Prof. Jawaari Gudoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka 4-sano ee soo socota
August 28, 2012 // Warar SomaaliWaxaa goordhaw shaaciyay in uu tanaasulay Prof Cali Khaliif Galeyr oo isagu kusoo haray Wareega labaad waxa uuna sheegay in uu go’aansaday in uu tanaasulo uuna u hambalyeeyo Gudoomiyaha Cusub Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.
Prof Cali Khaliif Galeyr ayaana sheegay in uu jecleestay in uusan waqtiga sii lumin uuna u tanaasulo Saaxiibkiis Prof Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.
Waxaana hada si rasmi ah Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya u noqday Prof Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari halkaasna loogu soo dhaweeyay farxad iyo sacab fara badan.
Gudoomiyaha KMG ee Baarlamaanka ayaana sheegay in uu ku guuleestay Prof Jawaari Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya waxii xiligan ka dambeeyana uu yahay Gudoomiyaha Rasmiga ee Baarlamanaka Soomaaliya.
Prof Jawarai oo isna goordhaw hadlay ayaa aad ugu hambalyeeyay Musharixiintii kale ee la tartamay gara ahaan Cali Khaliif Galeyr ,waxa uuna Gudoomiyaha KMG Ka codsaday in Shaqada ay sii wadaan gara ahaan doorashada labada Gudoomiye ku xigeen.



Masha’alah waa guul aya gartay umada somaliyeed ninkan waa aqoonyahan dacad ah horan an waxa musumasaq ah galin ilaahay hala garb qabto xilka u qaday hakan dhigo ki somali waxa kabedela amin amin
Hanbalyo baan leenahay hogaanka cusub mar hadii qabqablihii galeyr ahaa afka ciida loodaray