Qardho: Prof. Gaas ayaa xalay ka qeybgalay kulan ka dhacay Jaamacadda Bariga Afrika faraca Qardho [sawiro]
October 29, 2012 // Warar SomaaliQardho: Xildhibaan Prof. Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa xalay kaqeybgalay Kulan ka dhacay Jaamacadda Bariga Afrika faraceeda Qardho, isagoo raisulwasaarihii hore Qardho ku sugan maalinkii 4aad oo xiriir ah.
Waxaa habeenimadii xalay Jaamacadda Bariga Afrika faraceeda magaalada Qardho lagu qabtay kulan balaaran oo ay ka sooqeybgaleen Ra’iisal wasaarihii hore Somaliya Xildhibaan Prof. Cabdiwali Maxamed Cali Gaas,maamulka Degmada Qardho,Maamulha Jaamacadda Bariga Afrika Qardho, Ardayda wax ka barata Jaamacadda iyo marti sharaf kale oo aad u farabadan.

Xafladaani oo aheyd mid lagu soo dhaweenayo Booqashada uu Qardho ku joogo Ra’iisal wasarihii hore Prof. Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa waxaa laga soo jeediyey khudbado kala duwan kuwaasi oo ku aadan hormarinta dhaqaalaha dalka iyo sidii loogu faa’ideysanlahaa kheyraadka ka buuxo dalka,taasina waxaa intabadan khudbadii gundhig ay ugu dhigeen in waxla barto.

Maamulaha Jaamacadda Bariga Afrika faraceeda Qardho Al-ustaas Cali Maxamed Cali oo ugu horeyntii furay Xafladaani aya aka hadalay sida maamulka Jaamacadda uu ugu dhabar adeegay sidii ay u soconlaheyd wax barashada heerka jaamacadeed,waxa uu sheegay in ay soo dhaweenayaan Ra’iisal wasaarihii hore Booqashada uu ku joogo magaalada Qardho,waxa ayna ardayda iyo maamulka ay aad ula dhaceen Booqashada Taariikhiga ah ee Prof. Cabdiwali Gaas ku maraya Qardho,waxa uu maamulka sheegay in ay jireen Ballan qaadyo horey uu u sameeyey intii uu xilka Ra’iisal wasaaraha hayey Prof.Cabdiwali Gaas walina laga sugaayo waxqabadkii uu balanqaaday.
C/qaadir Yasiin Maxamed oo ka mid ah Masuuliyiinta Jaamacadda bariga Afrika faraceeda Qardho ayaa sheegay in dadka ku nool magaalada Qardho aysan necbeen Prof. Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayna u hayaan kalsooni aad u weyn,taas oo keentay in magaalada Qardho loogu so dhaweeyo si maqaam iyo maamuus sare leh.

Duqa Degmada Qardho Maxamed Siciid Ciise oo ka haladay Xafladaani ayaa sheegay in magaalada Qardho ay tahay goob tacliimeed tasina ay kuumuujineyso ardayda Caawa halkan isuguyimid oo dhigay xafladaan qiimaha badan,waxa uu sheegay inay mudanyihiin walina ay dhowrayaan waxqabadaka Prof. Cabdiwali Maxamed Cali Gaas,sidoo kale gudoomiyaha ayaa sheegay in caawa uu aad ugufaraxsan yahay in ardaydii Jaamacadda ay ka qeybgalayaan soo dhaweynta Prof Cabdiwali Gaas waxa uuna u rajeeyeyin ay dadaalkooda halkaasi ka siiwadaan. Ugu danbeyntii Ra’iisal wasaarihii hore Somaliya Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa soo jeediyey Khudbad taariikhi ah oo ay la dhaceen dhamaan dadkii ka soo qeybgalay xafladii xalay ka dhacday xarunta Jaamacadda Bariga Afrika faraceeda Qardho,waxa uu ka hadlay sida lagama maarmaanka ay tahay in kor loo qaado dhaqaalaha dalka,laguna dadaalo wax soo saarka kheyraadka dabiiciga ah uu leeyahay dalka somaliya.
Prof. Cabdiwali Gaas ayaasoo qaatay tusaalooyin kala duwan kuwaasi oo keeni karo hormarinta kobaca dhaqalaha Dalka si umadda somaliyeed ay u noqdaan dad soo saari karo abuurikarana dhaqaalo badan,waxa uuna taasi sheegay in la heli karo hadii lahelo waxbarasho sare,waxa uu xusay in uu aad u taageerayo in lahelo goobo wax barasho lagu barto xirfadaha kala duwan taas oo sheegay in dalal badan ay ku hormareen arintaasi.

Ugu danbeyntii Prof.Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in waqtigiisa dhow kandhexe iyo kan danbe uu kashaqeyndoono sidii uu hormarinlahaa Caafimaadka waxbarashda taasina waxa uu sheegay in uu doonayo in uu dhiso hey’ad kashaqeyso arimahaas oo wax badan qabata.

