Prof. Cabdiweli Gaas oo maanta dalka dib ugu soo laabtay (Sawiro)

September 3, 2012   //   Warar Somaali

Muqdisho, September, 03, 2012—– Ra’iisul Wasaaraha Waqrigiisu sii dhamaanaayo  Dr Abdiweli Mohamed Ali ayaa maanta dib ugu soo laabtay Caasimadda dalka ee Muqdisho ka dib markii uu Adis Ababa kaga soo qeybgalay Aaskii Ra’iisul Wasaarihii hore ee Ethiopia Meles Zenawi.

Waxaana garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ku soo dhaweeyay Xubno ka tirsan Golaha Wasiiradda, Xildhibaano, Saraakiil iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Prof. Cabdiweli ayaa warbaahinta kula hadlay, Isagoona ka warbixiyay Safarkiisii Ethiopia.

“Marka ugu horeyso waxaan aad igu faraxasanahay inaan ku soo laabto dalka, Waxaana sida aad la socotaan ka qeybgalney aaskii qaran ee Ra’iisul Wasaarihii hore Ethiopia Meles Zanawi”.

Wuxuuna intaasi ku daray in wadanka Ethiopia ay tahay dowladda aan saaxiibnahay oo aan deris nahay oo aan aad u wada shaqeyno islamarkaana nagala shaqeeya xasilinta iyo xoreynta dalka Soomaaliya.

Ugu dameyntii Prof.Gaas ayaa sheegay in dowladda Ethiopia ay muhiim u tahay gedi socodka nabadda ee Soomaaliya islamarkaana tilmaamay inta ay ku sugnaayeen Adis Ababa ay kulamo la qaateen mas’uul sare oo ka kala socota Caalamka kana wada hadleen arrimaha Soomaaliya iyo meesha ay mareyso gedi socodka nabadda.

 

 

 

 

 

 

COMMENTS

RSSComments (0)

Leave a Reply