakiin yahay, Kahin is also Top politician,Swidish top Politicians ´re his colleagues. Maxaad ka taqaanaan masaakiin yahay ilkaha dhaadheer,

    Saxiib Kahin , kuwaan sidii Naagihii ka Maseeraaya ha u joojin.

    Kahin waa Nin ka dhex muuqda Siyasada Dalka Sweden, oo ay gaarsiisay Aqoontiisa, Orda oo School (skool)Qalin iyo Buug Qaata.

    Mr. Kahin waa Madaxda Gooáamisa Cayrta aad Qaadataan (Your Social Welfare), oroda oo Mantagiina meesha cal worker.

    Dr. Kahin waxad tahay Nin la tartamaya Dunida Horumartay, saxiib halkaas ka sii wad, Kuwaan Nolosha Ka dhacay ha u joojin.

    I realyy very happy for u’re progress

  3. Somali Pure Man says:

    Gacaliye Iyo Masha Alaah .. Stop your bad jealousy mentality. Joojiya Maseerkiina Caatada ha masakiin yahay, Kahin is also Top politician,Swidish top Politicians ´re his colleagues. Maxaad ka taqaanaan masaakiin yahay ilkaha dhaadheer,

    Saxiib Kahin , kuwaan sidii Naagihii ka Maseeraaya ha u joojin.

    Kahin waa Nin ka dhex muuqda Siyasada Dalka Sweden, oo ay gaarsiisay Aqoontiisa, Orda oo School (skool)Qalin iyo Buug Qaat.

    Mr. Kahin waa Madaxda Gooáamisa Cayrta aad Qaatadaan (Your Social Welfare), oroda oo Mantagiina meesha cal worker.

    Dr. Kahin waxad tahay Nin la tartamaya Dunida Horumartay, saxiib halkaas ka sii wad, Kuwaan Nolosha Ka dhacay ha u joojin.

    I realyy very happy for u’re progress

  4. Gacaliye. says:

    Wixii nin xil mooda nin xarago moodaa, as we say in Somali!
    Are you not ashamed of yourself Mr.Kahin, by always hunting to have a photo with top Swedish politicians? Just wondering!

  5. masha allah says:

    Meeshan horta ma kaahin Eenow baa lagu xayaysiiyaa? muu sawiradiisa facebook giisa soo gashto webkan waa web warar oo umada dhan u adeegee? yaabka yaabkiis lool

Leave a Reply