Prof. Gaas oo ku wajahan magaalada Gaalkacayo

November 1, 2012   //   Warar Somaali

R/wasaarihii hore ee Somalia haatana ah Xildhibaan ka tirsan dowlada Somalia Abdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa wararka laga helayo kaamkiisa sheegayaan inuu  dib ugu noqon doono magaalda Gaalkacyo, kadib markii sida la sheegayo booqashadiisii ku soo dhamaatay guul.

Xildhibaan Gaas ayaa safaradiisa waxaa ka mid ahaa in uu ogaado  xaaladaha ay ku sugan yihiin shacabka Puntland isagoo sheegay inuu si weyn ugu kuur geli doono xaalada Puntland ka jirta.

Xildhibaan Gaas ayaa intii uu ku sugnaa magaalada Boosaaso kulamo kula qaatay qaybaha ay bulshadu ka kooban tahay in kastoo waxyaabihii ay kawada hadleen aan loosoo gudbin warbaahinta laakiin uu markasta iyo meelkasta uu tago kala hadlaayey in ay ilaaliyaan midnimadooda meelna looga soo wada jeesto horo marinta Puntland.

Prof. Gaas ayaa maanta lagu wadaa inuu ka ambabixi magaalada Boosaaso isagoo ku sii jeeda Magaalada gaalakacayo laakiin uu caawa kusii nasan doono Magaalada qardho.

Wixii soo kordha isha ku hay Puntlandnews

 

COMMENTS

RSSComments (5)

Leave a Reply | Trackback URL

  1. LIBAAX MUDUG says:

    horta hadaan nahay reer gaalkacyo way noo cadaatay ninka ay dadku u yaqaanin faroole laakiin aan anigu ugu yeero futoole wixii lagu xamanayey ee ahayd in uu mar isku dayey inuu gaalkacyo dagaal ka qarxiyo marna uu doorashadii xamar ku qash qashaaday mr gaas HORAA LOOYIRI AMA AFEEF HORE YEELO AMA ADKAYSI DAMBE walee puntland gaashaandhigoodi dhafoorqiiq gaalkacyo ayey fadhiyaan waana meeshii aad ku dhiman lahad hadaad ragii puntland dhisay aad isku taagtay WAR JIRAABA CCAKAARU IMAAN

  2. faarax says:

    gaas ku soo dhawoow magaalada qardho dhulkaaga ayaa joogtaa adiga iyo awfaroole waa usiman tihiin puntland maanta hadey doorasho wada galaan dr gaas iyo aw faroole aw faroole waa laga badinayaa shacabka awfaroole sidii hore kuma ah meeshaan xoog masoconayo puntland uma rabno dad xukun jeceyl ah yaa xukunka la is ku dhajinin kii ugu horeeyey ayaa laga diiday inuu iska heysto meesha aduunka waa is badalay kaligii talis waqtigiisa waa dhamaaday puntland waxaan urajeynayaa guul

  3. ali says:

    wiil qardhoo maxaad isku halayn sow sidaadii cararimaysid rer barina ku baray oo maanta way garaadsadeen oo marku raacayaan maxaa yeelay wad ogayd waxaad samaysay mar kula soo dagaalameen ee melahaaga qayli kolow qori ridimaysid in aad wax fufisid mahane

  4. cilmi says:

    GAAS waan soo dhawaynaynaa hadii uu amarka dowlada uhogaansamay hadii uu damac ku jiro xisbi hafurto oo ka midnoqdo dad ka xisbiyada furanaaya oo faroole latartamaaya

  5. asc dr gaas ku soo dhawow homkaga qardhood iyo soo dhaweyn balaran gaas maskaxda ku daji ku nasoo qardho puntland waad aragtay siyasada xun oo ka tagay gaas afkaga halaga maqlo madaxweyne ayaan usharanaxahay gobolka karar inad cod ka heshoo waa diyaar

Leave a Reply