Prof. Maxamed Jamac oo caafimaadka iyo ganacsiga beeyada kala hadley jaaliyadda Denmark(Sawiro)
January 31, 2013 // Warar SomaaliWaxaa magaalada Copenhagen ee Denmark booqasho ku yimid Prof. Mahamed Jamac Salaad. Intuu joogay wuxuu la kulmay jaaliyadda Puntland ee ku nool Denmark.
Kulankaas ayuu Prof. Salaad soo jeediyay warbixin dheer iyo xogwarran ku saabsan xaalad-caafimaadka guud ee dowladda Puntland ee Somaliya. Sida ay markii hore ahayd iyo isbaddalka ku dhacay. Wuxuu xusay halka iyo sida uu u bilaabay hawlahiisa. Prof. Jamac ayaa tusaale u soo qaatay sida uu markii hore ku sugnaa isbitaalka Gaalkacyo iyo sida uu maanta yahay, isagoo gobollada Soomaaliya looga kala yimaado.
Dhinaca kale, wuxuu Prof. Salaad ka hadlay waxtarka caafimaad ee ay beeyadu leedahay iyo sida ay Puntland ugu badan tahay.
Ugu dambaystii, wuxuu jaaliyadda ku boorriyay inay kaalin wax ku ool ah ka qaataan horumarinta Puntlan.
Puntlandnews24









mashaa allaah