Waxa uu khudbadiisa ku sheegay in uu gacansiin doono Jaamacadda Bariga Afrika kuna dadaali doono sidii loo hormarinlahaa goobaha waxbarashda iyo Jaamacaddaha si loohelo arday leh aqoon aad u heersareyso oo ka qeybgali kara hormarinta dalka.
Xafladaani oo ay ka hadaleen masuuliyiin kala duwan ayaa dadkii ka soo qeyb galay waxa ay Ra’iisal wasaarihii Hore somaliya Prof.Cabdiwali Maxamed Cali gaas weydiiyeen Su’aalooyin kala duwan waxa uuna ugu jawaabay si waafi.

Xafladaani ayaa waxaa soo agaasimay maamulka iyo Ardayda Jaamacadda Bariga Afrika faraceeda magaalada Qardho waxa ayna ku soo dhamaatay Jawi aad u heersareeyo.
Puntland News-24
Qardho. Puntland
















Ninka Run sheeg la baxayoow,Qardho iyo DR:Gaas Xididnimo keliya kama dhaxaayso,Mana tihin Qof Caq
reer qardho waa dad sharaf leh oo ku fiican xaga waxbarashada sifiican bey usoo dhaweeyeen dr gaas gaas waa nin dagan oo waxbartey oo jecel dhulkiisa puntland soo dhawoow dr gaas dadka muqdisho kunool abaal malaha markuu gacan qabtey thank you xataa ma dhihin dhib maleh dadkiisa ayuu uyimid dr gaas sifiican ayaa loo soo dhaweeeyey meel walbo uu tagay guul puntland midnimada puntland waa muqadis
Ninkii shalay laga sheegay inuu yiri yaan baabuurtu qardho istaagin makuu boosaaso ka yimaado oo ku celceliyey meeshaan lama istaago shaahna lagama cabbo ee garoowe ina gaarsiiya maxay tahay maanta danta qardho ka soo gashay !!!
Reer qardhood waxaan idku ogaa dad caqli badan ee maxay arrintaasi idinla tahay aniga waxay ila tahay cuna qabataynta uu ku hayo faroole magaalada qardho inuu ka dhaadhiciyey madaxda oo dhan inaan magaalada shaah loo istaagin wax loo qabto is daaye.
Waw eshcala xidid iga dheh rer qardhood qodhay iyo xeraday wax lala xididad istahishan. Wa in an qardho iska xadiriya
asc cabdiwali gaas waxan u arka booqashada jaamacada waa mid ceeb ku ah madama uu kaso bixi wayay balanti uu u qaday jamacada inu dhisaayo manta isago aan waxba u qaban waa wax laga xumaado mana mudnen in jaamacada lagu casumo reer qardhood waxan uga digaaya shaqsiga noocas ah inusan wax taagero ah la siin somalida waxay oodu siday isu xigtay isu xogda dadkina iyo madaxdiina sharaf waliba raga wax qabadka leh oo aqoonyahanada ah
waaaaw masha aaalh si wanaag san ayaa reer qardhood u soo dhaweeyeen sedigood waa dad wax garad ah aniba saas si ku dhoow waa la isoo dhaweeye mar an fasax ku tagay iyo weliba aqal gal wanaag san mashaa alaah abti geey A/weli gaas naa waa ku farax sanahay sidaa loo so dhaweeye abti aniga oo matalaya reer puntland oo dhan gaar ahan si gaara u matalaya 3 gobal garoowe galkacyo iyo Qardho cadey waxan ku leyahay u welcom
Waxaa hoggaamiye ah ninka ay dadku u arkaan in uu hoggaamiye yahay, ee maahan midka isu arka isagu in uu hoggaamiye yahay. Sidaan si lamid ah ayay siyaasiyiintii Qardhood u soo dhoweeyeen Cabdullaahi Yuusuf, markuu xilka qabtey waa uu isku kaadshey. Sidaan si lamid ah aa dadweynihii Qardhood ay u soo dhoweeyeen Cadde Muuse, waa isku matagey. Sidaan si lamid ah aa odeyaashii Qardhood ay u soo dhoweeyeen Farlle, aa isku xaarey. Inkastoo aanan la saadaalin karin wuxuu noqon doono, misana aa ka aqoon sareeya odeyaasha, aa ka xiriir sareeyaa odeyaasha, aa ka hadal qurxoon yahay odeyaasha. Innagoo intaas wax ku qiimeeneyna waxaan leenahay Vivo Cabdiweli.
WAA XAFLAD TAARIIKHI AH, QARDHO NA WAA MAGAALO AAD UGU HORUMARTAY WAX BARASHADA WAXANA DEGEN DAD WAXBARASHADA JECEL, WAXAN U RAJEYNAYA IN HALAA KA SII WADAAN