PSCEDO oo looga dhawaaqey magaalada London
January 14, 2013 // Sports, Warar SomaaliBahda isboortiga reer Puntland ee degan magaalada London oo shir uga socdey magaalada London bilihii la soo dhaafey ayaa ugu dambeyntii ku dhawaaqey urur ay ku mideysan yihiin oo la yiraahdo ”PSCEDO” PUNTLAND SPORTS CULTURE AND EDUCATION DEVOLOPMENT ORGANISATION ”PSCEDO”.
Ururkan cusub ayay ku sheegeen in ujeedada loo sameeyay ay tahey sidii ay dadka Soomaaliyeed ee degan gobaladaas ugu caawin lahaayeen isboortiga, dhaqanka, waxbarashada iyo horumarinta arimaha bulshada.
Waxaa Gudoomiye loogu doortey inuu hogaamiye ururkaan ciyaaryahan horekubadda koleyga kooxihii heerka koowaad u soo dheeli jirey islamarkaana sumcad wanaagsan ku dhex leh bulshada isboortiga Soomaaliyeed mudane Bashiir Gurey, halka ku xigeena loogu doortey ciyaaryahankii weynaa ee kooxda WAGAD ”FIAT” Cabdikariin Cabdulle Shiidle ” Black” xubnaha kale ee maamulka ku jira waxay kale yihiin sidatan:
Afhayeenka PSCEDO Bashiir Jilibeey, Xoghaye Guud Garsoore Daa’uud Garweyne, lataliyaha gudoomiyaha Axmed Ciiro. Maaliyada iyo Qasnaji Marwo Yurub Yusuf, Muxubo Saalax iyo Ubax Yusuf, Gudiga Farsamada Mustafe Fareey iyo Maxamed Handball.
Mudane Mustafe Fareey oo ka mid ah maamulka ururka PSCESDO ayaa iisheegay inay u istageen inay dadkooda wax u qabtaan marka hore kadibna ay la xisaabtamaan xiriirada iyo Olambikada Soomaaliya, kuwaasoo todobaadkii tagey maamul aan Soomaali dhan ka dhex muuqan oo lagu sheegay inuu yahey Isboortigii Qaranka ku soo dhistey hotel Jaziira magaalada Muqdisho.
Waxaana rajeynaynaa ayuu dhahey inaan gobaladaan gacan ka siino sidii isboortigooda loo soo dhisi lahaa madaama aysan jirin cid u maqan oo waxay xaqa kaga leeyihiin maamulada isboortiga jira aysan jirin, islamarkaana wixii xaqa uga lahaayeen hadii ay maamul iyo horumarinba ay waayeen.




Hello there
Support and advise Puntland to overcome its present crisis.
W.KH.